|
Mahad oo dhan Ilaahay baa iska leh,
Caalamiinta Rabbigood, nabadgalyada ugu
fadli badan iyo slaanta ugu dhammaystiranna
Nabigeennii suubanaa naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye ayay dushiisa tahay,
iyo eheladiisii iyo asxaabtiisii dhammaanba,
intaa kaddib.
Kitaabkan waxaa qoray Ilaahay Naxariistii Janno
ha ka waraabiyee Imaamkii Xaafidka ahaa, qoraagii Islaamka ee
Caalimka ahaa Sheekh Shamsuddiin Abuu Cabdullaahi Muxamed Binu Axmed
ee caanka ku noqday Addahbi. Wuxuu ku dhashay Kafarbadna oo Suuriya
ku taalay sanadkii Hijriyadu markii uu ahaa 673kii baishii Mawliid,
waxaaanu wax ka bartay cilmigana ka raacday culimo badan oo
xilligiisii cilmiga laga raacan jiray, isagoo isaga gooshaya,
cagtana mariyay Dimishiq, Bacalbak, Cimis, Qaahira, Daraabulus,
Xijaas, Qudus,Iskanderiya iyo meelo kale oo fara badan. Culimada uu
wax ka raacday waxaa ka mid ahaa Cumar Binul Qawaas,Cabdulkhaliif
Binu Calwaan,Sharafu-Diin Addumyaadi, Attawsi, Alcimaad Ibnu Badraan
iyo culimo badan oo kale.
|
Waayo aanu u Soomaaliyaynay |
Runtii waa kitaab aad iyo aad u
faa'iido badan oo runtii wax wayn u tari
doona haddii Eebbe nasah-naa oo korreeye uu
garansiiyo bulshada af Soomaaliga ku hadasha
oo malahayga aad mooddo inay wax badan ka
indho laayihiin aqoon la'aaniba ha ugu
wacnaatee, Ilaahayna waxaan uga baryaynaa
inuu dadka Soomaaliyeed hanuuniyo oo uu
hilinkatoosan ku duwo.Aamiin.
|
Qoraagu waxa uu ku bilaabay |
Ilaahay baa ku mahadsan rumaynta aan isaga iyo
kutubtiisa,Rusushiisa, Malaa'igtiisa iyo Qadaradiisaaba aanu
rumaynay. Naxariis iyo nabadgalyo Eebbena korkiisa ha ahaato
Sayidkeennii Muxamed ahaa, ehelkiisii iyo u gargaarayaashiisiiba,
nabagalyo joogto ah ,oo noo sugta degitaan agtiisa ah hoyga
sugnaanshaha dhexdiisa.
Kitaabkani waamid faa'iido badan oo
laga baran karo dambiyada waawayn si kooban iyo si balballaadhanba,
Ilaahay naxariistiisa ha inoogu gargaaro ka fogaanshahooda e.
Ilaahay korreeye wuxuu yidhi:-"Haddaad ka
dheeraataan Dambiyada waawayn ee aannu idinka reebnay, waxaannu ka
tirtiri xaggiinna xumaantiinna, waxaanannu idin galin meel sharaf
leh" [Aayadda 31aad ee Suuradda Annisaa'a].
Ilaahay baa uga kafaala qaaday hadalkaas cad qofka dambiyada waawayn
ka fogaada inuu Janno galinayo.Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye
yidhi:"Waa kuwa ka dheeraada dambiga kiisa
wayn,marakay cadhoodaanna (iyagu)
waa kuwo u dhaafa (qofkii gef ka gala),
waa kuwa maqlay Rabbigood , oogayna Salaadda, arrinkooduna wada
tashi dhexdooda ah yahay, waxaannu ku arsaaqnayna wax ka bixiya,
waana kuwa marka gardarro ku dhacdo (lagula kaco)
ka gargaarta (iska dhiciya)"[ Suuradda Ashuuraa
Aayadda 37-39aad]. Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-"Kuwa
ka fogaada dambiga kiisa waawayn iyo xumaanaha wax yaryar mooyaane,
Rabigaana waa kii dambidhaaf ballaadhan..."[Suuradda
Annajmi qaybta hore ee Aayadda 32aad].
Nabiguna naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-
"Salaadaha shanta ah,iyo Jimce ilaa Jimce,
waxay kafaarogud(Dambi ka tirtirid)
u yihiin inta u dhaxaysa , haddii aan la tiimban kabaa'irta
(dambiyada waawayn) " [Muslim baa wariyay].
Markaas waxaainala gudboon inaanu hoos ugu daadegno dambiyada
waawayni maxay yihiin? si uu qofkaMuslinkaahi uga fogaado,
markaasaanu aragnay inay culimadu isku khilaafsan yihiin.
