Yaanunahay   Fatwada   Nagalasoo xidhiidh  
Fatwooyinka Casriga

Horudhac
Cash.2aad
Cash.3aad
Cash.4aad
Cash.5aad
Cash.6aad
Cash.7aad
Cash.8aad
Cash.9aad

                                 Silsiladda Hilinkatoosan(2)

                                   Fatwooyinka Casriga ah

                                         Waxaa qoray

                            Dr. Sheekh Yuusuf AlQaradaawi

                                    

 

                                       Soomaaliyayntii

                                   Maxamed Salan Cali

 

                         

                                           Horudhac

Mahad oo dhan Ilaahay baa iska leh, Caalamiinta Rabbigood, nabadgalyada ugu fadli badan iyo slaanta ugu dhammaystiranna Nabigeennii suubanaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayay dushiisa tahay, iyo eheladiisii iyo asxaabtiisii dhammaanba, intaa kaddib.

 

                                     Wa kuma Qoruhu

      Kitaabkan waxaa qoray Dr. Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi. Sheekhu wuxuu ku dhashay tuula la yidhaahdo Safat Turaab oo waddanka Masar ku taala, taariikhdu markay ahayd 9.9.1926kii, isagoo toban jir ka yar ayuu dhammeeyay Quraanka Kariimka ah iyo Tajwiidkiisaba. Mahacadka Al-Ashar ayuu ku dhammaystay waxbarashadiisa hoose-dhexe iyo sareba, markii uu u fadhiistay imtixaankii dugsiga sare lagaga baxayay wuxuu gaalay kaalinta labaad isagoo ay waqtigaasi la soo gudboonaatay xadhig uu xabsi ku jiray.Kulliyada Usuusha Diinta ee Jaamacadda Al-As-har ayuu galay wuxuuna ka soo qalin jabiyay sanadihii 1952-1953kii. Sanadkii 1958kii ayuu ka qaatay Diblooma luqada Carabiga ah Machadka sare ee diraasooyinka luqada Carabiga. Sanadkii 1960kii ayuu ka qaatay Shahaadada Maajisteerka qaybta culuumta Quraanka iyo Sunnada ee Kulliyadda Usuusha Diinta.Sanadkii 1973kii ayuu ka qaatay isla kulliyadaas Shahaadada Diktooraahda loo yaqaan isagoo ku gudbay heerka ugu sarreeya, mawduuca uu shahaadadaas ku qaatayna waxay ahayd "Sakada iyo raadka ay ku leedahay xallinta mashaakilka bulshada".

Shaqadiisana wuxuu ka bilaabay khudbadaha iyo wax ka dhigista Masaajidada isagoo maareeye ka noqday Machadka Imaamyada oo hoos imanayay Wasaaradda Awqaafta.Isagoo markii dambena u wareegay hay'adda guud ee Hiddaha Islaamka ee As-harka Shariifka ah, maareeyana ka noqday qoraalada ay hay'addaasi soo saarto iyo xafiiska Dacwada iyo hanuuninta.Sanadkii 1961kii ayuu u wareegay waddanka Qadar, isagoo maamule ka noqday Machadka sare ee Diiniga ah, islamarkaana gacan wayn ka gaystay horumarintiisa,,dhidibadana u aasay Machad tayo leh oo lagu barto cilmigii hore ee faa'iidada lahaa iyo cilmiga cusub ee wanaagsan.1973kii , markii la aasaasay labada kulliyadood ee Waxbarasahada gabdhaha iyo wiilasha wuxuu ka aasaasay qaybta waxbarashooyinka Islaamka isagoo guddoomiyana ka noqday.1977kii wuxuu horseed ka noqday aasaasidda iyo hogaaminta Kulliyadda Sharciga iyo Daraasadaha Islaamka ee Jaamacadda Qadar, wuxuuna madax ka ahaa ilaa dhammaadkii sanad dugsiyeedkii 1989-1990kii, isagoo isla markaana noqday maareeyihii aasaasay qaybta baadhista Sunnada iyo Siirada Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) ee Jaamacadda Qadar, oo uu ilaa iyo haddeerba uu madax ka yahay.

