![]() |
|
Kitaabka Salaadda
Horudhac
|
Waysaysigu waa is daahirin(isku maydhid) biyo lagu maydhayo wajiga ,labada gacmood,madaxa(la masaxayo) iyo labada lugood. Waxayna ku sugnaatay Kitaabka Quraanka ah, Jidayntii(Sunnadii) Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye iyo isku raacista dadka muslimiinta ahi isku raaceen facbana fac u soo dhiibayay laga soo billaabo facii ugu khayrka badnaa ee Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye qabadsiiyay habka waysaysigaas. Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-(Kuwa (xaqa) rumeeyayow haddaad u kacdaan Salaadda maydha wajiyadiinna iyo gacmihiinna ilaa suxulada (jiqilada), masaxana madixiinna iyo lugihiinana (maydha) ilaa kuraamaha (anqawyada), haddaad Jinaabo qabtaanna isdaahiriya, haddaad buktaanna ama safar tihiin ama ka yimaaddo midkiin kortag ama taabataan dumar, oydaan helin biyo, ku gabagabaysta dhul fiican(daahira), kuna masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna , idinlama doonayo Eebbe inuu idin yeelo korkiinna dhib, wuxuuse dooni inuu idin daahiriyo , idiinna dhammaystiro nimcadiisa korkiinna ah ,inaad mahadnaqdaan darteed) [Suuradda Al-Maa'idah 6]. Rasuulkeennuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiiisa ahaataye wuxuu innoo caddeeyay in Salaaddu aanay ansaxmayn wayso la'aan , sida uu caddaynayo Xadiiskii Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee uu soo wariyay in Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ma aqbalo (ajar kama siiyo) Ilaahay Salaadda midkiin hadduu kortago illaa uu ka waysaysto) [Waxaa wariyay labada Sheekh(Muslim iyo Bukhaari) ,Abuu Daa'uud iyo Tirmiidi]. Waysaysashaduna waxay leedahay falal qasab (farad) ah samayntoodu iyo kuwo jidayn(Sunno) ah.Sida Quraanka ku suganna falalka faradka waysaysashadu waa afar:- 1-Maydhista wajiga. 2-Maydhista gacmaha ilaa suxulada. 3-Masaxaadda madaxa (dhammaan ama badhba) . 4-Maydhista labada lugood ilaa kuraamaha (anqawyada).
Hormoodada Mad-habuhuse way ku kala tagsan yihiin falal qasabeedka(faradka) waysaysiga. Xanafiyadu waxay qabtaa faradka waysaysashadu waa afartaas aynu soo sheegnay ,inkastoy yidhaahdeen masaxaadda maduxu waa rubuc (madaxa rubucii). Maalikiyaduna waxay yidhaahdeen waa toddoba iyagoo afartaas ku kordhiyay , niyaysi lagu bilaabayo waysaysiga, iyagoo masaxaadda madaxana yidhi madaxa oo dhan ayaa la masaxayaa, waxay kaloo ku kordhiyeen xidhiidhin iyo jijibinta(duugista) xubanaha.Shaaficiyaduna waxay qabtaa faradka waysaysigu waa lix ,iyagoo afartaas kore ku kordhiyay niyaysi lagu billaabayo waysaysashada , iyagoo masaxaadda madaxana yidhi qayb madaxa ka mid ah haba yaraatee ayaa ku filan, waxay kaloo ku kordhiyeen isku xijisiin siday u kala horreeyaan ah .Xanbaliyaduna waxay qabtaa faradka waysaysashadu waa lix iyagoo afartaas kore ku kordhiyay isku xijisiin iyo xidhiidhin.[Fiqhiga afarta 1/51-59].
