Bakhaylnimadu way ku baabiisaa

Baqdaaq ayaa beri sii horraysay waxaa ku noolaan jiray nin hanti badan leh oo magaalada caan ka ahaa lana odhan Danbuuri, ninkaas taajirka ahi aad iyo aad ayuu bakhayl u ahaa heer uu gaadhay inay xattaa kabihii ku dul dhammaadaan, marka ay kabahaasi meel ka goaanna isagaa gacmihiisa ku toshaa oo ragcad dhar iyo harag wuxuu doono  ku dhajiya ilaa kabihii ay noocnooc noqdeen magaaladana caan ka noqdeen qof kastaana uu barto kabihiisa iyo waliba bakhaylnimadiisa.Dadkii asxaabtiisa ahaa ayaa canaan ka dayn waayay iyagoo ku canaananaya inuu bal wax kala ha joogtee uu kabahan ku dul dhammaaday iska baddalo illayn waatanoo hanti iyo xoolaha Ilaahay ugu deeqye, iskana tuuro.

Danbuuri ayaa isagoo iska dhigaya inuu taladii asxaabtii qaatay markii kabihii tuuris noqdeen ayuu kabo kale iibsaday, kabihii ka dhammaadayna intuu qaaday ayuu guddaafadda (qashin qubka) ku soo tuuray.Markii uu kabihii soo tuuray xaggii gurigiisana u soo socdo ayuu suuqa soo dhex maray markaasuu wuxuu ku arkay qaruurado(dhalooyin) qurqurux badan oo lagu iibinayo aad buuna ula dhacay hase yeeshee illayn waa bakhayle umaba uusanna baahnayne wuu iskaga tagay, intuu uu suuqa sii dhex socday ayaa wuxuu arkay cadarka Miskiga oo la iibinayo, waxaanu goaansaday inuu iibsado, hase yeeshee wuxuu ka fikiray in cadarkani ku wanaagsan yahay in dhalooyinkii qurquruxda badnaa ee uu soo dhaafay lagu shubo, intuu dib u noqday ayuu quraaradihii soo iibiyay cadarkiina iibsaday oo ku shubtay, gurigiisiina gaystay intuu meel fiicanna dhigay ayuu dib ugu baxay dano kale oo uu suuqa ka lahaa.Gudaafaddii ay kabaha Danbuuri yaaleen ayaa waxaa soo ag maray nin ka mid ah dadka magaalada deggen, markaasuu arkay kabihii, intuu waxoogaa is dul taagay ayuu ka fikiray inaanu Danbuuri kabihiisa tuureene malaha dad baas oo aan edeb lahayn ayaa ka tuuray kabihiisa wuxuuna goostay inuu Danbuuri u celiyo kabihiisii, intuu soo qaaday ayuu xaggii guriga Danbuuri soo aaday,markii uu gurigii yimid ayuu albaabka gargaraacay, lagamase furin, intuu waxoogaa ku yara wareegay gurigii ayuu arkay daaqad furan kana tuuray kabihii iskana tagay, kabihii uu soo tuurayba mise quraaraddii uu cadarku ku jiray ayay ku dhaceen dhulkana ula dhaceen oo cardaadiqaha ka dhigeen, wax yar kabacdi waxaa gurigii soo galay Danbuuri mise quraaraddii iyo wixii ku jirayba dhulka ayay daadsan yihiin, intuu aad u cadhooday ayuu kabihii ku hiifay inkaar Ilaahay idinku rid, waligay kaba ka xun ma arag.

Intuu kabihii qaaday ayuu wabiga ku soo tuuray iskagana soo noqday. Waxaa wabiga ka kalluumaysanayay nin ay shabakadi u daadsan tahay, markii uu ninkii shabakaddii soo duubay mise waa kabihii Danbuuri oo ku jira, Allaylehe aan Danbuuri u samafalo oo aan kabikiisa u celiyo malaha kuwo baas baa wabiga kaga tuuraye ayuu ninkii iskula hadlay, maba sii joogine xaggii gurigii Danbuuri ayuu u soo dhaqaaqay una geeyay isna intuu ka qaaday ayuu saqafka sare saaray si ay bal u qalalaan illayn waa kanoo biyaa ka daayee, bisad ayaa soo agmartay kabihii intay hilib mooday ayay la boodday , Danbuuri baa damcay inuu ka rido wayse la carartay iyadoo guryaha saqafyadooda iskaga boodaysa, nasiib darro kabihii ayaa ka dhacay waxayna dusha kaga dhaceen naag uur leh isla halkii ayayna ku dhicisay, ninkii qabay ayaa kabihii qaaday oo Qaadigii u geeyay ugana dacwooday. Danbuuri ayaa loo yeedhay, hadalkiisii oo dhanna waxba lagama soo qaadine waxaa lagu xukumay inuu magtii ilmaha ay naagtu dhicisay bixiyo, isla markaana inta si daran loo canaantay baa kabihiisii faraha laga saaray,intuu aad u cadhooday ayuu kabihii ku hiifay inkaar Ilaahay idinku rid waligay kaba ka xun ma arag.

