|
Salaaddu waa cibaado(1
)ka
kooban akhrin (Quraan , Alla waynayn,Alla
nasahaad,Alla baryid) iyo falal gaar ah(Rukuucid(2)
, Sujuudid(3)).
Kuna furanta (bilaabanta) waynaynta Eebbe
korree oo waynaaye (Allaahu Akbar/Ilaah
baa wayn), kuna dhammaata (xidhanta)
salaama naqsi (Assalaamu Calaykum/Nabadgalyo
korkiinna ha ahaato).
Waa udub dhexaadka diinta ,la'aanteedna diintu
dhismayn sida uu Rasuulkeennii naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inoo caddeeyay
isagoo yidhi:-(Arrinka
madaxiisu waa Islaamka,udubdhexaadkiisuna waa
Salaadda ,baarka kuruskiisuna(figtiisa
korena)
waa u halganka Jidka Ilaahay).
Ilaalinteeda iyo dhawristeeda xilliyeedna (waqtiyada
salaaddu) waa waajib saaran qof kasta oo muslin
ah xaalad kasta oo uu ku jiraba.Eebbe korree oo
waynaaye oo inna faraya ilaalnteedana wuxuu yidhi:-
(Ilaaliya Salaadaha iyo
Salaadda dhexe(Casar),
una istaaga dar
Eebbe idinkoo yeeli (khushuucsan),haddii
aad cabsataana idinkoo lug ah,ama gaadiid fuushan
(tukada),
markaad nabad heshaana xusa Eebbe sida uu idiin
baray waxaydaan aqoonin) [Suuradda Albaqara
(Suuraddii Saca) 238--239].
Salaaddu waa xilkii cibaadooyinka ugu horreeyay ee
uu Eebbe nasahnaa oo korreeye saaray addoomadiisa ,
iyadoo uu xilkaas si toos ah u soo faray
Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye habeenkii la dheelmiyay ,samooyinka korana
la geeyey , ummaddiisana ugu soo dhiibay xilkaas
iyadoon cidi u dhaxayn.
_________________________
1-Cibaadadu waa wax kasta oo fiican
oo Ilaahay dartii loo sameeyo sida :- Salaadda,
Soonka, Sakada (Sadaqada), tagista Xajka, u
samafalka dadka tabaalaysan,u halganka jidka Eebbe,
faritaanka wanaagga iyo reebidda xumaanta, barista
dadka aqoonta Eebbe ku baray iwm.Cibaadaduna waa
wixii Eebbe adduunkan dartii u abuuray .Eebbe
nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-(Umaanan
abuurin Jinka iyo Insiga(dadka)
inay i caabudaan mooyee).
2.Rukuucdu waa fal Salaadeed ka mid
ah falalka ay Salaaddu ku dhammaystirmayso, waxaana
uu qofka muslinka ahi sameeyaa marka uu akhriyo
Suuradda Faataxada iyo Quraankii kale ee u fududaada
kaddib, waana foorarsi qufku uu jilbihiisa ku
qabsanayo gacmihiisa ,dhabarkiisana uu simayo,
iyadoo labadiisa lugoodna waxogay kala durugsan
yihiin, isagoo odhanaya (Subxaana Rabbiyal
Cadiimi Wabixamdihii=Rabbigayga wayn baa ku
nasahan mahadiisa).
3.Sujuuddu waa fal Salaadeed la
sameeyo Rukuucda kaddib ,iyadoo uu qofku saarayo
dhulka foodda
wajiga,sa-nka,gacmaha(calaacalaha),jilbaha iyo
faraha lugaha, iyadoo faraha gacmuhu la siman yihiin
wajiga,isla markaana waxogay kala furaya
garbaha,isagoo odhanaya (Subxaana Rabbiyal Aclaa
Wabi Xamdihii=Rabbigayga korreeya baa ku
nasahan mahaddiisa).
____________________________
Asaxaabigii1 la odhan jiry Anas binu Maalik Ilaahay
ha ka raalli ahaadee wuxuu yidhi:-(Waxaa salaadda
lagu farad(waajib) yeelay Nabaiga naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye habeenkii la
dheelmiyay iyadoo konton (Salaadood) ah
,markaasaa la dhimay ilaa laga yeelay shan(Salaadood),
markaasaa loo dhawaaqay (nabaiga naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) oo la yidhi:- "Maxamadow;
Hadalka agtayda lama beddelo, shantaas waxaad ku
leedahay (abaalmarinta)
konton(Salaadood)). [Waxaa wariyay
Axmad ,Annisaa'i iyo Tirmiidi oo saxay].