Siday aniga ila tahayna falalka faradka (tiirarka) waysaysiga oo aanay la'aantood waysaysigu sax noqonayni waa:- 1-Niyaysi ah in qofku qalbiga gashado fal waysaysasho uu ula jeedo inuu Eebbe korree oo nasahnaaye raalli ahaanshihiisa ku helo iyo u hoggaansanka amaradiisa ,iyadoo Eebbe korreeye uu Quraanka ku yidhi:-(Dadkana waxaan Eebbe Caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u keli yeelaya Eebbe diinta).Iyadoo isla markaana uu Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Falalku waa niyaysi , qof walbana wuxuu niyaystuu leeyahay...) [Waa qayb ka mid ah Xadiis dheer oo Cumar Binu Khaddaab Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga soo wariyay kooxduna warisay]. Niyaysiguna waa doonis qalbiyeed aan odhaah dhihis ahayn,waayo salku waa qalbiga. 2-Maydhista wajiga oo dherer ahaan ka bilawda foodda (foolka korkiisa meesha timuhu ka bilawdaan) ilaa gadhka hoostiisa(salka lafta gadhka), baladh ahaanna ah dheg ilaa dheg (xaydha dhegta ilaa xaydha dhegta kale), hal mar. 3-Maydhista gacmaha ilaa suxulada(Jiqilada), iyadoo suxulada la raacinayo sida hanuunkii Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eeebbe korkiisa ahaataye ahaa. 4-Masaxaadda madaxa (dhammaan ama badhba), sida ila fiicanna ay tahay in dhamaan la masaxo. 5-Maydhista lugaha ilaa kuraamaha(anqawyada), taasoo ah fal ka sugnaaday Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye. 6-Isku xijisiin ah in la iskugu xijisiiyo sida Aayadda Quraanka ahi iskugu xijisiisay, sida ka sugnaatay Rasuulkii Eebbe naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye mar uu ku wareegayay(dawaafayay) Kacbada inuu ka soo baxay Albaabka Safa isagoo akhriyaya hadalkii uu Eebbe korreeye ku yidhi:-(Safo iyo Marwo waxay ka mid yihiin calaamooyinka (waynaynta) Eebbe) .Markaasuu yidhi (Rasuulkii Eebbe naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Waxaan ku bilaabayaa waxa uu Eebbe ku bilaabay) [Habkaas Muslim baa u wariyay]. Hab uu Nisaa'i u wariyayna wuxuu ahaa:-(Ku bilaaba waxa uu Eebbe ku bilaabay) [Taasoo ah amar,cuskashadiisu(Sanadkiisuna) waa saxiix],waxay ku tusinaysaa waajib ahaanshaha ku bilaabidda waxa uu Eebbe korreeye ku bilaabay ,taasoo macna ahaan tusinaysa isku xijisiinta sharci ahaaneed . Eebbaana og"-Tafsiirka Quraanka Ibnu kasiir 2/25) .Isku xijisiintanina taas unbay la mid tahay .
Sunnada waysaysashadu waa hadal ama fal ka soo arooray Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye , ayna fiican tahay in qofka waysaysanayaa uu ku dadaallo samayntooda si uu u helo abaalmarinteeda ku dayasho ahaaneed ee uu ku dayanayo Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye .Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-(Waxaa idiinku sugan Rasuulka Eebbe ku dayasho wanaagsan, ruuxii rajaynaya Eebbe iyo maalinta danbe (Aakhiro) ,Eebbena xusa in badan) [Suuradda Al-Axsaab 21] . Waxaynuna ku soo ururin karnaa:- 1-Bisinka oo lagu billaabo ,inkastoo Xadiisyada ku soo arooray ay taagdaran(daciif) yihiin,hase yeeshee waa arrin aad u wanaagsan in wax kasta oo addoonku qabanayo uu Eebbe magaciisa ku bilaabo. 2,3,4,5-Maydhista cumaancumaha (gacanta inteeda hore), luqluqasho, sandaarasho(biyo sanka laga qaato lagana soo celiyo) iyo saddexayn(saddex saddex jeer laga dhigo samaynta), iyadoo taas uu innoo caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Cismaan Binu Caffaan Ilaahay ha ka raalli ahaadee in biyo uu ku waysaysto uu codsaday, markii loo keenayna cumaancumihiisa ayuu saddex goor ku shubtay kuna maydhay , markaasuu intuu midigtiisa weelka galiyay ayuu luqluqday,oo sandaartay biyihiina sanka ka soo celiyay , markaasna wajigiisa ayuu saddex jeer maydhay , labadiisa gacmoodna ilaa xusulada saddex jeer maydhay, markaasuu haddana madaxa masaxay, kadibna lugihiisa ilaa kuraamaha maydhay markaasuu yidhi:- Waxaan arkay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo u waysaystay sida aan hadda u waysaystay, markaasna yidhi:-(Ka u waysaysta sidaa aan u waysaystay , markaasna tukada laba Rakcadood, isagoon naftiisa u sheekaynayn, Ilaahay wuxuu u danbi dhaafaa wixii danbi ah ee uu hormarsaday) [Waa la isku waafaqsan yahay]. Iyadoo isla markaana ka sugnaatay Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inuu waysaystay hal hal mar iyo laba laba jeerba , ciddii saddex ka badisana ay xadgudubtay,sida ku cad Xadiiskii Camar Binu Shucayb uu aabihii ka soo wariyay ,aabihiina awowgii ka soo wariyay in nin reer baadiye ahi uu