| Sh. Almis Yaxye X. Ibraahim
Taariikhda Sheekha oo kooban
Sheekh Almis Yaxye X. Ibraahim wuxuu ku dhashay
magaalada Gabiley dabayaaqadii lixdamaadka,halkaas oo uu ka bilaabay dugsi Quraanka
waxaana isagoo yar uu u wareegay waddanka masar oo uu ku qaatay
wabarashadiisa ilaa uu ka gaadhay heer Jaamacadeed, waxaanu wax ka baran
jiray Jaamacadda Al-Ashar. Wuxuu bilawgii sagaashanaadkii u soo
wareegay xagga waddanka Finland waxaanu ka mid ahaa dhallinyaradii
qaybta laxaadka leh ka qaadatay isku keenidda iyo wacyi galinta
muslimiinta ku dhaqan Finland oo xooggoodu ay haayeen dadka Soomaalida,
waxaanu xagga hore kaga jiray dhallinyaradii u tafaxaydatay sidii ay
muslimiintu kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen waddanka ay ku nool
yihiin, wuxuu duruus xidhiidha ka bixin jiray masaajidka Raabidada
Islaamka ee Finland iyo
meelo fara badan oo waddanka Finland goboladiisa ka mid ah isagoo si
hagrasho la'aan ah u fulin jirey kolba wixii loo baahdo ilaa haddana uu
weli sidii ugu
guda jiro. Sh. Almis Yaxye X. Ibraahin waa xaasle shan caruura leh. waana nin aad iyo aad u firfircoon bulshaawina ah, hadda wuxuu
Jaamacadda Yoonsuu oo ku taalla waddanka Finland ku diyaarinayaa shahaadaa Mastarka ee
Culuumta Islaamka. |