![]() |
|
Kitaabka Salaadda
Horudhac
|
Waxaa kaloo jira marar ay fiican tahay in qofka muslinka ahi maydho , waxaana ka mid ah:- 1-Maydhashada maalinta Jimcaha ah , sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Ina Cumar Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Haddii midkiin yimaaddo(u soo kaco) xagga Jimcada ha maydho) [Kooxdaa warisay]. Warin Muslim lahaana waxay ahayd:-(Haddii midkiin doono inuu yimaaddo Jimcada ha maydho) .Iyo Xadiiska kale ee laga soo wariyay Abii Saciid Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Maydhashada Jimcuhu waajib bay ku tahay mid kasta oo qaangaadh ah , iyo inuu soo taabto(isku soo shubo) uduga(cadar) uu heli karo) [Bukhaari iyo Muslim baa wariyay]. Haddaba labadaas Xadiis iyo kuwo kale oo laga soo wariyay Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inkastoo ay jiraan haddana culimada badankoodu waxay isku raaceen in maydhashada maalinta Jimce ay fiican tahay qofkii ka tagana aanu danbi fuulayn waayo maadaama ay tahay maalintii boqorka ayaamaha, dadka muslimiintuna meel iskugu imanayaan waxaa fiican in qofku soo maydho ,cadar isku soo shubo , dhar fiicanna soo qaato si ugu yaraan muslimiinta uu u farax galiyo, iyadoo fiicnaanta maydhashada uu innoo caddaynayo Xadiiskii Abii Hurayra laga soo wariyay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ka waysaysta, wanaajiya waysada,kabacdina yimaadda Jimcada,dhagaysta,dhuuxana(khudabadda) ,waa loo dambi dhaafaa inta u dhaxaysa Jimce ilaa Jimce iyo dheeri saddex cisho ah) [Muslim baa wariyay]. 2-Maydhashada labada ciidood oo culimadu jeclaysteen maydhashada labada ciidood (ciidda Soonfur iyo ciidda Arrafo). 3-Maydhashada qofka mayd maydha , sida Xadiiskii laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ka maydha mayd ha maydho , ka qaadaana ha waysaysto) [Waxaa wariyay Axmad iyo Asxaabta Sunanta]. Inkasta oo aqoonyahanada werinta Xadiisyadu ay farta ku godeen daciifiyeenna , qaarbaa wanaajiyay sida Alxaafid Binu Xajar oo yidhi xaaladdiisa ugu shishaysaa waa haddii wanaagsanaan lagu tilmaamo Xadiiskaas.Taasoo sida culimadu u badan yihiin maydhashadaasi tahay mid fiican ee aan waajib ahayn. 4-Maydhashada marka la Xarmanayo (niyaysashada Xajka ama Cumraysiga) , marka la galayo Maka iyo marka la joogsanayo Carrafa, sida la soo wariyay in (Ina Cumar aanu geli jirin Maka habeenimo una hooyan jiray meesha la yidhaahdo Dii Duwaa ilaa uu ka waabariisto maydhana, markaasuu gali jirey maalinimo, waxaanu odhan jiray Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa samayn jiray sidaas)[Muslim iyo Bukhaari ayaa wariyay ereyadana Muslim baa leh]. Maalikna wuxuu kitaabka Mooda' ku wariyay in Naafic uu yidhi:-(Cabdillaahi Binu Cumar Ilaahay ha ka raalli ahaadee wuu u maydhan jiray Xarmashadiisa intaanu Xarman ka hor iyo Maka gelitaankeeda iyo joogsigiisa subaxa Carrafo).