Kutub fara badan ayuu Sheekhu qoray, waxaana ka mid ah:-Kitaabka "Xalaasha iyo Xaaraanta Islaamka dhexdiisa" (ka akhriso halkan),kitaabka "Fiqhiga Sakada", kitaabka "Fatwooyinka Casriga ah" (oo ah kitaabka aad hadda akhrisanayso) oo laba qayboodka kooban, kitaabka "Saxansaxada Islaamka ee ragaadinta iyo xagjirka dhexdooda", iyo kutub kale oo fara badan, kutubtaas oo badankooda lagu turjumay luqado fara badan oo caalami ah. Sheekhu wuxuu qayb wayn oo runtii aynu odhan karno laf dhabar ah ayuu ka soo qaatay ilaa haddana ka qaataa baraarujinta,wacyigalinta,isku keenidda iyo isku dubaridka dadka muslimiinta ah, isagoo had iyo goor ku baaqa dhexdhexaadnimada diinta iyo in had iyo goor dadka loo fududeeyo diinta Islaamka, isagoo had iyo jeerna ku dadaala inaan ku dayasho indho la'aan ah dhicin, kuna baaqa in had iyo jeer dadka lagula hadlo looguna fatwoodo kolba casriga iyo duruufta ay ku jiraan.

Shirar badan ayuu kaga qayb qaatay daafaha dunida, isagoo ururo fara badanna xubin ka noqday inta badanna guddoominayay. Abaalmarino badan ayuu helay ayna kamid ahaayeen:- Abaalmarintii Bangiga Islaamka ee kobcinta dhaqaalaha Islaamiga ah sanadkii 1990kii (1411 H), abaalmarinta caalamiga ah ee Boqor Faysal sanadkii 1992kii (1413 H), abaalmarinta fidinta cilmiga sugan ee uu bixiyo madaxa Jaamacadda Islaamiga Caalamiga ah ee Maleeshiya sanadkii 1996kii, abaalmarinta Suldaan Xasan Balqiyah (Suldaanka Burunay) ee Fiqhiga Islaamka sanadkii 1997kii.   

      

                                Waayo aanu u Soomaaliyaynay

    Runtii waa kitaab aad iyo aad u faa'iido badan oo runtii wax wayn u tari doona haddii Eebbe nasah-naa oo korreeye uu garansiiyo bulshada af Soomaaliga ku hadasha oo malahayga aad mooddo inay wax badan ka indho laayihiin aqoon la'aaniba ha ugu wacnaatee, Ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu dadka Soomaaliyeed hanuuniyo oo uu hilinkatoosan ku duwo.Aamiin.

 

                                Qoraagu waxa uu ku bilaabay

Mahadi Ilaahay bay u sugnaatay,isaga ayaanu mahadinaynaa,gargaarsanaynaa dambi dhaafna waydiisanaynaa, Ilaahay korreeye ayaannu ka magan galaynaa sharka naftayada iyo camaladayada xumaantooda. Kii uu hanuuniyo Ilaahay cid hallayn karta ma leh, kii uu halleeyana cid hanuunin karta ma laha.Waxaanan qirayaa in Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin,kelidii yahay cid xukunka la wadaagtaana aanay jirin, waxaa kaloon qirayaa in Muxumedna uu addoonkiisii iyo Rasuulkiisii uu yahay. "Rabbiyow ii sharax aniga laabtayda, iina fududee aniga amarkayga, kana fur guntinta carrabkayga, ha garteen hadalkaygee".

Ilaahayow, barihii Aadan iyo Ibraahiimow,na bar wax na anfaca,naguna anfac wixii aad na barto,noona kordhi cilmi. "Nasah-nidaada (Eebbow), cilmi ma lihin annagu waxaad na barto mooyee, waxaad tahay adigu wax oge falsan". Ilaahayow noo tus xaqa xaq naguna arsaaq raacistiisa, noona tus baadilka baadil naguna arsaaq ka fogaantiisa."Rabbigayow ha iilin quluubtayada intaad na hanuunisay ka dib,nagana sii agtaada naxariis,adiga uun baa bixin badane ahe". Ilaahayow waxaan kaa magan galay cilmi aan wax anficin,qalbi aan khushuucin,baryo aan la maqlin iyo camal aan kor la gaynin, una naxariiso Ilaahayow nabadgalina barihii dadka khayrka, ahaana naxariistii aad caalamiinta ugu deeqday, ugu dambeeyihii Nabiyada iyo xulkii abuurkaaga Muxumad Binu Cabdillaahi(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye), isaga iyo ehelkiisa,asxaabtiisa iyo cid kastoo dacwadiisa ku baaqda jidkiisana raacda ilaa laga gaadhayo maalinta xisaabtanka. Intaa kaddib

