| Taariikhda Sheekha oo kooban Sheekh Cabdiraxmaan Sulaymaan Bashiir wuxuu ku
dhashay magaalada Cali Sabiix ee waddanka Jabuuti,halkaas oo uu ku
dhammaystay waxbarashadiisa hoose dhexe
iyo quraankaba, waxbarashadiisa sarena wuxuu ku qaatay jaamcad ku taal
waddanka Yaman , halkaasoo uu ka soo qaatay shahaadada Masterka ee
culuumta sharciga Islaamka,Sheekhu wuxuu hadda hayaa xilka ah la taliyaha
maxkamadda sare ee waddanka Jabuuti.Sh. wuxuu ka mid yahay dhallinyarada
u ban baxday fidinta diinta Islaamka ee waddanka Jabuuti gaar ahaan iyo
guud ahaanba geeska Afrika, wuxuuna barnaamijyo badan oo xagga diinta ah
ka jeediyaa TV-ga iyo Radio-ga waddankaasi casharadiisana dadku aad iyo
aad ayay u dhagaystaan, waxaanu Sh. leeyahay hab gaara oo fudud oo dadka
dhagaysanaya muxaadarooyinkiisa ku soo jiito. F.G.
Muxaadaradan iyo kuwo kale oo aannu soo galin doono hilinkatoosan toosan
haddii Eebbe idmo waxaa Sh. Cabdiraxmaan Bashiir lagaga duubay dawro(Koorso)
oo ka bixiyay Masaajidka Raabidada iyo Masaajido kale oo ku yaala
waddanka Finland intii u dhaxaysay 5---15.5.2005.
Muxaadarooyinkaas oo maqal iyo muuqaalba leh waxaad ka
dalban kartaa
mali2@welho.com, amaba la soo xidhiidh
hilinkatoosan@hilinkatoosan.com. |