Home contact us
Main
Quraan
Tafsiir
Xadiis
Baro Diintaada
Taariikh
Barbaarinta Ubadka 
Goor Sheegta
Koorsoyinka
Baro Kompiyuutarka
Baro HTML

Baro Java
Baro PHP
Ma ogtahay
 
Islamic Links
Aflax
Attaqwaa
Boqolsoon
Hanuuniye
Islamweb
Islamwey
Rabidada Finland
Waano-online
Links
Aftahan
Aljazeera
BBC Somali
Halganews
Hoygasuugaanta
Midnimo
Onkod
Somalilandfuture
Somaliweyn
Wardheer
Widhwidh
                       More>>........
Idaacadaha
BBC Duhurkii
BBC Galabtii
BBC Habeenkii
Radio Hargeysa
Radiofreesomalia
Radiomidnimo
Wargaysyada
Alhayaat
Alkhaliij
Almujtama
AsharqalAwsat
Haatuf
Jamhuuriya
N.Times
Qaranpress
W.Post
W.Wararka
AFP
AP
MINA
PNA
Reuters
Wakaalado
Irin
 
Fiqhiga Khilaafka Sh. Almis Yaxye X. Ibraahim

 

                              Horudhac

Mahad oo dhan Ilaahay baa iska leh, Caalamiinta Rabbigood, nabadgalyada ugu fadli badan iyo slaanta ugu dhammaystiranna Nabigeennii suubanaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayay dushiisa tahay, iyo eheladiisii iyo asxaabtiisii dhammaanba, intaa kaddib.

                             Wa kuma Qoruhu

Sheekh Almis Yaxye X. Ibraahim wuxuu ku dhashay magaalada Gabiley dabayaaqadii lixdamaadka,halkaas oo uu ka bilaabay dugsi Quraanka waxaana isagoo yar uu u wareegay waddanka masar oo uu ku qaatay wabarashadiisa ilaa uu ka gaadhay heer Jaamacadeed, waxaanu wax ka baran jiray Jaamacadda Al-Ashar. Wuxuu bilawgii sagaashanaadkii u soo wareegay xagga waddanka Finland waxaanu ka mid ahaa dhallinyaradii qaybta laxaadka leh ka qaadatay isku keenidda iyo wacyi galinta muslimiinta ku dhaqan Finland oo xooggoodu ay haayeen dadka Soomaalida, waxaanu xagga hore kaga jiray dhallinyaradii u tafaxaydatay sidii ay muslimiintu kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen waddanka ay ku nool yihiin, wuxuu duruus xidhiidha ka bixin jiray masaajidka Raabidada Islaamka ee Finland iyo meelo fara badan oo waddanka Finland goboladiisa ka mid ah isagoo si hagrasho la'aan ah u fulin jirey kolba wixii loo baahdo ilaa haddana uu weli sidii ugu guda jiro. Sh. Almis Yaxye X. Ibraahin waa xaasle shan caruura leh. waana nin aad iyo aad u firfircoon bulshaawina ah, hadda wuxuu Jaamacadda Yoonsuu oo ku taalla waddanka Finland ku diyaarinayaa shahaadaa Mastarka ee Culuumta Islaamka.

                            Qoraagu waxa uu ku bilaabay 

إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره، ونعوذ بالله من شرور أنفسنا ومن سيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد ألا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمدا عبده ورسوله، صلى الله عليه وعلى آله وصحبه وسلم تسليما كثيرا

Ilaahay baa mahad leh,isaga ayaanu mahadinaynaa,gargaar waydiisanayanaa,dambi dhaaf waydiisanayanaa, isaga ayaanu ka magan galaynaa shararka naftayadu leedahay iyo camaladayada kuwooda xun xun, kii Ilaahay hanuuniyo cid hallayn karta ma leh, kii uu halleeyana cid hanuunin karta ma leh. Waxaan qirayaa in Ilaahay mooyee aanu Ilaah kale jirin, keligii uu yahay oo aan xukunka lala wadaagin, waxaan kaloon qirayaa in Muxamedna uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatay isaga, ehelkiisa iyo asxaabtiisiiba.Intaa kaddib waxay kulansatay Sunnada Rabbaaniga ahi inuu khilaafku yahay qaanuun weeleeyay Uunkan iyo aadamaha ku kor nool midabkooda, qaabkooda iyo qabiilkooda, waxay jecel yihiin iyo qaababka ay u fikiraanba.

