|
Qalfoofkii Fircoon ee dartii lagu Islaamay
اليوم ننجيك ببدنك. لتكون لمن خلفك
آية
' ..
يونس92
"Maanta
ayaannu jidhkaaga badbaadin si aad kuwa kaa dambeeya
calaamad ugu noqoto...." Yuunus 92. Aayaddaasi
waxay hanuun u noqotay aqoonyahanka Faransiiska u dhashay ee
Mooris Bookay. Sheekadu siday u dhacdayna waxay ahayd.
Sanadkii
1981kii markii uu talada waddanka Faransiiska qabtay
madaxwaynihii dhintay Faransuwaa Mitrand, waxa ay
dawladdiisu ka codsatay dawladda Masar in Miyuusiyamka
waddanku uu martigaliyo qalfoofka jidhka daaquudkii ugu
ba'naa ee dunida soo mara waa jidhka Fircoonkii Ilaahnimada
sheegtaye, si bal ay culimada baadha raadadka taariikhda
quruumihii hore iyo dhakhaatiirta qalliinka iyo qurxinta
samaysa ee waddanku raad raac ugu sameeyaan sirta ku
qarsoonna isku dayaan inay u helaan, isla markaana
dhaqaatiirtu dib u habayn iyo kabniin ugu sameeyaan
dhaawacyada waayuhu ku keeneen.Garoonkii ay diyaaraddii
siday soo cagadhiganaysayna isaga iyo dawladdiisii oo dhan
ayaa diyaar ugu ahaa si ay u soo dhaweeyaan qalfoofka
Fircoon, soo dhawayntiisana waxaba ka sii darraa sida loogu
sii galbiyay qayb gaar ah oo looga sameeyay matxafka
waddanka qaybta lagu baadho raad taariikheedka quruumihii
hore iyo waxa ay ka tageen, waxaana loo xil saaray
baadhitaanka qalfoofka Fircoon culimada ugu sidata
Faransiiska xagga baadhitaanka raad taariikheedka quruumihii
hore iyo waliba dhakhaatiirta qaliinka iyo qurxinta looga
dambeeyo waddankaasi inay isku dayaan in dhaawacyada
waayuhu iyo muddada 4000 ka badani ku keeneen jidhkiisa
kabkab iyo dib u habayn ugu sameeyaan.
Waxaa
hawshaas culimada wadday guddoomiye u ahaa professor Moris
Bokay oo dhakhtar qaliin ahaa, inta ay culimada iyo
dhakhaatiirta kale iyagu ku mashquulsanaayeen inay qaliinno
lagu qurxinayo jidhka Fircoon iyo dib u habayn ugu samayn
lahaayeen, waxaa uu prof. Moris Bokay ku mashquulsanaa inuu
ogaa sababta uu u dhintay maykan qolfoofoobay ee Fircoon,
waayo jidhka boqorkan Ramsiiskii labaad la odhan jidhay wuu
ka duwanaa jidhadhka faraacinadii hore ee dadkii ay u talin
jireen dawada jidhkooda ilaalisa marin jireen marka ay
dhintaan, oo maydka hortiisa yaala qaab gaar ah iyo si gaar
ah oo uu u dhintay oo aanay kuwa kale lahayn ayuu lahaa,
waxayna ku arkeen culimadii baadhaysay arrin la yaab leh oo
ahayd marka ay gacmihiisa ka furaan marooyin iyo waxyaalo
kale oo ku duubnaa oo dadkii waagaas wax marinayay ay ku
duubeen in gacantiisa bidix kor u soo fakanayso taasoo ay ku
qasbeen inay gacmihiisa laabtiisa u geeyaan.Moris Bokay waxa
uu is waydiiyay talow sababtu waxay ahayd. Habeen badhkii
ayay natiijadii baadhitaanku u soo baxday prof. Moris Bokay,
waxaanu ogaaday in jidhka Fircoon ay weli ku sii dhagan
yihiin raadka milix ku sii hadhsan oo ku dhagan.