Markay arrini halkaa marayso ayuu intuu kabihii qaaday wuxuu iskula hadlay Allaylehe maanta meel cidi gaadhi karin ku soo rid markaasuu wuxuu ku tuuray meel bullaacad ah. Muddo yar kaddib ayay bullaacaddii xidhantay oo biyihii qudhunka ahaa dibadda u soo baxeen oo dadkii dariska la ahaa uga dacwoodeen dawladda, niman shaqaale ah ayaa goobtii loo soo diray mise waxa meesha xidhayba waa kabihii Danbuuri, inta Qaadigii loo geeyay kabihii ayaa si degdeg ah loogu yeedhay, markaasaa inta la karbaashay xabsiga loo dhaadhiciyay, muddo kaddibna inta la soo daayay ayaa kabihiisii faraha laga saaray oo lagu amray inaanay isaga iyo kabihiisuba falaad xumadaas oo kale aanay dib u samayn,intuu aad u cadhooday ayuu kabihii ku hiifay inkaar Ilaahay idinku rid waligay kaba ka xun ma arag.

Wax uu sameeyo ayuu garan waayay, siduu u fikirayay ayuu markii dambe goostay inuu kabahaba aaso, saq badhkii markay ahayd ayaa intuu qaatay majarafad iyo jigne wuxuu tagay meel fog,wuxuuna bilaabay inuu god ka qodo, qoditaankii uu qodayay ayaa reer meesha ka dhawaa ayaa waxay moodeen tuug doonaya inuu gidaar dalooliyo, boolis ayay u dalbadeen , booliskii markay yimaadeen ayaa waxay arkeen Danbuuri oo gidaar agtii qodaya,markay sababta waydiiyeenna wuxuu u sheegay inuu doonayo inuu kabihiisa aaso, lagama dhagaysanne xabsiga ayaa loo taxaabay inta wagu ka baryayo, subixii ayaana Qaadigii loo geeyay, cudurdaarkisii lagama dhagaysanne karbaash daran iyo xabsi ayaa lagu xukumay iyadoo lagu eedeeyay isku day xatooyo xoolo dadwayne, markii uu xabsigii dhammaystay ayaa inta kabihiisii faraha laga saaray edeb yeelo lagu yidhi,intuu aad u cadhooday ayuu kabihii ku hiifay inkaar Ilaahay idinku rid waligay kaba ka xun ma arag.

Talo ayaa ku caddaatay, wax uu sameeyo ayuu garan waayay,siduu talada u rogrogayay ayaa waxaa ku soo dhacday inuu xamaamada lagu maydho ee dadka badani iskugu yimaadaan geeyo halkaana uu kaga dhaqaaqo cidday doonto ha qaadatee, sharkooda si uu uga nabadgalo. Nasiibdarradiisa waxaa markii uu dhigayay kabaha xamaamka ku jiray amiir ka mid ah amiirada waddanka ka taliya, tuug baa intuu dadkii soo dhex raacay kabihii amiirka xaday, markii uu amiirkii soo baxayna kabihiisii ayaa la waayay waxaana la is waydiiyay talow yaa qaatay?,aan sugno kabaha u dambeeya ee soo hadha isagaa kabaha xadaye ayaa go'aan lagu gaadhay, wax la sugaba waxaa soo hadhay kabihii Danbuuri, waa kabo caan ahe lama raadraadine isla markiiba ninkii lahaa ayaa qoorta lagu soo dhagay, Qaadigii wuxuu ku xukumay qiimaha kabihii amiirka laga xaday iyo karbaash adag si aanu dib dambe u xadin kabaha amiirada, markii intaa lagu xukumay ayaa inta kabihiisii lagu soo hortuuray lagu yidhi edeb yeelo oo tuug saqajaaneednimada jooji,intuu aad u cadhooday ayuu kabihii ku hiifay inkaar Ilaahay idinku rid waligay kaba ka xun ma arag. 

Karbaashka ku dhacaya waxaa kaga darraaday xoolihiisii oo isagoo arkaya jid aanu jeclaysan kaga baxaya, wuxuu goostay in markan mar ka dambaysa aan loo qabsan kabahan baas ee dhibay, waxaanu goostay in intuu magaalada ka baxo duurka ku soo aaso, markii uu bannaanka u baxay ee uu damcay inuu qodistii godka billaabo ayaa waxaa hareereeyay cidamo badan oo boolis ah lagama hadline inta Qaadigii loo geeyay ayaa ay ku yidhaahdeen ninkii ninka dilay waannu soo hellay oo waakan. Shaw illayn intii aanu meesha Danbuuri soo gaadhin ayaa ayaa waxaa isla meesha ay boolisku ka heleen nin mayd ah, maydka hoostiisana waxay ku arkeen raadka god meesha ka qodan, markay godkii qodeen ayay ugu tageen kiish uu dahab ka buuxo, waxayna is yidhaahdeen ninkii ninka dilay kollay dahabkuu soo doonan doonaaye u gabbada, iyagoo halkii ugu gabbanayana waa ka Danbuuri is keenay. Danbuuri baa dhaar ku waashay illayn arrintu hadda karbaash maaha e waa dile,markhaatiyaal badan ayuu keenay inaanu Baqdaad waayadanba dibadda uga soo bixin, aakhirkii Qaadigii ka rumaysay inaanu isagu dilka gaysan oo kiiskaa ka sii daa kaddib markii uu aad ugu canaantay lugooyada iyo waxan aan micnaha lahayn ee uu askarta ku lugooyay.Neef baa Danbuuri ka soo booday waxaanu isagoo neef tuuraya Qaadigii ku yidhi:- "Qaadiyow kabahani caydh iyo ceebba ii soo jiida e waxaan hortaada ka caddaynayaa inaan wixii maanta ka dambeeya aanan masuul ka ahayn wixii kabahaasi gaystaan".  


hilinkatoosan.com