|
Hordhac
Aqoonta kumbiyuutarku waxay noqotay
qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha. Waxaa la oran karaa
kumbiyuutarka waxaa maanta loo adeegsadaa wax kasta oo ka
mid ah nolosha casriga ah. Sidaa darteed waxa nala
qummanaatay inaan ummadda soomaaliyeed ku dhiirrigalinno
barashada kumbiyuutarka. Taasi waxay dhalisay inaan halkaan
ka billawno casharro loo diyaariyay si fudud oo uu qof
kastaa fahmi karo oo talaabo talaabo u sharxaya
kumbiyuutarka iyo dhismihiisa. Casharradaas waxaan ku
dadaali doonnaa in hadduu rabbi idmo isla qaadaa dhigno sida
ugu haboon een uga wada faaiidaysan karno wakhtigana u wada
ilaalino.
Kumbiyuutarka iyo taariikhdiisa
Waxaan casharkeenna koowaad ee
taxanaha barashada kumbiyuutarka ku soo qaadan doonnaa
qodobbada soo socda:
- Waa maxay kumbiyuutar?
- Taariikh kooban.
- Noocyada Kumbiyuutarka.
Waa
maxay kumbiyuutar?
Haddii aan adiga ku weydiinno, muxuu
yahay waxa maskaxdaada ku soo dhacaya markaad maqasho ereyga
kumbiyuutar? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu noqonayso, waa
aaladda aan hadda muraayaddeeda wax ka akhrinaayo ee
xafiisyada iskuullda iyo guryahaba taalla loona isticmaalo
keydinta qoraallada iyo akhbaaraha kala duwan.
Ma khaldana jawaabtaadu haddii aad sidaan u qiyaasay u
fikirtay. Laakiin ereyga kumbiyuutar wuxuu xambaarsan yahay
micne intaas ka ballaaran.
Waxaan maalin walba si joogta ah ula kulannaa adeegsiga
farsamada kumbiyuutarka oo wajiyo kala duwan nagu soo marta
isuguna jirta mid aan garanayno in ay farsamada
kumbiyuutarku ka dambayso iyo mid aynaan garanayn intaba.
Farsamada kumbiyuutarku waxay afartankii sano ee ugu
dambaysay door lixaad leh ku yeelatay dhammaan waxyaabaha
naga soo gaaro warshadaha casriga ah. Waxay farsamadaasi ka
mid noqotay waxyaabaha ay nolosha casriga ahi sida joogtada
ah ugu baahan tahay ee ay ka mid yihiin korontada,
taleefoonka iwm.
Waxaa laga yaabaa in marka aan lacag kala baxayno
darbiyada (Bank automat) ama aan kaararka bangiyada wax ku
iibsanayno aan garnayno ama aan tuhunsannahay in ay
farsamadda kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawshaas.
Laakiin marka aan taleefoon ka jawaabaynno ama aan
isticmaalaynno mishiinnada dharka lagu dhaqdo ama aan
fiidiyawga ku amraynno inuu noo duubo program TV-ga ka soo
geli daana annagoo maqan, waxaa laga yaabaa in aynaan ka
fikirayn inay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso fulinta
hawlahaas.
Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa
fulintooda ka dambeeya nooc ka mid ah farsamada
kumbiyuutarka oo ku dhex dhisan hadba aaladda aan markaas
adeegsanayno. Sidaa darteed kumyuutarku wuu ka ballaaran
yahay inta ka muuqatay jawaabtii aan ku soo marnay billowgii
casharkan.
Haddii aan meel dhaw ka soo qabanno kumbiyuutar waxaa la
oran karaa waa aalad kasta oo koronto ku shaqaysa
islamarkaana maamuli karta waxa loo yaqaan DATA oo ah
akhbaar si gaar ah loo nidaamiyay. Aaladdaas oo leh xusuus
laguna hagi karo program.
Noocyada kumbiyuutarka
Kumbiyuutarka waxaa maanta loo qeybiyaa
afar nooc oo kala ah:
- Super Computers
- Big Computers
- Mini Computers
- Personal
Computers
Personal Computers (PC)
Waxaan casharkeenii koobaad ku soo
qeexnay waxa uu yahay kumbiyuutarku, inta nooc ee guud ahaan
loo qaybiyo iyo nooc walba meelaha ama waxa inta badan loo
isticmaalo. Casharkaan oo ah kii labaad waxaan si
faahfaahsan ugaga hadli doonaa Personal Computers (PC)
oo ah mid ka mid ah noocyaddii aan u soo kala qaybinay
kumbiyuutarka.