Marka uu doonayo qofku inuu maydho waa inuu niyoodaa maydhashada, isla markaana jidhkiisa wada gaadhsiiyaa biyaha iyadoo ay fiican tahay inuu raaco habkii uu u maydhan jiray Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye,taasoo ah inuu marka hore maydho gacmihiisa saddex jeer , kaddibna uu bidixdiisa ku maydho buuryadiisa, isagoo markaas waysaysanaya waysaysigii Salaadda oo kale lugaha maydhistoodana dib u dhigaya,markaas kaddibna madixiisa biyo ku shubaya isagoo gacmihiisa timaha salkooda gaadhsiinaya,kaddibna saddex dhuub madixiisa ku shubaya, markaas kabacdina jidhkiisa kale biyaha wada gaadhsiinaya, ugu danbayntana lugihiisa maydhaya , sida uu innoo caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Caa'isha(hooyadii mu'miniinta) Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxarriis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye marka uu doonayo inuu ka maydho Jinaabo wuxuu ku bilaabi jiray maydhista labada gacmood, markaasuu midigtiisa ugu dhaamin jiray bidixdiisa ,maydhina jiray buuryadiisa, markaasuu waysaysan jiray waysaysigiisa Salaadda oo kale, markaasuu intuu biyo qaado farihiisa galin jiray timaha salkooda , markuu arko in biyuhu gaadheen jidhka(haragga) ayuu saddex dhuub(sacabka muggii) madaxiisa ku shubi jiray , markaasuu biyaha dul yaacin(shubi) jiray jidhkiisa kale, markaasuu maydhi jiray lugihiisa)[Muslim iyo Bukhaari baa wariyay]. Iyo Xadiiskii kale ee la soo wariyay in Maymuuna(hooyadii mu'miniinta) Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay tidhi:-(Waxaan u dhigay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye biyo uu ku maydho ,markaasuu gacmihiisa ku shubay oo maydhay laba jeer ama saddex , markaasuu midigtiisa ugu shubay bidixdiisa maydhayna buuryadiisa, markaasuu ku jijibiyay gacantiisa dhulka, markaasuu luqluqday oo sandaartay , markaasuu maydhay wajigiisa iyo gacmihiisa, markaasuu maydhay madixiisa saddex jeer, markaasuu ku shubay(gaadhsiiyay) biyo jidhkiisa,markaasuu ka leexday meeshuu taagnaa , lugihiisana maydhay . Waxay tidhi(Maymuunah):-Markaasaan u keenay tuwaal(shukumaan),ma uusan doonin , markaasuu biyihii gacantiisa isaga jijibiyay )[Kooxdaa warisay Axmed iyo Tirmiidise kumay warin jijibinta gacanta]. Maydhashada haweenkuna waa la mid taas, iyadoo haddii ay timaheedu daban(tidcan) yihiin isku dayaysa inay gaadhsiiso biyaha timaha salkooda iyadoon iska furfurayn dabniinkeeda, sida uu innoo caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay in Ummu Salamah ay tidhi:-Waxaan idhi Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) waxaan ahay haweenay adkaysa dabniinka madaxeeda(timaheeda), markaa ma u furfurayaa maydhashada Jinaabada?. Wuxuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Maya,waxaa kaa kafaynaya inaad ku shubto madaxaaga korkiisa saddex shubmo(dhuub),markaana aad biyo korkaaga ku shubto (jidhka intiisa kale) oo aad is daahiriso)[Kooxdaa warisay Bukhaari mooyaane]. Iyo warinta laga soo wariyay Cubayd Binu Caamir inuu yidhi:-Caa'isha(Ilaahay ha ka raalli ahaadee) waxaa soo gaadhay in Cabdillaahi Binu Cumar uu dumarka faro inay furfuraan dabniinka timahooda marka ay maydhanayaan, markaasay tidhi waa la yaab Ina Cumar marka uu farayo dumarku inay furfuraan dabniinkooda markay maydhanayaan , oo miyuu faro inay xiiraan madaxyadooda haddaba. Waxaan ku wada maydhan jirnay aniga iyo Rasuulkii Ilaahay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) weel qudha, kamana kordhin jirin inaan ku shubo madaxayga korkiisa saddex dhuub)[Axmed iyo Muslim baa wariyay]. Waxaana fiican marka haweenaydu ka maydhanayso dhiigga caadada iyo ka dhalmadaba inay raadka dhiigga ku nadiifiso cudbi ay udgisay(cadar ku shubtay),si ay urta xumi u baaba'do sida uu innoo cadaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Caa'isha (Ilaahay ha ka raalli ahaadee) in haweenay Ansaarta(1) ka mid ahi ay waydiisay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ka maydhashadeeda caadada (sida ay uga maydhanayso), markaasuu faray sidii ay u maydhan lahayd kuna yidhi:-(Qaado in cudbi ah oo udugsan(cadar leh) iskuna nadiifi(daahiri) iyada).Makaasay tidhi(haweenaydii):-oo sideen isugu nadiifiyaa.Markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Subxaanallaah (Ilaahay baa nasahan) e,isku nadiifi iyada) .(Caa'ishaa tidhi):-Markaasaan xaggayga u soo gundhiyay(jiiday) oon ku idhi la raac raadka dhiigga)[Kooxdaa warisay Tirmiidi mooyaane]. 1-Ansaartu waa dadkii reer Madiina ee u gargaaray Diinta Ilaahay, Rasuulkiisana gargaaray iyagoo intii aanu Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye u guurin Madiina laba heshiis kula galay inay waxay naftooda iyo caruurtooda ka difaacaan ay ka difaaci doonaan Rasuulkiisa.
