|
U shaqayso hoygaaga dhabta ah
Beri hore ayaa waxaa magaalo xukumi jiray
boqor, waxaana dadka magaalada deggen caado u ahaa inay
sannad kasta doortaan boqor, marka uu sanadkaasi dhammaadana
intay dhar qurux badan u xidhaan, maroodin saaraan ayay
magaalada ku soo wareejin jireen, iyagoo nabadgalyaynaya,
waxaanay saari jireen dooni iyagoo gayn jiray gasiirad cidla
ah, halkaasoo ay kaga soo noqon jireen halkaasoo uu inta
noloshiisa ka hadhsan ku dhammaysan jiray, waxaana ay markaa
dadka magaaladu dooran jireen boqor kale oo sannad xukuma
dabadeedna gasiiraddaasi loogaga soo tago sanad kadib.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa markii boqor ka mid ahi
boqoradii uu sanadkii u dhammaaday ayaa sidii caadada ahayd
inta dhar qurub badan loo xidhay oo maroodi wayn la saaray
magaaladiina lagu sii wareejiyay doonidii hoyn lahayd
xaggeedii loo gudbiyay , markaasuu isagoo dhaqaaq joogsanaya
kolba gadaal u soo eegaa dadkan shalay ka saxeexay na xukun
maantana meel aan cidi ka warhayn inta cimrigiisa ka hadhsan
u galbinaya, laakiin waa heshiis lala galaye loogama jimcin,
doontii inta la saaray ayaa ilaa intay ka libdhaysay loo sii
gacan haatiyay. Markii ay doonidii boqorkii ku soo dejisay
gasiiraddii cidlada ahayd dhexdana ay ku soo jirto ayaa
waxay badmaaxyadii saarnaa la kulmeen dooni wax yar ka hor
degtay iyo wiil dhallinyaro ah oo ka badbaaday loox ka jabay
doonidii degtayna ku dadaalaya sidii uu ugu badbaadi lahaa
ayaa intay soo badbaadiyeen waxay keeneen magaaladii,
waxaana dadkii magaaladu ay ku tashadeen in wiilkan
dhallinyarada ah loo sharaxo sanadkii boqortimada isagii
ayaana loo bandhigay, markii hore diid laakiin markii dambe
ayuu oggolaaday maadaama ay dadka magaalada deggen qaarkood
soo badbaadiyeen waxaase loo sheegay in 12 bilood kaddib loo
qaadi doono gasiiraddii cidlada ahayd ee la geeyay boqorkii
isaga ka horreeyay iyo kuwii kale ee ka sii horreeyayba.
Saddex cisho markii uu boqor ahaa ayuu
wasiiradiisii amray in la geeyo gasiiraddan loo tarxiili
jiray boqoradii isaga ka horreeyay muddada uu xukunka hayaa
marka ay dhammaatana isaga loo tarxiili doono, wasiiradii
amarkiisa ayay fuliyeen markaasaa isaga, wasiiradiisii iyo
ciidamo ilaalo ahaa oo la socday ay markii u horraysay
cagaha dhigeen gasiiraddan boqorada lagu tuuri jiray ee
aanay cidiba cag dhigin, markii uu cagaha dhigayba mise waa
bahalo dad cun ah oo meel kasta ka ciyaya iyo lafihii
boqoradii isaga ka horreeyay oo meel kasta daadsan, wuxuu
ogaaday in markii boqor kasta la keeno ay bahalani kala
goosanayeen, waxaa kale oo uu arkay in gasiiraddu ay kayn
jiq ah tahay. Dib ayuu u soo noqday markaasuu 100 shaqaale
ah si hoose ugu diray gasiiraddaas si ay bahalada uga
laayaan geedahana uga jaraan meelo laga dego gasiiraddaasi,
bil markii ay hawshaasi socotay ayuu booqday waxaanu arkay
inay gasiiraddii noqotay meel la degi karo, haddana waxa uu
shaqaalahii amray inay beero iyo bustaano ku abuuraan isla
markaana xoolaha la dhaqdo geeyaan sida loda,adhiga,digaaga
iyo xayaawanada kale ee dabjoogta ah. Bishii saddexaadna
waxa uu shaqaalihii ku amray inay guri wayn uga dhisaan isla
markaana deked yar oo ay doonyuhu ku soo xidhaanna ay ka
sameeyaan, ilaa shan bilood markii ay shaqaalihii ka
shaqaynayeen ayay gasiiraddii isku baddashay meel qurux
badan oo naftu jeclaysato inay degto. Boqorku fariid ayuu
ahaaye intii uu magaalada joogay dhar caadi ah ayuu xidhan
jiray cunto yar oo ku fulinna wuu ka cuni jiray hantida soo
gasha inta kalana gasiiradda ayuu galin jiray. Sagaal bilood
markii ay dhammaatay ayuu wasiiradiisii shiriyay waxaanu u
sheegay inay arrintu tahay inuu 12 bilood kaddib gasiiradda
loo qaadayo, laakiin waxa uu u sheegay inuu isagu doonayo
inuu hadda u guuro gasiiradda, hase yeeshee wasiiradii waa
ay ka diideen waxayna u sheegeen in sidii heshiisku ahaa
saddex bilood kabacdi xagga gasiiradda loo rari doono, sidii
buuna ku qancay.
Sannadkii ayaa dhammaaday kalkii boqorka
gasiiradda oo galbin lahaa ayaana la gaadhay, sidii caadada
ahaydna dhar qurub badan ayaa loo xidhay boqorkii maroodi
waynna waa la saaray si magaalada loogu soo wareejiyo iyadoo
dadku ay waddooyinka safnaayeen iyaoo gacmaha u taagaya oo
ku leh nabadgalyo boqorow....nabadgalyo boqorow, hase
yeeshee halka ay boqoradii hore iyagoo murugaysan dadku
sagootin jireen waxay arkeen boqorkan dhallinyarada ah oo
isagu faraxsan qoslayana waxayna waydiiyeen sababta uu isagu
u faraxsan yahay waxaanu ugu jawaabay murti ay
indheergaratadu ku yidhaahdeen:-" Marka aad dhalato waad
oydaa iyadoo dadka ku hareero taaganna wada qoslayaan markaa
ugu noolow adduunka sidii aad doonto ilaa inta aad ka
dhimanayso markaas oo aad adigu qosli doonto dadka ku
hareera joogaanna ay wada ooyi doonaan", markaa boqoradii
iga horreeyay waxay ku mashquulsanaayeen intii ay xukunka
hayeen sidii ay naftooda uun ugu raaxayn lahaayeen, aniguse
waxaan ka fikirayay mustaqbalka iyo sida xaal noqon doono
taasoo keentay inaan gasiiraddii ka dhigo meel la degi karo
si aan inta cimrigayga ka hadhsan aan si raaxa leh ugu
noolaan lahaa.
Haddaba akhristow ujeedada ma ila
garatay. Haa baan u malaynayaaye adduun yuu ku hodine
aakharadaada iyo hoyga dhabta ah ee aad degi doonto u
shaqayso.Ilaahay ha ina waafajiyo sida khayrku ku jiro,
khaatumadana Ilaahay ha innoo wanaajiyo..Aamiin.
|