Personal Computers oo loo soo gaabiyo
PC waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah:
- PC
- Macintosh
Haddaba inta aanan
sii dhexgalin dhismaha iyo qeybaha uu ka kooban yahay
personal Computer-ku waxaan dib ugu yara noqonaynaa
taariikhda noocaan kumbiyuutarrada ah iyo siday ku
billowdeen:
Dhismaha Personal Computer (PC)

Sida
aan ku soo sheegnay
Casharka 2-aad, Personal Computers waxaa loo kala
qeybiyaa laba qeybood oo kala ah PC iyo Macintosh.
Kumbiyuutarrada noocaan ah ee maanta la isticmaalo 95%
(boqolkiiba sagaashan iyo shan) waa PC. 5%
(boqolkiiba shan) waa Macintosh. In kasta oo ay PC
iyo Macintosh iskaga mid yihiin wax badan oo aan uga
hadlayno casharkaan iyo casharradeena dambeeyaba haddana
waxaa jira wax badan oo ay ku kala duwan yihiin. Sidaa
darteed ayaan casharradeenna inta ka hartay waxaaan uga
hadli doonnaa oo ay si gaar ah ugu saabsanasan doonaan nooca
PC, maadaama uu yahay nooca ugu badan ee maanta la
isticmaalo.
Dhismaha guud ee PC
PC waxay ka kooban tahay qeybo kala
madax bannaan oo la iksu xiriiriyay. Qeybahaas waxaa guud
ahaan loo sii kala qeybiyaa 4 (afar) qeybood oo waa weyn oo
kala ah:
- Computer
Case oo ah qeybta u taagan
kumbiyuutarka.
- In Devices
oo loo adeegsado in
kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo.
- Out Devices
oo loo adeegsado in
akhbaar kumbiyuutarka ku jirta lagula soo baxo.
- In and Out
Devices oo loo adeegsado
in kumbiyuutarka wax lagu galiyo iyo in wax lagula soo
baxo labadaba.

Afartaas qeybood ayaan mid mid u soo
qaadanaynaa innagoo mid walba sheegayna waxna ka taabnayna
qeybaha soo hoos gala iyo mid walba waxa loo adeegsado.
Casharradeenna xiga ayaan qeybahaas si faafaahfaasan uga
hadli doonnaa hadduu rabi idmo. Casharkaan waxaan ugu tala
galnay inuu sawir guud ka bixiyo dhismaha PC.
1.
Computer
Case

Computer
Case waa santuukha birta iyo balaastiga isku jira ka
samaysan ee ay fiilooyinku xagga dambe kaga jiraan. Dadka
badankiisu qeybtaan muhiim uma arkaan laakiin waa qeybta
saldhigga u ah kumbiyuutarka iyo qeybaha uu ka kooban yahay.
Run ahaantii kumbuutarku waa qeybtaan.
Computer Case waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah
Tower iyo Desktop.
Tower oo ah nooca kaaga muuqda sawirka waa nooca ugu badan
ee la isticmaalo. Tower waxaa loogu tala galay in la dhigo
dhulka miiska hoostiisa ah, wuuna ka waasacsan yahay oo ka
qaad badan yahay Desktop.
Desktop waa nooc jiifa waxaana loogu talagalay in la saaro
miiska dushiisa. Screen-ka ayaana inta badan dusha laga sii
saaraa.
Cumputer Case waxaa ku jira
qeybaha kumbiyuutarka ugu muhiimsan uguna xasaasisan,
waxayna qeybahaas u tahay gaashaan ka ilaaliya inay wax
gaaraan. Waxaa kale oo ay kumbiyuutarka ka ilaalisaa
kulaylka oo waxaa ku rakiban marwaxad qaboojisa oo hoos u
dhigta heerkulka kumbiyuutarka si uusan u guban.
Qeybaha muhiimka ah ee ku
dhexjira Combuter Case waxaa ka mid ah:
Motherboard ama Mainboard oo ah sagxadda ay ku
fadhiyaan waxa loo yaqaanno Cards oo aan uga hadli doonno
casharrada dambe. Motherboard wuxuu xiriiriyaa oo uu
korontada iyo akhbaarta u kala gudbiyaa dhammaan qeybaha
kale ee kumbiyuutarka waana qeybta ugu muhiimsan
kumbiyuutarka.
Processor oo ah qeybta hagta ee maskaxda u ah
kumbiyuutarka, xawaaraha kumbiyuutarkuna iyada ayuu ku xiran
yahay.
Hard Drive waa halka lagu kaydiyo wixii akhbaar ah ee
kumbiyuutarka la galiyo.