Waxaa kale
oo intaa sii dheeraa oo markii X-rey-ga(raajitada) la saaray
la ogaaday in lafaha jidhkiisu ay wada jajaban yihiin
jidhkiisuse aanu dillaac lahayn, taasoo caddayn buuxda u
ahayd in Fircoon uu hafasho ku dhintay, oo xooggii mawjaddii
baddu ay lafihiisa jajabisay, isla markiibana bannaanka
looga soo saaray dadkii waagaa uu boqorka u ahaana ay isla
markiiba jidhkiisa wax ilaaliya mariyeen. Arrinta kale ee
yaabka lahayd ee ay ogaadeen markay dhinac kasta ka eegeen
waxay ahayd gacantiisan bidix ee soo fakanaysa maka la furo
inay ahayd inuu gacantiisa midig ku hayay hoggaanka
faraskiisa ama uu seef ku haystay, ta bidixna uu ku haystay
gaashaankiisii, oo markii ay qabtu ku dhacday oo ay biyihii
afarta gees kaga yimaadeen geeridiina hareeraysay uu argagax
heerkii ugu sarreeyayna haleelay inuu gacantiisa bidix kor u
taagayay bal si uu gaashaankiisa biyahan cadhaysan isaga
celiyo sidiina ay naftu kaga baxday gacantii sidii ku
qalashay, markaa dadkaa jidhkiisa sancaynayay ay gactiisa
laabtiisa ku xidheen kadib markay suurtogali wayday inay
sidii caadiga ahayd ku soo noqoto , taasoo u eg tan
dhakhaatiirta maanta baadha dadka dhintay ay ka baadhaan
gacanta maydka la dilay inay ku qallashay shay ka mid ah kii
dilay sida dharkiisa oo kale, taasoo ahaata sidii ay ahayd
markii qofkaasi dhimanayay. Waxayse ahayd arrinta ka
dhakafaarisay prof. Moris Bokay sababta uu jidhkani uga
badbaado badan yahay jidhadhka Faraacinadii kale ee isku
waxa ay mariyeen dadkoodii waagaa joogay isagoo
baadhitaankiisa ku ogaaday in waliba jidhkan badda laga soo
saaray.

Gabagabadii baadhitaanka waxa uu prof.
Moris diyaarinayay warbixin uu markaa isla lahaa waa daah ka
rogis hor leh oo aanay hortii jirin cid ogaatay, inuu isagu
ogaaday in badda laga soo saaray maydkan Raamsiiskii labaad
ee hortiisa yaalay, hase yeeshee mid dadkii uu la
shaqaynayay ka mid ah ayaa dhagta ugu sheegay oo yidhi:- Ha
dagdagin Misyoo Moris.......arrintan aad hadda doonayso
inaad shaaciso dadka muslimiintu way ogaayeen in qalfoofkan
hortaada yaalla uu bad ku haftay oo Quraankooda ayaa ilaa 14
qarniba u sheegayay sidaasi. Prof. Moris Bokay arrintaas aad
ayuu ula yaabay, markii horena wayba u cuntami wayday, waayo
waxaa maskaxdiisa ka guuxayay in waagaas hore aanay jirin
horumarka tiknoolajyadda hadda jirta iyo kombiyuutaradán
casriga ah ee hadda la haysto ee baadhitaanada aadka u
horumarsan lagu sameeyo, iyo sidoo kale iyadoo maydka
Fircoonka Ramsiiskii labaad in la helayba sanadkii
1898kii.Prof. Moris la yaab uun baa ka soo hadhay waayo waxa
uu iswaydiinayay sida ay arrintani suurtogalka u tahay,
sababtoo ah iska daa carabe dadyowga adduunka ku uuman oo
dhan ayaan ogayn in Faraacinadii hore ay maydadka
boqoradooda dawo jidhkooda ilaalisa marin jireen, oo muddo
yar ka horba arrintan la ogaaday.
Prof. Moris Bokay
Habeenkii oo dhan ayuu prof. Moris Bokay
hor fadhiyay qalfoofka maydkii Fircoon iyadoo ay maskaxdiisa
ka guuxayso ereyadii uu saaxiibkii ku yidhi ee ahaa in dadka
muslimiintu ay ogaayeen in jidhkani bad ku dhintay kana soo
badbaaday oo Quraankoodu sidaas u sheegayo, isagoo dhinaca
kalana ay maskaxdiisu miisaamayso sida uu Baybalkoodu u
sheegayo ee ahayd in uu Fircoon bad ku dhintay markii uu
Nabi Muuse(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye)
iyo dadkiisii ay caydhsanayeen, hase yeeshee aan ka warramin
halka uu maydkiisii ku dambeeyay.Waxa uu is waydiinayay
tolow qolfoofka maydkan horyaalaa ma maydka Fircoonkii Nabi
Muuse nnEka iyo dadkiisa eryanayay miyaa? waxaa kale oo uu
iswaydiinayay sida ay suurtogalka u tahay in Maxamedkoodu
(Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye) uu arrintan u ogaa kun sano iyo dheeraad ka hor.
