Main
Quraan
Tafsiir
Xadiis
Baro Diintaada
Taariikh
Barbaarinta Ubadka 

 

 

  

         

        


Islamic Links
Aflax
Attaqwaa
Boqolsoon
Duruus
Hanuuniye
Islamweb
Islamwey
Rabidada Finland
Waano-online

Links
Aftahan
Aljazeera
BBC Somali
Halganews
Hoygasuugaanta
Midnimo
Onkod
Somalilandfuture
Somaliweyn
Wardheer
Widhwidh
                       More>>........

Idaacadaha
BBC Duhurkii
BBC Galabtii
BBC Habeenkii
Radio Hargeysa
Radiofreesomalia
Radiomidnimo

Wargaysyada
Alhayaat
Alkhaliij
Almujtama
AsharqalAwsat
Haatuf
Jamhuuriya
N.Times
Qaranpress
W.Post

W.Wararka
AFP
AP
MINA
PNA
Reuters
Wakaalado
Irin

 Diintaada Baro aad liibaantide
          بسم الله الرحمن الرحيم          

           

Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-" Waxaa ka cabsada Ilaahay addoomadiisa aqoonta leh, Ilaahayna waa adkaade dambidhaafe ah" Suuradda Faadir qayb ka mid ah aaayadda 28aad.

Nabigeeniina naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:- "Ka uu la doonayo Ilaahay khayr ,wuxuu baraa diinta" Bukhari iyo Muslim ayaa wariyay.

Waxaa kale oo uu Rasuulkeennii suubanaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi:-" Waxa uu la mid yahay wixii Ilaahay ila soo diray ee Hanuun iyo Cilmi (aqoon) ahi sida roob helay dhul, waxaana ka mid ah (dhulkaas), meel (carro san ah oo) fiican oo biyihii qaadatay, soona saartay baad iyo doog badan , waxaa kaloo ka mid ah (dhulkaas roobku helay) meel dirri(dhul adag ah) oo biyihii qabatay Ilaahayna waxtar uga dhigay dadkii, oo ay markaa ka cabbeen kana waraabsadeen kana beerteen, waxaa kale oo uu helay (roobkii) meel kale oo (dhulkii ah) oo aan ahayn mooyaane dhul siman oo aan qaban biyo baadna soo saarin, waxaana sidaas ka dhigan sida qof dhugtay(fahmay) diintii Ilaahay , waxna uu u taray wixii Ilaahay ila soo direy oo markaas wax bartay (laftiisu) waxna baray (dadka kale), iyo sida mid aan madaxaba koru soo qaadin ( aan wax ka taransan wixii laila soo diray), aan qaadan hanuunkii Ilaahay ee la igu soo diray" Bukhaari iyo Muslim baa wariyay. 

Diintuna Ilaahay agtiisa waa Islaamka Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-" Diintu Iaahay agtiisa waa Islaamka" Suuradda Aala-Cimaraan qayb ka mid ah aayadda 19aad. Nabiyadii Ilaahay soo diray oo dhanna Diintaas kaliya ee Islaamka ah ayuun bay addoomada ilaahay soo gaadhsiinayeen, Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:- "Wuxuu idiin jideeyay (Eebbe) xagga Diinta wixii uu u dardaarmay (Nabi) Nuux iyo wixii aannu u waxyoonay (Nabi Maxamadow) xaggaaga, iyo wixii aanu u dardaanay (Nabi) Ibraahiim iyo (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise, inay oogaan Diinta, aydinaan kuna kala tagin dhexdiisa " Suuradda Ashuuraa qayb ka mid ah aayadda 13aad. Nabigeeniina isagoo arrintaas innoo caddaynaya wuxuu yidhi:- " Nabiyadu  waa walaalo kala baho ah hooyooyinkood kala duwan yihiin diintooduse mid tahay".