Memory waxaa si ku meelgaar ah loogu kaydiyaa wixii
akhbaar ah ee diyaarinteeda gacanta lagu hayo inta aan la
dooran in si rasmi ah loo kaydiyo. Wixii halkaas lagu
kaydiyo waxaad heli kartaa inta uu kumbiyuutarku shidan
yahay. Haddiise kumbiyuutka la damiyo wey lumayaan. Memory
waxaa kale oo isticmaala hadba program-yada markaas shidan.
Floppy Disk Drive waa halka kumyuutarka laga galiyo
cajaladda yar ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo.
CD-ROM waa halka kumbiyuutarka laga galiyo nooca
cajaladda ah ee loo yaqaan CD.
Cards waxaa la isku yiraahdaa kaarar loo isticmaalo
hawlo kala duwan. Kaararkaas waxaa ka mid
ah Sound Card, Graphic Card, Network Card, Video Card iwm.
Mid kasta
oo ka mid ah qeybhaas cashar u gaar ah ayaan ku soo qaadan
doonnaa markaa ayaanan si faahfaahsan uga hadli doonnaa.
Waxaa aad muhiim u ah in Computer Case-ku ay waasac tahay
waayo waxay taasi fududaynaysaa qulqulka hawada ka soo
baxaysa marwaxadda. Waxaa kale oo ay taasi kuu suurto
galinaysaa inaad kumbiyuutarkaaga sii dhisto oo aad ku sii
kordhiso qeybo kale.
2.
In devices
In devices waxaa sidaan soo sheegnay la isku yiraahdaa aaladaha loo
adeegsado in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo. Aaladahaas
waxaa ka mid ah:
Keyboard

o
Waxaa loo adeegsadaa in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo.
Xarfaha Keyboard-ka ka muuqda iyo sida ay u safan yihiin
labadaba waxay ku xiran yihiin hadba waddanka loogu tala
galay in laga isticmaalo. Laakiin waxaa caadi ah inuu yeesho
101 ama 102 batoon iyo wixii ka badan. Nooca ka muuqda
sawirka waa nooca caadiga ah laakiin waxaa jira noocyo
qalqalloocan oo ay qolyaha samayay yiraahdaan waxaan u
qaabaynay si gacmaha u roon.
o
Mouse
Mouse wuxuu noqday aalad aan laga maarmin
marka ay soo baxeen operative systems ku salaysan graphic
sida Windows. Waxa kale oo isticmaalkiisa sii badiyay
internet oo inta badan lagu saleeyo in mouse-ka lagu taabto
qoraal iyo sawirro kala duwan. Inta badan wuxuu
leeyahay 2 ilaa 3 batoon. Waxaa jira qaar ay intaas u sii
dheer tahay garaangar yar oo batoommada dhexdooda ku taalla
oo loogu talgalay in bogga kor iyo hoos loogu socodsiiyo.
Waxa kale oo uu sida caadiga ah dhanka hoose ku leeyahay
kuul yar oo ku dul wareegata hadba meesha la dul saaro.
Kuushaasi waxay suurto galisaa in fallaarta mouse-ka loo
dhaqaajiyo hadba dhinacii la doono.
o
Scanner
Waxaa loo isticmaalaa in sawir ama qoraal buug ama warqad ku
yaalla lagu akhriyo si kumbiyuutarka loo galiyo. Scanner
waxaa ugu badan nooca loo yaqaan flat Scanner oo ah
nooc u eg mishiinka loo isticmaalo koobiyeynta waraaqaha
waana kan sawirka ka muuqda. Sida daabacaha ayuu scanner-ku
wuxuu ku kala duwan yahay xagga xawaaraha iyo tayada waxa uu
koobiyeeyo. Waxaa jira noocyo yaryar oo gacanta lagu qabto
oo la dul mariyo waxa la koobiyeynayo. Noocaan waxaa inta
badan lagu arkaa dukaammada waaweyn oo waxaa lagu akhriyaa
kood ku dhaggan shayga aad gadatay oo sheegaya nooca iyo
qiimaha shaygaas.
o
Makarafoon (Microphone)
Makrafoon
inta badan gaar ayaa loo soo gataa oo lama socdo
kumbiyuutarka waayo waxaa loo baahdaa marka aad adigu rabto
inaad kumbiyuutarka cod ku duubto. Arrintaasna dadka intiisa
badan waxaa laga yaabaa inaysan u baahan.
o
Joysticks
Waxaa loo isticmaalaa ciyaaraha kumbiyuutarka lagu ciyaaro
sida kuwa dagaallada ee xabbadaha la rido, diyaarada,
baabuurta iwm. Joystik wuxuu leeyahay gacan taagan oo
dhinaca hore ku leh batoommo loo adeegsado hawlo kala duwan
sida in xabbad la rido, in meel laga boodo, in la dhabacdo
iwm. Gacan-ka laftiisa waxaa loo adeegsadaa in diyaarad,
baabuur ama qof lagu hago sida in marba dhinac loo leexiyo,
in horay ama gadaal loo socdo iyo in la joojiyo.
o
Gamepad
Gamepads
waxaa inta badan loo isticmaalaa ciyaaraha baabuurta. Waxay
inta badan u kala baxaan laba nooc.