Habeenkii oo dhan labo indhood iskuma keenin waxaana uu
codsaday in loo keeno Baybalkoodii , habeenkii oo dhanna
waxa uu ka dul dhaqaaqi waayay hadaladan Baybalkooda ku
qoran:-"Biyihii ayaa markaas soo noqday oo qariyay
buudhiyadii iyo dagaalyahannadii dhammaan ciidankii Fircoon
ee kaga daba tagay badda dhexdeeda iyadoo aanu midina ka
hadhin.......".Prof. Moris Bokay dhinac uu arrinta u qaado
ayuu heli waayay waayo xattaa Tawraad iyo Injiilba wuu ka
baadhayoo ka heli waa meel uu jidhkii Fircoon ku dambeeyay.
Qalfoofka maydka Fircoonka Raamsiiskii
labaad markii qaliino iyo dib u habayn lagu soo sameeyay
ayaa Masar dib loogu soo celiyay, hase yeeshee prof. Moris
Bokay arrintaa sidaa kagama hadhine kaddib markii uu ogaaday
in Kitaabka Quraanka Kariimka ah ee ay muslimiintu haystaan
uu sheegayo in jidhkiisii badbaaday, waxaanu u soo qalab
qaatay xagga waddamada muslimiinta si uu ula kulmo culimada
muslimiinta kuwa diinta iyo qaliinkaba si ay bal arrintan
ugu sharaxaan iyo waxa uu Quraankoodu ka sheegayo. Caalimkii
ugu horreeyay ee uu la kulmay ee uu uga sheekeeyay
waxyaalihii ay daah fureen isaga iyo culimadii kale ee la
shaqaynayay ee ku saabsanaa qalfoofka maydka Fircoonkii la
odhan jiray Raamsiiskii labaad,isagoo uga jeeda bal waxa uu
ka yidhaahdo caalimka muslinka ahi, ayuu isagoon caalimkii
afka u kala qaadin baa wuxuu u soo saaray aayadda 92aad ee
ku jirta Suuradda Yuunus ee uu Eebbe korreeye kaga warramayo
sida uu Fircoon u halaagay iyo sida uu jidhkiisa u
badbaadiyay si uu calaamad dadka ka dambeeya ugu noqdo,
Eebbe korree oo nasahnaaye waxa uu yidhi:-"'
فاليوم ننجيك ببدنك
لتكون لمن خلفك آية .. وإن كثيرا من الناس عن
آياتنا لغافلون
' ..سورة
يونس - آية92
". "Maanta
ayaannu Jidhkaaga badbaadin, si aad ugu noqoto kuwa kaa
dambeeya calaamad....In badan oo dadka ahina Aayaadkayaga
way ka dhoohan yihiin"
Suuradda
Yuunus Aayadda 92aad.
Prof. Moris
Bokay Aayaddii Quraanka ahayd ee dushiisa lagu akhriyay ayaa
gigishay,intuu kor u dhawaaqay ayuu isagoo qaylyaya
yidhi:-"Islaamka ayaan galay Quraankanna waan rumeeyay".
Waddankiisii ayuu dib ugu noqday isagoon wajigii uu kaga
yimid lahayn. Toban sanadood ayuu baadhayay uun bal sida ay
isku keenayaan daahfurada cilmiyeed ee casriga ah iyo
Quraanka Kariimka ahi, isagoo ku sii talax tagay bal inuu
baadho oo raadiyo is burin keliya oo ah arrin cilmiyeed oo
Quraanku ka hadlay , hase yeeshee wuu waayay, waxaana u soo
baxday oo arrini iskugu soo biyo shubatay hadalkii Eebbe
korree oo nasahnaaye uu Quraankiisa ku sheegay:-"'
لا يأتيه الباطل من بين يديه ولا من خلفه .. تنزيل من حكيم
حميد
'
."Kama
yimaaddo Baadilku xaggiisa hore iyo xaggiisa dambeba..waa ka
soo dege
(Quraanku)
xagga Xakiim la mahadiyay".Midhaha
ka soo baxay baadhitaanka tobankaa sanona waxa uu
noqday kitaab aad u qiimo badan oo uu u bixiyay
"Quraanka,Tawraad, Injiil iyo Cilmiga Cusub", kitaabkaas oo
reer galbeedoo dhan culimo iyo caamaba gilgilay kitaabkaas
oo daah furay sida aanay isku diidaynin iskagana hor
imanaynin Quraanka Kariimka ah iyo cilmiga cusub ee ay
arrimaha cilmiga cusub daah furayo iyo Quraanku isku
keenayaan.
Kitaabkaas halkan ka
akhriso...>>>>
|