Laga soo billaabo aabaheen nabi Aadan Naxariis iyo nabadgalyo eebbe korkiisa ahaataye ilaa laga soo gaadho Nabigeennii suubanaa naxariis iyo nabadgalyo eebbe korkiisa ahaataye waxay dadka ugu baaqayeen hal jid oo ahaa jidkaas diinta Islaamka ah , jidkaas oo ah ka addoonka u ridaya dariiqa loo marayo Jannada Ilaahay addoomadiisa wanwanaagsan u yaboohay, kii diin kale raacaana Eebbe ka yeeli maayo. Eebbe nasahnaa ookorreeye wuxuu yidhi:-" Qofkii ka yeesha waxaan Islaamka ahayn Diin laga aqbali maayo isaga ,aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa khasaaray" Suuradda Aala-Cimraan aayadda 85aad

Barashada Diinta Islaamkuna waa waajib saaran qofka muslimka ah, taasoo noqonaysa waajib sharci ah. Diinta Islaamkuna waa tiirar ay ku taagan tahay iyo dhismaha tiirarkaasi hayaan, kaasoo koobaya hab nololeedka dhammaan dhinacyada nolosha ee dadka muslimiinta ah.Tiirarka diintuna waxay ka kooban yihiin laba tiir oo kala ah:-

  • Tiirarka Islaamka

  • iyo Tiirarka Iimaanka

 Tiirarka Islaamku waxay ka kooban yihiin shan tiir oo kala ah:-

  1. Qiritaanka Ilaahay mooyee inaanu Ilaah kale jirin, Muxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay.

  2. Oogista Salaadda

  3. Bixinta Sakada

  4. Soonka Bisha Ramadaan

  5. Tagitaanka Xajka qofkii kara

Tiirarka Iimaankuna waxay ka kooban yihiin lix tiir oo kala ah:-

  1. Rumaynta Ilaahay

  2. Rumaynta Malaa'igta

  3. Rumaynta Kututbtii Ilaahay soo dejiyay

  4. Rumaynta Rusushii Ilaahay soo diray

  5. Rumaynta Maalinta Qiyaame

  6. Rumaynta Qaddarka (Go'aaminta) Eebbe Khayrkiisa iyo Sharkiisaba

Rumaynta tiirarkaasina waa kuwo ka soo go'a qalbiga qofka muslinka ah fal qabashadiisuna ay rumayso, Eebbe nasahnaa oo korreeye loo gaar yeelo dartiina loo qabto.

Si aynu haddaba u fahamno aynu shanta tiir ee Islaamka iyo lixda tiir ee Iimaanka aynu mid mid u soo qaadno si aynu aqoonta sharciyeed ee waajibka ah aynu xilkeeda u gudanno si aynu raalli ahaanshaha Ilaahay u helno nolosha adduun iyo nolosha dambe ee aakhiroba.

1. Qiritaanka in Ilaahay mooyee aanu Ilaah kale jirin, Muxamadna uu Rasuulkii Ilaahay yahay:- Waa albaabka uu qofku Islaamnimada kasoo galo, waana in qofku qalbiga ka rumeeyaa in Ilaahay mooyee aanu jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa carabkana uu ka yidhaahdo isaga oo odhanaya "اشهد ان لا اله الا الله و اشهد ان محمد رسول الله ""Ash-hadu Allaa Ilaaha Illallaahu Wa Ash-hadu Anna Muxamadun Rasuulu-Laah"

2. Salaadda:- Waa tiirka laf dhabarka u ah diinta Islaamka waana shan Salaadood oo uu addoonku tukanayo habeenkii iyo maalintii, waana fal ka kooban quraan akhrin,ducaysi,Ilaah waynayn iyo samayn dhaqdhaqaaqyo u gaar ah oo ay Salaaddu leedahay sida Rukuucda iyo Sujuudda.Ka tagisteeduna waxay shaki galinaysaa qofka Islaamnimadiisa, haddaba si aynu u barano waxa la innooga baahan yahay ansaxa Salaadda aynu hoos ugu daadagno casharadan      <<Sii Akhri>>  

3- Sakada:- Waa tiirka saddexaad,waxaana ay waajib ku tahay dadka hantida leh in ay in go'an oo ay diinta Islaamku u goysay ay Sako u bixiyaan si loo siiyo dadka ay ku baxdo, qofkii diidana dawladda ayaa xoog kaga qaadaysa si loo gaadhsiiya dadkii xaqa u lahaa, qofkii jiritaankeeda beeniyana diinta Islaamkaayuu kaga baxayaa.

