Taariikh Nololeedkii Shahiidkii Sayid Qudub

Taariikh Nololeedkii Shahiidkii Sayid Qudub

Ilaahay ha u naxariistee Shahiidkii sayid Qudub  Ibraahiim wuxuu ku dhashay 9.10.1906 tuulo yar oo la yidhaahdo Muushaat oo ka tirsan gobolka Asyuud oo baadiyaha Masar ah. Tuuladii uu ku dhashay ayuu ka bilaabay waxbarashadiisa hoose sanadkii 1912kii, isagoo dhammaystay sanadkii 1918kii, muddo labo sano ah ayay ka kala joogsatay waxbarashadiisii sababo la xidhiidhay kacaankii 1919kii ka dhacay Masar.Sanadkii 1920kii ayuu u wareegay xagga magaalada Qaahira markii labadiisii waalid ay dhinteen, waxay qoyskiisii oo ka koobnaa wiil kale oo ka waynaa oo masuuliyadda qoyska qaaday iyo laba gabdhood oo walaalihiisa,si uu waxbarashadiisii uga sii wato waxaanu ka qayb galay dugsiga macalimiinta bilawga ah sanadkii 1922kii, halkaasoo uu uga sii gudbay dugsiga "Tajhiisiyatu Daaral-Culuum (Daarta Culuumta diyaarineed)" sanadkii 1925kii, markaa kabacdina wuxuu ka sii watay waxbarashadiisii dugsigii "Taxwiiliyatu Daaral-Culuum (Daarta Culuumta wareejineed)" sanadkii 1929kii, halkaasoo uu ka qalin jabiyay sanadkii 1933kii, isagoo ka qaatay shahaadada Licensiga Culuumul-Adaabta.

Markii uu qalin jabiyay ayuu ka mid noqday macalimiintii ay lahayd wasaaraddii waxbarashada 00 waagaa la odhan jiray wasaaradda aqoonta, isagoo macalin ka noqday dugsi Addaawuudiya la odhan jiray, isagoo muddo kaddibna noqday baadhe sare oo waxbarashada hoose ah. Waxaa kale oo uu qalin jabintiisa kaddib ka soo shaqeeyay wargaysyo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Azhar, Arrisaala,Al-Usbuuc, Asharqal Jadiid iyo Al-Caalam Al-Carabi.Sanadkii 1948kii ayay wasaaraddii waxbarashadu u dirtay xagga waddanka Maraykanka si uu u soo darso habka iyo nidaamkii waxbarasho ee waddankaasi, halkaasna waxa uu ku noolaa muddo laba sano ah, waqtigaasi oo ahaa markii ay fikirkiisa iyo aragtidiisa nololeed sida wayn isku baddaleen. Ilaahay ha u naxariistee isagoo ka warramaya dhacdadii ugu yaabka badnayd ee baddeshay fikirkiisa waxaa u yidhi:-"Waxaan arkay farxad,damaashaad iyo xaflado waawayn oo cammiray waddanka Maraykanka iyo dadkii oo iskugu hambalyaynaya dilkii la dilay Xasan Al-Bannaa (Ilaahay ha u naxariistee oo ahaa aasaasihii ururka Ikhwaanal Muslimiinka), markii aan sababta farxadda ay u tahay wararystayna waxaa la iigu jawaabay cadawgii ugu waynaa ee ay Maraykan iyo reer galbeedku lahaayeen ayaa Masar lagu dilay, waana Xasan Al-Bannaa oo hoggaamiyihii guud ee Ikhwaanal-Muslimiinka ah.

