|
Afar Afartan baro
Ibnu Qiyam naxariista Eebbe korkiisa
ahaataye ayaa yidhi:-
-Afar jidhka way hagaasiyaan---Hadal badan,
hurdo badan,hunguri badan,hammo(galmood)
badan.
-Afar jidhka ayay
burburiyaan---Hammi,gaajo,murugo ,soo jeed.
-Afar wajiga ayay kaa fiiqaan---Beenta,edeb
darrada,suaal badni aan cilmi la
socon,dambaabista badan.
-Afar dhalaalka wajiga ayay
badiyaan-----Cabsida Eebbe,gudista
abaalka,deeqsinimada,dulqaadka.
-Afar Risiq ayay keenaan---Habeenkii oo
Ilaahay dartii loo istaago,Waaga hortii oo
Dambidhaaf Eebbe la waydiisto, Sadaqo bixin
aan hadhin,Xuska Eebbe galin hore iyo mid
dambeba.
-Afar Risiqa ayay horjoogsadaan---Hurdo
subaxeed,Salaad yari,caajisnimo,khiyaamo.
|