|
Sh.Aadan X. Maxamuud Xirsi(Sh.
Aadan Siiro)
Sh. Aadan X. Maxamed Xirsi (Sh.
Aadan Siiro) wuxuu ka mid yahay culimada u tafaxaydan inay had
iyo goor ku baraarujiyaan umadda diintooda, dariiqa saxda ahna
ay tusaan, isagoo sheekhu ka mid ahaa culimadii ay waxdadii
dhallinyarada Islaamku soo barbaarisay kuna jiray hormoodkii
waxdada isagoo kutubta siirada ka akhriyi jiray Masaajidada
magaalada Hargaysa, waana halka uu kula baxay Sh. Aadan
Siiro.Sheekhu hadda wuxuu ku nool yahay magaalada Hargaysa waana
culimada fara ku tiriska ah ee sida dhiirran dadka ugu soo
bandhiga jidka toosan iyo hilimada ay umaddu ku badbaadayso
adduun iyo aakharadeedaba.
Halkan ka dhagayso Taariikh
nololeedkii afartii Khulafaa'u Raashidiin, hooyooyinkii
mu'miniinta qaarkood iyo gabdhihii uu Nabigeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu dhalay, iyo qaar ka mid ah
asxaabtii Rasuulkeenna (nnEka). Waxaana innoo qaadaa dhigi doona
Sh. Aadan X. Maxamed Xirsi (Sh. Aadan Siiro).....sii
akhri |