|
بسم الله الرحمن
الرحيم
Ogow walaalkayow inay Qiyaamadu dhici doonto, xisaabtan iyo
abaal marinna ay jiri doonto, markaa la innooga baahan yahay
inaynu u diyaar garawnno waxqabadkii iyo wanaaggii aynu kaga
badbaadi lahayn murugada iyo dhibaatooyinka jiri doona
maalinta Qiyaame , si aynaan u noqonin kuwa uu ku rumoobi
doono hadalka uu Eebbe korreeye ku yidhi:-"Dadkii waxaa u
soo dhawaaday Xisaabtoodii iyagoo halmaansho ku sugan oo
jeedsan.Uma yimaaddo Xus (Quraan)
xagga Rabbigooda oo warrami haddii (uu
jirana) way maqlaan iyagoo
ciyaari.Oy shuqloon tahay Quluubtoodu, waxayna hoos u
dhigaan Faqii kuwii dulmiga falay (iyagoo
odhanaya), kani ma waxaan dad
idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo
arkaya" Suuradda Al-Anbiyaa'i Aayadaha 1--3aad.
Ogowna in Qiyaamadii ay dhawdahay marka
loo eego waayadii hore , sidaa darteedna ay lama huraan
tahay inaynu digtoonaanno si aynu u badbaadno, Cabdullaahi
Binu Cumar waxaa laga wariyay in Nabigeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Ka danbayntiinna aad ka dambaysaan umadihii idinka horreeyay
waa inta u dhaxaysa Salaadda Casar ilaa gabbal dhaca"
Bukhaari baa wariyay.Hana u arki inay fog tahay way
dhawdahaye, u sii tabaabushayso.
Eebbe korree oo nasahnaaye wuu qariyay
waqtiga ay dhaci doonto, keligii uunbaana og cid kaloo ogi
ma jirto, Malag dhaw ha ahaado ama Nabi la soo dirayba ha
ahaadee. Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-"Waxay
ku waydiin Saacadda (Qiyaamada)
markay sugnaan. Maxaa ku ogaysiiyay
waqtigeeda. Eebbe uunbuu ku dhammaan ogaanshaheedu. Adigu
waxaad tahay uun u digaha ruuxii ka yaabi.Waxay la mid noqon
maalintay arkaan (Qiyaamada)
iyagoon nagaanin galab iyo barqin
mooyee (adduunka)"
.
Hase yeeshee Eebbe korree oo nasahnaaye
wuxuu inna ogaysiiyay calaamadaheeda, taasoo uu Nabigeennu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innoo
sheegay , isagoo umaddiisa uga digaya, calaamadahaas oo la
soo bilawday waagii Asxaabta Ilaahay raalli ha ka ahaadee,kuwaasoo intaana soo kordhayay, waxaana calaamadahaas ka mid ah
kuwo la arkay iyo kuwo weli socda iskana soo daba dhacaya ,
iyo kuwo aan weli la arag oo markay dhici doonto Qiyaamadu
iman doona, waxaanay ahaan doonaan arrimo aanay dadku
caadiyan arki jirin.
Haddaba si aynu hoos ugu daadagno Ilaahay
khayrka ha inna waafajiyee, waxaynu u kala qaadi doonnna,
una kala horraysiin doonaa laba qaybood , oo qayb waliba
calaamado badani hoos imanayaan, innagoo calaamad kasta oo
labadaas qaybood ka mid ah is yara dul taagi doonna, si aynu
uga digtoonaano waxayna kala yihiin labadaas qaybood:-
1-Qayb ah calaamado yar yar
2-Qayb ah Calaamado waawayn
b-Soo
Bixitaankii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye
Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-"Ma ahayn Muxamed aabaha midkiin oo raggiina ka mid
ah, hase yeeshee waa Rasuul Ilaahay iyo ugu dambeeyihii Nabiyada". Rasuulkeenuna
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Waxaa
la soo diray aniga iyo Saacadda (Qiyaamada)
sida labadaas oo kale (intuu
murdisadiisii iyo fardhexadiisii isku dhajiyay korna u taagay)".
Markaa soo diristii
Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa la bilawday
tirsigii ku sii durkayay Qiyaamada, maadaama aanu jirin Nabi dambe oo soo baxaya,
ummaddiisuna ay tahay umaddii u dambaysay ummadaha.
t-Geeridii
Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye
Waxaa kale oo calaamadaha yaryar ee Qiyaamada ka mid ah geeridii Nabigeenna
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, wuxuuna Nabigu Xadiis ku yidhi:-"
Lix ka tiri Saacadda (Qiyaamada)
horteed:- Geeridaydii, haddana furashada Baytul Maqdis,
haddana............" Bukhaari.
