Taariikh Nololeedkii Ilaahay ha u naxariistee Sh. Cabdibaasid Cabdisamad

 

Ilaahay ha u naxariisteee wuxuu ku dhashay sanadkii 1927kii tuulo yar oo u dhaw magaalada la yidhaahdo Armanta oo gobolka Qana ee koonfurta Masar ku yaala ka tirsan,waxaanu ka dhashay qoys Quraan akhrinta iyo tajwiidintiisaba ku caan ahaa, aabihii Sh.Maxamed Cabdisamad iyo awowgii Sh.Cabdisamad waxay ka mid ahaayeen culimo isku darsaday Quraan akhris xafid iyo tajwiidinba leh iyo suubanaan toosan oo lagu yaqaanay, walaalihiisa ka waawaynina waxay iyagu ahaayeen kuwo kitaabka ka xafidsan Quraanka, taasoo u suurtogalisay inuu gurigaa barakaysan ku dhex kacaamo, waxaana isagoo yar Quraanka u bilaabay Sh. Al-Amiir, kaasoo si fiican u soo dhaweeyay kaddib markii uu arkay sida uu wiilka yari ugu dhago nugul yahay iyo sida uu u xiisaynayo Quraan akhrinta iyo xafidkiisaba iyo isagoo si fiican ula qabsaday habka ay xuruuftu uga soo baxayaan afka iyo habkay u dhawaaqmayaanba, iyo sidoo kale cod macaani uu ku darsaday.

Ilaahay ha u naxariistee isagoo xusuus qorkiisii kaga waramaya waagaas uu ku jiray barashada Quraanka Kariimka ah wuxuu yidhi:-" Laba iyo toban ayaan ahaa markii aan xafiday Quraanka Kariimka ah, aabahay wuxuu ka shaqayn jiray wasaaradda gaadiidka, awawgayna culimada ayuu ka mid ahaa, markaasaan ka codsaday barashada Quraan akhrinta iyo hababka akhrinta, waxaanay ii soo jeediyeen inaan u socdaalo xagga magaalada Dandaa oo xagga xeebta xigta si aan culuumta Quraanka Kariimka ah uga soo barto Sh. Maxamed Saliim, haddaba iyadoo ay aad u kala fog yihiin labada magaalo, haddana waan ku adkaystay inaan u socdaalo, hase yeeshee nasiib wanaag markii ay maalin kaliya uun ka hadhsanayd safarkaygii ayuu Sheekhii aan u socday xaggiisa uu u soo wareegay magaaladii aan degenaa ee Armanta, halkaasoo uu machadka diiniga ah ee ku yaala magaaladaasi ka bilaabay duruus lagu baranayo hababka akhrinta Quraanka Kariimka ah, waxaanan raacday Quraanka Kariimka ah, waxaanan xafiday Ashaadibiya oo ah Matniga gaarka ah ee cilmiga  toddobada akhrimood", waxaana markaa kaddib bilaabmay codsiyo fara badana oo uga imanaya dadka degaanka uu deganaa iyo kuwa hareerihiisa ah, isagoo helay ammaanta Sheekhii Maxamed Saliim taasoo dadkana kalsoonidooda siisay.

Ilaahay ha u naxariistee sanadkii 1950kii ayuu markii ugu horraysay Masaajidka Sayida Saynab uu ka akhriyay Aayado Quraanka Kariimka ah,halkaasoo ay xaflad Aalu Baytka loo samaynayay ka socotay ayna ka soo qayb galeen akhriyayaashii Quraanka ee caanka ka ahaa waddanka Masar, halkaasoo uu nin ay qaraaba yihiin oo la socday uu ka codsaday qabanqaabiyayaashii xafladda inay wiilka yar siiyaan muddo 10 daqiiqadood kaliya, hase yeeshee codkiisii macaanaa iyo aqoontiisa akhrinta Quraanka Kariimka ah darteed ayuu tobankii daqiiqo noqdeen saacad iyo badh, arintaas oo keentay inuu akhriyayaashii caanka ahaa aragtida dadka uu isagu ka soo jiito. Sanadkii 1951kii ayuu Sheekh la odhan jiray Sh. Dabaac uu u soo jeediyay inuu codsi u qorto idaacada si uu uga noqdo akhriye Quraan oo joogto ah, hase yeeshee waxa uu u sheegay inaanu hadda diyaar u ahayn, hase yeeshee doonistii Ilaahay ayaa wax walba ka horraysee Sh. Dabaac ayaa guddigii idaacadda u soo bandhigay cajalad uu ka duubay codkii Sh. Cabdibaasid uu habeenkii xafladda ee sanadkii 1950kii uu ka akhriyay Masajidka Sayida Saynab, taasoo ay isla markiiba guddigii isku raaceen inuu akhriye joogto ah ka noqdo idaacadda, isla sanadkaa 1951kii ayuuna ka mid noqday inuu Sheekhyadii caanka ahaa ka mid noqdo.Markii uu shaqada ka bilaabay idaacadda ayuu u soo wareegay xagga magaalada Qaahira oo ay reerkoodu u soo guureen waxaanu markii u horraysay degay xaafada Sayida Saynab waxaanu daris la noqday Masaajidkii Sayida Saynab ee uu markii u horraysay uu ag fadhiistay akhriyayaashii Quraanka ee caanka ka ahaa Masar.