Shahiidka Ilaahay ha u naxariistee waxaa la yaab ku noqotay in arrinta Imaam Xasan Al-Bannaa ay heerkaas damaashaadka loo samaynayo gaadho, isagoo laftigiisu intii uu Masar joogay aanu aqoonba, taasoo keentay inuu go'aansado ka mid noqoshada taageerayaasha ninka isagoo Masar lagu dilay Maraykanka lagaga cabsanayo.Sababaha Maraykanka loogu diray ayaa waxaa ka mid ahaa inuu nidaamka waxbarasho soo minguuriyo, si habka waxbarasho ee waddanka loogu sarjaro, hase yeeshee wuxuu soo noqday isagoo wata fikrad ah inay lagama maarmaan tahay qaadashada habka barbaarinta Islaamka ee waxbarashada waddanka Masar, waxaanu fikraddaasi la soo noqday intii aanu baran Ikhwaanal Muslimiinta, arrintaasina waxay u soo jiidday in saaxiibadiisii kala shaqaynayay wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarintu ay ku eedeeyaan dib u socodnimo iyo qallafsanaan. Waagaasna waxa uu qoray kitaab uu u bixiyay "Ameerikadii aan arkay", uuna kaga warramayay wixii uu indhihiisa ku soo arkay ee dimuqraadiyad la qaabeeyay ah, taasoo u kala saaraysa dadka jinsiyo iyo midabo, waxaanu barbardhigay dimuqraadiyaddaas dhalanteedka ah hab nololeedka Islaamka ee dhammayskatiran, dhinac kasta oo laga eegana taabanaysa hadday noqon lahayd cadaaladda, isu naxariisashada, is jeclaanta, sinnaanta, isku tudhidda, is kaalmaynta iyo walaalnimada dhabta ah.

Markii uu Masar ku soo noqday inkastoo aanu markiiba ku biirin Ikhwaanal Muslimiinka, haddana maalinba maalinta ka dambaysa wuu ku soo dhawaanayay sida uu u sheegay Abii Al-Xasan Annadawi oo uu la kulmay 25.11.1951kii, wuxuuna waagaas u caddeeyay inuu weli heerarkii koowaad ee tarbiyada Islaamka iyo diyaarinta nafta uu marayo, welina uu halgan adag kula jiro habdhaqanka kala rogan ee bulshada uu ku dhex dhaqan yahay ee nolol raaxo,fursad iyo badhaadhaha wadata leh iyo waxa uu ka doonayo Iimaanka,Jihaadka nafhurnimo, u tanaasulka, adduun ka hayaanka iyo xoogga nafta looga baahan yahay inay yeelato. laga bilaabo bishii February sanadkii 1951kii ayuu Sayid Qudub bilaabay inuu wax ku qoro wargayskii Addacwa la odhan jiray oo ay Ikhwaanul Muslimiinku soo saari jireen, horraantii sanadkii 1953kii waxaa looga yeedhay inuu ka soo qayb galo shir ay lahayd hay'addii Asaaska kooxdu, iyadoo loo diyaarinayo inuu qabto xilka qaybta dacwada, taasoo ka mid ahayd qaybaha maamul ee xaruntii dhexe ee Ikhwaanal Muslimiinta ee Qaahira ku taallay, sannadkaas oo ahaa sanadkii uu sida buuxda Sayidku ugu soo biiray ururka Ikhwaanal Muslimiinka oo sida uu sheegay ahayd Tajribadii Islaamka ugu najax badnayd afartii qarni ee ugu dambeeyay.