Nooc yar oo fidsan oo leh batoommo fara badan oo loogu tala
galay hawlo kala duwan.
Nooc ka kooban isteerin u eg kan baabuurta oo leh batoommo
fara badan iyo qeyb dhulka la dhigo oo shabahda fariinka iyo
sheelaraha baabuurta. Taasi waxay keentaa in qofka
ciyaarayaa uu dareemo sidii inuu baabuur rasmi ah wado oo
kale.
3.
Out devices
Out devices waxaa iyagana sidaan soo sheegnay la isku yiraahdaa aaladaha
loo adeegsado in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta lagula soo
baxo. Aaladahaas waxaa ka mid ah:
o
Monitor (Screen)
Monitor ama Screen waa muraayadda aad ka aragto waxa
kumbiyuutarka ku jira. Monitor-ku waa qeyb muhiim ah waayo
waa halka lagala xiriiro kumbiyuutarka. Monitor wuxuu
leeyahay noocyo iyo cabirro kala duwan wuxuuna la shaqeeyaa
oo isaga iyo kumbiyuutarka u kala turjuma kaar loo yaqaan
Graphic Card oo ka mid ah kaararka ku jira sanduuqa
kumbiyuutarka. Haddii monitor-kaaga ama Graphic Card-kaagu
uu duq yahay waxay keenysaa in uu sawirka monitor-ka ka
muuqdaa uu yara gargariiro oo uu indhahaaga wax u dhimo.
Sidaa darteed waa muhiim in kumbiyuutarku uu leeyahay
Monitor iyo Graphic Card casri ah oo ay tayadoodu fiican
tahay.
Monitor-ka waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan 'tum' oo ay
astaan u tahay (") una dhigma 2,5 cm. Waxaa tusaale ahaan la
cabbiraa fogaanta u dhaxaysa muraayadda geeskeeda bidixe ee
hoose iyo geeskeeda midige ee sare. Cabbirrada monitor-ka
waxaa ka mid ah 14", 15", 17", 19, 20", iyo 21".
Kumbiyuutarrada cusub ee maanta suuqa yaallaa waxay u badan
yihiin cabbirka 15" 17", iyo 19". Mar kasta oo uu cabbirka
Monitor-ku sii weynaadaba waxaa sii kordha qiimihiisa.
o
Daabace
(Printer)
Daabace waxaa loo isticmaalaa in akhbaar
kumbiyuutarka ku jirta warqad lagu daabaco. Daabuhu
inta badan lama socdo kumbiyuutarka laakiin gaar ayaa loo
soo gataa. Daabucuhu wuu noocyo badan yahay oo wuxuu ku kala
duwan yahay samayska farsamo ahaan, xawaaraha uu wax ku
daabaco, tayada waxa uu daabaco iyo isticmaalkiisa oo kala
fudud. Xagga farsamada waxaa loo kala qeybiyaa saddex
qeybood oo waa weyn.
Matrix Printer ama Dot Printer waa nooc duq ah oo aan
inta badan maanta suuqa laga helin. Wuxuu adeegsadaa farsamo
laga tagey oo adeegsnaysa irbado xarfaha dhibic dhic u qora.
Noocaani aad ayuu u gaabiyaa waxa uu qorana aad ayay
tayadoodu u hoosaysaa markuu wax qoraayana aad ayuu u
qeyliyaa.
Inkjet Printer waa nooca dadka caadiga ahi ay u badan
yihiin wuxuuna adeegsadaa khad shubmaysa oo warqadda lagu
cadaadiyo. Daabacahaani noocyo badan ayuu u sii kala baxaa
wuxuuna ku sii kala duwan yahay xawaaraha, tayada iyo
midabka waxa uu qoro iyo isticmaalka. Xagga tayada wuu ka
fiican yahay nooca hore laakiin haddii tusaale ahaan qoyaan
uu gaaro warqadda uu wax ku qoray waxaa dhacaysa in ay
khaddu dhaqanto oo ay xarfuhu isku dardarsamaan. Sidaa
darteed noocaan looma isticmaalo wixii qoraal ah ee la rabo
in muddo badan la keydiyo.
