Main
Quraan
Tafsiir
Xadiis
Baro Diintaada
Taariikh
Barbaarinta Ubadka 

 

 

  

         

        


Islamic Links
Aflax
Attaqwaa
Boqolsoon
Duruus
Hanuuniye
Islamweb
Islamwey
Rabidada Finland
Waano-online

Links
Aftahan
Aljazeera
BBC Somali
Halganews
Hoygasuugaanta
Midnimo
Onkod
Somalilandfuture
Somaliweyn
Wardheer
Widhwidh
                       More>>........

Idaacadaha
BBC Duhurkii
BBC Galabtii
BBC Habeenkii
Radio Hargeysa
Radiofreesomalia
Radiomidnimo

Wargaysyada
Alhayaat
Alkhaliij
Almujtama
AsharqalAwsat
Haatuf
Jamhuuriya
N.Times
Qaranpress
W.Post

W.Wararka
AFP
AP
MINA
PNA
Reuters
Wakaalado
Irin

 Calaamadaha Qiyaamaha

            بسم الله الرحمن الرحيم

 
                              Horudhac

Ogow walaalkayow inay Qiyaamadu dhici doonto, xisaabtan iyo abaal marinna ay jiri doonto, markaa la innooga baahan yahay inaynu u diyaar garawnno waxqabadkii iyo wanaaggii aynu kaga badbaadi lahayn murugada iyo dhibaatooyinka jiri doona maalinta Qiyaame , si aynaan u noqonin kuwa uu ku rumoobi doono hadalka uu Eebbe korreeye ku yidhi:-"Dadkii waxaa u soo dhawaaday Xisaabtoodii iyagoo halmaansho ku sugan oo jeedsan.Uma yimaaddo Xus (Quraan) xagga Rabbigooda oo warrami haddii  (uu jirana) way maqlaan iyagoo ciyaari.Oy shuqloon tahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigaan Faqii kuwii dulmiga falay (iyagoo odhanaya), kani ma waxaan dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo arkaya" Suuradda Al-Anbiyaa'i Aayadaha 1--3aad.

Ogowna in Qiyaamadii ay dhawdahay marka loo eego waayadii hore , sidaa darteedna ay lama huraan tahay inaynu digtoonaanno si aynu u badbaadno, Cabdullaahi Binu Cumar waxaa laga wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Ka danbayntiinna aad ka dambaysaan umadihii idinka horreeyay waa inta u dhaxaysa Salaadda Casar ilaa gabbal dhaca" Bukhaari baa wariyay.Hana u arki inay fog tahay way dhawdahaye, u sii tabaabushayso.

Eebbe korree oo nasahnaaye wuu qariyay waqtiga ay dhaci doonto, keligii uunbaana og cid kaloo ogi ma jirto, Malag dhaw ha ahaado ama Nabi la soo dirayba ha ahaadee. Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-"Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamada) markay sugnaan. Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. Eebbe uunbuu ku dhammaan ogaanshaheedu. Adigu waxaad tahay uun u digaha ruuxii ka yaabi.Waxay la mid noqon maalintay arkaan (Qiyaamada) iyagoon nagaanin galab iyo barqin mooyee (adduunka)" .

Hase yeeshee Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu inna ogaysiiyay calaamadaheeda, taasoo uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innoo sheegay , isagoo umaddiisa uga digaya, calaamadahaas oo la soo bilawday waagii Asxaabta Ilaahay raalli ha ka ahaadee,kuwaasoo intaana soo kordhayay, waxaana calaamadahaas ka mid ah kuwo la arkay iyo kuwo weli socda iskana soo daba dhacaya , iyo kuwo aan weli la arag oo markay dhici doonto Qiyaamadu iman doona, waxaanay ahaan doonaan arrimo aanay dadku caadiyan arki jirin.

Haddaba si aynu hoos ugu daadagno Ilaahay khayrka ha inna waafajiyee, waxaynu u kala qaadi doonnna, una kala horraysiin doonaa laba qaybood , oo qayb waliba calaamado badani hoos imanayaan, innagoo calaamad kasta oo labadaas qaybood ka mid ah is yara dul taagi doonna, si aynu uga digtoonaano waxayna kala yihiin labadaas qaybood:-

1-Qayb ah calaamado yar yar

2-Qayb ah Calaamado waawayn

                      1-Calaamadaha yar yar

b-Soo Bixitaankii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye

     Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-"Ma ahayn Muxamed aabaha midkiin oo raggiina ka mid ah, hase yeeshee waa Rasuul Ilaahay iyo ugu dambeeyihii Nabiyada". Rasuulkeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Waxaa la soo diray aniga iyo Saacadda (Qiyaamada) sida labadaas oo kale (intuu murdisadiisii iyo fardhexadiisii isku dhajiyay korna u taagay)".

