Main
Quraan
Tafsiir
Xadiis
Baro Diintaada
Taariikh
Barbaarinta Ubadka 

 

 

  

         

        


Islamic Links
Aflax
Attaqwaa
Boqolsoon
Duruus
Hanuuniye
Islamweb
Islamwey
Rabidada Finland
Waano-online

Links
Aftahan
Aljazeera
BBC Somali
Halganews
Hoygasuugaanta
Midnimo
Onkod
Somalilandfuture
Somaliweyn
Wardheer
Widhwidh
                       More>>........

Idaacadaha
BBC Duhurkii
BBC Galabtii
BBC Habeenkii
Radio Hargeysa
Radiofreesomalia
Radiomidnimo

Wargaysyada
Alhayaat
Alkhaliij
Almujtama
AsharqalAwsat
Haatuf
Jamhuuriya
N.Times
Qaranpress
W.Post

W.Wararka
AFP
AP
MINA
PNA
Reuters
Wakaalado
Irin

 Dambiyada waawayn
                         Horudhac

Mahad oo dhan Ilaahay baa iska leh, Caalamiinta Rabbigood, nabadgalyada ugu fadli badan iyo slaanta ugu dhammaystiranna Nabigeennii suubanaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayay dushiisa tahay, iyo eheladiisii iyo asxaabtiisii dhammaanba, intaa kaddib.

                         Wa kuma Qoruhu

Kitaabkan waxaa qoray Ilaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyee Imaamkii Xaafidka ahaa, qoraagii Islaamka ee Caalimka ahaa Sheekh Shamsuddiin Abuu Cabdullaahi Muxamed Binu Axmed ee caanka ku noqday Addahbi. Wuxuu ku dhashay Kafarbadna oo Suuriya ku taalay sanadkii Hijriyadu markii uu ahaa 673kii baishii Mawliid, waxaaanu wax ka bartay cilmigana ka raacday culimo badan oo xilligiisii cilmiga laga raacan jiray, isagoo isaga gooshaya, cagtana mariyay Dimishiq, Bacalbak, Cimis, Qaahira, Daraabulus, Xijaas, Qudus,Iskanderiya iyo meelo kale oo fara badan. Culimada uu wax ka raacday waxaa ka mid ahaa Cumar Binul Qawaas,Cabdulkhaliif Binu Calwaan,Sharafu-Diin Addumyaadi, Attawsi, Alcimaad Ibnu Badraan iyo culimo badan oo kale.

                        Waayo aanu u Soomaaliyaynay

 Runtii waa kitaab aad iyo aad u faa'iido badan oo runtii wax wayn u tari doona haddii Eebbe nasah-naa oo korreeye uu garansiiyo bulshada af Soomaaliga ku hadasha oo malahayga aad mooddo inay wax badan ka indho laayihiin aqoon la'aaniba ha ugu wacnaatee, Ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu dadka Soomaaliyeed hanuuniyo oo uu hilinkatoosan ku duwo.Aamiin.

                         Qoraagu waxa uu ku bilaabay

Ilaahay baa ku mahadsan rumaynta aan isaga iyo kutubtiisa,Rusushiisa, Malaa'igtiisa iyo Qadaradiisaaba aanu rumaynay. Naxariis iyo nabadgalyo Eebbena korkiisa ha ahaato Sayidkeennii Muxamed ahaa, ehelkiisii iyo u gargaarayaashiisiiba, nabagalyo joogto ah ,oo noo sugta degitaan agtiisa ah hoyga sugnaanshaha dhexdiisa.