4- Soonka:- Waa tiirka afraad,waana waajib saaran qof kasta oo muslin ah, waana wajib ah in qofku ka soomanaado cuntada, cabitaanka, iyo galmoodka laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaadhayo cadceedu marka ay dhacdo , qofkii jiritaankiisa beeniyana diinta Islaamka ayuu kaga baxayaa. Haddaba si aynu hoos ugu daadagno oo aynu aqoon buuxda uga helno waxa la innooga baahan yahay  casharadan hoose   <<Sii Akhri>>

5- Xajka:- Waa tiirka shanaad,waxaana ay waajib ku tahay dadka kari kara ee hanti u haysta uu ku xajiyo,waana halmar inta uu nool yahay, isagoo addoonku tagaya Maka si uu u soo guto Xajka isla markaana booqanaya Madiina , qofkii jiritaankeeda beeniyana diinta Islaamka ayuu kaga baxayaa.

 Tiirarka Iimaanka

1- Rumaynta Ilaahay nasahnaa oo korreeye:- oo ah in addoonku rumeeyo kalinimada Ilaahay, isla markaana uu qalbiga ka rumeeyo in Ilaahay mooyee aanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa, rumeeyana in Ilaahay nasahnaa oo korreeye uu abuuray adduunka iyo waxa ku gudo jiraba cir iyo dhulba,isaguna uu iska leeyahay wax kastoo uuman, Eebbana yahay ha arrin iyo taloo dhamiba ay gacantiisa ku jirto, cid la wadaagta maamulidda uunkanna aanay jirin.

2-Rumaynta Malaa'igta:- oo ah in addoonku uu rumeeyo jiritaanka Malaa'igta oo ah addoomo Ilaahay ,amaradiisana ku shaqeeya wuxuu fara sameeya,waa addoomo Ilaahay ka abuuray nuur ,dadkuna aanay arki karin ciddii Ilaahay tuso mooyaane.

3-Rumaynta Kutubta Ilaahay soo dejiyay:- Oo ah in addoonku uu rumeeyo kutubtii Ilaahay ku soo dejiyay Rusushii uu u soo dirayay addoomadiisa si ay u raacaan jidka toosan ee uu Ilaahay addoomadiisa kaga raalli ahaaday, jidkaas oo ah in Eebbe nasahnaa oo korreeye ay caabudaan, jidkaas oo ah ka ay dhammaan Rusushii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ahaataye ay ugu baaqayeen addoomadiisa.  

4-Rumaynta Rusushii Ilaahay soo diray:-Oo ah inaynu rumaynu dhammaan Rusushii Ilaahay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ahaataye) uu u soo diray addoomadiisa si ay u gaadhsiiyaan amarada iyo distuurka uu Ilaahay nasahnaa oo korreeye u dejiyay addoomadiisa inta ay adduunka sii joogaan si aanay u raacin jidka uu Shaydaan la doonayo inay raacaan si uu uga leexiyo jidkaas toosan ee uu Eebbe nasahnaa oo korreeye uu addoomadiisa raalli uga noqday.

5-Rumaynta Maalinta Qiyaame:- Oo ah in addoonku uu rumeeyo jiritaanka maalin dadka oo dhan lasoo bixin doono marka la wada dhinto, lana xisaabin doono, maalintaas oo noqon doonta maalin Ilaahay nasahnaa oo korreeye uu xisaabin doono addoomadiisa, qof kastana uu heli doono abaal marin wixii uu gaystay ah intii uu adduunyada joogay xumaan iyo samaanba, waana maalinta dadku ay taagan yihiin maxkamaddii uu Eebbe nasahnaa oo korreeye uu ku ballan qaaday inuu dadkoo dhan taagi doono maalintaas, maalintaas oo sida uu Eebbe nasahnaa oo korreeye Quraanka innoogu sheegay maalin ku adag ah dadka argagaxa wayn ee jira darteed.

