|
Ilaahay
ha u naxariisteee wuxuu ku dhashay sanadkii 1927kii tuulo yar oo u dhaw
magaalada la yidhaahdo Armanta oo gobolka Qana ee koonfurta Masar ku yaala ka
tirsan,waxaanu ka dhashay qoys Quraan akhrinta iyo tajwiidintiisaba ku caan ahaa,
aabihii Sh.Maxamed Cabdisamad iyo awowgii Sh.Cabdisamad waxay ka mid ahaayeen
culimo isku darsaday Quraan akhris xafid iyo tajwiidinba leh iyo suubanaan
toosan oo lagu yaqaanay, walaalihiisa ka waawaynina waxay iyagu ahaayeen kuwo
kitaabka ka xafidsan Quraanka, taasoo u suurtogalisay inuu gurigaa barakaysan ku
dhex kacaamo, waxaana isagoo yar Quraanka u bilaabay Sh. Al-Amiir, kaasoo si
fiican u soo dhaweeyay kaddib markii uu arkay sida uu wiilka yari ugu dhago
nugul yahay iyo sida uu u xiisaynayo Quraan akhrinta iyo xafidkiisaba iyo isagoo
si fiican ula qabsaday habka ay xuruuftu uga soo baxayaan afka iyo habkay u
dhawaaqmayaanba, iyo sidoo kale cod macaani uu ku darsaday.
Ilaahay ha u naxariistee isagoo xusuus
qorkiisii kaga waramaya waagaas uu ku jiray barashada Quraanka Kariimka ah wuxuu
yidhi:-" Laba iyo toban ayaan ahaa markii aan xafiday Quraanka Kariimka ah,
aabahay wuxuu ka shaqayn jiray wasaaradda gaadiidka, awawgayna culimada ayuu ka
mid ahaa, markaasaan ka codsaday barashada Quraan akhrinta iyo hababka akhrinta,
waxaanay ii soo jeediyeen inaan u socdaalo xagga magaalada Dandaa oo xagga
xeebta xigta si aan culuumta Quraanka Kariimka ah uga soo barto Sh. Maxamed
Saliim, haddaba iyadoo ay aad u kala fog yihiin labada magaalo, haddana waan ku
adkaystay inaan u socdaalo, hase yeeshee nasiib wanaag markii ay maalin kaliya
uun ka hadhsanayd safarkaygii ayuu Sheekhii aan u socday xaggiisa uu u soo
wareegay magaaladii aan degenaa ee Armanta, halkaasoo uu machadka diiniga ah ee
ku yaala magaaladaasi ka bilaabay duruus lagu baranayo hababka akhrinta Quraanka
Kariimka ah, waxaanan raacday Quraanka Kariimka ah, waxaanan xafiday Ashaadibiya
oo ah Matniga gaarka ah ee cilmiga toddobada akhrimood", waxaana markaa
kaddib bilaabmay codsiyo fara badana oo uga imanaya dadka degaanka uu deganaa
iyo kuwa hareerihiisa ah, isagoo helay ammaanta Sheekhii Maxamed Saliim taasoo
dadkana kalsoonidooda siisay.
Ilaahay ha u naxariistee sanadkii 1950kii
ayuu markii ugu horraysay Masaajidka Sayida Saynab uu ka akhriyay Aayado
Quraanka Kariimka ah,halkaasoo ay xaflad Aalu Baytka loo samaynayay ka socotay
ayna ka soo qayb galeen akhriyayaashii Quraanka ee caanka ka ahaa waddanka Masar,
halkaasoo uu nin ay qaraaba yihiin oo la socday uu ka codsaday
qabanqaabiyayaashii xafladda inay wiilka yar siiyaan muddo 10 daqiiqadood kaliya,
hase yeeshee codkiisii macaanaa iyo aqoontiisa akhrinta Quraanka Kariimka ah
darteed ayuu tobankii daqiiqo noqdeen saacad iyo badh, arintaas oo keentay inuu
akhriyayaashii caanka ahaa aragtida dadka uu isagu ka soo jiito. Sanadkii
1951kii ayuu Sheekh la odhan jiray Sh. Dabaac uu u soo jeediyay inuu codsi u
qorto idaacada si uu uga noqdo akhriye Quraan oo joogto ah, hase yeeshee waxa uu
u sheegay inaanu hadda diyaar u ahayn, hase yeeshee doonistii Ilaahay ayaa wax
walba ka horraysee Sh. Dabaac ayaa guddigii idaacadda u soo bandhigay cajalad uu
ka duubay codkii Sh. Cabdibaasid uu habeenkii xafladda ee sanadkii 1950kii uu ka
akhriyay Masajidka Sayida Saynab, taasoo ay isla markiiba guddigii isku raaceen
inuu akhriye joogto ah ka noqdo idaacadda, isla sanadkaa 1951kii ayuuna ka mid
noqday inuu Sheekhyadii caanka ahaa ka mid noqdo.Markii uu shaqada ka bilaabay
idaacadda ayuu u soo wareegay xagga magaalada Qaahira oo ay reerkoodu u soo
guureen waxaanu markii u horraysay degay xaafada Sayida Saynab waxaanu daris la
noqday Masaajidkii Sayida Saynab ee uu markii u horraysay uu ag fadhiistay
akhriyayaashii Quraanka ee caanka ka ahaa Masar.
Laga bilaabo sanadkii 1952kii oo uu si rasmi ah u bilaabay shaqada idaacadda
ayay bilaabatay inay codsiyo fara badani uga yimaadaan dhammaan daafaha adduunka
iyo dawladaha muslinka oo inta badan bisha Ramadaan codsan jiray inuu u
yimaaddo,sidoo kalena xattaa bilaha kalana soo codsan jiray, oo mararka qaarkood
iyadoon xaflado jirinba la soo casuumi jiray, oo marka la waydiiyo xafladda iyo
munaasabadda jirta ee sheekha loogu yeedhay ay jawaabtu ahayd joogitaanka Sh.
Cabdibaasid ayaa sideeda xaflad ah.Garoonka diyaaradaha ayuu kaga hor yimid
madaxwaynihii hore ee Pakistan mar uu booqasho halkaasi ku tagay, Masajidka ugu
wayn Jakarta oo Indonisiya ah ayaa buuxsamay,hal kilomiitir oo dhinac kasta oo
hareerihiisa ahna ay dadku ilaa waagu ka baryay taagnaayeen iyagoo Quraanka
Kariimka ah ee uu sheekhu akhrinayo dhagaysanayay. Booqashadiisii ugu
horraysayna waxay ahayd sanadki 1952kii oo uu xajiyay, halkaasoo ay idaacadaha
Sucuudigu uga faa'iidaysteen inay ka duubaan Quraanka Kariimka ah, waxaana
waagaa lagaga duubay Masjidal Xaramka iyo Masaajidka Nabiga naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye cajaladihii markii dambe la baxay "Codkii
Maka".Koonfur Afrika ayuu 1966kii booqday, halkaasoo lagaga duubay cajalado
badan oo Quraanka Kariimka ah.Waxaan xasuustaa siddeetameeyada bilawgoodii
1983-84kii ayuu Soomaaliya soo booqday isagoo la socday Sheekhul Azharkii
waagaasi Jaadal Xaq Cali Jaadal Xaq, waxaanan xasuustaa sidii ay dadkii ku
tukanayay Masaajidkii Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho ku yaalay ay Sheekh
Cabdibaasid Cabdisamad uga codsadeen inuu Aayadaha Quraanka Kariimka ah codkiisa
macaan ugu akhriyo, iyo sidii codkiisii naxariista lahaa uga ilmaysiiyay dadkii
Masaajidkaasi meelo fog fog uga yimid si ay u qaabilaan Sheekha.
Dawladihii uu booqday waxaa ka mid ahaa Hindiya, oo uu kaga qayb galay xaflad
wayn oo uu maalqabeen muslin ahi qabtay, waxaana la yaab ku noqotay in dadkii
faraha badnaa ee meesha yimid intay kabihii wada bixiyeen iyagoo wada taagan oo
meesha Sujuudooda wada eegaya oohin wada bilaabay markii uu Quraanka bilaabay
taasoo isagiina ilin badani ka da'day khushuucda halkaasi ka muuqatay
darteed.Masaajido badan oo caan ah ayuu buuqday oo ay u horreeyaan Masjidal
Xaramka Maka ku yaal,Masjidka Nabiga naxariis iyo nabagalyo Eebbe korkiisa
ahaataye ee Madiina ku yaala, Masjidul Aqsaaga Baytul Maqdas ku yaala,Masjidka
Al-Ibraahiimi ee Alkhaliil oo Falastiin ah ku yaal, Masjidka Al-Umawi ee
Dimishiq oo Suuriya ah ku yaala iyo Masaajido kale oo shanta qaaradood ee
adduunka ku yaala, meel kasta oo ay dad muslin ahi joogaan.Intii uu noolaa waxa
uu helay bilado fara badan oo uu ka helay madaxda wadamada muslinka ah, tii ugu
dambaysayna waxaa siiyay madaxwaynaha Masar 1990kii, labo sano markii uu sii
mootanaa.
Xanuunka macaanka iyo beer xanuun ayaa iskugu darsamay, taasoo uu in badan la
lagdamayay isagoo cuntada uu cunayay kontrooli jiray, hase yeeshee markii dambe
ayuu soo ritay xanuunkii,taasoo keentay in xagga dibadda loo qaado, waxaana la
geeyay dhakhtar ku yaala London, wiig markii uu ku jiray ayuu wiilkiisa oo
Daariq la yidhaahdo oo la socday uu ka codsaday inuu waddankii dib ugu
celiyo.30/11/1988 kii ayuu addunkan ka tagay, isagoo qalbiyo badan oo qalfsanaa
ay jilciyeen Aayadihii Quraanka Kariimka ah ee uu codka macaan ugu akhrin jiray,
Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Aamiin....Aamiin.......Aamiin.
hilinkatoosan.com
|