
|
Nabi Idriis naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye |
|
Qisadii Nabi Idriis naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-"Kuna xus kitaabka (Nabi) Idriis, wuxuu ahaa run badane Nabi ahe(56), waxaanan u kor yeellay meel sare(57)" Suuradda Maryam Ayadaha 56---57aad.Markaa Idriis naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Ilaahay wuu ammaanay waxaanu ku tilmaamay Nabinimo iyo runsheegnimo, waana Khunuukh oo sida ay sheegaan culimada nasabka raad raacdaa noqonaya tiirka kore ee ay abtirsiinta Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ay gasho, waana Nabigii ugu horreeyay ee caruur Nabi Aadan la siiyay Nabinimo kaddib Nabi Adan iyo wiilkiisii Shiith naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda haataye. Ibnu Isxaaq wuxuu yidhi waa qofkii ugu horreeyay ee qalinka wax ku qora, wuxuuna nolosha Aadam ka soo gaadhay 308 sano. Sida Xadiiskii saxiixa ahaa ee Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye laga soo wariyay uuna kaga waramayay dheelmintii iyo Samooyin koristii markii xagga Samada loo qaaday, waxa uu Nabigeennu ku sheegay inuu Nabi Idriis ku sii maray Samada afraad. Al-Cuufi wuxuu Ina Cabbaas ka soo waramay inuu ku macneeyay hadalka Eebbe korreeye uu ku yidhi:-"waxaanan u kor yeellay meel sare(57)", waxaa loo qaaday xagga Samada lixaad halkaasuuuna ku dhintay, sidoo kale ayuuna Daxaak yidhi. Xadiiska la isku waafaqsan yahay ee sheegaya inuu Samada Afraad joogay ayaa sax ah waana sida ay qabaan Mujaahid iyo dhiggii. Xasan Al-Basri wuxuu yidhi hadalkii Eebbe ee ahaa:-"waxaanan u kor yeellay meel sare(57)" waxaa weeye xagga Jannada. Qaarkood waxay yidhaahdaan waxaa la rafacay intii uu noolaa aabihii Yarid Binu Mahlaayiil Ilaahay baana og sida wax u jiraan. Qaarkoodna waxayba sheegtaan in Nabi Idriis aanu ka horrayn Nabi Nuuxe ee uu ahaa waagii reer Banii Israa'iil. Hilinkatoosan.com |