Marka uu qofku u kortagayo meel bannaan amaba galayo baytalmay(musqul) waxaa fiican inuu arrimahan sameeyo:- b-Haddii uu bannaan u kortagayo inuu la dheeraado isla markaana bidixdiisa horraysiiyo haddii uu musqul galayo, isla markaana uu Ilaahay ka magan galo shaydaanka lab iyo kiisa dhaddigba (isagoo bannaanka markuu u kortagayana Ilaahay magan galaya markuu faydanayo), sida ku cad Xadiiskii laga soo wariyay Anas Binu Maalik Ilaahay ha ka raalli ahadee in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye markuu musqul galayo uu dhihi jiray:-(Bismillaahi Allaahumma innii acuudu bika minal khubuthi walkhabaa'ith (Magaca Ilaahay baan ku bilaabay, Ilaahayow waxaan kaa magan galay adiga, lababka xunxun (shaydaamada lab) iyo dhaddigyada xunxun (shaydaamada dhaddig))[Kooxdaa warisay]. Iyadoo uu qofku iska ilaalinayo wax magac Eebbe ku qoran yahay inuu u baqayo mooyaane. t-Inuu qaddariyo qiblada , iyadoo uu qofku iska ilaalinayo inuu xaggeeda u jeedsado ama dhabarkaba u jeediyo ,taasoo xaaraan noqonaysa marka uu meel bannaan u kortagayo, musqushase ay u bannaanaanayso u jeedsiga Qiblada ama ka jeedsigeeduba(dhabar u jeedinta), taasoo ay innoo caddaynayaan dhawrkan Xadiis , oo ka hore laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Haddii midkiin u fadhiisto kortag, yaanu u jeedsan Qiblada, dhabarkana yuusan u jeedin)[Axmed iyo Muslim baa wariyay]. Iyo warinta kale ee laga soo wariyay Ina Cumar Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e inuu yidhi:-Maalin baan fuulay guriga Xafsah (hooyadii mu'miniinta oo ay walaalo ahaayeen), markaasaan arkay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo kortagay(kortag u fadhiya) xagga Shaamna u jeeda, dhabarkana u jeediyay Kacbada)[Kooxdaa warisay] Iyo warintii kale ee laga soo wariyay Jaabir Binu Cabdillaahi Ilaahay ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:-Wuu reebay Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inaan Qiblada ula jeedsanno kaadi, markaasaan arkay sanad ka hor intaan la oofsan isagooo u jeedsanaya(Qiblada) ) [Shantaa warisay Nisaa'i mooyaane]. Iyo warintii kale ee la soo wariyay in Marwaan Al-Asfar uu yidhi:- Waxaan arkay Ina Cumar oo fadhiisiiyay hashiisii isagoo xagga Qiblada ula jeedsanaya kaadi ,markaasaan ku idhi Cabdiraxmaan aabihiiyow miyaan sidan laynaga reebin ?.Markaasuu yidhi:- Haa , waxaa sidan laynagaga reebay bannaanka , markaa adiga iyo Qiblada haddii wax idiin dhexeeyaan dhibaato ma leh(ujeedsigeedu)) [Abuu Daa'uud baa wariyay]. Markaan Xadiisyadaas iyo warimahaas kaleba u fiirsanno waxaan ka garan karnaa inay habboon tahay in qofka muslinka ahi uu qaddariyo Qiblada uu Salaadda u jeedsado marka uu tukanayo. j-Inuu iska ilaaliyo hadalka inta uu kortagga ku maqan yahay ama musqusha ku jiraba, haddii aanay jirin baahi ku xanbaaraysa hadalkaasi. x-Inuu iska ilaaliyo qofka kortagayaa meel dirri ah inuu ku kaajo,ama godba uu ku dhex kaajo ,taasoo dhibaato u keenaysa bahalaha ama noolaha kale ee ku jira. kh-Inuu iska ilaaliyo inuu u kortago meelaha biyo fadhiisimada ah,waddooyinka dadku maraan,meelaha dadku hadhsadaan iyo xamaamka uu ku maydhanayo,sida ay innoo caddaynayaan Xadiisyadan:- Xadiiskii laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Yuusan ku dul kaajin midkiin biyaha fadhiya ee aan qulqulayn dhexdooda , isagoo isla markaana ku dhex maydhanaaya) [Kooxdaa warisay ,waana habkii uu Bukhaari u soo wariyay]. Taasoo innagoon badni iyo yaraansho u eegin biyaha ay qaabdarro tahay biyo aad kollay u baahanayso ku dul kaadi ama ku dhex saxaroo ,kaasoo kaba sii daran kaadida (Ka eeg faahfaahintooda cutubka biyaha) . Iyo