Laser Printer waa nooca ugu dheereeya uguna tayo
fiican waxaana inta badan laga isticmaalaa xafiisyada
dawliga ah, ururrada iyo shirkadaha waaweyn. Noocani wuxuu
xagga farsamada, qaabka iyo cabbirkaba shabahaa mishiinnada
loo isticmaalo koobiyeynta waraaqaha.
o
Samaacado (Speakers)
Kumbiyuutarrada maanta suuqa yaalla intooda badan waxaa la
socda oo lagu soo gataa kaarka codka (sound Card) iyo
samaacado. Samaacaduhu wey kala nooc iyo cabbir duwan
yihiin. Laakiin inta badan waxtarkoodu qofka caadiga ah uma
kala duwana. Samaacadaha waxaa loo adeegsadaa in lagu
dhagaysto codka ka soo baxa program-yada kala duwan ee
kumbiyuutarka lagu isticmaalo. Program-yada codka leh waxaa
ugu badan kuwa ciyaaraha ah laakiin waxaa jira kuwo
waxbarasho ah oo dhageysi ku salaysan. Xataa waxaa kale oo
jira CD-yo uu ku duuban yahay quraanka oo dhan oo cod ahaan
loo dhagaysto. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in haddii aad
kumbiyuutar gadanayso aad iska fiiriso inuu wato kaarka
codka iyo samaacado.
4.
In and Out devices
In and out Devices waa aaladaha loo
adeegsado in akhbaar lagu galiyo loogalana soo baxo
kumbiyuutarka. Aaladaha noocaas ah waxaa ka mid ah:
Waa aaladda suurto galisa in ay laba
kumbiyuutar ama in ka badni xiriiraan iyagoo adeegsanaya
laynka telefon-ka. Modem hawshiisa waxaa lagu soo koobi
karaa in uu hadal qoraal ah u rogo cod si loogu diro laynka
telefon-ka. Iyo inuu codka telefon-ka u rogo qoraal uu
kubiyuutarku fahmi karo. Modem waa aaladda hadda kuu suurto
galisay inaad timaaddo halkaan oo aad casharkaad akhriso.
Motherboard
Si aad ula socoto una fahamto
casharkaan iyo casharrada ka dambeeya, waxaan kugula
talinaynaa in haddaad kumbiyuutar leedahay aad casharka
warqad ku daabacdo ka dibna aad santuukha kumbiyuurtakaaga
furto oo aad fiiriso waxa gudihiisa ku jira adigoo isku
dayaya inaad hesho hadba qeybta uu markaas casharku ku
saabsan yahay. Waxaan inta badan adeegsan doonnaa sawirro si
toos ah looga soo qaaday qeybaha ay casharradu ka hadlayaan
sidaa darteed way kuu fududaan doontaa inaad hesho qeybta
aad raadinayso. Inta aadan kumbiyuutarka kala furin
iska hubi inuu dansan yahay oo marna ha furin kumbiyuutarka
isagoo shidan.
Muxuu yahay Motherboard?
Motherboard waa qeybta ugu muhiimsan
qeybaha uu kumbiyuutarku ka kooban yahay. Magacyada kale ee
qeybtaan loo yaqaan waxaa ka mid ah Mainboard iyo
Systemboard. Dhammaan magacyadaasi waxay kuu muujinayaan
muhimadda ay qeybtaani leedahay. Waayo waa qeybta aasaaska
u ah ayna ku dul rakiban yihiin qeybaha ugu muhiimsan
kumbiyuutarka islamarkaasna xiriirisa oo korontada iyo
akhbaarta u kala gudbisaa dhammaan qeybaha kale ee
kumbiyuutarka.
Motherboard uu noociisu yahay
ATX oo dusha laga sawiray isagoo keligii ah oo aysan waxba
ku dul rakibnayn
Motherboard-yada caasriga ah ee maanta
la isticmaalaa waxay u muuqdaan sida sawirka kaaga muuqata.
Waxaa laga yaabaa in fiilooyin fara badan iyo qeybo kale ay
ka soo sokeeyaan oo uu kuu wada muuqan waayo.
Haddii nooca santuukha kumbiyuutarkaagu uu yahay Tower wuxuu
Motherboard-ku ku rakiban yahay dhinaca midige ama bidixe ee
santuukha. Haddiise uu nooca santuukhaagu yahay Desktop
wuxuu Motherboard-ku fadhiyaa sagxadda santuukha. Si aad u
hesho sharaxaad ku saabsan Tower iyo Desktop fiiri
Casharka 3-aad.