Markaa soo diristii Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa la bilawday tirsigii ku sii durkayay Qiyaamada, maadaama aanu jirin Nabi dambe oo soo baxaya, ummaddiisuna ay tahay umaddii u dambaysay ummadaha.


 

t-Geeridii Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye

     Waxaa kale oo calaamadaha yaryar ee Qiyaamada ka mid ah geeridii Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, wuxuuna Nabigu Xadiis ku yidhi:-" Lix ka tiri Saacadda (Qiyaamada) horteed:- Geeridaydii, haddana furashada Baytul Maqdis, haddana............" Bukhaari.

Geeridii Nabigeenuna naxanriis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxay ahayd musiibadii ugu waynayd ee ku habsata umadda Muslimiinta ah, dunida ayaa mugdi u nqoday Asxaabtii Rasuulka naxariis iyo nabadgalyi Eebbe korkiisa ahaye iyaga raalli ahaansho Ilaahay korkooda ahaataye. Anas Ilaahay ha ka raalli ahaadee wuxuu yidhi:- "Maalintii uu Nabigu naxariis  iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu Madiina soo galay wax walba way iftiimeen, maalintii uu geeriyoodayna wax walba mugdi ayay noqdeen, anagoo weli aaskiisiiba faraha ku hayna ayaannu xattaa quluubtayadii hiifnay".

Geeridii Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Waxyigii Samada ka soo degayay ayaa joogsaday, sidii uu Qurdubi yidhina waa xaaladdii ugu darnayd ee Muslimiinta soo waajahda, Nabinimadii ayaa geeriyootay, waana markii ugu horraysay ee shar soo bilawdo kaddib markii qabiilooyin Carab ihi Diinta ka noqdeen, dhimashadiisuna waxay ahayd ugu horrayntii khayr go'a iyo bilaabashada yaraanshihiisii.


 

j-Badashada Maalka

Calaamadaha yaryar ee Qiyaamada waxaa kaloo ka mid ah maalka oo ku bata gacmaha dadka , Bukhaari wuxuu Saxiixiisa ku wariyay in Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga soo wariyay Xadiis uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-"Qiyaamadu dhicimayso illaa dhexdiina uu maalku ku bato, markaasoo uu ku hamiyo ninka xoolaha lihi inuu Sadaqo ka aqbalo looguna yeedho nin (si uu u qaato) oo yidhaahdo (ninkii inuu Sadaqada qaato la doonayo): baahi iima hayso xoolahan".

Sida uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu innoo sheegayna way dhabawday oo waa la arkay, laga soo bilaabo waqtigii  Saxaabada Rasuulka Ilaahay ha ka raalli noqdee oo ay bateen wadamadii ay furteen, taasoo xoolo fara badan u soo hoydeen, iyagoo gacanta ku dhigay hantida labadii boqortooyo ee waagoodii ugu awoodda badnaa,ee kala ahaa boqortooyadii Roomaaniyiinta iyo boqortooyadii Faarisiyiinta. Waxaa kaloo calaamaddaasi la arkay waagii Khaliifka shanaad ee Muslimiinta Cumar Binu Cabdicasiis oo waqtigiisii qof baahan la waayay , taasoo ay sabab u ahayd barakadii cadaaladdiisu. Sidoo kale waxaa la arki doonaa calaamaddan gabagabada adduunka oo Ilaahay baa oge laga yaabo inay noqoto waaga Mahdiga soo bixi doona iyo waaga uu Nabi Ciise naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye soo dego, markaasoo uu dhulku soo bixin doono khasnadaha ku jira maalkuna badan doono.


 

x-Ku Dayashada Gaalada lagu dayan doono

Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatee wuxuu yidhi:-"Saacaddu(Qiyaamadu) dhicimayso illaa ay ummadaydu qaaddo(jidkii iyo dhaqamadii) dawgii umadihii ka horreeyay taako taako iyo dhudhunba dhudhun". Waxaa lagu yidhi ma sida Faaris iyo Roomaanka oo kale, markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"Oo haddaa ma dad aan iyaga ahaynbaa". Bukhaari baa wariyay. Warin kale ayaa ahayd :-"Waxaannu nidhi Rasuulkii Ilaahayow(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) ma Yuhuud iyo Nasaaraa (Masiixiyiin), markaasuu yidhi:-"Oo haddaa wa ayo".

