Magaaladii Doqomada

Beri baa waxaa jiri jirtay magaalo ay dadka degeni doqoniimo ku caan baxeen, waxaana magaala dhexdeeda ka qodnaa god wayn oo keenay in dad badani ay ku dhacaan dhaawac iyo dhimashaba u keenay, markay dadkii khaatiyaan ka noqdeen godkan uun markasta lagu dhacayo ayaa intay dadkii magaalada degenaa shir albaabadu u xidhan yihii galeen waxaay go'aan ku gaadheen in arrintan loo xil saaro saddexda qof ee ugu maskaxda badan magaalada, kuwaasoo loo xilsaaray wixii godkan baas laga yeeli lahaa. Saddexdii nin ayaa intay godkii dul tageen mid waliba fikrad uu islahaa waa lagama maarmaan ayuu halkaas ka soo jeediyay.

Kii koowaad ayaa yidh:- "Aniga waxay ila tahay in sida ugu fiicani ay tahay inaynu dad ag dhigno godka si marka uu qof ku dhacaba ay degdeg ugula cararaan dhakhtarka si qofka loo daweeyo".

Kii labaad ayaa isna yidhi:-" Waar maye arrintu malaha sidaas kuma habboona e waxay aniga ila tahay inaynu baabuur ambulance ah godka ag dhigno si marka uu qof ugu dhacaba degdeg dhakhtarka loogula cararo".

Kii saddexaad ayaa isna la soo booday oo yidhi:-" Waar malaha waxaa ka wada fiican inta aynu godkan aasno inaynu mid kale oo baddalkiisa ah dhakhtarka agtiisa ka qodno".

Akhristow adna maxaad u malayn lahayd, maxaadse ka dhihi lahayd sida duruufteenna xaadirka ah u suuraadinayso.

 


hilinkatoosan.com