Qeybaha Motherboard-ka
Motherboard uu noociisu yahay
ATX.
Motherboard-ku wuxuu ka kooban yahay
dhowr qeybood oo mid walbaa hawl gooni ah qabato. Qaybaha
ugu muhiimsan ee ay Motherboard-yada casriga ah ee maanta la
isticmaalaa ka kooban yihiin waxaa ka mid ah:
-
Processor
Socket ama Slot
(sawirka nr 4)
- Chipset
(sawirka nr 1)
- BIOS
(sawirka nr 10)
- Battery
(sawirka nr 9)
- Memory
SIMM/DIM sockets
(sawirka nr 8)
- Bus Slots
(sawirka nr 2 iyo 3)
- Processor
Voltage Regulator
-
Storage Device
Interfaces
(Swirka nr 11)
- Serial Ports
(Sawirka nr 6)
- Parallel
Ports
(Sawirka nr 5)
- Mouse and
Keyboard connectors
(Sawirka nr 7)
Waa
Maxay Processor?
Processor-ku waa maskaxda ama matoorka kala socodsiiya
hawlaha kumbiyuutarka. Magacyada kale ee
processorka loo yaqaano waxaa ka mid ah Microprocessor iyo
CPU (Central Processing Unit). Processor-ku wuxuu ka mid
yahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka waana halka laga
cabbiro xawaaraha kumbiyuuutarka, wuxuuna inta badan tilmaan
u noqdaa kumbiyuutarka oo dhan. Waxaa laga yaabaa inaad
maqasho qof leh "Kumbiyuutarkaygu waa Pentuim II 450" iwm.
Taas micneheedu waa in nooca processor-ka kumbiyuutarkaasi
uu yahay Pentium II, xawaarihiisuna uu yahay 450 Mhz.
Noocayada processor-ka dib ayaan uga hadli doonnaa hadduu
rabbi idmo.

Processor uu noociisu yahay
Pentium MMX oo marna hoos laga sawiray (sawirka bidixe)
marna dusha laga sawiray (sawirka midige).
Xawaaraha processor-ka waxaa lagu
cabbiraa inta wareeg ee uu sameeyo halkii ilbiriqsi (seken)
waxaana lagu sheegaa waxa loo yaqaan megahertz (Mhz) oo u
taagan ilbiriqsigiiba hal milyan oo wareeg. Haddii lagu
yiraahdo processor ayuu xawaarihiisu yahay 450 Mhz, waxaa
looga jeegdaa in processor-kaasi uu halkii ilbiriqsi sameeyo
450 milyan oo wareeg. Hal wareeg waa cabbirka ugu yar ee
wakhtiga processor-ka. Hawl kasta oo uu processor-ku qabtaa
waxay ku qaadan kartaa ugu yaraan hal wareeg, laakiin caadi
ahaan waxay hawl kastaa qaadataa wareegyo fara badan.
Si uu processor-ku u fuliyo hawl gaar
ah wuxuu raacaa oo uu mid mid u fuliyaa waxa loo yaqaan
Instructions oo ah tilmaamo ku saabsan tillaabooyinka ay
hawshaasi ka kooban tahay. Inta wareeg ee ay processor-ka ku
qaadato inuu fuliyo hal instruction ayaa lagu cabbiraa
xawaaraha dhabta ah ee processor-ka. Taasina waxay ku xiran
tahay nooca processor-ka. Tusaale ahaan processor-radii ugu
horreeyay (8086 iyo 8088) wuxuu halkii instruction ku qaadan
jiray celcelis ahaan 12 (laba iyo toban) wareeg. Halka
maanta processor-rada carsiga ah (Pentium II iyo wixii ka
dambeeyay) ay hal wareeg ku fulin karaan saddex instructions
iyo wax ka badan. Taasi waxay keenaysaa in laba processor oo
uu xawaarahoodu yahay 200 Mhz laakiin uu noocoodu kala duwan
yahay ay aad u kala dheereeyaan iyadoo ay ku xiran tahay
inta instruction ee uu processor walbaa fulin karo halkii
wareeg. Processor walbaa processor-kii uu ka dambeeyay wuu
ka dheereeyaa maadaama ay had iyo jeer sii yaraanaysay
tirada wareegyada ay processor-ka ku qaadanayso fulinta
halkii instruction.
Waxaa jira dhawr arrimood oo saamayn
ku leh xawaaraha processor-ka. Arrimahaas kuwa ugu muhiimsan
waxaa ka mid ah:
Noocyada Processor-ka
Waxaa jira dhowr shirkadood oo ku
tartama samaynta Processor-rada. Shirkadahaas waxaa ugu
caansan suuqa Processor-radana si aad ah u haysta shirkadda
Intel. Shirkadaha kale ee Intel soo raaca waxaa ugu
caansan laba shirkadood oo la kala yiraahdo
AMD (Advanced Micro Devices) iyo
Cyrix. Suuqa Processor-rada waxaa haga Intel, AMD iyo
Cyrix-na waxay inta badan soo saaraan Processor-ro u dhigma
oo ay kula tartamayaan hadba kan ay Intel soo saarto.
Guud ahaan Processor-rada waxaa loo
kala qaadaa dhawr jiil (Generations) oo is daba jooga iyadoo
la fiirinayo sidii ay u kala dambeeyeen. Jiilalkaas ayaan
mid mid u soo qaadanaynaa annagoo sheegi doonna waxa uu jiil
kastaa uga duwan yahay jiilkii ka horreeyay iyo noocyada
Processor-rada jiilkaas ka tirsan iyo nooc kasta ciddii
samaysay.
Memory-da
Memory-du waxay u kala baxdaa laba
nooc oo kala ah: ROM (Read Only Memory) iyo RAM (Random
Access Memory). Casharkeenaan waxaa kaliya oo aan kaga hadli
doonnaa nooca dambe ee RAM. Mar kasta oo aan casharkaan ku
soo qaadno Memory waxaan ula jeednaa nooca RAM oo kaliya.
Waa Maxay RAM?
RAM (Random Access Memory) waa halka
si ku meelgaar ah loogu kaydiyo akhbaarta uu processor-ku
markaas gacanta ku hayo iyo program-yada markaa shidan
(running programs). Tusaale ahaan haddaad rabto inaad wax
qorato waxaad horta shiddaa program-ka aad wax ku qorato
sida Word. Markaad program-kaas shiddo waxaa Memory-da lagu
kaydiyaa koobi ah program-kaas, koobigaas ayaana lagu tusaa
si aad wax ugu qorato. Muddada aad wax qorayso waxaa
akhbaarta aad qorto lagu kadiyaa Memory-da, waxaana halkaa
lagu haynayaa ilaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay ama
aad program-ka Word ka xirayso. Haddiise
kumbiyuutarka la damiyo ka hor inta aadan kaydin
akhbaartaasi way lumaysaa.
Tusaalaha ugu caansan ee la soo qaato marka la sharxayo
sida uu kumbiyuutarku wax u kaydiyo waa iyadoo kumbiyuutarka
lagu matalo xafiis yar oo ay yaallaan miis iyo armaajo lagu
kaydiyo dukumentiga xafiiska. Armaajadu waxay u taagan tahay
Hard Disk-ga oo ah halka sida joogtada ah loogu kaydiyo
akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka ku jira. Miiskuna
wuxuu u taagan yahay Memory-da. Qofka xafiiska ka shaqaynaya
(oo u taagan Processor-ka) wuxuu armaajada kala soo baxaa
hadba dukumentiga uu rabo inuu wax ka qabto wuxuuna ku kala
fidiyaa miiska dushiisa. Waxaa caadi ah in qofka xafiis ka
shaqaynayaa uu dukumentiyo fara badan ku haysto miiska
dushiisa. Mar kasta oo baaxadda miisku ay sii weynaataba
waxaa badanaya tirada dukumentiyada dushiisa la saari karo.
Sidaa si la mid ah ayuu kumbiyuutarku program-yada iyo
hawlaha uu markaas gacanta ku hayo ugu kaydsadaa Memory-da.
Mar
kasta
oo ay baaxadda Memory-du sii weynaataba waxaa badanaya
akhbaarta lagu keydin karo iyo tirada program-yada isku mar
kuu furnaan karo. Memory-da la'aanteed kumbiyuutarku wax
hawl ah ma qaban karo. Sidaa darteed Memory-du waxay ka mid
tahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka.
Baaxadda Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan
"Byte" oo u dhigma hal xaraf. 1024-kii byte waxay noqdaan
hal KiloByte (KB). Kunkii KB waxay noqdaan hal MegaByte
(MB). Kunkii MB-na waxay noqdaan hal GigaByte (GB).
Memory-du waxay ku dul rakiban tahay kaarar yar yar oo uu
dhererkoodu qiyaas ahaan le'eg yahay 10 ilaa 15 cm (Fiiri
sawirka). Kaararkaasi waxay u kala baxaan
laba nooc oo kala ah SIM (Single Inline Memory Module) iyo
DIM (Dual Inline Memory Module). Kaararkaas waxaa la gadaa
iyagoo baaxadda Memory-da ku dul rakibani ay tahay 1 MB, 2
MB, 4 MB, 8 MB, 16 MB, 32 MB, 64 MB ama 128 MB.