Akhristow waqti hore iska dhaafe hadda ayaynu calaamaddaasi indhaheenna ku aragnaa, intee Muslimiin ah ayaa ku dayashada gaalada ku faana, ilbaxnimana mooda, balse la arkayba rag rag isku ekaysiiyay ama dumar dumar isku eekaysiiyay waa sahaalee rag dumar isku eekaysiiyay iyo dumar rag isku eekaysiiyay, taasoo mararka qaarkood gaadha Diinta oo la baxo Ilaahay baannu xaaladdaas ka magan galnaye. Qofka Islaamnimada dhabta ah ku dhaqmaa wuxuu ogaanayaa heerka uu xaalka Muslimiintu gaadhay waqtigan la joogo, taasoo keentay in habdhaqankii Islaamnimo ee saxda ahaa laga fogaaday sidii reer galbeed loogu dayanayay, ha ahaato Caqiidadii oo laga leexday ama isku xukunkii Kitaabka iyo sunnada Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo la iska fogeeyay xukunkoodiina la qaatay iyadoo lagu dayanayo, ilaa xattaa labiskoodii,cuntadoodii iyo cabbitaankoodii noqday ilabaxnimada meesha ugu sarraysa, taasoo si dhab ah ugu sifoobaysa hadalkii Nabigeenna naxariis iyo nabdgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-" Taako taako iyo dhudhunba dhudhun xattaa hadday galaan god Masalugalay waad galaysaan". Haddaba waxaa is waydiin leh maxay umaddu ka heshay ku dayashadaas indha la'aanta ah aan ka ahayn dullinimo, khayraadkooda oo la dhaco, madaxa oo laga garaaco iyo in la addoonsado, taasoo ay waliba u dheer tahay khasaare aakhiro iyo mid adduunba.

Fiicnaan lahaydaa in ganacsatada ka soo dajisa bari iyo galbeedba dawooyinka la isku caddeeyo iyo duruucda khafiifka ah iyo sunta noocyada badanba inay inoo waaridaan cilmiga iyo farsamada casriga ah intay waxaan gaajo kaa biinayn oo dhaqankii iyo caadadiiba kharibaya soo dajinayaan, fiicnaan lahaydaa inay ka qayb qaataan dib u habaynta iyo dhisidda dhakhtarro, abuuridda hay'ado faa'iido umadda u leh, waddooyinka oo ay hagaajiyaan, machadyo, dugsiyo iyo Jaamacdo ay dhisaan. Sidoo kale fiicnaan lahaydaa inay ka qayb qaataan caawinta dadka baahan ee ay caadiga noqotay in lagu dul socdo iska dhaaf in wax loo qabtee. Ilaahay sida khayrku umaddeenna ugu joro ha inna garansiiyo umaddana ha ka badbaadiyo baadida iyo jahawareerka ay ku jirto Aamiin. 

                                  la soco...........................................

 

 
Tafsiirka
Sh.Maxamed Dirir
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Almis Yaxye
Sh. Maxamed Macalin

Sh.Axmed Qudubi

Xadiisyada
S.Bukhaari
S.Muslim
M.Axmed
S.Tirmiidi
S. Abii Daa'uud
S. Annisaa'i

Calaamadaha Qiyaamada
Soo bixitaanka Nabiga
Geeridii Nabiga
Badashada Maalka
Ku dayashada Gaalada

Taariikhda
Nabiyada nnEka
Asxaabtii Nabiga nnEka
Taabiciyiintii
Dawladihii Islaamka
Culimadii Islaamka
Halgamayaasha
Taariikhda Soomaalida
Baro Dal iyo Dad
Qoraalo Taariikhi ah                  

Kutubta
Tukashada Saxda ah
Fiqhiga Khilaafka
Dambiyada Waawayn
Xalaal iyo Xaaraan                      

Wax ku qaado Waayaha
Maydkii Ninka dilay
Saalim Aabihii
Fatwadii Imaam Maalik
Walaashaa Ilaali
Gaadhigii uu jiidhsiiyay
Xabaddii Tufaaxa
Nabiga(nnEka) aragtidiisa                            
 
 Muxaadarooyinka
Usuusha Iimaanka
Barbaarinta Ubadka
Jacaylka Nabigeenna nnEka
Xuquuqda labada isqaba           

Khaatumada Wanaagsan
Diiday Xijaabka tuuristiisa
Akhrin Quraan
Hees bay qaadayeen                      
 
  Duruusta
Axkaamta Qoyska
Axkaamta Soonka
Fiqhul Aakhira
Fiqhul Cibaadaad
Kalmadda Wanaagsan                          

Mucjisooyinka Islaamka
Foodda
Mucjisooyinka Kawnka
Cajaa'ibka Quraanka

                        


Suugaanta
Guurow maxaad tahay
Gar xumaatay
Dirir hooray
                        

Faalooyinka
  • Soomaaliyey waa xaggee waa wareerteene   read more

  • Ciraaq Xaggee ku socotaa waa yaabe    read more

  • Ka daroo dibi dhal saw tan   noqotay    read more

  • Dhafoortaabashadii Vietnam u ekaa- Ropert Fisk- Independent  read more

  • Dumarku inay Salaadda tukiyaan ma bannaana- Sh. Maxamed Sh.C/raxman  read more

 

Copyright ® 2004 hilinkatoosan.com      Home l Yaanu nahay l Ilatali l Korodhso Aqoontaada l wararka l Contact us