   Kitaabkani waamid faa'iido badan oo laga baran karo dambiyada waawayn si kooban iyo si balballaadhanba, Ilaahay naxariistiisa ha inoogu gargaaro ka fogaanshahooda e. Ilaahay korreeye wuxuu yidhi:-"Haddaad ka dheeraataan Dambiyada waawayn ee aannu idinka reebnay, waxaannu ka tirtiri xaggiinna xumaantiinna, waxaanannu idin galin meel sharaf leh" [Aayadda 31aad ee Suuradda Annisaa'a]. Ilaahay baa uga kafaala qaaday hadalkaas cad qofka dambiyada waawayn ka fogaada inuu Janno galinayo.Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:"Waa kuwa ka dheeraada dambiga kiisa wayn,marakay cadhoodaanna (iyagu) waa kuwo u dhaafa (qofkii gef ka gala), waa kuwa maqlay Rabbigood , oogayna Salaadda, arrinkooduna wada tashi dhexdooda ah yahay, waxaannu ku arsaaqnayna wax ka bixiya, waana kuwa marka gardarro ku dhacdo (lagula kaco) ka gargaarta (iska dhiciya)"[ Suuradda Ashuuraa Aayadda 37-39aad]. Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-"Kuwa ka fogaada dambiga kiisa waawayn iyo xumaanaha wax yaryar mooyaane, Rabigaana waa kii dambidhaaf ballaadhan..."[Suuradda Annajmi qaybta hore ee Aayadda 32aad].

    Nabiguna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-      "Salaadaha shanta ah,iyo Jimce ilaa Jimce, waxay kafaarogud(Dambi ka tirtirid) u yihiin inta u dhaxaysa , haddii aan la tiimban kabaa'irta (dambiyada waawayn) " [Muslim baa wariyay]. Markaas waxaainala gudboon inaanu hoos ugu daadegno dambiyada waawayni maxay yihiin? si uu qofkaMuslinkaahi uga fogaado, markaasaanu aragnay inay culimadu isku khilaafsan yihiin.

    Waxaa la yidhi.- Waa toddoba, iyagoo markhaati u soo qaatay Xadiiskii uu Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku yidhi:- " Ka fagooda toddobada wax halaaga-markaasuu sheegay- Shirkiga (Cibaadada oo Eebbe cid kale lala wadaajiyo), Sixirka,naf la dilo (xaq darro lagu dilo), cunista xoolaha agoonta,cunista Ribada(kor socodka), dhabar jeedinta maalinta duulaanka (jidka Ilaahay loo dagaalamayo) iyo ku been abuurka dumarka muslimiinta ah (iyadoo laga sheegayo hadalo been abuur ah oo dumarnimadooda iyo sharaftooda lagu ceebaynayo) [waa la isku waafaqsan yahay  Bukhaari, No: 2766 , Muslim, No:89].

    Ina Cabbaasna Ilaahay isaga iyo aabihiiba haka raalli ahaadee waxaa laga soo xigtay inuu yidhi: Waa ilaa toddobaatan oo uga dhaw xagga toddobada. Ilaah baanan ku dhaartee Ina Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaadee run buu sheegay, Xadiiska dhexdiisana waxa ku koobmaya Kabaa'irta.

    Qofkii ay ku caddaato ,cadaynna ku ooganto, dembina kasbada ka mid ah dambiyadaa waawayn oo ah xad (dambi ku oogid) adduunka dhexdiisa ah sida dilka,dhillaysiga,xatooyada ama uu ku yimid goodin Aakhiro dhexdeeda ah oo cadaab,cadho iyo hanjabaad ah, ama qofkii sameeya lagu lacnaday carrabka Nabigeenna Muxamed ah naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye , waa dambi wayn. Waana arrin jirta innagoo sidaa u eegayna in dambiyada waawayni ay laftoodu sii kala wayn yihiin,miyaadan arkaynin in (Nabigu) naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu Shirkiga ku tiriyay kabaa'irta, iyadoo ay jirto ka sameeyaa inuu Naarta ku waarayo,weligiina aan loo dambi dhaafaynin. Ilaahay korreeye wuxuu yidhi:-"Ilaahay ma dhaafo in loo Shariik yeelo isaga (cid lala wadaajiyo cibaadada uu xaqa u leeyahay), wuuse u dhaafaa wixii waxaas ka soo hadhay cidduu doono, ruuxii u shariik yeela Ilaahay wuxuu lumay lumid dheer"[Suuradda Annisaa'a qayb ka mid ah Aayadda 48aad iyo 116aad]Waxaa kale oo Ilaahay korreeye yidhi:-"Ruuxii u Shariig yeela(cid kale la wadaajiya Cibaadada uu xaqa u leeyahay) wuxuu Ilaahay kaxarimay(qadiyay) Jannada, hoygiisuna waa Naarta,mana laha daalimiintu gargaare"[Suuradda Almaa'ida qayb ka mid ah Aayadda 72aad].             Loona dambi dhaafi maayo weligii.