Wuxuu Ilaahay ii gartay inaan muddo hore ka shaqeeyo u fatwooshaha dadka, dadka ayaan tukin jiray una khudbayn jirey waxna u dhigi jirey, anigoo markaas ku jira qaybta hoose (imminkana ah qaybta dhexe) ee As-harka Shariifka ah, qofkii markaas u khudbeeya dadka ama wax baraba waa caadi inay wax waydiiyaan isagoo markaasna aan ka fursanayn inuu ka jawaabo, waana taasi ta keentay inaan xoogga saaro barashada Fiqhiga Shariicada iyo mushkilooyinka dadka muddo hore oo aan dhawayn. Iyadoo ay jirto inaan ka soo qalin jabiyay Kulliyadda Usuusha Diinta ee As-harka,oo lagu barto Caqiidada, Falsafada, Tafsiirka iyo Xadiiska, aananna ka soo qalin jabin Kulliyadda Sharciga oo lagu barto Fiqhiga iyo Biyodhiciisa, haddana taasi igamay hor joogsan inaan ku talax tago Fiqhiga iyo taariikhdiisa,biyodhiciisa iyo qaaciidooyinkiisaba. Waxbarashadaydii Kuliyadda Usuusha Diintuna wax uun bay ii kordhisaye waxba igamay dhimin, waxayna igu biirisay sahay fiican oo hiddaha Falsafadeed iyo taariikheedba ah oo barbar socota hiddaha Islaamiga ah ee kala jaadjaadka ah.

Nimcada Ilaahay i siiyay baa ahayd inaan mar hore ka xoroobay u midiidsanaanta mad-hab, ku dayasho amaba ku dhegnaansho hadal Caalim gaar ah, inkstoo ay waxbarashadaydii rasmiga ahayd ee Fiqhigu ahayd Mad-habta Abii Xaniifa Ilaahay raalli ha ka ahaadee.Arrintaas fadligeeduna wuxuu u noqonayaa dhawr arrimood oo ay ka mid ahaayeen:- Bii'ada Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee aan ku dhex noolaa iyo baaqii aasaasaheedii Shahiidkii Xasan Al-Bannaa ahaa-Ilaahay ha u naxariistee-uu ku baaqay dhambaalkiisii udub dhexaadka ahaa ee ku magacawnaa "Dhambaalkii" in laga xoroobo ku dhegnaanshaha meel, iyo ku miisaamidda hadalada dadkii hore miisaanka Kitaabka iyo Sunnada, wixii markaa ay is waafaqaan hadalada dadkaa hore waa qaadanaynaa, haddii kalase Kitaabka Rabbigayo iyo Sunnada Nabigayaga(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) ayaa mudan in la raaco.

