|
|
بسم الله الرحمن الرحيم
Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidh:- "
Waydiiya kuwa aqoonta leh
(culimada)
haddaydaan wax garanaynin" Qayb ka mid ah aayadda
43aad ee Suuradda Al-Naxli iyo qayb ka mid ah aayadda 7aad ee
Suuradda Al-Anbiyaa
Qaybtan Fatwooyinku waxay ka kooban tahay laba qaybood oo kala ah
qayb uu qofku su'aal diini ah noo soo waydiin karo, si ay culimada
aqoonta u lihi uga soo jawaabaan, taasoo uu qofku nagala soo
xidhiidhi karo E-mailka ah:-
Markaa qofkii doonaya ama u baahan in loo
Fatwoodo arrin diini ah hana soo waydiiyo si aanu culimada aqoonta u
leh jawaabta uga soo qaadno. Fatwooyinkaasna waxaan u soo qori
doonaa kolba sida ay noogu kala horeeyaan, labadii wiig ama bishiiba
kolba sida ay baahidu tahay, markaas oo aanu kolba cusboonaysiin
doonno, haddii Eebbe idmana bogga ayaanu ku soo qori doona, in
magaca qofka aanu soo qornana waxay ku xidhnaan doontaa
oggolaanshaha qofka, iyadoo marka dambena aannu buug iskugu ururin
doonno haddii Eebbe Idmo.Markaa akhristow su'aalahaaga ayaannu
sugaynaa.
Qaybta kalana waxaan kuu soo qaadi
doonaa kutubta ka hadlaysa Fatwooyinka diiniga ah kolba intii
Eebbaha awoodda lihi inoo oggolaado, kutubtaasna waxaa ka mid ah:-

Fatwooyinka Casriga
cusub
Kitaabkan
waxaa qoray Caalimka casriga cimrigiisa Ilaahay ha
dheereeyee Dr. Sh. Yuusuf Alqardaawi, kitaabkanna waxaa lagu
turjumay luqooyin badan si ay dadka Muslimiinta ahi u helaan
faa'iidada balaadhan ee uu xambaarsan yahay, Ilaahay Sheekha
miisaankiisa xasanaadka ha ugu daro innagana faa'iidadiisa
ha inna garansiiyo.
<<akhriso kitaabka>>
|
Su'aalaha
dadku na soo waydiiyaan
Haddii Eebbe
Idmo waxaanu kolba halkan ku soo qaadi doonaa su'aalaha faraha
badan ee nooga yimaadda akhristayaashayada, waxaana ku bilaani doonaa
su'aal uu akhriste E-mail noo soo diray na soo waydiiyay, waana tan
su'aashii iyo jawaabtiiba:-
Su'aal
1-Walaal
waxaan ahay wiil muslin ah walaal waxaa igu dhacay Accedent waxa
markaa i qaloocatay lafta dhabarka halka ugu danbaysa markaa
walaal waxaa aad iigu adag inaan kantrolo naqaska ama dhuusada
markasta oo aan Salaad u soo waysaysto way iga jabaysaa markaa maxaa
talo ah ee aan yeelaa .Wa-Bilaahi-Ttawfiiq
Jawaab
Assalaamu Caleykum
Warax-matullaahi Wabarakaatuhu.
Qofka buka een
ceshan karin kaadida,saxarada,neefta intuu tukanayo
wixii ka yimaada oo neefa ama kaadi ama saxaro ahi
Salaadda kama burinayaan, markuu shuruudahan sameeyo:
1-Waa inuu
waysaysto markuu waqtigu galo kadib, ka horse lama
ogolo.
2-Waa inuu waysada
xidhiidhiyo, taasoo ah markuu wajiga dhaqo intuusan
ingagin inuu gacmaha dhaqo intaynan ingagina waa inuu
madaxa masoxo waana inuu sidaas kuwado.
3-Markuu waysaysto
inuu markaaba Salaada galo,laga bilaabo markuu waysaysto
ilaa saalada uu ka baxayo waxii ka yimaada oo xanuunkaas
haya ah sida neef dabada ka timid oo kale waysadii ma
burinayso Salaada wuu iska wadan.
4-Waysada noocaas
ah wuxuu ku tukan karaa oo kaliya hal Salaad oo faral
ah, laba Salaadood oo faral ah kuma tukan karo.
Sunnahase intuu doono ayuu ku tukan karaa.
waxaa u daliila
Quraanka Kariimka ah Aayada-78 ee Suuratul Xaj ,
Aayadaas oo macnaheedu yahay:-"Ilaah
ma yeelin wax dhibaata ah dushiina diinta dhaxdeeda".