    Markaa waxaa lama huraan noqonaysa inaynu isu soo ururinno nusuusta oo dhan. Wuxuu yidhi Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye:- "Ma idiinka warramaa kabaa'irta (dambiyada waawayn) ugu waawayn?saddex jeer ayuu sidaa yidhi. Waxay yidhaahdeen(Asxaabtii):- Haa, Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye)! wuxuu yidh:- "Ilaahay oo loo shariik yeelo(cid kale cibaadada uu xaqa u leeyahay lala wadaajiyo), labada waalid oo caasiyo(la xumeeyo)",meel buu ku tiirsanaa (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye), markaasuu intuu soo fadhiistay yidhi:-"Hooy iska jira hadalka beenta ah". Markaasuu ku celceliyay ilaa aannu iska nidhi miyuu iska aamuso(ayay asxaabtii yidhaahdeen sidii uu ugu celcelinayay dambi waynideeda isagoo caddaynaya Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) . [waa la isku waafaqsan yahay Bukhaari, No:2654, Muslim, No: 87].

    Markaa Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu caddeeyay in hadalka beenta ahi uu dambiyada waawayn ka mid yahay , kumana xusna toddobada wax halaaga, sidoo kalena caasinimada(labada waalidna kuma xusna Xadiiska sheegaya toddobada wax halaaga) . 

 

 

 
Tafsiirka
Sh.Maxamed Dirir
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Almis Yaxye
Sh. Maxamed Macalin

Sh.Axmed Qudubi

Xadiisyada
S.Bukhaari
S.Muslim
M.Axmed
S.Tirmiidi
S. Abii Daa'uud
S. Annisaa'i

Calaamadaha Qiyaamada
Soo bixitaanka Nabiga
Geeridii Nabiga
Badashada Maalka
Ku dayashada Gaalada

Taariikhda
Nabiyada nnEka
Asxaabtii Nabiga nnEka
Taabiciyiintii
Dawladihii Islaamka
Culimadii Islaamka
Halgamayaasha
Taariikhda Soomaalida
Baro Dal iyo Dad
Qoraalo Taariikhi ah                  

Kutubta
Tukashada Saxda ah
Fiqhiga Khilaafka
Dambiyada Waawayn
Xalaal iyo Xaaraan                      

Wax ku qaado Waayaha
Maydkii Ninka dilay
Saalim Aabihii
Fatwadii Imaam Maalik
Walaashaa Ilaali
Gaadhigii uu jiidhsiiyay
Xabaddii Tufaaxa
Nabiga(nnEka) aragtidiisa                            
 
 Muxaadarooyinka
Usuusha Iimaanka
Barbaarinta Ubadka
Jacaylka Nabigeenna nnEka
Xuquuqda labada isqaba           

Khaatumada Wanaagsan
Diiday Xijaabka tuuristiisa
Akhrin Quraan
Hees bay qaadayeen                      
 
  Duruusta
Axkaamta Qoyska
Axkaamta Soonka
Fiqhul Aakhira
Fiqhul Cibaadaad
Kalmadda Wanaagsan                          

Mucjisooyinka Islaamka
Foodda
Mucjisooyinka Kawnka
Cajaa'ibka Quraanka

                        


Suugaanta
Guurow maxaad tahay
Gar xumaatay
Dirir hooray
                        

Faalooyinka
  • Soomaaliyey waa xaggee waa wareerteene   read more

  • Ciraaq Xaggee ku socotaa waa yaabe    read more

  • Ka daroo dibi dhal saw tan   noqotay    read more

  • Dhafoortaabashadii Vietnam u ekaa- Ropert Fisk- Independent  read more

  • Dumarku inay Salaadda tukiyaan ma bannaana- Sh. Maxamed Sh.C/raxman  read more

 

Copyright ® 2004 hilinkatoosan.com      Home l Yaanu nahay l Ilatali l Korodhso Aqoontaada l wararka l Contact us