Hard
Disk Drive (HDD)

Hard Disk dusha laga sawiray isagoo marna qolofkii kore
wata (bidix) marna laga furay (Midig) oo ay calooshiisii
muuqato
Sida aan ku soo aragnay
Casharka 2-aad Hard Disk-gu waa halka sida joogtada ah
loogu kaydiyo dhammaan program-yada iyo akhbaarta kale ee
kumbiyuutarka ku jirta. Hard Disk-gu waa qaybta ugu
muhiimsan qaybaha uu kumbiyuutarku u isticmaalo kaydinta
akhbaarta. Wixii akhbaar ama program-yo ah ee Hard Disk-ga
lagu kaydiyaa waxay halkaa ku jirayaan ilaa inta aad adigu
ka tirtirto. Taasi waa haddii uu Hard Disk-gu bed qabo oo
aysan ku iman cillad farsamo oo keenta inuu kharribmo
halkaana ay ku lumaan dhammaan wixii ku jiray. Hard Disk-gu
wuxuu ka mid yahay qaybaha muhiimka ah ee ku dhex jira
santuukha kumbiyuutarka. Halkii kumbiyuutar wuxuu yeelan
karaa hal ama in ka badan oo Hard Disk-yo ah, iyadoo taasi
ay mar kasta ku xiran tahay baahida qofka kumbiyuutarka iska
leh.
Floppy Disk Drive (FDD)
___________
Floppy Disk Drive uu cabbirkiisu yahay 3.5" oo la
sawiray isagoo marna kumbiyuutarka ku rakiban (bidix) marna
keligii gaar loo soo furay(midig)
Sida aan ku soo aragnay casharka
3-aad, Floppy Disk Drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga
geliyo cajaladda yar ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo loona
yaqaan "Floppy Disk" ama Diskette, waxaana astaan u ah
xarafka A:. Floppy Disk Drive-ka oo loo soo
gaabiyo FDD wuxuu ku dhex dhisan yahay
santuukha kumbiyuutarka wuxuuna ka mid yahay qaybaha
asaasiga ah ee kumbiyuutarka ilaa waagii la soo saaray la
socday, marka laga reebo in yar oo ka mid ah kumbiyuutarrada
yar yar ee gacanta lagu qaato (Portable Computers) oo la
iibiyo iyaga oo aan FDD lahayn.
CD-ROM Drives
(Compact Disk-Read Only Memory)
_
Sawir
muujinaya CD-ROM Drive (bidix) iyo saxanka CD-ga (midig)
CD-ROM Drive-ku waa halka
kumbiyuutarka laga geliyo saxanka wareegsan ee loo yaqaan
CD-ga ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo. Ereyga CD-ROM
wuxuu u taagan yahay "Compact disk - Read Only Memory"
taasoo muujinaysa samayska iyo isticmaalka saxanka CD-ga. "Compact
Disk" waxay muujinaysaa in saxanka CD-gu uu samays
ahaan yahay mid adag oo isku cufan oo aan si fudud loo
qalloocin karin iyadoo aan dhibaato loo gaysan. "Read
Only Memory" waxay muujinaysaa in saxanka loogu
talagalay in wixii akhbaar ah ee ku jira laga soo akhristo
oo kaliya ee aan wax lagu qori karin. CD-ROM-ku muddo dheer
ayuu sidaa u shqayn jiray oo isticmaalkiisu uu ku koobnaa oo
in wax laga soo akhristo oo kaliya, laakiin arrintaasi waxay
wax weyn iska beddeleen markii ay soo baxeen noocyada CD-R
iyo CD-RW oo ah saxammo loogu talagalay in wax lagu qoro
waxna laga soo akhriyo. Noocyadaas waan ka hadli doonnaa
hadduu rabi idmo.
Marka la eego Windows, CD-ROM Drive-ku ma laha xaraf go'an
oo si joogto ah astaan ugu ah, laakiin waxaa astaan u noqda
hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa
laga yaabaa inaad aragto CD-ROM uu astaan u yahay xarafka
D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay
xarafka E: ama F: iwm.
Walaalayaal halkan waxaan ku soo
diyaariyay warbixino fara badan oo ku saabsan computerka
markaa waxaan idiinka rajaynayaa inaad si fiican uga
faa’iidaysantoontaan.
Prepared By Abdisalam Mal
Casharo
kale oo la xidhiidha Kombiyuutarka>>>
|