Waxaa kaloo jiray kitaabka walaalkeen Sheekh Sayid Saabiq "Fihiga Sunnada" oo markaas uu soo baxay qaybtiisii koowaad oo ku saabsanaa Fiqhiga Isdaahirinta iyo Salaadda, uu raad fiican ku yeeshay hab fikirkayga iyo u jeedsigayga caddaymaha Quraanka iyo Sunnada iyo ka soo dheegashada labadooda intii aan u noqon lahaa kutubta Fiqhiga Mad-habaha keligood. Waxaana ii caddaatay muddo dheer oo waxbarasho iyo waayo aragnimo ah kaddib,in u noqoshada tooska ah ee Kitaabka iyo Sunnadu ay mar kasta ku ladhan tahay  fududayn,sahlid iyo ka dheeraansho dhib iyo adaygba. Halka u noqoshada Fiqhiga Mad-habuhu uu keenay waayihii la soo dhaafay oo dhan adadayg, taasoo ay ugu wacnayd isku dayga qaadashada ku ugu sugan.Haddii haddaba uu markaaas Diinku noqdo soo ururin "Sugnayaasha" fudaydkii ayaa ka guuraya, waxaanu qaadanayaa wajiyo dhib culays ah, iyadoo uu Eebbe korreeye uu reebay dhibka reebitaan cad isagoo yidhi:"Kamuu yeelin dushiina(Eebbe) Diinta dhib".Arrimaha xasuusta u baahan waxaa ka mid ah arrin igu dhacday anoo arday ka ah qaybta dugsiga sare ,taasoo ahayd markii aan khilaafay habkii culimadii reerkayaga-oo ahaa koox aad u wanaagsan-kaliya waxay ku dhegenaayeen barista Fiqhiga ee Mad-habka Shaafici Ilaahay raalli raalli ha ka ahaadee , xataa intooda Xanafiyada(Mad-habka Abii Xaniifa) haysata waxay ku dhegenaayeen arrintaas iyada ah iyagoo u raacaya in guud ahaan dadka degaanku ay Mad-habka Shaaficiyada haystaan, iyadoo ay jirto go'aan odhanaya:- "Caamadu(dadka aan cilmiga lahayn) mad-hab ma laha , Mad-habkiisuna waa Mad-habka ka u Iftooda(diinta wax uga sheega) ee waxbara".Sida ay og yihiin dadka wax dhigaana waxaa weeye in Mad-habka Shaaficigu yahay kuwa ugu adag adag -haddaanu ahaynba ka ugu adag- masalooyinka la xidhiidha Nijaasta, Is daahirinta iyo wixii la midka ahba. Waana ta ka keentay in Imaam Al-Qasaali markuu kaga hadlayay masalada biyaha cutub ka mid ah kitaabkiisa "Al-Ixyaa" inuu yidhaahdo:-"Waxaan jeclaan lahaa in Mad-habkiisa ku saabsan biyuhu ay la mid noqon lahaayeen Mad-habka Maalik", isagoo soo dhiraandhiriyay toddoba waji oo uu ku taageerayo ra'yiga Maalik Ilaahay ha ka raalli ahaadee.

Isku soo wada duuboo waxaan u tafa xaytay barashada Fiqhiga si aan ahayn sida "Abii Shujaac", balse ah sida dariiqada Sheekh Sayid Saabiq ee Fiqhiga Sunnada, anigoo gargaarsanaya intii ii fududaata raacraacyada barigaasi jiray, waxaanay bilawgii taasi keentay buuq dadka dhexdiisa ah, iyagoo odhanaya:- Sidee buu wiilkan dhallinyarada ahi u khilaafay Sheekhyadii waawaynaa? Sidee buuse dadka uga barayaa waxaan ahayn "Kutubtii lagu kalsoonaa"?, sidee buuse ula yimid hadalo aanaan horay u maqlin. Hase yeeshee waxaan buuqaas kaga hor tagay adkaysi iyo dhiiranaan, dadkii ila doodayayna waxaan ku idh:- Aniga iyo idinka waxaa inoo dhaxeeya Quraanka iyo Sunnada, markaas aynu xukunka ula noqono labadooda.Markii aan kula dooday Aayado iyo Xadiisyo-ay waxay ka haystaanba yarayd- waxay noqdeen kuwo laga gar helay lagana guulaystay.

