Naxariista Eebbe ha ka quusan

Qof dumar ah oo ma dhalays ah ayaa Nabi Muuse naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye u timid, markaasay ku tidhi Ilaahay ii bari si uu ubad ii siiyo,Nabi Muuse naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa Eebbe la hadlay oo u baryay inuu gabadhaas siiyo ubad, Ilaahay korree oo nasahnaaye ayaa ugu jawaabay "Muusow waxaan u qoray inay madhalays noqoto", markay Nabi Muuse nnEka gabadhii u timid ayuu ku yidhi markaan Ilaahay ku baryay ayuu Ilaahay igu yidhi:-"Muusow waxaan u qoray inay madhalays noqoto".

Sanad kaddib ayay gabadhii haddana Nabi Muuse dib ugu soo noqotay markaasay ku tidhi Ilaahay ii bari si uu ubad ii siiyo,Nabi Muuse naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa mar kale  Eebbe la hadlay oo u baryay inuu gabadhaas siiyo ubad, Ilaahay korree oo nasahnaaye  ayaa ugu jawaabay sidii markii hore uu ugu jawaabay "Muusow waxaan u qoray inay madhalays noqoto", markay Nabi Muuse nnEka gabadhii u timid ayuu ku yidhi sidii markii horemarkaan Ilaahay ku baryay ayuu Ilaahay igu yidhi:-"Muusow waxaan u qoray inay madhalays noqoto".

Muddo kaddib ayay waa dambe gabdhii u timid Nabi Muuse iyadoo ilmo sidata, markii uu waydiiyayna cidda ilmahan dhashayna waxay ugu jawaabtay aniga ayaa dhalay oo Ilaahay baa i siiyay, markaasuu Nabi Muuse nnEka Ilaahay la hadlay oo uu yidhi:-" Eebbow saw adigii madhalysnima u qoray maaha". Eebbe korree oo nasahnaaye ayaa ugu jawaabay:- "Muusow mar kasta oo aan u qoro madhalaysnimo , ayay tidhaahdaa Raxiimow(Naxariistow), mar kasta oo aan madhalaysnimo u qoro ayay tidhaahdaa Raxiimow (Naxariistow), markaa naxariistaydii ayaa ka hormartay awooddaydii".

Markaa walaalow markasta oo ay dhibaato kula kulanto,  markasta oo aad wax u baahato Ilaahay bari, isaga ayaa wax walba ku siin kara, gacmaha kor u taag oo Ilaahayow dheh,naxariistow dheh, gargaarow dheh, dhibta iga dul qaad dheh, baahidaydana dabool dheh, muslimiintana Eebbow u naxariiso dheh, dhibtana ka dul qaad dheh, muruqooda,maalkooda iyo maskaxdoodana meel iskugu gee dheh, marka aad Eebbe nasahnaa oo korreeye aad baryaysana afka haka baryine qalbiga ka bari.                                                                

hilinkatoosan.com