
|
Sheekh Cabdixamiid Kashka |
|
Taariikh nololeedka Sh. Cabdixamiid Kashka
Sanadkii 1957kii ayaa loo magacaabay inuu kulliyaddii Diinta macalin ka noqdo, hase yeeshee hal muxaadaro markii uu bixiyay ayuu iskaga tagay isagoo ka door biday xagga khudbadda iyo Minbarka Masaajidada, taasoo uu qalbigiisu la xidhiidhay ilaa 12 jirkiisii waqtigaas oo uu nasiib u yeeshay inuu Masaajidkii tuuladooda ku yaallay qudbaddii Jimcada ka jeediyo kaddib markii uu maqnaaday Imaamkii Masaajidku, taasoo ay aad ula yaabeen dadkii dhagaysanayay khudbaddiisa da'da uu jiray iyo geesinimadiisii iyo waliba mawduuca uu waqtigaasi ka hadlayay oo ahaa sinnaanta iyo isku naxariisashada bulshada dhexdeeda, isagoo dadkii tukunayay ugu baaqay inay dawooyin,hu' iyo waxyaalaha kale ee ay dadku u baahan yihiin ugu deeqaan walaalahooda tuulada la deggan taasoo aad u soo jiidatay dadkii khudbadda dhagaysanayay. Markii kulliyadda Usuusha Diinta uu ka qalin jabiyay oggolaanshaha waxdhigista darajada ugu sarraysa ayuu helay, waxaanu Azharka Shariifka ah u matalay ciiddii calanka ee 1961kii, markaas kabacdibawaxa uu ka bilaabay shaqada Imaamnimada iyo khadiibnimada Masaajidka la yidhaahdo Addaxaan oo degmada Asharaabiya oo Qaahira ka tirsan ku yaala, markaas kaddibna wuxuu la wareegay Imaamnimada iyo khudbadda Masaajidka Al-Manuufiya oo isla Sharaabiya ku yaala. Sanadkii 1962kii ayuu qabtay xilka Imaamnimo iyo khudbadeed ee Masaajidka "Caynul-Xayaat" la yidhaahdo oo degaanka Xadaa'iqal-Qubbah oo Qaahira ah ku yaala, Masjidkaas oo il nololeed ahaa muddo ku dhaw 20 sanadood oo cimrigii Sheekhaas qadarinta mudnaa ahaa oo uu hawshaas ku jiray ,ilaa laga xidhay sanadkii 1981kii, markaa kabacdina guud ahaanba laga joojiyay dacwada iyo khudbaddaba ilaa uu ka xijaabtay isagoo Sujuudsan. Intuu hawsha Imaamnimada iyo khudbadda ku jiray wuxuu sheekhu ku yeeshay guud ahaan dunida muslinka dad fara badan oo khudbadihiisa aad u xiiseeya, sababta oo ah mawduucyada iyo habka uu khudbadda u jeedin jiray oo si aada xiiso u lahaa una soo jiidanayay qof kasta oo dhagaysanaya,Intii uu hawsha ku jirayna dhawr jeer ayaa xabsiga la dhigay.Ilaahay naxariistii Janno ha siiyee sanadkii 1965kii ayaa xabsiga la dhigay isagoo xabsigaasna ku jiray laba sano iyo badh, intii uu xabsigaas ku jirayna dhawr xabsi uu kala duwan ayuu isku maray. Mar kale ayaa 1981kii xabsiga loo taxaabay, sida dad la xidhnaa ay sheegeenna intii uu xabsiga ku jiray Ilaahay ha u naxariistee jidh dil iyo dhib badan ayaa ka soo gaadhay, hase yeeshee samir iyo dulqaad ayuu Sheekhu u lahaa dhibaatooyinkaasi. Ilaahay ha u naxariistee ilaa saddex iyo toban jirkiisii indhihiisu way u caafimaad qabeen, markaas oo uu hal il beelay, toddoba iyo toban jir markii uu ahaa ayuu ishii kalana beelay,intaa wixii ka dambeeyaynay wuu indho la'aa, haddana inkastoo aanu indhaha wax ka arki jirin qalbigiisa ayuu wax ku arki jiray, waxaanu sida uu khudbadihiisa qaar ku sheegi jiray mararka qaarkood Ilaahay ku mahadin jiray indho la'aantiisa kaddib marka uu maqlo sida bulshadu siiba dumarku u tuureen xijaabkii, cawradoodiina u muujiyeen, waxaanu odhan jiray Ilaahay ha u naxariistee:-"Ilaahay baa mahad leh araga iga qaaday si aanan ugu arag wax isaga cadho galiya". Ilaahay ha u naxariistee wuxuu Sheekhu muslimiinta uga tagay dhaxal qiimo leh, ayna ka mid yihiin 108 kitaab oo ka hadlaya dhammaan manaahijta lagu shaqeeyo iyo isku barbaarinta Islaamka, kutubtaas oo dhan waxay u qoran tahay si fudud oo la fahmi karo, isla markaana farshaxanimo ku dheehan tahay isagoo culuumta Quraanka iyo Sunnada Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye weelka ka soo daraya . Wuxuu sidoo kale dadaalkiisa ku qoray 10 qaybood oo Tafsiirka Quraanka Kariimka ah, taasoo uu ku dhammays tiray Tafsiirka Quraanka, Tafsiirkaas oo uu xoogga ku saarayo dhinaca dacwadda ee Quraanka kariimka dhexdiisa ah, Tafsiirkaas oo geeskii saddexaad looga dhigo Dilaalka Quraanka (Hadhka Quraanka) oo uu qoray Ilaahay ha u naxariistee Sayid Qudbi, iyo Al-Asaas oo uu qoray Ilaahay ha u naxariistee Saciid Xuwii. Waxaa kale oo uu umadda uga tagay cajalado badan oo khudbadihiisa iyo duruusihii uu bixin jiray ah, kuwaasoo dunida muslinka iyo caalamka oo dhan meel kasta oo guri muslin ahi ku yaalo gaadhay, khudbaddiisii ugu dambaysay waxay ahayd khudbaddii 425aad, duruustiisuna waxay kor u dhaafeen 3000 oo darsi.Khudbadahaas iyo duruustaasina waxay noqdeen dhaxal jiilba jiil u dhiibi doono isku sina u wada dhagaystaan aqoonyahankii,darawalkii,beeroolihii iyo geeljirkiiba,sida fudud ee hufan ee farshaxanimadu ku dheehan tahay ah ee uu xaaladda dhabta ah uu uga hadlayo ah ee aanu xaqa cidna uga baqayn ah darteed. Ilaahay ha u naxariistee maalin Jimce ah ayuu geeriyooday, khaatumo wanaagsan ayuu Ilaahay korreeye ugu deeqay. Ilaahay ha u naxariistee wuxuu sidii caadada u ahayd u sii waysaystay Salaaddii Jimce, inta aanu Masaajidka taginna Rakcado Sunno ah ayuu gurigiisa ku sii tukan jiray , Rakcad ayuu tukuday, Rakcaddii labaad markuu tukanayay ee uu Sujuuddii hore ka soo toosay ee uu Sujuuddii labaad foodda dhulka dhigay ayay naftu u baxday xagga Rabbigeed isagoo Sujuuddii foodda ku haya,Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Aamiin......Aamiin......Aamiin. Halkan ka dhagayso khudbadihiisii qaar ka mid ah:- 1-Dambiga Shirkigu leeyahay----qaybta koowaad 2-Dambiga Shirkigu leeyahay----qaybta labaad 4-Jidhka Samra iyo xaas wanaagsan 5-Dardaarankii Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Hilinkatoosan.com |