Main
Quraan
Tafsiir
Xadiis
Baro Diintaada
Taariikh
Barbaarinta Ubadka 

 

 

  

         

        


Islamic Links
Aflax
Attaqwaa
Boqolsoon
Duruus
Hanuuniye
Islamweb
Islamwey
Rabidada Finland
Waano-online

Links
Aftahan
Aljazeera
BBC Somali
Halganews
Hoygasuugaanta
Midnimo
Onkod
Somalilandfuture
Somaliweyn
Wardheer
Widhwidh
                       More>>........

Idaacadaha
BBC Duhurkii
BBC Galabtii
BBC Habeenkii
Radio Hargeysa
Radiofreesomalia
Radiomidnimo

Wargaysyada
Alhayaat
Alkhaliij
Almujtama
AsharqalAwsat
Haatuf
Jamhuuriya
N.Times
Qaranpress
W.Post

W.Wararka
AFP
AP
MINA
PNA
Reuters
Wakaalado
Irin

 Masjidal Xaramka

              بسم الله الرحمن الرحيم

Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-"Waxaa nasahan (Eebihii) ka dheelmiyay addoonkiisa(Nabi Muxamed naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) habeen,Masaajidka Xurmaysan (ee Maka una dheelmiyay) xagga Masjidka Aqsaa een barakaynay hareerihiisa,si aannu u tusno (isaga) aayaadkayaga,(Eebbena) waa maqle arka " Suuradda  Al-Israa'i Aayadda 1aad

Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-" Saddex Masaajid ayaa loo socdaali karaa ,waa Masaajidka Xurmaysan (ee Maka ku yaala, ayna Kacbadu ku dhex taalo), Masjidkaygan (Masjidka Nabiga nnEka ee Madiina ku yaala) iyo Masjidka Alaqsa (Baytu Quduska Falastiin ku yaalla)"

  

Qaybta koowaad                 

Kacbada yaa dhisay

Ibnu Cabbaas ayaa laga soo wariyay inay gunta ama salka Gurigu ay sii jireen intii aanay Nabi Ibraahin iyo wiilkiisii Ismaaciil naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ahaataye aanay dhisin Kacbada,iyadoo buu yidhi ay ahayd meel sare oo ay daadadku hareeraha ka mari jireen. Warin sugan oo ah inay Malaa'ig dhistayna ma jirto, iyadoo dhinaca kalana ay jirto warino odhanaya aabaheen Nabi Aadan naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa dhisay dhagaxa madawna Yaaquut (Luul) cad oo dhalaalaya oo uu Jannada ka keenay ayay ahayd ee dambigii caruurtiisa ayaa madoobeeyay, kaddibna wiilkiisii Shayth ayaa sii dhisay daadadkii waagii Nabi Nuux naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa dumiyay, ilaa Nabi Ibraahim naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ka dhisay.

       
waa marxaladihii ay soo martay Kacbada Sharafta lihi       

 

Nabi Ibraahim iyo Wiilkiisii Ismaaciil(nnEka) iyo dhismihii Kacbada 

Ilaahay nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-"(Xusuuso Nabi Muxamadow) markuu kor yeelay (Nabi) Ibraahim tiirarka Guriga(Kacbada) iyo (Nabi) Ismaaciil (iyagoo odhanaya) Rabbiyow naga aqbal annaga, adigaa waxna maqla waxna oge.Rabbigayow naga yeel annaga kuwo kuu hoggaansan adiga, tafiirtayadana ummad (ka yeel) kuu hoggaansan adiga, nana tusi camalkayaga (Xajka), nagana toobad aqbal adigaa toobad aqbal badane, wanaag badanena ah. Rabbigayow u soo bixi Rasuul iyaga ka mid ah oo u akhriya aayaadkaaga, barana Kitaabka (Quraanka) iyo Xigmadda(Sunnada Rasuulka ) oo nadiifiya adigaa adkaade, falsme ahe" Suradda Al-Baqara aayadaha 127--129aad.