Sanadkii 1954kii ayuu madax ka noqday wargayskii "Al-Ikhwaanal-Muslimiin", hase yeeshee markii ay bil iyo shan casho oo kaliya soo baxaysay ayuu Jamaal Cabdinaasir oo madaxwaynihii Masar ahaan jiray joojiyay, kaddib markii uu wargaysku dhaleeceeyay heshiis ay Jamaal Cabdinaasir iyo saraakiishii melateri ee waddanka afgambiga ku qabsatay la galeen boqortooyadii Ingiriiska oo waagaas Masar dusha ka ilaalin jiray. Isla sanadkaa horraantiisii ayaa Sayid Qudub markii ugu horraysay xabsiga loo taxaabay, waxaanu xabsiga ku jiray muddo laba bilood ah. Bishii Oktober 26keedii 1954kii ayaa markale xabsiga loo taxaabay, kaddib markii ururka Ikhwaanal Muslimiinka lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen isku day dil oo lala beegsanayay Jamaal Cabdinaasir, dhacdadaas oo siddeetanaadkii iyo sagaashanaadka qarnigii tagay ay xaqiijiyeen saraakiil sar sare oo ciidamadii sirdoonka Masar ka tirsanaa inay iyagu soo abaabuleen madaxda sare ee dawladduna ay la ogaayeen si marmarsiinyo loogu helo laynta iyo xidhxidhitaanka madaxda iyo xubnaha Ikhwaanal Muslimiinta oo ahaa xoogga kaliya ee guud ahaan dadka waddanku ku kalsoonaayeen aadna taageerayaashiisu marba marka ka dambaysa soo kordhayeen. 22.11.1954kii ayaa Sayid Qudub maxkamad la soo taagay, maxkamaddaas waxaa madax ka ahaa sarkaal la odhan jiray Jamaal Saalim, waxaana ku xigeenno ka ahaa Anwar Assaadaat iyo Xuseen Ashaafici oo madaxwayne iyo ku xigeen Masar ka soo kala noqday, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xadhig adag ah, xabsiga dhexdiisana waxa uu kala kulmay jidh dil iyo ciqaab daran oo naxariis darro ah, sanadkii 1955kiina waxaa ku dhacay qalbi xanuun xoog leh oo sigay noloshiisa.Sanadkii 1964kii ayaa laga soo daayay xabsiga kaddib markii uu arrintiisa dhex galay madaxwaynihii Ciraaq ee waagaasi Cabdisalaam Caarif, iyadoo arrimo caafimaad darteed loo sii daayay.

Mudadaas 10ka sano ah intii uu xabsiga ku jiray ayuu kutub badan qoray, waxaanu ahaa kitaabkii ugu horeeyay ee uu qoraa kitaabkiisii "Fii Dilaal Al-Qu'aan (Hadhka Quraanka)" oo ku fasirayay Quraanka Kariimka ah isagoo ku dabbaqaya tusaalooyinka dhabta ah ee casrigan. Inkastoo uu ciqaab badan xabsiga ku mutaystay haddana marna kama uusan quusan dhinaca wanaagsan ee nafaha dadkii jidh dilka ku samaynayay, taasoo ahayd fikirka iyo aragtida guud ee Ikhwaanal Muslimiinka, sawkii Xasan Al-Bannaa Ilaahay ha u naxariistee dhallinta Ikhwaanka ku odhan jiray:-" Dadka u noqda sidii geedka ay dhagaxa ku tuurayaan, midhahana u soo daadinayay" halhaysyadii Sayidkana waxaa ka mid ahaa:-" Marka aynu ka eegno dhinaca wanaagsan ee nafaha dadka, waxaynu arkaynaa inuu halkaasi jiro khayr fara badan oo indhaha marka ugu horraysaba lagu dhufanayo.... Taasi haddaad ku tijaabiso dad badan, xattaa kuwa aad marka u horraysaba moodayso inay kuwo shar badan yihiin amaba ay dareenka fiican ka aradan yihiin, waxaad ku arki wax yar oo noqonaysa u garawshiiyo gafafkooda iyo doqoniimooyinka ay ku kacayaan, wax yar oo kalgacaltooyada dhabta ah ee ay leeyihiin, waxyar oo dhawritaanka aan isyeelyeelka ahayn ee doonistooda iyo hammigooda ah, taasoo ay kaaga bidhaami karaan burqashada khayreed ee nafahooda, marka ay ku siiyaan jacaylkooda,kalgacalkooda iyo kalsoonidoodaba waxyar oo aad u siisay si run ah oo niyadsami ah darteed....Sharku maaha wax ku talax tagay nafta dadka ilaa xadka aad suuraysanayso mararka qaarkood, ee waxa uu ku sugan yahay lakabka adag midhaha macaan ee nolosha ee u dillaacaysa kii kara inuu dareensiiyo dadka nabadgalyo xaggiisa ah, kalsooni ku qab kalgacaltooyadiisa ah, u tudhid dhaba oo la xidhiidha halgankooda iyo damqashooyinkooda, la xidhiidha sidoo kale gafafkooda iyo doqoniimooyinkooda qaarkood........Isla markaana ugu daraya wax yar oo laab furnaan ah oo marka u horraysa ah, kaasoo ku filan inuu waxaas oo dhan hirgaliyo , kana dhawba sida ay dad badani moodayaan, aniga laftayda ayaana tijaabiyay arrintaas ee maaha odhaahyo iyo kalmado aan iska leeyahay oo aan hadaw iyo male toona ahayn".

Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa tiir ka mid tiirarkii dacwada ee ay dhallintii waagiisu wadeen, mar kale ayaa sannadkii 1965kii xabsiga loo taxaabay, iyadoo aanay hal sano ka soo wareegin ka soo bixitaankiisii xabsiga, waxaana markaasi ay ahayd eedaynta loo soo jeediyay afgambi la maaganaa sida ay dawladdii milateriga ahayd sheeganaysay, ahaana sida ay ku andacoonaysay raggii hoggaaminayay afgambigaas. Saddex maalmood kalian ayay socotay baadhitaankii arrintaasi la xidhiidhay, waxayna bilaabatay 19.12.1965kii, mudadii baadhitaankaasi socday oo ay isaga iyo boqolaal kale oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanal Muslimiinku ku jireen xabsiyada ayaa waxaa la mariyay jidh dil iyo ciqaab aan la arag oon la maqal, saddex cisho kabacdina waxaa bilaabatay maxkamaddii qaadaysay dacwadihii isaga iyo saaxiibadii ka dhanka ahaa, maxkamaddaas oo la odhan karo waxay ahayd maxkamad taariikhda lafteeda ceebaysay, maxkamad bay ahayd qareenkii difaaca, xeer ilaaliyihii, xaakimkii iyo daawadaashii ka soo qayb galayba ay ku wada lid ahaayeen eedaysanahii shabagga ugu jiray, ku jeesjeesid,caayid, ku qoslid iyo ceebayn aan ahayn mid ku socota shakhsiyaddooda ee ahayd mid ku socota Islaamka iyo aragtidiisa nololeed oo waagaasi noqday mid maxkamadda la joojinayay.Marka laga yimaaddo xaakimka oo cayda uu eedaysanaha caayayo marka uu dhammeeyo haddana aan u oggolaanaynin eedaysanuhu inuu su'aalaha uu waydiiyo uu ka jawaabo, marka uu afka kala qaadana ku aamusiinayay:-" Waannu ognahay waxaad soo waddo (Macaalim Fiddariiq---waa kitaab uu Sayidku qoray) ayaa soo waddaaye naga aamus oo fadhiiso", waxaa ka darraa qareenkii difaacayay eedaysanayaasha oo intuu hadalka badidiisa ku ammaano madaxwaynahii waddankii, isla markaana uu u duceeyo, isagoo ku tilmaamaya hibo Ilaahay waddanka u soo diray ayuu hadalkiisa ku soo gabagabayn jiray laba weedhood oo ta hore ahayd in dadkani ay waalan yihiin oo ay isla hadlayaan, cuqdad iyo xaasidnimona ay ugu biirtay , iyo ta labaad oo ahayd maxkamadda naxariis baan ka rajaynayaa.

