
|
Sideen u arki lahaa Rasuulkeenni NNEKA |
|
Ma doonaysaa inaad riyada ku aragto Nabigeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Nin baa u tagay Sheekh ka mid ah Sheekhyada wanwanaagsan, wuxuuna waydiiyay sidii uu riyada ugu arki kari lahaa Nabigeennii Maxamed ahaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, markaasuu sheekhii ku yidhi waa arrin fudud haddii aad samayso waxaan ku odhan doono.Ninkii oo aad ugu faraxsan ayaa dhagaha u raariciyay jawaabta iyo habka uu sheekhu odhan doono ee uu Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye riyo ugu arki karaayo.Sheekhii wuxuu yidhi:-"Gurigaaga markaad tagto maanta waa inaad ku qadaysaa kalluun aad milixda ku badisay, laakiin iska jir inaad biyo cabto, sidoo kale caawa cashadana waxaad cuntaa casho kalluun ah oo aad milixda ku badisay, iskana jir inaad biyo cabto, haddii aad biyo cabto markaad seexato riyada waxba ku arki maysid. Ninkii oo aad ula dhacay jawaabta Sheekhu siiyay ayaa dib u sii waydiiyay bas kaliya ma intaasaa?, markaasuu Sheekhii ku yidhi bas waa intaas laakiin iska jir inaad biyo cabto adigoon biyo cabinna seexo caawa.Ninkii gurigiisii buu tagay markaasuu ku qadeeyay kalluun uu milix ka buuxiyay, habeenimadiina sidoo kale kalluun uu milix ka buuxiyay ayuu ku casheeyay, markaasaa waxaa qabtay oon aad u badan waxaanu ku sigtay inuu biyo cabbo, hase yeeshee wuxuu xasuustay hadalkii sheekha ee ahaa iska jir biyo aad cabto, markaasuu isku dayay inuu is illawsiiyo oonka, markii waqtigii huradada la gaadhayna isagoo aad ugu baahan biyo uu cabbo oon daranna hayo ayuu tagay gogoshii uu ku seexan lahaa, wuxuu habeenkii oo dhan is laba rogaba goor dambe ayuu indhaha isku geeyay, waagii markii u baryayna wuxuu ku kallahay sheekhii. Markii uu Sheekhii u tagay ayuu waydiiyay haye xalay Rasuulkii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ma aragtay?, ninkii baa ku jawaabay maya, markaasuu Sheekhii ku celiyay oo haddaa maxaad aragtay?. Ninkii baa ku jawaabay waxaan ku riyooday anigoo biyo cabbaya, wabiyo biyo qulqulayaanna ku dhex dabbaalanaya, waxaa kaloon arkay Samadii oo roob ka soo da'ayo iyo dhulkii oo biyo ka soo dillaaceen, waxaanan habeenkii oo dhan ku riyoonayay kuna dhex jiray biyo dhinac kasta qariyay oo aan kolla cabbayo kolla ku dabbaalanaya oon ku biyo batalaqaysanayo, Rasuulkiina naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye kuma arag riyadii. Sheekhii baa ku yidhi ninkii:-"Haddii aad xalay ku seexan lahayd adigoo ku fikiraya Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, qalbigaagana ku haya sida aad qalbiga xalay oo dhan biyaha ugu haysay waad arki lahayd Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye.Wiilkaygiiyow haddii aad doonayso inaad aragto Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa waajib ah in maskaxdaada,qalbigaaga iyo naftaadaba aad ku mashquuliso kuna fikirtid Rasuulkii Ilaahay, markaasoo uu Ilaahayna korreeye ku karaamayn doono inuu riyo kugu tuso Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye. -----------------0000------------------ F.G Rasuulkeenu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Qofkii igu arka riyo dhab ahaan buu ii arkay waayo Shaydaanku iskama kay dhigi karo". Markaa walaalkayow si aynu ugu liibaanno inaynu riyada ku aragno Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye aynu maskaxdeenna, fikirkeenna,soo jeedkeenna iyo hurdadeennaba dhex dabbaalano mawjadaha kalgacaltooyada Rasuulka iyo ku dhaqanka dhaqankiisii suubanaa, markaasuu Ilaahay korreeye hadduu doono innagu guulayn doonaa aragtida Rasuulkiisii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye.Ilaahay aragtida Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ha innoogu deeqo....Aamiin....Aamiin.....Aamiin. Hilinkatoosan.com |