u yimid Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, isagoo waydiinaya waysaysiga, markaasuu tusiyay saddex saddex jeer, kuna yidhi:-( waa kaas waysaysigu ,ka intaa ka kordhiyaana wuu xumeeyey , wuuna gabood falay ,wuuna dulmiyay) [Waxaa wariyay Axmad,Annisaa'i iyo Ibnu Maajah]. Sheekh Muxyaddiin Annawawi wuxuu yidhi:-Muslimiintu waxay isku raaceen in waajibka maydhitaanka xubnuhu uu hal mar yahay , saddex saddex jeerna ay Sunno tahay , iyadoo Xadiisyada Saxiixa ahi sheegayaan mar mar , laba labo iyo saddex saddexba.Iyadoo xubnaha badhkood saddex jeer yihiin badhkoodna laba jeer, khilaafkaasina uu caddayn u yahay bannaanaanta dhammidoodba, saddexduna ay sida u dhammaystiran tahay ,halkuna kaaga filan yahay. 6-Biyo gaadhsiin gadhka iyo faraha dhexdooda, iyo duugista xubnaha u baahan sida ku cad Xadiis laga soo wariyay Cusmaan Binu Cafaan Ilaahay ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:-(In Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu gadhka biyo ku qoyn jirey)[Waxaa wariyay Ibnu Maajah iyo Tirmiidi oo saxay]. Iyo Xadiiskii Ibnu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e uu ku yidhi:-Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-(Haddaad waysaysanayso gali(biyo gaadhsii) faraha gacmahaaga iyo lugahaaga)[Waxaa wariyay Axmed, Tirmiidi iyo Ibnu Maajah]. Iyo Xadiiskii uu soo wariyay Cabdullaahi Binu Sayd Binu Caasim Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu waysaystay yidhina:-(Sidaasaa loo duugaa (xubnaha biyaha loogu maydhaa iyadoo gacanta lala marinayo)) [Axmed baa wariyay]. 7-Masaxaadda dhegaha, sida uu tilmaamayo Xadiiskii Ibnu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e, isagoo tilmaamaya waysaysashadii Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye kuna yidhi:-(Markaasuu masaxay madaxa iyo dhegihiisa masaxaad qudha)[Axmed iyo Abuu Daa'uud baa wariyay]. Warin kalaa ahayd:-(Wuxuu masaxay madixiisa iyo dhegihiisa iyo gudahooda(isagoo ku masaxaya) murdisooyinka, korkoodana suulashiisa). 8-Midigaysiga oo ah inuu maydhista midigta ku billaabo(lugaha iyo gacmahaba).Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxay tidhi:-(Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu jeclaa midigaysiga(midig hormarinta) kaba gashiga,feedhashada, isdaahirinta(maydhasho iyo waysaysiba), iyo arrimihiisa oo dhanba)[waa la isku waafaqsan yahay]. 9-Dheeraysashada dhafoor iyo qoobab caddaanta oo ah tilmaan uu Rasuulka Ilaahay ku tilmaamay umaddiisa, taasoo ah in caddaantaasi ay nuur ugu tahay raadkii waysaysiga ummaddiisa maalinta Qiyaamada , ummadahana ay kaga soocan yihiin, fal ahaanna ah in addoonku in dheeri ah maydho wejigiisa iyo lugihiisa oo ka dheer intii waajib ahaan ay ahayd inuu maydho , isagoo wajiga raacinaya in madaxa hore ah, lugahana gaadhsiinaya ilaa dhudhunka,sida Xadiiskii Abii hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga soo wariyay uu ku yidhi:-Waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo leh:-(Ummaddayda waa loo yeedhaa maalinta Qiyaamada iyagoo dhafoorro iyo qoobab cadcad raadkii waysaysiga dartii , markaa midkiinnii kari kara dheeraysiga dhafoor caddaantiisa ha sameeyo)[Waa la isku waafaqsan yahay]. Iyo Xadiiskii kale ee uu Abuu Hurayrah ku yidhi:-Waxaan ka maqlay gacalkay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye isagoo leh:-(Quruxdu waxay u gaadhaa Mu'minka inta ay u gaadho waysadu)[Muslim baa wariyay]. 10-Xidhiidhinta maydhista xubnaha,iyadoo uu addoonku iswada raacinayo,sida isagoo markuu wajiga maydho aan sheeko iska qabsanine ku xidhiidhiya gacmaha. 11-Ducaysiga marka waysaysiga la dhammeeyo ,sida Xadiiskii uu Cumar Ilaahay ha ka raalli ahaadee uu soo wariyay uuna ku yidhi:-Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-(Midkiin idinka mid ahi haddii uu waysaysto, waysadana dhammaystiro,markaasna yidhaahda:-"ASH-HADU ALLAA ILAAHA ILLALLAAHU WAXDAHUU LAA SHARIIKALLAHUU WA-ASH-HADU ANNA MUXAMADAN CABDUHUU WA-RASUULUHUU .Oo Soomaali ahaan la mid ah:-Waxaan qirayaa in Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin keli yahay ,maamulkana aan lala wadaagin , waxaan kaloon qirayaa in Muxamadna addoonkiisii iyo soo dirihiisii uu yahay" ,waxaa loo furaa albaabada siddeeda ah ee Jannada isagoo ka galaya kuu doono)[Muslim baa wariyay]. 12-Tukashada laba Rakcadood oo ka danbeeya waysaysiga, sida uu cad Xadiiskii aynu kor ku soo marnay ee laga soo wariyay Cismaan Binu Cafaan Ilaahay ha ka raalli ahaadee.