Haddaba si aynu u qaadaa dhigno nuxurka kitaabkan kooban aan u kala qaadno dhawr cutub oo kala ah:-

  • Sababta aan u qoray kitaabkan

  • Midnimada

  • Asbaabta Keenta Khilaafka

  • Noocyada Khilaafka

  • Adaabta dadka Is Khilaafsan

  • Daawaynta Khilaafka

  • Asalka ah wada joog iyo midnimo

  • Suurtagalnimada Khilaafka

  • Waxa ay Culimadu ka yidhaahdeen

  • Adaabta Is Khilaafka

  • Asbaabta Khilaafka iyo Dawadiisa

  • Gabagabayn

 

                          Cutubka Koowaad

Sababta aan u qoray Kitaabkan

Waxaa igu kalliftay inaan qoro kitaabkan ,iyadoo aan cidna madmadaw kaga jirin khilaafka faraha badan ee dhex yaala maanta bulshadeenna Muslinka ah si guud iyo teena Soomaaliyeedba si gaar ahaaneed, taasoo uu ku xaqiiqoobay Xadiiskii Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-

( وإنه من يعش منكم بعدي فسيرى اختلافاً كثيرا)     

"Ka noolaada dabaday wuxuu arki doonaa Khilaaf badan".Khilaafkan oo si walba ugu faafay bulshada, sababa badanna leh si kastana loo isticmaalay, heer uu markaasi gaadhay inay muslimiintu is gaaleeyaan, amase ay Faasiqnimo isku xukmiyaan, Bidcana isku sheegaan,

Waxaan isku dayayaa inaan kitaabkan kooban ku xakameeyo cudurkan dilaaga ah iyo inaynu kala qaadqaadno kala hormarinta danaha umadda u muhiimka ah iyo kuwa dib loo dhigi karo, waxaana isku dayi doonaa inaan sawir ka bixiyo sidii Salafkii hore ee umaddani u maarayn jireen una maamuli jireen wixii dhib iyo muran ah ee dhexdooda ka dhasha, iyagoo hadhsanayay Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnada Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye.

Waana cudur soo jireen ahaa, dadkii innaga horreeyayna halakeeyay, balse waxaan odhan karaa Ahlul Kitaabka khilaafkii dhex yiilay ma ahayn mid uu keenay jahli iyo waxgarasho la'aani,balse waxay u adeegsadeen aqoontoodii inay isku xadgudbaan. Ilaahay korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-

«وما اختلف الذين اوتوا الكتاب الا من بعد ما جاءهم العلم بغيا بينهم»«آل عمران:19».

"Isma ay khilaafin kuwii Kitaabka la siiyay , illaa mooyaane kaddib markii uu u yimid Cilmigu, Xaasidnimo (Dulmi) dhexdooda ah......." Aala Cimraan Aayadda 19aad qayb ka mid ah.

Haddaba talow ma waxaa aynu dhaxalnay cudurkii Ehlu Kitaabkii innaga horreeyay, taasoo keentay halaag Illaahay ku baabiiyay?. Khilaafka, xadgudubka iyo diinta oo lagu kala tagaa waa cudurkii umadihii innaga horreeyay saameeyay, halka khilaafku ahaan lahaa mid dhaliya barwaaqo xagga ra'yiga ah oo lagu hano qaado, Islaamkuna ka faa'iidi lahaa dadaalka ay ugu jiraan horumarinta diinta Islaamka. Halkuu khilaafku dhalin lahaa midhahaa macaan wuxuu keensaday midho ka qadhaadh dacarta oo sababay marar badan in la xalaashaday dhiigga muslimiinta, in marar badan hiil laga doonay cadawga Islaamka gacan saarna isaga lala yeesho, markhaati haddaan u doono arrintaana taariikhda fog iyo ta dhawiba way ii markhaati kacaysaa, bal dhacdadan taariikhdu warisay ila eeg.

Waxaa la wariyay in Waasil Bin Cadaa'a oo la socday koox ay kor yimaadeen qolyihii Khawaarijta(1) la odhan jiray, markaasuu Waasil ku yidhi nimankii la socday anigaa raggan la hadlaya e ii daaya, Khawaarijtii ayaa ku tidhi yaad ahaydeen, