Qalfoofkii Fircoon ee dartii lagu Islaamay

    اليوم ننجيك ببدنك. لتكون لمن خلفك آية ' .. يونس92  "Maanta ayaannu jidhkaaga badbaadin si aad kuwa kaa dambeeya calaamad ugu noqoto...." Yuunus 92. Aayaddaasi waxay hanuun u noqotay aqoonyahanka Faransiiska u dhashay ee Mooris Bookay. Sheekadu siday u dhacdayna waxay ahayd.

Sanadkii 1981kii markii uu talada waddanka Faransiiska qabtay madaxwaynihii dhintay Faransuwaa Mitrand, waxa ay dawladdiisu ka codsatay dawladda Masar in Miyuusiyamka waddanku uu martigaliyo qalfoofka jidhka daaquudkii ugu ba'naa ee dunida soo mara waa jidhka Fircoonkii Ilaahnimada sheegtaye, si bal ay culimada baadha raadadka taariikhda quruumihii hore iyo dhakhaatiirta qalliinka iyo qurxinta samaysa ee waddanku raad raac ugu sameeyaan sirta ku qarsoonna isku dayaan inay u helaan, isla markaana dhaqaatiirtu dib u habayn iyo kabniin ugu sameeyaan dhaawacyada waayuhu ku keeneen.Garoonkii ay diyaaraddii siday soo cagadhiganaysayna isaga iyo dawladdiisii oo dhan ayaa diyaar ugu ahaa si ay u soo dhaweeyaan qalfoofka Fircoon, soo dhawayntiisana waxaba ka sii darraa sida loogu sii galbiyay qayb gaar ah oo looga sameeyay matxafka waddanka qaybta lagu baadho raad taariikheedka quruumihii hore iyo waxa ay ka tageen, waxaana loo xil saaray baadhitaanka qalfoofka Fircoon culimada ugu sidata Faransiiska xagga baadhitaanka raad taariikheedka quruumihii hore iyo waliba dhakhaatiirta qaliinka iyo qurxinta looga dambeeyo waddankaasi inay isku  dayaan in dhaawacyada waayuhu iyo muddada 4000 ka badani ku keeneen jidhkiisa kabkab iyo dib u habayn ugu sameeyaan.

                               

Waxaa hawshaas culimada wadday guddoomiye u ahaa professor Moris Bokay oo dhakhtar qaliin ahaa, inta ay culimada iyo dhakhaatiirta kale iyagu ku mashquulsanaayeen inay qaliinno lagu qurxinayo jidhka Fircoon iyo dib u habayn ugu samayn lahaayeen, waxaa uu prof. Moris Bokay ku mashquulsanaa inuu ogaa sababta uu u dhintay maykan qolfoofoobay ee Fircoon, waayo jidhka boqorkan Ramsiiskii labaad la odhan jidhay wuu ka duwanaa jidhadhka faraacinadii hore ee dadkii ay u talin jireen dawada jidhkooda ilaalisa marin jireen marka ay dhintaan, oo maydka hortiisa yaala qaab gaar ah iyo si gaar ah oo uu u dhintay oo aanay kuwa kale lahayn ayuu lahaa, waxayna ku arkeen culimadii baadhaysay arrin la yaab leh oo ahayd marka ay gacmihiisa ka furaan marooyin iyo waxyaalo kale oo ku duubnaa oo dadkii waagaas wax marinayay ay ku duubeen in gacantiisa bidix kor u soo fakanayso taasoo ay ku qasbeen inay gacmihiisa laabtiisa u geeyaan.Moris Bokay waxa uu is waydiiyay talow sababtu waxay ahayd. Habeen badhkii ayay natiijadii baadhitaanku u soo baxday prof. Moris Bokay, waxaanu ogaaday in jidhka Fircoon ay weli ku sii dhagan yihiin raadka milix ku sii hadhsan oo ku dhagan.

                      

Waxaa kale oo intaa sii dheeraa oo markii X-rey-ga(raajitada) la saaray la ogaaday in lafaha jidhkiisu ay wada jajaban yihiin jidhkiisuse aanu dillaac lahayn, taasoo caddayn buuxda u ahayd in Fircoon uu hafasho ku dhintay, oo xooggii mawjaddii baddu ay lafihiisa jajabisay, isla markiibana bannaanka looga soo saaray dadkii waagaa uu boqorka u ahaana ay isla markiiba jidhkiisa wax ilaaliya mariyeen. Arrinta kale ee yaabka lahayd ee ay ogaadeen markay dhinac kasta ka eegeen waxay ahayd gacantiisan bidix ee soo fakanaysa maka la furo inay ahayd inuu gacantiisa midig ku hayay hoggaanka faraskiisa ama uu seef ku haystay, ta bidixna uu ku haystay gaashaankiisii, oo markii ay qabtu ku dhacday oo ay biyihii afarta gees kaga yimaadeen geeridiina hareeraysay uu argagax heerkii ugu sarreeyayna haleelay inuu gacantiisa bidix kor u taagayay bal si uu gaashaankiisa biyahan cadhaysan isaga celiyo sidiina ay naftu kaga baxday gacantii sidii ku qalashay, markaa dadkaa jidhkiisa sancaynayay ay gactiisa laabtiisa ku xidheen kadib markay suurtogali wayday inay sidii caadiga ahayd ku soo noqoto , taasoo u eg tan dhakhaatiirta maanta baadha dadka dhintay ay ka baadhaan gacanta maydka la dilay inay ku qallashay shay ka mid ah kii dilay sida dharkiisa oo kale, taasoo ahaata sidii ay ahayd markii qofkaasi dhimanayay. Waxayse ahayd arrinta ka dhakafaarisay prof. Moris Bokay sababta uu jidhkani uga badbaado badan yahay jidhadhka Faraacinadii kale ee isku waxa ay mariyeen dadkoodii waagaa joogay isagoo baadhitaankiisa ku ogaaday in waliba jidhkan badda laga soo saaray.

                  

Gabagabadii baadhitaanka waxa uu prof. Moris diyaarinayay warbixin uu markaa isla lahaa waa daah ka rogis hor leh oo aanay hortii jirin cid ogaatay, inuu isagu ogaaday in badda laga soo saaray maydkan Raamsiiskii labaad ee hortiisa yaalay, hase yeeshee mid dadkii uu la shaqaynayay ka mid ah ayaa dhagta ugu sheegay oo yidhi:- Ha dagdagin Misyoo Moris.......arrintan aad hadda doonayso inaad shaaciso dadka muslimiintu way ogaayeen in qalfoofkan hortaada yaalla uu bad ku haftay oo Quraankooda ayaa ilaa 14 qarniba u sheegayay sidaasi. Prof. Moris Bokay arrintaas aad ayuu ula yaabay, markii horena wayba u cuntami wayday, waayo waxaa maskaxdiisa ka guuxayay in waagaas hore aanay jirin horumarka tiknoolajyadda hadda jirta iyo kombiyuutaradán casriga ah ee hadda la haysto ee baadhitaanada aadka u horumarsan lagu sameeyo, iyo sidoo kale iyadoo maydka Fircoonka Ramsiiskii labaad in la helayba sanadkii 1898kii.Prof. Moris la yaab uun baa ka soo hadhay waayo waxa uu iswaydiinayay sida ay arrintani suurtogalka u tahay, sababtoo ah iska daa carabe dadyowga adduunka ku uuman oo dhan ayaan ogayn in Faraacinadii hore ay maydadka boqoradooda dawo jidhkooda ilaalisa marin jireen, oo muddo yar ka horba arrintan la ogaaday.

                       Prof. Moris Bokay

Habeenkii oo dhan ayuu prof. Moris Bokay hor fadhiyay qalfoofka maydkii Fircoon iyadoo ay maskaxdiisa ka guuxayso ereyadii uu saaxiibkii ku yidhi ee ahaa in dadka muslimiintu ay ogaayeen in jidhkani bad ku dhintay kana soo badbaaday oo Quraankoodu sidaas u sheegayo, isagoo dhinaca kalana ay maskaxdiisu miisaamayso sida uu Baybalkoodu u sheegayo ee ahayd in uu Fircoon bad ku dhintay markii uu Nabi Muuse(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) iyo dadkiisii ay caydhsanayeen, hase yeeshee aan ka warramin halka uu maydkiisii ku dambeeyay.Waxa uu is waydiinayay tolow qolfoofka maydkan horyaalaa ma maydka Fircoonkii Nabi Muuse nnEka iyo dadkiisa eryanayay miyaa? waxaa kale oo uu iswaydiinayay sida ay suurtogalka u tahay in Maxamedkoodu (Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) uu arrintan u ogaa kun sano iyo dheeraad ka hor. Habeenkii oo dhan labo indhood iskuma keenin waxaana uu codsaday in loo keeno Baybalkoodii , habeenkii oo dhanna waxa uu ka dul dhaqaaqi waayay hadaladan Baybalkooda ku qoran:-"Biyihii ayaa markaas soo noqday oo qariyay buudhiyadii iyo dagaalyahannadii dhammaan ciidankii Fircoon ee kaga daba tagay badda dhexdeeda iyadoo aanu midina ka hadhin.......".Prof. Moris Bokay dhinac uu arrinta u qaado ayuu heli waayay waayo xattaa Tawraad iyo Injiilba wuu ka baadhayoo ka heli waa meel uu jidhkii Fircoon ku dambeeyay.

Qalfoofka maydka Fircoonka Raamsiiskii labaad markii qaliino iyo dib u habayn lagu soo sameeyay ayaa Masar dib loogu soo celiyay, hase yeeshee prof. Moris Bokay arrintaa sidaa kagama hadhine kaddib markii uu ogaaday in Kitaabka Quraanka Kariimka ah ee ay muslimiintu haystaan uu sheegayo in jidhkiisii badbaaday, waxaanu u soo qalab qaatay xagga waddamada muslimiinta si uu ula kulmo culimada muslimiinta kuwa diinta iyo qaliinkaba si ay bal arrintan ugu sharaxaan iyo waxa uu Quraankoodu ka sheegayo. Caalimkii ugu horreeyay ee uu la kulmay ee uu uga sheekeeyay waxyaalihii ay daah fureen isaga iyo culimadii kale ee la shaqaynayay ee ku saabsanaa qalfoofka maydka Fircoonkii la odhan jiray Raamsiiskii labaad,isagoo uga jeeda bal waxa uu ka yidhaahdo caalimka muslinka ahi, ayuu isagoon caalimkii afka u kala qaadin baa wuxuu u soo saaray aayadda 92aad ee ku jirta Suuradda Yuunus ee uu Eebbe korreeye kaga warramayo sida uu Fircoon u halaagay iyo sida uu jidhkiisa u badbaadiyay si uu calaamad dadka ka dambeeya ugu noqdo, Eebbe korree oo nasahnaaye waxa uu yidhi:-"' فاليوم ننجيك ببدنك لتكون لمن خلفك آية .. وإن كثيرا من الناس عن آياتنا لغافلون ' ..سورة يونس - آية92 ". "Maanta ayaannu Jidhkaaga badbaadin, si aad ugu noqoto kuwa kaa dambeeya calaamad....In badan oo dadka ahina Aayaadkayaga way ka dhoohan yihiin" Suuradda Yuunus Aayadda 92aad.

Prof. Moris Bokay Aayaddii Quraanka ahayd ee dushiisa lagu akhriyay ayaa gigishay,intuu kor u dhawaaqay ayuu isagoo qaylyaya yidhi:-"Islaamka ayaan galay Quraankanna waan rumeeyay". Waddankiisii ayuu dib ugu noqday isagoon wajigii uu kaga yimid lahayn. Toban sanadood ayuu baadhayay uun bal sida ay isku keenayaan daahfurada cilmiyeed ee casriga ah  iyo Quraanka Kariimka ahi, isagoo ku sii talax tagay bal inuu baadho oo raadiyo is burin keliya oo ah arrin cilmiyeed oo Quraanku ka hadlay , hase yeeshee wuu waayay, waxaana u soo baxday oo arrini iskugu soo biyo shubatay hadalkii Eebbe korree oo nasahnaaye uu Quraankiisa ku sheegay:-"' لا يأتيه الباطل من بين يديه ولا من خلفه .. تنزيل من حكيم حميد ' ."Kama yimaaddo Baadilku xaggiisa hore iyo xaggiisa dambeba..waa ka soo dege (Quraanku) xagga Xakiim la mahadiyay".Midhaha ka soo baxay baadhitaanka tobankaa sanona waxa uu noqday kitaab aad u qiimo badan oo uu u bixiyay "Quraanka,Tawraad, Injiil iyo Cilmiga Cusub", kitaabkaas oo reer galbeedoo dhan culimo iyo caamaba gilgilay kitaabkaas oo daah furay sida aanay isku diidaynin iskagana hor imanaynin Quraanka Kariimka ah iyo cilmiga cusub ee ay arrimaha cilmiga cusub daah furayo iyo Quraanku isku keenayaan.

                                                                                                                       Kitaabkaas halkan ka akhriso...>>>>


hilinkatoosan.com