|
بسم
الله الرحمن الرحيم
Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidh:- "
Waydiiya kuwa aqoonta leh
(culimada)
haddaydaan wax garanaynin" Qayb ka mid ah aayadda
43aad ee Suuradda Al-Naxli iyo qayb ka mid ah aayadda 7aad ee
Suuradda Al-Anbiyaa
Qaybtan Fatwooyinku waxay ka kooban tahay laba
qaybood oo kala ah qayb uu qofku su'aal diini ah noo soo waydiin
karo, si ay culimada aqoonta u lihi uga soo jawaabaan, taasoo uu
qofku nagala soo xidhiidhi karo E-mailka ah:-
Markaa qofkii doonaya ama u baahan in loo
Fatwoodo arrin diini ah hana soo waydiiyo si aanu culimada aqoonta u
leh jawaabta uga soo qaadno. Fatwooyinkaasna waxaan u soo qori
doonaa kolba sida ay noogu kala horeeyaan, labadii wiig ama bishiiba
kolba sida ay baahidu tahay, markaas oo aanu kolba cusboonaysiin
doonno, haddii Eebbe idmana bogga ayaanu ku soo qori doona, in
magaca qofka aanu soo qornana waxay ku xidhnaan doontaa
oggolaanshaha qofka, iyadoo marka dambena aannu buug iskugu ururin
doonno haddii Eebbe Idmo.Markaa akhristow su'aalahaaga ayaannu
sugaynaa.
Qaybta kalana waxaan kuu soo qaadi
doonaa kutubta ka hadlaysa Fatwooyinka diiniga ah kolba intii
Eebbaha awoodda lihi inoo oggolaado, kutubtaasna waxaa ka mid ah:-

Fatwooyinka Casriga
cusub Kitaabkan
waxaa qoray Caalimka casriga cimrigiisa Ilaahay ha
dheereeyee Dr. Sh. Yuusuf Alqardaawi, kitaabkanna waxaa lagu
turjumay luqooyin badan si ay dadka Muslimiinta ahi u helaan
faa'iidada balaadhan ee uu xambaarsan yahay, Ilaahay Sheekha
miisaankiisa xasanaadka ha ugu daro innagana faa'iidadiisa
ha inna garansiiyo.
<<akhriso kitaabka>>
|
Qu
ran Sear © Copyright since 2004, Hilinkatoosan. All Rights Reserved. |