6-Rumaynta Qadarka (U garashada Eebbe addoonkiisa u garto) sharkiisa iyo khayrkiisa:- Oo ah in addoonku rumeeyo wixii Eebbe nasahnaa oo korreeye uu qadaro inta nolosha adduunka la joogo, qadarkaas oo noqon kara mid khayr ah iyo mid dhib ah, iyadoo uu addoonku qalbigiisa ka rumaynayo in adduunkan hagistiisu ay Ilaahay nasahnaa oo korreeye gacantiisa ku jirto,wax aanu Ilaahay dooninna aanu adduunkan ka dhici karin wax uu doonay inuu ka dhacana cid horjoogsan kartaa aanay jirin.

Labadaa tiir ee Islaamka iyo Iimaanka rumayntooda iyo ku dhaqankoodu  waxay addoonka u horseedaan badhaadhe adduun iyo mid aakhiraba, waxaana ay u jeexaan jid toosan oo addoonka ka dhigaya xubin noloshiisa oo dhami ay wanaag iyo khayr u tahay naftiisa iyo bulshadaba,waayo waxa uu dadka faraana waa khayr waxa uu ka reebaana waa halaag iyo burbur. Si aynu haddaba wanaagsanaantaas u falanqayno aynu isla gorfayna wanaagga ay diinta Islaamu farayso qofka muslinka, hoos ka dhagayso wanaagga ay diinta Islaamku farayso bulshada muslinka ah, waxaana ka mid ah

1.Xuquuqda labada isqaba

2.Barbaarinta Ubadka

 

Tafsiirka
Sh.Maxamed Dirir
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Almis Yaxye
Sh. Maxamed Macalin

Sh.Axmed Qudubi

Xadiisyada
S.Bukhaari
S.Muslim
M.Axmed
S.Tirmiidi
S. Abii Daa'uud
S. Annisaa'i

Calaamadaha Qiyaamada
Soo bixitaanka Nabiga
Geeridii Nabiga
Badashada Maalka
Ku dayashada Gaalada

Taariikhda
Nabiyada nnEka
Asxaabtii Nabiga nnEka
Taabiciyiintii
Dawladihii Islaamka
Culimadii Islaamka
Halgamayaasha
Taariikhda Soomaalida
Baro Dal iyo Dad
Qoraalo Taariikhi ah                  

Kutubta
Tukashada Saxda ah
Fiqhiga Khilaafka
Dambiyada Waawayn
Xalaal iyo Xaaraan                      

Wax ku qaado Waayaha
Maydkii Ninka dilay
Saalim Aabihii
Fatwadii Imaam Maalik
Walaashaa Ilaali
Gaadhigii uu jiidhsiiyay
Xabaddii Tufaaxa
Nabiga(nnEka) aragtidiisa                            
 
 Muxaadarooyinka
Usuusha Iimaanka
Barbaarinta Ubadka
Jacaylka Nabigeenna nnEka
Xuquuqda labada isqaba           

Khaatumada Wanaagsan
Diiday Xijaabka tuuristiisa
Akhrin Quraan
Hees bay qaadayeen                      
 
  Duruusta
Axkaamta Qoyska
Axkaamta Soonka
Fiqhul Aakhira
Fiqhul Cibaadaad
Kalmadda Wanaagsan                          

Mucjisooyinka Islaamka
Foodda
Mucjisooyinka Kawnka
Cajaa'ibka Quraanka

                        


Suugaanta
Guurow maxaad tahay
Gar xumaatay
Dirir hooray
                        

Faalooyinka
  • Soomaaliyey waa xaggee waa wareerteene   read more

  • Ciraaq Xaggee ku socotaa waa yaabe    read more

  • Ka daroo dibi dhal saw tan   noqotay    read more

  • Dhafoortaabashadii Vietnam u ekaa- Ropert Fisk- Independent  read more

  • Dumarku inay Salaadda tukiyaan ma bannaana- Sh. Maxamed Sh.C/raxman  read more

 

Copyright ® 2004 hilinkatoosan.com      Home l Yaanu nahay l Ilatali l Korodhso Aqoontaada l wararka l Contact us