21.8.1966kii ayay maxkamaddii Sayid Qudub ku xukuntay dil ah daldalaad. Markii la xukumay ee xabsiga lagu celiyayna si uu ugu sugo fulinta falka daldalaadda ah ayay xukuumaddii milateriga ahayd isku dayday inay afkiisa ka hesho qiritaan dambiyadiisa oo dhan ah, iyagoo ka codsaday inuu cafis u qorto Jamaal Cabdinaasir oo madaxwaynihii waagaas ahaa, markii uu arrintaas ka diidayna waxaa loo diray walaashiis si ay uga soo dhaadhiciso inuu qorto arji uu cafis ku dalbanayo, iyagoo dareenkeeda dumarnimo ka faa'iidaysanaya, ilimo yaxaaseedna iska keenaya, erayadoodii ay taariikhdu diiwaangalisayna waxaa ka mid ahaa:-" Waa Caalim, waa aqoonyahan, waa halyay...lagama maarmo, shacabkuna kama maarmo, markaa waa khasaare hadduu ka baxo e, arji uu madaxwaynaha cafis kaga dalbanayo ha qorto , madaxwaynuhuna wuu ka yeelayaa, jagooyin sarsarena waa loo dhiibayaa marka uu soo baxo e". Kaddib markii ay walaashiis arrintaas ula tagtay ee uu waydiiyay inay arrintu iyada ka soo fushay iyo in kale una sheegtay in laga codsaday, aanayna arrintaas la qabin ayuu Ilaahay ha u naxariistee yidhi hadal taariikhda galay oo aan dabaysha u raacin sida hadalada qawsaaradii uu u xidhnaa ay dabaysha u raaceen, wuxuu yidhi:-" Murdisadii aan ku qirayay Salaad kasta in Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, Muxamedna(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) uu yahay Rasuulkii Ilaahay, suurtogal maaha inay qorto sadarro ay hadallo liidnimo ahi ku qoran yihiin, ama erayooyin cataw ah, haddii aan ku xidhanahay Xaq, Xaqa ayaan raalli ku ahay, haddii aan ku xidhanahay Baadilna, waan iskala waynahay inaan naxariis ka doono Baadil".

Intii aan lagu fulin falkii daldalaadda ahaa ayaa codsiyo fara badan oo isdaba joog ahi ka yimaadeen guud ahaan dunida Muslinka iyo Carabtaba ah, codsiyadaas oo dhammaantood Jamaal Cabdinaasir lagaga codsanayay inaanu fulin falkaa dilka ah ee maxkamaddiisu go'aamisay, hasee yeeshee dheg uma dhigin, waxaana lagu fuliyay Sayidka falkii daldalaadda ahaa waaberi maalin Isniin ah 13kii bishii Jamaadul -Uulaa sanadkii 1386kii kuna beegnaa 29kii August 1966kii. Sida taariikhdu xustayna markii goobta deldelaadda la joojiyay ayuu qawsaarkii fulinayay deldelaaddu damcay inuu garbaduud u xidho, markaasuu Sayidku Ilaahay ha u naxariistee ku yidhi:-" Walaal qof Janno ka cararayaa ma jiro e, maxaad ii xidhxidhanaysaa", markaasuu qawsaarkii u sheegay inay tahay amar la soo siiyay inuu sidaasi yeelo, markaasuu Sayidkii ku celiyay:-"Haddaa wixii ay ku amreen samee".Fikire, barbaariye iyo qoraa ka mid ahaa kuwii ugu qiimaha badnaa dabayaaqada qarnigii labaatanaad ayaa si aan laba is waydiin dhegta dhiigga loogu daray, isagoon kaligii ku ahayn boqolaal la mid ahi dariiqaddaas oo kale ama mid ka xun loogu dilay, iyadoo ka dilay ha joogtee bulshadii kale hurdo dheer ku jirtay, iyagoon is waydiin sababta iyo sida toona, waana waxa ugu wacan liidnimada ay maanta umaddu baaxaadegayso, kaddib markii ka firiyaystay halyay-yadii bidhaanta hanuunka u hagayay.   


Hilinkatoosan.com