Waxaana la yaab lahayd dadka Caamada reerka ah  oo ay culimadu ku tirin jireen inay Shaaficiyo haystaan, ayaa si aad ah uga helay qaabkan cusub,aad bayna u soo dhaweeyeen, fudaydka wayn ee ay ka heleen darteed, kana qaaday xarajkii saarnaa.Waxyaalahay aad ugu farxeenna waxaa ka mid ahaa markii aan ku idhi:- Wax kasta oo la cuno hilibkoodu, kaadidooda iyo digadoodu waa daahir, anigoo ku caddaynaya marag Sunnada aan ka soo qaatay. Iyo markii aan ku idhi:- Biyuhu waa daahir shayna ma Nijaaseeyo illaa shay baddala dhadhankooda, midabkooda amaba urtooda, anigoo caddayn u soo qaadanaya Xadiisyada saxiixa ah. Iyo markii aan ku idhi:-Haweenayda taabashadeedu ma jabinayso Waysada , anigoo u maragsanaya arrintaas Quraanka iyo Sunnada. Sida la ogyahayna Mad-habka Shaafici wuxuu qabaa in taabashadu ay Waysada jabiso hammi iyo hammi la'aanba. Waxaana inta badan dhici jirtay in marka ay haweenaydu shay u dhiibayso ninkeeda ay taabato amaba uu taabto si aan ku talo gal ahayn, sidaasna ay Waysadii kaga jabto, iyadoo ayba dhacdo in lagu jiro xilli Jiilaal ah oo aad u qabow, taasoo keeni jirtay muran dhex mara labada is qaba,taasoo ay ugu wacan tahay Waysaysashada waqtigaas qabowga darani jiro.Waxaa mar dhacday in ay qof dumar ahi si aan ula kac ahayn ay ninkeedii u taabatay, arrintaas oo ninkii ka cadhaysiisay kuna sigtay inuu xaaskiisii fara saaro,markaasay ku tidhi:- Waxba ha cadhoone,iska tuko, Waysadaaduna way kuu jirtaa si uu qabo Mad-habka Sheekh Yuusufe! Taasoo aad arkaysaba inay Mad-hab ii yeeleen.

Sida dhabta ah hadalka odhanaya in aanay taabashadu sinaba u jabinayn Waysada waxaa weeyaan Mad-habka Abii Xaniifa iyo saaxiibadii, waxaana uga sii horreeyay Caalimkii Umadda "Cabdullaahi Ibnu Cabbaas".

Taabashada haddii aanu hammi (doonis galmoosho) ku jirin sidoo kale ma jabiyo sida ay qabaan Maalik iyo Ina Xanbal iyo asxaabtooduba.

Kontonaandkii ayaa la ii xil saaray inaan khudbadda ka jeediyo Jaamica Samaalik ee Qaahira ku yaala, markaas waxaa qorshaha iigu jiri jiray qabashada dood toddobaadle ah oo Salaadda Jimcaha kaddib ah, taasoo ay dadka tukanayaa su'aalahooda oo qoran ay ku soo bandhigi jireen aniguna aan afka ugaga jawaabi jirey. Xilligaasna waxaan bilaabay inaan ku qoro Fatwooyinka qaar ka mid ah wargaysyadii Islaamiga ahaa sida Majaladii "Minbarka Islaamka" oo ay soo saari jirtey Wasaaradda Awqaafta ee Masar iyo Majaladii "Nuurka Islaamka" ee ay soo saari jireen Culimadii Wacdiga iyo Hagista ee Asharku.

Jidkaas ayaanan ku socday anigoo hoos u sii daadagaya ballaadhinayana aqoontayda, markaa markii ay aqoontii ballaadhatay fikraddiina bislaatay khibraddiina ku korodhay akhrinta kutubta Xadiiska iyo raadadka iyo kutubta Fiqhiga isbarbardhigga ah waxaa ka soo baxay kitaabka "Xalaasha iyo Xaaraanta Islaamka dhexdiisa" waxaana ku soo xigay kitaabka "Fiqhiga Sakada". Waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inuu igu caawiyo soo saaridda kitaabka "Fudaydinta Fiqhiga" oo aan ka qoray cutubyo kala duduwan oo aanan weli isku gaynin.

Haddaba tan iyo markii la aasaasay Idaacada iyo Tv-ga dawladda Qadar waxaa la ii xil saaray ka jawaabidda su'aalaha muwaadiniinta iyo waraaqahooda la xidhiidha Islaamka iyo nolosha, waxaana arrintaas loo gaar yeelay barnaamij toddobaadle ah oo nusa saac socda oo Idaacadda ka baxa laguna magacaabo "Nuur iyo Hanuun" iyo mid la ah oo Tv-ga ka baxa lana yidhaahdo "Hanuunka Islaamka".

