Iska hadlow Ina Igarre
Islaan baa laga hayaa Iska hadlow Ina Igarre e waxaa ayaamahan hadal hayntiisu badatay hadal Baadariga hoggaamiya diinta Katooligu uu Islaamka ku weeraray kuna sheegay diin la soo shir tagtay waxaan caqligu qaadanaynin seefna ku meel martay, wuuse iska hadlaye bal aynu dhawr arrimood ka soo qaadanno sida Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnada Nabigeenna nnEka iyo cilmiga casriga ahi isku waafaqayaan iska daa caqligalnimada diinteenna sharafta lehe.Aan marka hore ku billawno hadalkii Ilaahay korree oo nasahnaaye uu ku yidhi:-"Markase araggu wareero, Dayaxuna madoobaado, Lana kulmiye Cadceedda iyo Dayaxa, Wuxuu odhan dadku maalintaas xaggee loo cararaa"Suuradda Al-Qiyaamah Aayadda7-10aad.Culimadu waxay sugeen in dayaxu sanadkiiba ka sii fogaado dhulka fogaan celcelis ahaan dhan 3 cm,fogaantaasi oo keeni karta in waqti waqtiyada ka mid ah uu dhulku u dhawaado Cadceedda isla markaana uu galo majiiraha cufisjiidadkeeda, kaasoo si aad ah uga badan cufisjiidadka dhulka, waxaana ay arrintaasi dhalin kartaa in ay Cadceeddu liqdo Dayaxa.Markasta oo uu Dayaxu ka sii fogaado dhulka waxaa sii yaraada iftiinkiisa kaasoo u sii ekaada mid madoobaanaya,ilaa uu ka galo majiiraha cufisjiidad ee Cadceedda, waqtigaasna waa marka uu Eebbe korreeye kulmin doono Cadceedda iyo Dayax. Eebbaana run sheegay.


Waxaa kale oo uu Eebbe korree oo nasahnaaye Quraanka Kariimka ah ku yidh:-"Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), Dayaxiina wuu dhambalmay (dillaacay). Haddii ay gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa sixir daran" Suuradda Al-Qamar Aayadda 1-2aad. Mucjisadaasi waxay dhacday waagii uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu Maka joogay, iyagoo gaaladii reer Makaad ay Nabiga nnEka ka codsadeen inuu mucjiso tuso, oo ay waliba ka codsadeen inuu dayaxu laba dhambal noqdo, markii uu Rasuulku nnEka uu Eebbe nasahnaa oo korreeye baryay ayuu dayixii kala dhambalmay, laba qayboodna kala noqday, hase yeeshee sida Eebbe nasahnaaye innoo sheegay waxay Nabigeennii nnEka ku yidhaahdeen waad na sixirtay. Inkastoo haddaba ay 1400 oo sano ay dhacdadaas ka soo wareegty ayaa waxaa ay hayadda NASA oo ah wakaaladda Hawada sare ee Maraykanka xaqiijisay kaddib sawiro uu soo qaaday dayax gacmeed ay wakaaladdaasi hawada u dirtay oo la yidhaahdo Clementain in dayaxu uu bandhtanka ka kala go'ay laba gobol oo isleegna u kala go'ay isla markaana uu dib iskugu soo noqday, taasoo bay yidhaahdeen weli aanu meere kale ama walax cireed kale oo sidaas oo kale u kala go'ay aanay la kulmin, waxayna sheegeen inay arrintaas la yaabeen isla markaana aanay fasiraad u haynin. Fasiraadi way jirtaaye Quraanka Kariimka ah dib ha ugu noqdaan.Sawirka geeska bidix ka muuqdaana waa sawirkii dayax gacmeedku soo qaaday taasoo aad ka arkayso raadkii dillaaca oo si cad uga muuqda dayaxa guudkiisa. 


Waa mucjisooyin tusinaysa xaqnimada Diinteenna oo aanay dhab ahayn waxa uu ninka iska hadlay ku sheegayo in garashada caqliyeed iyo diinta Islaamku aanay iskeenayn, isla markaana sida uu sheegay ay diinta Islaamku ku faaftay seefta caaradeed,sidoo kalena uu markhaati ahaan u soo qaatay hadallo uu yidhi boqoradii kiristanka ee Qunisdandiin ka talin jiray kaasoo sida uu sheegay yidhi Nabi Maxamed nnEka wax fiican ma keenin diintiisuna seef bay ku faaftay, waxaanan ,mar kale leenahay iska hadlow Ina Igarre.

 

                                                     La soco qormooyinka dambe.............


hilinkatoosan.com