Astaamaha lagu garto soo dhawaanshaha Qiyaamaha
Cabdiullaahi
Ibn Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa uu yidhi:-Nabi
Muxammad naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye
markii uu dhammaystay Xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd
sanaddii 10aad ee Hijriyada ayuu is hor taagay iridda laga
galo kacbada barakeysan, isagoo gacanta ku haya qufulka
iridaasi, isla markaana ku odhanaya asxaabta:-"Ma idiin
sheegaa astaamaha lagu garto maalinta Qiyaamaha?".Salmaan
Al-Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa
meel u dhow nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye, ayaa yidhii:- "Haa Rasuulkii Ilaahayow
(nnEka) noo sheeg".
Rasuulka naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa markaa yidhi:-"
Xaqiiqo ahaan, astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey
saacadda Qiyaame waxaa ka mid ah:-
-
In
dadku ay Salaadda dhayalsadaan.
-
Dadku
waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda.
-
Waxay
ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan,
waxayna aad u xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah.
-
waxay
iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo.
-
Waqtigaasi
la joogo ruuxa iyo qalbiga Muminka ah waxay noqon
doonaan kuwo murugo darteed u milma, sida milixdu ama
cusbadu ugu milanto biyaha, waayo Mu'minku waxaa uu arki
doonaa waxyaabo la xaaraantinimeeyey oo lagu dhaqmayo,
mana awoodo inuu wax ka bedelo.
Salmaan
ayaa markaa yidhi waxaasi ma dhici doonaan , Rasuulkii
Ilaahayow(nnEka)?.
Rasuulku(nnEka)
ayaa yidhi:- Haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay
gacantiisa ku jirto, isagoo intaa raaciyey:-
-
Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo daalimiin ah.
-
Wasiiraduna waxay noqon doonaan kuwo caasiyaal ah.
-
Kuwa xilalka loo dhiibana ee amaanada lagu amaaneeyayna
waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya
-
Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa
wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan
-
Kuwa wax khiyaama waxaa loo arki doonaa kuwo aamin ah,
kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa inay wax
khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la aamini doonaa,
halka kan runta sheegaya loo arki doono inuu beenaale
yahay
-
Waqtigaas waxaa kale oo jiri doona maamulo ay haween ka
taliyaan.
-
Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki
doonaa ilbaxnimo
-
Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyadoo
qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida
ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti uu ruux si gaar
ah u leeyahay.
-
Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa, waxaana
uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibadiisa
-
Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan
(comets).
Salmaan ayaa markaa yidhi:- waxaasi ma dhici doonaan ,
Rasuulkii Ilaahayow(nnEka)?.
Rasuulku(nnEka)
ayaa yidhi:- Haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda
ay gacantiisa ku jirto, isagoo intaa raaciyey:-"Salmaanow
-
Waqtigaasi haweenku waxay ganacsiga kula shirkoobi
doonaan nimankooda.
-
Roobka di' doona waxaa uu noqon doonaa mid kuleyl wata.
-
Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan,
masaakiintuna waxay noqon doonaan kuwo aan la xishmeyn,
waxaana jiri doonta oo kale suuqyo isku dhaw dhaw,
waxaana ganacsatda sida aadka isugu dhow uu mid kasta
odhan doonaa, anigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu
odhan doonaa aniguna wax faa'iido ah maan helin. Sidaa
darteed ma wayn doontid qof Ilaah u cabanaya Subxaanahu
watacaalaa.Salmaanow!
-
Waxaa dhici doonta in
dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya,
inay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa
khasab lagaga qaadi doonaa hantidooda, wax xishamd ah
lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana
quluubtooda waxaa ka buuxsami
cabsi, mana arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa
mooyee, mid aad u baqaya, isla markaana la argagax
geliyey.Shaki la'aan Salmaanow!
-
waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo
kuwo laga keeni doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba'ay
kuwa iimaankooda uu daciifka yahay ee ummadeyda ka
tirsan. Dadku waxay noqon doonaan kuwo aan isku
naxariisan oo aan is cafin, jidhkooda waa jidh
banii'aadam, laakiin quluubtoodu waxay noqon quluub
sheydaan.
Salmaanow!
-
Waqtigaasi raggu waxay haysan doonaan rag kale,
haweenkuna waxaya sidoo kale haweysan doonaan haween
kale.
-
Wiilasha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa
sida haweenka oo kale.
-
Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween, haweenkuna
waxay isku ekeysiin rag.
-
Waxayna taasi horseedi doontaa inuu Ilaah naclado
haweenka ummadeyda ka tirsan.
-
Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab iwm. si la
mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku
cibaadeystaan Yuhuudda.
-
Qur'aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo
ku soo jiidanaya iwm.
-
Minaaradaha masaajidadu waxay noqon doonaan kuwo aad u
dhaadheer,safafka dadka salaadda ku jiraana waxay noqon
doonaan kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtoodu iskuma
fiicna, hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.
-
Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay
xarago ahaan u xidhan doonaan, waxay kaloo xidhan
doonaan xariirta, isla markaana waxa kale oo ay
isticmaali doonaan haragga shabeelka.
-
Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn
doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya laaluushka.
-
Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa
loo qaadi doonaa,
-
Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo
haweenka.
-
Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la
dhowrin.
-
Laakiin taasii mid Ilaahay Subxaanahu Watacaalaaye wax u
dhimeysa ma aha
-
Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo qalab music ah.
-
Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaan ummadeyda.
-
Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeydu
waxay xijka u tegi doonaan sida iyagoo booqasho ama
socdaal caadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato
meel dhexaad ah, masaakiintuna waxaty u tegi doonaan is
tustus.
-
Waxaa soo bixi doona dad baran doona Quraanka kariimka
ah , badi ujeedadoodu ma aha Ilaahay dartii, waxayna
quraanka ka dhigan doonaan sida aaladaha music ah.
-
Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona , oo
iyaguna aan Ilaahay dartii sidaasi u samaynayn.
-
Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah
ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro,
adduunyo ceyrsasho awgeed. Salmaanow!
-
Waxaasi oo idil waxay dhici doonaan, mar xishmadii ay
suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay
u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan.
-
Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo
doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada ayaa iyana
baahi doonta.
-
Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.
-
Waxaa di'i doona roobab aan watigooda la gaadhin.
-
Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo
muusik
-
Ma jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan,
xumaantana iska reebaan.
-
Qofka Mu'minka ah xishmadiisu waxay noqon doontaa mid
aad u hooseysa marka la barbardhigo xitaa dadka ka
shaqeeya guryaha.
Cabdi Xasan Muxumed
|