Waa tiirka labaad ee lammaaneeya qiritaanka addoonku
qiro kelinimada Eebbe iyo xaq u yeelashada cibaadada
uu Eebbe darteed Jin iyo dadba u abuuray ,sida Eebbe
nasahnaa oo korreeye uu Quraanka innoogu sheegay
yidhina:- (Umaanan abuurin
Jinni iyo dadba inay i caabudaan mooyee)
(Suuradda Addaariyaat 56). Iyo qiritaanka in
Nabi Maxamad naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye adoonkiisii iyo soo dirihiisii (Rasuulkiisii)
uu yahay .Iyadoo isla markaa Salaaddu u noqonaysa
addoonka xayndaabkii uu xumaanta ka galayay , sida
Eebbe nasahnaa oo korreeye uu innoogu sheegay
Quraaanka:- (Akhri
(nabiyow)
waxa laguu waxyoon oo kitaabka ah, oog Salaadana,
maxaa yeelay Salaaddu waxay ka reebtaa (dadka)
xumaanta iyo wax la
noco , xusidda Eebbaana wayn , Eebbana waa og yahay
waxaad samaynaysaan) (Suuradda Al-Cankabuut
45).
Isla markaana u ahaanaysa mid(Salaaddu) gafafka ka
maydha ,sida uu yidhi Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye:- (Shanta
Salaadood waxay la mid yihiin sida wabi biyo badan
oo qulqulaya afaafka midkiin, kuna maydha(qabaysta)
maalintii shan jeer). [Muslin baa
wariyay]. Iyo Xadiiskii kale ee Rasuulkeennu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu
ku yidhi:-(Shanta
Salaadood , iyo Jimce ilaa Jimce , iyo Ramadaan ilaa
Ramadaan waxay tirtiraan
(gafafka)
dhexdooda ah , haddii laga dheeraado(danbiyada)
kuwa waawayn) [Muslin baa wariyay].
________________________
1-Asaxaabi (la socde) waa facii ugu
horreeyay ee Umadda Nabigeenna naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye,nasiibna u
yeeshay inay Nabiga Eebbe la soo dhaqmaan , jidna la
soo maraan , xilkii ugu ballaadhna ee fidinta
diintana dhabarka u ritay ,iyagoo arrintaas ku mutay
inay noqdaan faca u khayr badan umaddan ,sida uu
nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye uu yidhi :-(
Waxaa idiinku khayr badan
facayga ,markaana kuwa ku sii xiga, markaana kuwa ku
sii xiga).
_________________________
Waa xadhiga xidhiidhiya Ilaahay iyo addoonkiisa
,ahna waqtiga uu addoonku Eebbihii ugu dhawaansho
badan yahay,sida uu Rasuulkeennu naxariis iyo nabad
galyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Wuxuu
addoonku ugu dhawaansho badan yahay
(Ilaahay) isaga
oo sujuudsan)
[Basaar baa soo saaray Ina Mascuud buuna ka soo
xigtay waana xadiis saxiix ah]. Waana fal(camal)
addoonku qabto ka ugu khayr badan , sida uu
Rasuulkeennu inoo sheegay naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye isagoo yidhi:-(Toosnaada
koobi maysaane,ogaadana in camalladiina(falalkiinna)
ay Salaaddu ugu khayr badan tahay, waysaysigana
ma dhawro qof mu'min(rumeeye)
ah mooyee)
[Maalik ayaa kitaabkiisa Mooda' la yidhaahdo ku
qoray].
Iyadoo isla markaana noqonaysa falkii uu addoonku
samayntiisa Jannada kula dhex taxtaxaashi lahaa
Rasuulkeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye, sidii uu Muslim ka soo wariyay Ina Rabiica
Maalik oo reer Aslami ahaa (Rabiica Binu Maalik
Al-Aslamiyyi) inuu yidhi:-Rasuulkaa naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye igu yidhi:-(Waydiiso(wax
i waydiiso)) , markaasaan ku idhi:-
waxaan ku waydiisanayaa inaan Jannada dhexdeeda
kugula daanshadaanshoodo , markaasuu yidhi(Rasuulku
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Wax
kale miyaadan i waydiisanayn?),markaasaan
ku idhi:- Waa intaas, markaasuu yidhi (Rasuulku
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-
(Haddaba adna iigu dadaal
naftaadu badsiga sujuudda (Salaadda)).