Xadiiskii kale ee laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ka baqa labada lacnadood (keena sababta laysku lacnado(baryid loo baryo ka fogaansho naxariista Eebbe))) .Waxay yidhaahdeen(Asaxaabtii Ilaahay ha ka raalli ahaadee) oo waa maxay labada lacnadood Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye)?. Markaasuu yidhi:-(Waa ka ku saxarooda marinka (jidka) dadka ama hadhkooda dhexdiisa (meesha ay hadhsadaan dadku marka ay safarka ku jiraan amaba ku nastaan) )[Waxaa wariyay Axmed.Muslim iyo Abuu Daa'uud]. Iyo Xadiiskii laga soo wariyay Cabdillaahi Binu Muqaffal Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Midkiinna yuusan ku kaajin xamaamkiisa dhexdiisa,isagoo isla markaana ku dhex waysaysanaya, waswaaska guud baa xagiisa ahe)[Shantaa warisay]. d-Inuu iska ilaaliyo sarajoog ku kaadinta, siiba haddii uusan duulduulka kaadida ka badbaadayn, waayo kaadida oodan iska dhawrini cidhib xumo danbe ayay leedahay ,sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Ina Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu soo ag maray laba qabri oo uu yidhi:-(Waa la cadaabayaa,wax waynna(badanna) laguma cadaabayo e,midkood wuxuu ahaa mid aan iska dhawrin (iska nadiifinin) kaadida , ka kalana wuxuu u socon jiray diradiraalanimo)[Kooxdaa warisay]. hadiise uu ka badbaadayo inay kaadi gaadho ,way u bannaan tahay inuu sarajoog ku kaajo, waayo labada arrimoodba way ka sugnaatay Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye. r-Inuu iskaga tirtiro kaadida iyo saxarada dhagax ama wax kasta oo la iskaga tirtiro ,sida waraaqaha waqtiyadan danbe loogu talo galay musqulaha, isaga oo iska ilaalinaya wixii lafo ,saalo ama digaba ah , daahirin aanay ku daahirinayn darteed ama Rasuulka Ilaahay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha ahaatee) oo Xadiis innoogu caddeeyay in cunto Ilaahay uga dhigayo Jinka muslinka ah iyo xoolahooda. Sidoo kalana iskaga maydhaya biyo ,iyadoo ay fiican tahay inuu is raaciyo biyaha iyo waxa kale ee uu iskaga tirtirayo, isagoo isla markaana iska ilaalinaya inuu ku istijoodo(isku nafiidiyo) gacantiisa midig,sida ku cad Xadiisyadan:- Ka hore Xadiiskii la soo wariyay in Cabdiraxmaan Binu Yasiid uu yidhi:- Salmaan (Salmaanal Faarisi) Ilaahay ha ka raalli ahaadee baa lagu yidhi:-Wuxuu idin baray Nabigiinnu(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye)wax walba xattaa sida loo saxaroodo, markaasuu Salmaan yidhi:-(Haa,wuxuu naga reebay inaan ula jeedsanno Qiblada saxaro iyo kaadi ,ama aan ku istijoonno midigta,ama uu midkayaba ku istijoodo wax ka yar saddex dhagax,amaba uu ku istijoodo saalo(digo) ama lafba)[Waxaa wariyay Muslim,Abuu Daa'uud iyo Tirmiidi]. Iyo Xadiiskii kale ee laga soo wariyay Anas Binu Maalik Ilaahay ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:-(Markuu galo Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkoosa ahaataye) musqusha, ayaan u qaadi jirey aniga iyo wiil kuraya oo hilaadahayga ah(da'dayda ah) weel yar(sida kildhi oo kale) oo biyo ku jiraan iyo ul(madaxyo leh),markaasuu ku istijoon jiray biyaha)[Waa la isku waafaqsan yahay]. s-Inuu gacantiisa ku jijibiyo dhulka ama uu saabuun ku maydho si ay uga go'do urtii ku dhagtay. sh-inuu soo hor bixiyo markuu masqusha ka soo baxayo lugtiisa midig,isagoo odhanaya "Qufraanak" oo la micno ah "Ilaahayow danbidhaafkaagaan ku waydiistay", sida uu caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Caa'isha(Ilaahay ha ka raalli ahaadee) inay tidhi:-(Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) markuu musqul ka soo baxo wuxuu odhan jiray "Qufraanak") [Shantaa warisay Nisaa'i mooyaane].
|