Waxaanan Ilaahay ugu mahadnaqayaa mahadnaq fiican oo u qalanta Jaaha Wajigiisa iyo nimcooyinkiisa badane, inuu u furay quluubta iyo caqliyada dadka labadaas barnaamij, soo dhawayn iyo aqbalaadna ka helay Qadar gudaheeda iyo gobolka Khaliijka oo dhan iyo meel kasta oo uu gaadho codka Idaacadda Qadar oo Gasiiradda Carabta ka tirsan, taasoo quluubta Mu'miniintana nuurisay ,ciishayna kuwa qalbiyadoodu bukaan Ilaahay ha soo hadeeyo oo ha wanaajiyee.

Taasina waxay ahayd Fadliga Rabbigay si uu iigu imtixaano:- Inaan Mahadiyo iyo inaan Kufriyo. Waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu iga dhigo kuwa mahadiya, iguna gargaaro xuskiisa, mahadintiisa iyo suubanaanta Cibaadadiisa.

Arrin kadiso ahna may ahayn in dhagaystayaasha iyo daawadayaasha labadaas barnaamij ay soo jeediyaan inaan ururiyo Fatwooyinkaas iyo jawaabahoodaba aanan daabaco, xattaa ilaa ay qaar walaalaha ka tirsan oo degen Imaarada Ra'sul Khaymah ay soo jeediyeen inaan ka dhigo sanadle, taasoo sanad walba kitaab laga samaynayo isdaba joogna laga dhigayo, iyadoo si gaar ah ay celimaha iyo jawaabaha qaarkood ka hadlayaan arrimo muhiim ah oo leh sharaxaad iyo lafa gurid ay kaabayaan caddaymo ka yimid nusuusta sharciga iyo tiirarkisaba kuna xidhiidha ruuxda Islaamka iyo falsafaddiisa guud ee la xidhiidha dadka,adduunka iyo noloshaba .

Hase yeeshee waxaa jiray caqabado badan oo horjoogsanayay suuragalinta doonistaas khayrka leh, sida dhibaatada ah sidii looga soo wareejin lahaa cajaladaha duuban oo loo qori lahaa iyo sidoo kale habka hadalka aan la soo diyaarin ee fatwooyinka lagu jeediyay oo aan ahayn luqadda qoran,taasoo weedhii aan la soo habayn lana soo diyaarini u baahatay dib ugu noqosho iyo habayn si loogu diyaariyo daabacaad iyo faafinba, arrintaasoo iyadna u baahay waqti iyo hawl badan.

Iyo sidoo kale su'aalaha qaarkood oo soo noqnoqonayay jawaabahooduna sidoo kale soo noqnoqonayay, nuxurkooduna uu inta badan isku mid ahaa haba kala duwanaato soo jeedintuye, amaba haba kala duwanaadeen habka iyo asluubtuba e.

Sidaa darteed waxaan arkay inay habboon tahay in laga soo shaandheeyo jawaabahaa kuwa ugu sugan,ugu habboon ugana fogaan badan hadal tiro iyo soo noqnoqosho iyadoo weedhaha qaarkoodna la habaynayo laguna darayo wixii ku daris u baahan isla markaana laga reebayo wixii u baahan in laga reebo.

Waxaa kale oo aan ku kordhiyay fatwooyinkaas laga soo xulay xalaqooyinkii Idaacadda iyo Tv-ga wixii kale ee fatwooyin ah ee aan hayay ee qornaa oo horay loo faafiyay ama aan loo faafinba, waxaana ka mid ahaa kitaabkan aan u doortay magaca ah "Hanuunka Islaamka" kaasoo ahaa magaca barnaamijkii Tv-ga ee aynu horey uga hadalnay, kaasoo ahaa kii Ilaahay uu jeclaysiiyay quluubta dadka fadli iyo nimco xaggiisa ah darteed.

Intaasina waxay noqonaysaa xalaqadii koowaad ama qaybtii u horraysay ee kitaabkan oo aan Ilaahay korreeye ka baryayo inuu ku anfaco qorihiisa, daabicihiisa iyo akhristihiiba iyo cid kasta oo kaalmaysayba.