Waana waxa ugu horreeya Salaaddu ee maalinta
Abaal-marinta(Qiyaamada) la waydiin doono in
addoonku si fiican u gutay iyo in kale ,waana falka(camalka)
addoonka u hagi doona hoygii badhaadhaha(Janada)
haddii waxqabadkiisii adduunyo hormoodkiisa oo
Salaadda ahi hagaagsnaato,toosnaato si fiicanna u
soo gutay, ama u hagi doona hoygii baaba'a(Naarta),haddii
waxqabadkiisii adduunyo hormoodkiisa oo Salaadda ahi
hallawdo ,si fiicanna u soo gudan waayay , sida uu
nabigeenni naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye innoogu sheegay Xadiiskii uu ku yidhi:-(Waxa
ugu horreeya ee addoonka waxqabadkiisii(camalkiisii)
la warsan(xisaabin)
doono maalinta Qiyaame waa
Salaaddiisii, Markaa haddii ay hagaagsanaato wuu
gudbay (aflaxay)
wuuna liibaanay (najaxay),haddiise
ay hallowdo wuu hoogay wuuna khasaaray.Haddii uu wax
ka dhinnaado faradkiisii (Xilkii lagu
waajibiyay),Rabbi waynaa
oo sharaf badnaaye wuxuu odhani:-"Eega
(fiiriya)
addoonkaygu ma leeyahay dheeri
(Salaad Sunne1
ah)
oo looga
dhammaystiro wixii ka dhinnaaday faradka?" .
Markaasuu waxqabadkiisa kalana sidaa noqonayaa)
[Tirmiidi baa wariyay wuxuuna yidhi waa xadiis
fiican].
Waajib ahaanta Salaadduna waxay ku sugnaatay
Kitaabka Quraanka ah ee sharafta badan , iyo
jidayntii (Sunnadii) Nabigeenna naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaata-ye.Haddii aan
Quraanka sharafta leh ku horreyno Eebbe waynaa oo
korreeye meelo fara badan oo Quraanka ah ayuu
innoogu caddeeyey heerka ay Salaaddu tahay inay qof
kasta oo muslin ah oo Eebbe iyo rasuulkiisa rumeeyay
ka taagnaato(dhawristeeda,qadarinteeda iyo
gudashadeeduba).Eebbe nasahnaa oo waynaaye wuxuu
yidhi:-(Waxaa liibaanay
ruuxii Daahir noqda ,magaca Eebbeana xusa Salaadana
tukada) [Suuradda Al Aclaa 14-15].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Salaaddu
waxay ku tahay Mu'miniinta Xukun waqtiyaysan)[Suuradda
Annisaa'a dhammaadka aayadda 103].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Anigu
waxaan ahay Alle Ilaah kalana ma jiro aniga mooyee
ee ani i Caabud , Salaaddana u oog xuskayga)
[Suuradda Daaha 14].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:- (Salaaddana
ooga , Sakadana bixiya, Waxaad u hormarsataan
naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebbe
agtiisa ,Eebbena waxaad qabanaysaan(Camalfalaysaan)
waa arkaa) [Suuradda Al-Baqarah 110].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Ilaaliya
Salaadaha iyo Salaadda dhexe(Casar)
una istaaga dar Eebbe idinkoo yeeli(Khushuuci)
) [Suuradda Al-Baqarah 238].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(U
tuko Eebbahaa dartiis,waxna
u gawrac) [Suuradda Al-Kawsar 2].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Waxa
liibaanay(dhab ahaan)
Mu'miniinta,ah kuwa
Salaadda ku Khushuuca) ilaa laga gaadho
hadalka Eebbe korreeye uu ku yidhi:- (Waana
kuwa Salaadahooda ilaaliya, kuwaasi waa kuwa dhaxli
(wanaagga),
oo ah kuwa dhaxli
(Jannada)
Firdawsa kuna waari
dhexdeeda) [Suuradda Al-Mu'minuun
1,2------9,10,11].
Rasuulkeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye, Jidayntiisii (Sunnadiisii fal
iyo hadalba ahaa) ayuu innagu tusay , Xadiisyo
fara badan oo Salaadda waajibnimadeeda caddaynayana
waa laga soo wariyay ,waxaana ka mid ah Xadiiskii uu
Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye ku yidhi:- (Waxaa
la i faray (amray)
inaan la dagaalamo dadka ilaa ay ka qirayaan inaan
Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, iyo in Muxamadna
Rasuulkii Ilaahay yahay , iyo inay Salaadda oogaan ,
bixiyaanna Sakada, hadday sidaas yeelaanna waxaa iga
dhawrsoon (reeban)
dhiigooda iyo
xoolohooda xaqa Islaamku ku leeyahay mooyee,
xisaabintoodana Ilaahay baa haya)
[Bukhaari iyo Muslin baa wariyay].
Waxaa kale oo uu Rasuulkeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-(Ninka(qofka)
iyo gaalnimada waxaa u dhaxeeya ka tagista Salaadda)
[Axmad,Muslim,Abuu Daa'uud,Tirmiidi iyo Ina
Maajah(Ibnu Maajah) baa wariyay]. Adkaynta uu
Salaadda innagu adkaynayo oogisteeduna waxay ahayd
dardaarankiisii ugu danbeeyay markii uu dunidan ka
sii socday xagga Eebbehiina u noqonayay, isagoo
odhanaya:-(Salaadda ,Salaadda (ooga, ooga
oo dhawra) iyo ciddii gacantiinnu hantido
(u naxariista oo kaalmeeya) ).
|