1-Cadayashada(rumayashada) oo ay fiican tahay in qofka muslinka ah cadaydo goor walba,siiba waqtiyada waysaysashada,tukashada, hurdada laga kaco,Quraanka la akhriyayo, taasoo uu addoonku ku helayo raalli ahaanshaha Ilaahay ,sida ku cad Xadiiskii laga soo wariyay Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadeee in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Cadaygu daahirin (nadiifin) buu afka u yahay, raalli galinna Rabbi buu u yahay) [Axmed, Nisaa'i iyo Tirmiidi baa wariyay]. Iyo Xadiiskii kale ee laga soo wariyay Abii Hurayrah in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Haddii aanan dhib uga yaabayn ummaddayda, waxaan fari lahaa cadayasho Salaad kasta agteeda(la tukanayo)) [Kooxdaa warisay]. Hab uu Axmed u wariyayna wuxuu ku yidhi(Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Waxaan fari lahaa cadayga waysaysi kasta). 2-Dhawritaanka biyaha oo qofku markuu waysaysanayo aannu qasabadda biyaha iska furin sida dadka qaarkood sameeyaan ee uu tashiilo(dhawro) biyaha inta karaankiisa ah, sida uu innoo caddaynayo Xadiis laga soo wariyay cabdillaahi Binu Muqafal Ilaahay ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:-Waxaan maqlay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo leh:-(Waxaa ahaan doona ummaddan dhexdeeda qolo ku xadgudbi isdaahirinta (maydhasho iyo waysaysi) iyo baryada) [Waxaa wariyay Axmed,Abuu Daa'uud iyo Ibnu Maajah]. Bukhaari wuxuu yidhi:-Way karaahiyaysan(necbaysan) culimadu in biyaha waysaysiga la dhaafiyo intii Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye. 3-Iska goynta(jarista) ciddiyaha, gaabinta shaarubaha(timaha sanka ku hoos yaal dabnahana ka korreeya), sida uu innoo caddaynayo Xadiiskii laga soo wariyay Abuu Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Shan(arrimood) baa ah jidaynta toosan(Sunanta Fidrada):- Jarista bisqinta (timaha buuryada ka korreeya), Xalaalaynta(gudniinka), jarista shaarubaha, timo ka rifidda kilkilooyinkiyo ciddiyo jarniinka) [Kooxdaa warisay]. F.G. Xadiiskan wuxuu Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innoogu sheegay gudniinka oo ragga heer waajib ah, sida uu innoo sheegayo Xadiiskii laga soo wariyay Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee in Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiiisa ahaataye uu yidhi:-(Wuxuu is guday Ibraahim(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo ahaa Khaliilkii Raxmaanka) markay da'diisu gaadhay siddeetan sano, wuxuuna isku guday Qadduum(oo noqon karta qalab tumaaladu wax ku xardhaan ama meel Shaam ku taal)) [Bukhaari baa wariyay]. Xagga gudniinka dumarkase Xadiisyo sugan ma jiraaan ,waxaase habboon in la jaro cadka kore ee ilma-mareenka. Sida ayse Soomaalidu dumarka u gudaan ma bannaana oo waa caado aan Islaamka meel ka soo galin , waana dhib uun addoomaha Ilaahay lagu dhibayo xaq darro, iyadoo aan wax caddayn ah loo haysan, waxaana ay tahay in lala dagaalamo sidii bulshadeena looga tiritiri lahaa dhaqankaas . 4-Gadhka oo la daayo iyo shaarubaha oo la iska jaro, sida ku sugan Xadiiskii laga soo wariyay Ina Cumar in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Khilaafa gaalada: Gadhka daaya, gaabiyana(ama jara) shaarubaha" [Labada Sheekh ayaa wariyay] . 5-Udugsiga iyo cadar isku shubka taasoo nafta farax galinaysa,dumarkase inay gurigooda isku carfiyaan mooyaane waa ka reeban tahay inay bannaanka ugu baxaan, waayo Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa reebay in qof dumar ahi iyadoo cadar ka urayo bannaanka ula baxdo, wayse u bannaan tahay inay ninkeeda isku udgiso.
|