Geeridii Nabigeenuna
naxanriis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxay ahayd musiibadii ugu
waynayd ee ku habsata umadda Muslimiinta ah, dunida ayaa mugdi u nqoday
Asxaabtii Rasuulka naxariis iyo nabadgalyi Eebbe korkiisa ahaye iyaga raalli
ahaansho Ilaahay korkooda ahaataye. Anas Ilaahay ha ka raalli ahaadee wuxuu
yidhi:- "Maalintii uu Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye uu Madiina soo galay wax walba way iftiimeen, maalintii uu
geeriyoodayna wax walba mugdi ayay noqdeen, anagoo weli aaskiisiiba faraha ku
hayna ayaannu xattaa quluubtayadii hiifnay".
Geeridii Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Waxyigii Samada
ka soo degayay ayaa joogsaday, sidii uu Qurdubi yidhina waa xaaladdii ugu
darnayd ee Muslimiinta soo waajahda, Nabinimadii ayaa geeriyootay, waana markii
ugu horraysay ee shar soo bilawdo kaddib markii qabiilooyin Carab ihi Diinta ka
noqdeen, dhimashadiisuna waxay ahayd ugu horrayntii khayr go'a iyo bilaabashada
yaraanshihiisii.
j-Badashada
Maalka
Calaamadaha yaryar ee
Qiyaamada waxaa kaloo ka mid ah maalka oo ku bata gacmaha dadka , Bukhaari wuxuu
Saxiixiisa ku wariyay in Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga soo
wariyay Xadiis uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu
ku yidhi:-"Qiyaamadu dhicimayso illaa dhexdiina uu maalku ku bato, markaasoo uu
ku hamiyo ninka xoolaha lihi inuu Sadaqo ka aqbalo looguna yeedho nin (si uu u
qaato) oo yidhaahdo (ninkii inuu Sadaqada qaato la doonayo): baahi iima hayso
xoolahan".
Sida uu Nabigeennu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu innoo sheegayna way dhabawday
oo waa la arkay, laga soo bilaabo waqtigii Saxaabada Rasuulka Ilaahay ha
ka raalli noqdee oo ay bateen wadamadii ay furteen, taasoo xoolo fara badan u
soo hoydeen, iyagoo gacanta ku dhigay hantida labadii boqortooyo ee waagoodii
ugu awoodda badnaa,ee kala ahaa boqortooyadii Roomaaniyiinta iyo boqortooyadii
Faarisiyiinta. Waxaa kaloo calaamaddaasi la arkay waagii Khaliifka shanaad ee
Muslimiinta Cumar Binu Cabdicasiis oo waqtigiisii qof baahan la waayay , taasoo
ay sabab u ahayd barakadii cadaaladdiisu. Sidoo kale waxaa la arki doonaa
calaamaddan gabagabada adduunka oo Ilaahay baa oge laga yaabo inay noqoto waaga
Mahdiga soo bixi doona iyo waaga uu Nabi Ciise naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye soo dego, markaasoo uu dhulku soo bixin doono khasnadaha ku
jira maalkuna badan doono.
x-Ku Dayashada
Gaalada lagu dayan doono
Nabigeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatee wuxuu yidhi:-"Saacaddu(Qiyaamadu)
dhicimayso
illaa ay ummadaydu qaaddo(jidkii iyo dhaqamadii)
dawgii umadihii ka horreeyay
taako taako iyo dhudhunba dhudhun". Waxaa lagu yidhi ma sida Faaris iyo
Roomaanka oo kale, markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye):-"Oo haddaa ma dad aan iyaga ahaynbaa". Bukhaari baa wariyay. Warin
kale ayaa ahayd :-"Waxaannu nidhi Rasuulkii Ilaahayow(naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye) ma Yuhuud iyo Nasaaraa (Masiixiyiin), markaasuu
yidhi:-"Oo haddaa wa ayo".