Waxaa ka jawaabay
Ilaahay ha ka Ajar siiyo e Sh. Mohamed Ali Guhad
( Minhaj)
2-Su'aal
as cl
wr wtu yaa iqawaani!!!!!!!!!
marka
hore ilaahy qeyr ha idin siiyo shaqada aad
heysaan, aan u soo laabto su'aasheyda waxaa
dhib badan iga heysta iska suulinta kaadida
oo aan waqti badan ku lumiyo waxaan ka garan
la'ahay arintaan inay was waas ama wax kale
tahay , waxaa dhacda inaan musqusha waqti
badan ku dhumiyo taasoo dhibaato ama dib u
dhac u keenta howlahayga intaas waa
hordhaca, hadii aan hoos u daadego markaan
musqusha ka soo baxo anigoo waqti dheer ku
lumiyey oo aan weysa
qaato amaba salaad u taaganahay ayaan
dareemaa qoyaan xusuusnoow qoyaankaas ma aha
madi ama jahwo dhareer leh markaan fiiriyo
waa qoyaan kaadi ah, waqti badan ayaan
arintaan ku jiray waxaan ka shakiyey inuu
infection jiro dhaqaatiir badan ayaan la
xiriiray baaris ahaan waxay isku raaceen
inaan wax infection ah qabin, walaalayaal
waxaan mar mar badan ka wal walaa
inaan la aqbalin salaadeyda aayadoo ay
arintaan jirto maxaan ka yeelaa ama aad igu
nasteexayn lahaydeen, waxaan kaloo rabay
inaan ogaado mudada ay kaadida raga socon
karto anigoo og in lakala duwanaan karo
ilaahay dhibkaan ha iga qaadee adinkana ii
so duceeya. maxaad igu nasteexayn lahaydeen.
jizaaka laah qeyr waa walaalkiin cabdulaahi
aad ku
walaalowdeen diinta islaamka ee sharafta iyo
cisada
badan.
nabad geliyo walaalayaal.
2-Jawaab
Assalaamu
Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,
Walaal,
Marka hore Ilaahay korree oo nasahnaaye ayaa
mahad iska leh ,naxariis iyo nabadgalyo Eebbena
Nabigeenni korkiisa ha ahaato, intaa kaddib.
Sida warqaddaada ku cad xanuun ku hayaa ma jirto
sida aad sheegtay, oo dhakhaatiirtii wax
infection ah kuma hayo, dhibaatona way kaa
haysataa sida aad sheegtay waxan aad kaadida u
malaynayso, markaa walaal isku day inaad waqtiga
Salaadda ka hor inaad in muddo ah horteed aad
iska daahiriso, si marka aad Salaadda galayso ay
waqti badan u dhaxayso intaad musqusha gashay,
waxaanan u badinaynaa inuu waswaas yahay waxan
ku haya, kollayna waqti ama muddo ay ragga ka
socoto kaadidu oo go'ani ma jirto, markaa si uu
waswaasku kaaga yaraado markaad Istijooto biyo
waxogay ah ku daadi buuryada hareeraheeda si aad
isku tidhahhdo marka aad Salaadda gasho haddii
aad wax dareento waa biyihii. Xakam Binu Sufyaan
waxaa laga wariyay inuu yidhi:-"Waxaan arkay
Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye oo kortagay oo biyo badan ku
Istijooday", Ina Cumarna Ilaahay ha ka raalli
ahaado isaga iyo aabihiiba e marka uu kortago
biyo badan ayuu ku Istijoon jirin iyo hoostiisa
oo dhan qoynaya taasoo keeni jirtay in
surwaalkiisu qoyo.
Markaa walaal waxaanu kugula talinaynaa waa
dhibaato rag badan haysata e haddii aad xanuun
iska dareemayso dhakhtarada iska dawee haddii
aanu xanuun ahaynna waa waswaas e markaad iska
qallajiso kaadida biyo badan hoostaada oo dhan
ku qoy si uu waswaasku kaaga baxo, waana
Shaydaan waxa kuu sheekaynayana e dheg ha u
dhigin.
Wabillaahi Attawfiiq
Wassalaamu Calaykum
Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu
3-Su'aal
SALAANTA ISLAAMKA EE QIIMAHA BADAN
KUNA XUSAN CINWAANKA KORE KADIB
WALAALAYAAL MAR LABAAD AYAAN
IDINKAGA MAHAD CELINAA DADAALKIINA
ILAAHAY AJAR HA IDINKA SIIYO ADUUNYO
IYO AAQIRO, INTAAS KADIB KADIB
WAXAAN ILAAHAY NOOGA RAJEYNAA
DHAMAANTEEN CAAFIMAAD CIMRI DHEER
IYO CIBAADO SUUBAN INTAAS AAN UGA
GUDBO HORDHACA DHANBAALKAAN.