Waxaa la yidhi.- Waa toddoba,
iyagoo markhaati u soo qaatay Xadiiskii uu Rasuulku naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku yidhi:- "
Ka fagooda toddobada wax halaaga-markaasuu
sheegay- Shirkiga (Cibaadada oo Eebbe cid kale lala
wadaajiyo), Sixirka,naf la dilo
(xaq darro lagu dilo), cunista
xoolaha agoonta,cunista Ribada(kor socodka),
dhabar jeedinta maalinta duulaanka (jidka Ilaahay loo
dagaalamayo) iyo ku been abuurka
dumarka muslimiinta ah (iyadoo laga sheegayo hadalo
been abuur ah oo dumarnimadooda iyo sharaftooda lagu ceebaynayo)
[waa la isku waafaqsan yahay Bukhaari, No: 2766 , Muslim,
No:89].
Ina Cabbaasna Ilaahay isaga
iyo aabihiiba haka raalli ahaadee waxaa laga soo xigtay inuu yidhi:
Waa ilaa toddobaatan oo uga dhaw xagga toddobada. Ilaah baanan ku
dhaartee Ina Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaadee run buu sheegay,
Xadiiska dhexdiisana waxa ku koobmaya Kabaa'irta.
Qofkii ay ku caddaato
,cadaynna ku ooganto, dembina kasbada ka mid ah dambiyadaa waawayn
oo ah xad (dambi ku oogid) adduunka dhexdiisa ah sida
dilka,dhillaysiga,xatooyada ama uu ku yimid goodin Aakhiro dhexdeeda
ah oo cadaab,cadho iyo hanjabaad ah, ama qofkii sameeya lagu
lacnaday carrabka Nabigeenna Muxamed ah naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye , waa dambi wayn. Waana arrin jirta innagoo
sidaa u eegayna in dambiyada waawayni ay laftoodu sii kala wayn
yihiin,miyaadan arkaynin in (Nabigu) naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye uu Shirkiga ku tiriyay kabaa'irta, iyadoo ay
jirto ka sameeyaa inuu Naarta ku waarayo,weligiina aan loo dambi
dhaafaynin. Ilaahay korreeye wuxuu yidhi:-"Ilaahay
ma dhaafo in loo Shariik yeelo isaga (cid lala
wadaajiyo cibaadada uu xaqa u leeyahay),
wuuse u dhaafaa wixii waxaas ka soo hadhay cidduu doono, ruuxii u
shariik yeela Ilaahay wuxuu lumay lumid dheer"[Suuradda
Annisaa'a qayb ka mid ah Aayadda 48aad iyo 116aad]Waxaa kale oo
Ilaahay korreeye yidhi:-"Ruuxii u Shariig
yeela(cid kale la wadaajiya Cibaadada uu xaqa u
leeyahay) wuxuu Ilaahay kaxarimay(qadiyay)
Jannada, hoygiisuna waa Naarta,mana laha daalimiintu gargaare"[Suuradda
Almaa'ida qayb ka mid ah Aayadda 72aad].
Loona dambi dhaafi maayo weligii.
Markaa waxaa lama huraan
noqonaysa inaynu isu soo ururinno nusuusta oo dhan. Wuxuu yidhi
Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye:- "Ma
idiinka warramaa kabaa'irta (dambiyada waawayn)
ugu waawayn?saddex jeer ayuu sidaa yidhi. Waxay
yidhaahdeen(Asxaabtii):- Haa, Rasuulkii Ilaahayow (naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye)! wuxuu yidh:- "Ilaahay
oo loo shariik yeelo(cid kale cibaadada uu xaqa u
leeyahay lala wadaajiyo), labada waalid
oo caasiyo(la xumeeyo)",meel buu ku tiirsanaa (Nabigu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye), markaasuu
intuu soo fadhiistay yidhi:-"Hooy iska jira
hadalka beenta ah". Markaasuu ku celceliyay ilaa aannu
iska nidhi miyuu iska aamuso(ayay asxaabtii yidhaahdeen sidii uu
ugu celcelinayay dambi waynideeda isagoo caddaynaya Nabigu naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) . [waa la isku waafaqsan
yahay Bukhaari, No:2654, Muslim, No: 87].
Markaa Nabigu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu caddeeyay in hadalka beenta
ahi uu dambiyada waawayn ka mid yahay , kumana xusna toddobada wax
halaaga, sidoo kalena caasinimada(labada waalidna kuma xusna
Xadiiska sheegaya toddobada wax halaaga) .
|