Akhristow waqti hore
iska dhaafe hadda ayaynu calaamaddaasi indhaheenna ku aragnaa, intee Muslimiin
ah ayaa ku dayashada gaalada ku faana, ilbaxnimana mooda, balse la arkayba rag
rag isku ekaysiiyay ama dumar dumar isku eekaysiiyay waa sahaalee rag dumar isku
eekaysiiyay iyo dumar rag isku eekaysiiyay, taasoo mararka qaarkood gaadha
Diinta oo la baxo Ilaahay baannu xaaladdaas ka magan galnaye. Qofka Islaamnimada
dhabta ah ku dhaqmaa wuxuu ogaanayaa heerka uu xaalka Muslimiintu gaadhay
waqtigan la joogo, taasoo keentay in habdhaqankii Islaamnimo ee saxda ahaa laga
fogaaday sidii reer galbeed loogu dayanayay, ha ahaato Caqiidadii oo laga
leexday ama isku xukunkii Kitaabka iyo sunnada Nabigeenna naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo la iska fogeeyay xukunkoodiina la qaatay
iyadoo lagu dayanayo, ilaa xattaa labiskoodii,cuntadoodii iyo cabbitaankoodii
noqday ilabaxnimada meesha ugu sarraysa, taasoo si dhab ah ugu sifoobaysa
hadalkii Nabigeenna naxariis iyo nabdgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-"
Taako taako iyo dhudhunba dhudhun xattaa hadday galaan god Masalugalay waad
galaysaan". Haddaba waxaa is waydiin leh maxay umaddu ka heshay ku dayashadaas
indha la'aanta ah aan ka ahayn dullinimo, khayraadkooda oo la dhaco, madaxa oo
laga garaaco iyo in la addoonsado, taasoo ay waliba u dheer tahay khasaare
aakhiro iyo mid adduunba.
Fiicnaan lahaydaa in
ganacsatada ka soo dajisa bari iyo galbeedba dawooyinka la isku caddeeyo iyo
duruucda khafiifka ah iyo sunta noocyada badanba inay inoo waaridaan cilmiga iyo
farsamada casriga ah intay waxaan gaajo kaa biinayn oo dhaqankii iyo caadadiiba
kharibaya soo dajinayaan, fiicnaan lahaydaa inay ka qayb qaataan dib u habaynta
iyo dhisidda dhakhtarro, abuuridda hay'ado faa'iido umadda u leh, waddooyinka oo
ay hagaajiyaan, machadyo, dugsiyo iyo Jaamacdo ay dhisaan. Sidoo kale fiicnaan
lahaydaa inay ka qayb qaataan caawinta dadka baahan ee ay caadiga noqotay in
lagu dul socdo iska dhaaf in wax loo qabtee. Ilaahay sida khayrku umaddeenna ugu
joro ha inna garansiiyo umaddana ha ka badbaadiyo baadida iyo jahawareerka ay ku
jirto Aamiin.
kh-Dhambalmashadii
Dayaxa
Waxaa
kale oo uu Eebbe korree oo nasahnaaye Quraanka Kariimka ah ku yidh:-"Waxaa
dhawaatay Saacaddii (Qiyaame),
Dayaxiina wuu dhambalmay (dillaacay).
Haddii ay gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan
waxayna dhahaan waa sixir daran" Suuradda Al-Qamar Aayadda
1-2aad. Mucjisadaasi waxay dhacday waagii uu Nabigeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu Maka joogay, iyagoo gaaladii reer
Makaad ay Nabiga nnEka ka codsadeen inuu mucjiso tuso, oo ay waliba ka
codsadeen inuu dayaxu laba dhambal noqdo, markii uu Rasuulku nnEka uu
Eebbe nasahnaa oo korreeye baryay ayuu dayixii kala dhambalmay, laba
qayboodna kala noqday, hase yeeshee sida Eebbe nasahnaaye innoo sheegay
waxay Nabigeennii nnEka ku yidhaahdeen waad na sixirtay. Inkastoo
haddaba ay 1400 oo sano ay dhacdadaas ka soo wareegty ayaa waxaa ay
hayadda Nasa oo ah wakaaladda Hawada sare ee Maraykanka xaqiijisay
kaddib sawiro uu soo qaaday dayax gacmeed ay wakaaladdaasi hawada u
dirtay oo la yidhaahdo Clementain in dayaxu uu bandhtanka ka kala go'ay
laba gobol oo isleegna u kala go'ay isla markaana uu dib iskugu soo
noqday, taasoo bay yidhaahdeen weli aanu meere kale ama walax cireed
kale oo sidaas oo kale u kala go'ay aanay la kulmin, waxayna sheegeen
inay arrintaas la yaabeen isla markaana aanay fasiraad u haynin.
Fasiraadi way jirtaaye Quraanka Kariimka ah dib ha ugu noqdaan.
la soco..........................
|