HADII AAN HOOS U DAADEGO WAXAAN QABAA
LABO SU'AAL OO KALA AH SIDAN:-
1- MAADAAMA XIRIIRINTA RIXIMKA AY
TAHAY WAAJIB HADANA QOF AAN XIRIIRKAADA
KALA JECLAYN ILAYN BINI'AADAM AYAAD
TAHAY OO ADIGA KALIYA XIRIIRINEYSID
HADUU UU KA SOO ROONAAN WAAYO AADNA
JOOJISO XIRIIRKA MA DEMBI AYAAD KU
LEEDAHAY. TEEDA KALE QALBIGAADA AYAABA
DIIDAAYO QOF AAN XIISO U QABIN
XIRIIRKAADA INAAD ISKU DHEJISO. XAQA
ALAH NA WAAFUJIYEE WALAALAYAAL
MAS'ALADAAN JAWAAB IIGA SIIYA.
2-
SU'AASHEYDA LABAAD AYAA WAXAY TAHAY IN
LA XIIRO TIMAHA KIL KILAHA IYO TIMAHA
HOOSE IYO IN LA GAABIYO SHAARIBAHA WAAN
OGAHAY WAXAAN RABAA IN LAGA IGA JAAHIL
BIXIYO HADII AAD MASHIIN KU XIIRATO
TINTII WAXAA KU DEMBEEYA WAX YAR OO AAN
LA DAREEMAYNIN OO QODKO YAR YAR AH
SIDEE LAGA YEELA ARINTAAS TEEDA KALE
SAKIINTA WAA DHIB BADAN TAHAY WAXAANA
KA QAADAABA XASAASIYA OO FINIINIC AYEY
IGA SOO SAARTAA. WAXAA INTAAS I DHEER
DAAWADA TIMAHA LAGU JARO MA BANAAN
TAHAY. WAXAA LOO YAQAAN HAIR REMOVE.
JIZAAKA LAAH QEYRAN
3-Jawaab
ASCWW
Walaal marka hore waxaanu kugu salaannay
salaanta Islaamka ee kore, salaantaas
kaddib walaal haddii aannu kaaga jawaabo
labadaas su'aalood ee aad na soo
waydiisay,anagoo marka hore ku
bilaabayna magaca Eebbe korree oo
nasahnaaye,waxay noqonayaan:-
1-Tan qaraabada xidhiidhinteeda iyo in
adigu aad xidhiidhiso qaraabadaada
iyaguna aanay ku xidhiidhin, ha ka
daalin adigu inkastoo nafta
banii'aadamku ay waxa muuqda jeceshahay,
markastana niyada ku hay Xadiiskii
Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi nin
u yimid oo u sheegay in qaraabadiisa uu
xidhiidhiyo iyaguna gooyaan,uu wanaajiyo
oo ay iyaguna xumeeyaan, u dulqaato
iyaguna u gefaan. Markaasuu ku yidhi:-"Haddii
ay jirto sida aad sheegayso,waxay ka
dhigan tahay adigoo raran siinaya oo
kale, inta aad sidaa tahayna Ilaahay
ayaa mar walba kuu hiilinaya
(kuuna gargaari oo kaa ilaalin
dhibtooda)" Muslim baa wariyay.
Sidoo kalena niyada ku hayso Xadiiskii
kale ee Rasuulkeenna ku yidhi:-"
Qofkii jecel in
Arsaaqadda loo fidiyo iyo in cimrigiisa
loo dheereeyo ha xidhiidhiyo
qaraabadiisa" Bukhaari iyo
Muslin baa wariyay
2-Tan kale ee ah timiaha hoosta iyo kuwa
kililooyinka Rasuulkeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxa
uu ku tilmaamay waxyaalaha Fidradaha
(Diinta toosan) ka mid ah xiiritaanka
timaha meelahaas ku yaala amaba
gaabintooda amaba rifidooda qofkii kara,
sababtuna waa iyadoo Rasuulkeennu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye uu nadaafadda umaddiisa ka
shaqaynayo, tan ah ma marin karaa dawo
timaha goysa, kollay wixii aan dhibaato
nafta iyo jidhka aan u lahayn waa la
isticmaali karaa inkastoo aan
xiiritaanka amaba gaagaabinta waayo
kiriimadu waxyaalaha ay ka samaysan
yihiin baa mararka qaarkood shakiba
galaa markaa haddii aad xiiritaanka
xasaasiyad ka qabto gaagaabinta aad
maqas ku gaagaabiso ayaa kuu bannaan.
Ilaahay baana xaqa
og.
Wassaalaamu Calaykum Waraxmatullaahi
Wabarakaatuhu
|
|
|
| |
 |
|
|
|