Sida ka sugnaatay Xadiisyada Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye intii aanu Nabi Ibraahim naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye aanu Kacbada dhisin waxay ahayd goobta ay hadda ku taalo meel bannaan, sida ay Xadiisyadaasi innoo caddaynayaanna Nabi Ibraahim naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo ay la socdaan xaaskiisii Haajara iyo wiilkeedii Ismaaciil naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa yimid halka ay hadda Kacbadu ku taallo oo ahayd meel bannaan, intuu halkaasi dajiyay ayuu uga tagay qarbad yar oo ay biyo ku jiraan iyo woxogaa timir ah markaasuu uga dhaqaaqay halkii uu markii hore ka yimid, intay Haajara ka daba tagtay ayay ku tidhi xaggeed meeshan cidlada ah nooga tagaysaa ,lamuu hadline socodkiisii ayuu iska sii watay, dhawr jeer markii ay ku celisay ayay markii dambe ku tidhi ma Ilaahay baa kugu amray inaan meeshan nagaga tagto ,markaasuu haa ku yidhi,markaasay ku tidhi haddaa Ilaahay na dayici maayee iska tag, muddo markii ay meeshaa cidlada ah keligood joogeen ayay timirtii iyo biyihiiba ka dhammaadeen, ilmihiina ka gaajooday naaskiina uu caano keeni waayay, ayay Safa iyo Marwa intay dhexdooda toddoba jir kolba dhinac u guclaysay iyadoo kolba mid figta iskaga taagaysa jeedaalinaysana bal dad inuu meelaha uga muuqdo, iyadoo sidii ay ayay markii dambe waxay aragtay meeshii lugaha wiilka yar ku beegnayd oo biyo ka soo burqanayaan,intay wiilkeedii yaraa u timid ayay biyihii gacanta saartay oo ay tidhi:-(Simmii Simmii oo ah dega dega) , Rasuulkeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Haddii aanay odhan lahayn Simmii Simmii(joogsada joogsada) waxay noqon lahaayeen wabi qulqulaya" ,muddo markay daganayd ayaa waxaa soo ag maray reero ka tirsanaa qabiilka Jurhum la odhan jirey oo dhulka Yaman ka soo hayaamay, intay u yimaadeen ayay kula heshiiyeen inay u wehel yeelaan oo ay la dagaan biyahana la wadaagaan, sidii bayna yeeshay, halkaasuu Nabi ismaaciil naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo ku barbaaray kuna bartay luqada Carabiga, markii uu waynaadayna suldaankii qabiilada Jurhum ayuu gabadhiisii guursaday. Waa dambe ayuu Nabi Ibraahim naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye u yimid, markaasuu ku yidhi:- "Aabbo Ismaaciilow Ilaahay amar buu i faray", markaasuu Ismaaciil ku yidhi:-"Samee (Aabbo) wixii Ilaahay ku faray?", markaasuu (Ibraahim) yidhi:-"Oo ma igu gargaari?",haa buu yidhi(Ismaaciil), markaasuu yidhi (Ibraahim):-"Ilaahay wuxuu i faray inaan halkan ka dhiso guri(lagu cibaadaysto)", intuu u tilmaamay taag yara dheer hareerihiisa.Markaasay rukumadii u taageen gurigii isago Nabi Ismaaciil naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu dhagaxaanta u soo ururinayo Nabi Ibraahim naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu dhisayo, markii uu dhismihii dheeraadayna dhagax uu ku joogsado ayuu u keenay kaasoo noqday Maqaaqka Ibraahim, isagoo Nabi Ismaaciil naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu u soo dhiidhiibayo dhagaxaanta Nabi Ibraahimna uu dhisayo ilaa ay ku soo wareegeen guriga iyagoo odhanaya:"Rabbiyow naga aqbal annaga, adigaa waxna maqla waxna oge".   

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
   

 

Tafsiirka
Sh.Maxamed Dirir
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Almis Yaxye
Sh. Maxamed Macalin

Sh.Axmed Qudubi

Xadiisyada
S.Bukhaari
S.Muslim
M.Axmed
S.Tirmiidi
S. Abii Daa'uud
S. Annisaa'i

Calaamadaha Qiyaamada
Soo bixitaanka Nabiga
Geeridii Nabiga
Badashada Maalka
Ku dayashada Gaalada

Taariikhda
Nabiyada nnEka
Asxaabtii Nabiga nnEka
Taabiciyiintii
Dawladihii Islaamka
Culimadii Islaamka
Halgamayaasha
Taariikhda Soomaalida
Baro Dal iyo Dad
Qoraalo Taariikhi ah                  

Kutubta
Tukashada Saxda ah
Fiqhiga Khilaafka
Dambiyada Waawayn
Xalaal iyo Xaaraan                      

Wax ku qaado Waayaha
Maydkii Ninka dilay
Saalim Aabihii
Fatwadii Imaam Maalik
Walaashaa Ilaali
Gaadhigii uu jiidhsiiyay
Xabaddii Tufaaxa
Nabiga(nnEka) aragtidiisa                            
 
 Muxaadarooyinka
Usuusha Iimaanka
Barbaarinta Ubadka
Jacaylka Nabigeenna nnEka
Xuquuqda labada isqaba           

Khaatumada Wanaagsan
Diiday Xijaabka tuuristiisa
Akhrin Quraan
Hees bay qaadayeen                      
 
  Duruusta
Axkaamta Qoyska
Axkaamta Soonka
Fiqhul Aakhira
Fiqhul Cibaadaad
Kalmadda Wanaagsan                          

Mucjisooyinka Islaamka
Foodda
Mucjisooyinka Kawnka
Cajaa'ibka Quraanka

                        


Suugaanta
Guurow maxaad tahay
Gar xumaatay
Dirir hooray
                        

Faalooyinka
  • Soomaaliyey waa xaggee waa wareerteene   read more

  • Ciraaq Xaggee ku socotaa waa yaabe    read more

  • Ka daroo dibi dhal saw tan   noqotay    read more

  • Dhafoortaabashadii Vietnam u ekaa- Ropert Fisk- Independent  read more

  • Dumarku inay Salaadda tukiyaan ma bannaana- Sh. Maxamed Sh.C/raxman  read more

 

Copyright ® 2004 hilinkatoosan.com      Home l Yaanu nahay l Ilatali l Korodhso Aqoontaada l wararka l Contact us