Laga bilaabo sanadkii 1952kii oo uu si rasmi ah u bilaabay shaqada idaacadda ayay bilaabatay inay codsiyo fara badani uga yimaadaan dhammaan daafaha adduunka iyo dawladaha muslinka oo inta badan bisha Ramadaan codsan jiray inuu u yimaaddo,sidoo kalena xattaa bilaha kalana soo codsan jiray, oo mararka qaarkood iyadoon xaflado jirinba la soo casuumi jiray, oo marka la waydiiyo xafladda iyo munaasabadda jirta ee sheekha loogu yeedhay ay jawaabtu ahayd joogitaanka Sh. Cabdibaasid ayaa sideeda xaflad ah.Garoonka diyaaradaha ayuu kaga hor yimid madaxwaynihii hore ee Pakistan mar uu booqasho halkaasi ku tagay, Masajidka ugu wayn Jakarta oo Indonisiya ah ayaa buuxsamay,hal kilomiitir oo dhinac kasta oo hareerihiisa ahna ay dadku ilaa waagu ka baryay taagnaayeen iyagoo Quraanka Kariimka ah ee uu sheekhu akhrinayo dhagaysanayay. Booqashadiisii ugu horraysayna waxay ahayd sanadki 1952kii oo uu xajiyay, halkaasoo ay idaacadaha Sucuudigu uga faa'iidaysteen inay ka duubaan Quraanka Kariimka ah, waxaana waagaa lagaga duubay Masjidal Xaramka iyo Masaajidka Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye cajaladihii markii dambe la baxay "Codkii Maka".Koonfur Afrika ayuu 1966kii booqday, halkaasoo lagaga duubay cajalado badan oo Quraanka Kariimka ah.Waxaan xasuustaa siddeetameeyada bilawgoodii 1983-84kii ayuu Soomaaliya soo booqday isagoo la socday Sheekhul Azharkii waagaasi Jaadal Xaq Cali Jaadal Xaq, waxaanan xasuustaa sidii ay dadkii ku tukanayay Masaajidkii Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho ku yaalay ay Sheekh Cabdibaasid Cabdisamad uga codsadeen inuu Aayadaha Quraanka Kariimka ah codkiisa macaan ugu akhriyo, iyo sidii codkiisii naxariista lahaa uga ilmaysiiyay dadkii Masaajidkaasi meelo fog fog uga yimid si ay u qaabilaan Sheekha.

Dawladihii uu booqday waxaa ka mid ahaa Hindiya, oo uu kaga qayb galay xaflad wayn oo uu maalqabeen muslin ahi qabtay, waxaana la yaab ku noqotay in dadkii faraha badnaa ee meesha yimid intay kabihii wada bixiyeen iyagoo wada taagan oo meesha Sujuudooda wada eegaya oohin wada bilaabay markii uu Quraanka bilaabay taasoo isagiina ilin badani ka da'day khushuucda halkaasi ka muuqatay darteed.Masaajido badan oo caan ah ayuu buuqday oo ay u horreeyaan Masjidal Xaramka Maka ku yaal,Masjidka Nabiga naxariis iyo nabagalyo Eebbe korkiisa ahaataye ee Madiina ku yaala, Masjidul Aqsaaga Baytul Maqdas ku yaala,Masjidka Al-Ibraahiimi ee Alkhaliil oo Falastiin ah ku yaal, Masjidka Al-Umawi ee Dimishiq oo Suuriya ah ku yaala iyo Masaajido kale oo shanta qaaradood ee adduunka ku yaala, meel kasta oo ay dad muslin ahi joogaan.Intii uu noolaa waxa uu helay bilado fara badan oo uu ka helay madaxda wadamada muslinka ah, tii ugu dambaysayna waxaa siiyay madaxwaynaha Masar 1990kii, labo sano markii uu sii mootanaa.

Xanuunka macaanka iyo beer xanuun ayaa iskugu darsamay, taasoo uu in badan la lagdamayay isagoo cuntada uu cunayay kontrooli jiray, hase yeeshee markii dambe ayuu soo ritay xanuunkii,taasoo keentay in xagga dibadda loo qaado, waxaana la geeyay dhakhtar ku yaala London, wiig markii uu ku jiray ayuu wiilkiisa oo Daariq la yidhaahdo oo la socday uu ka codsaday inuu waddankii dib ugu celiyo.30/11/1988 kii ayuu addunkan ka tagay, isagoo qalbiyo badan oo qalfsanaa ay jilciyeen Aayadihii Quraanka Kariimka ah ee uu codka macaan ugu akhrin jiray, Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo.  Aamiin....Aamiin.......Aamiin.


hilinkatoosan.com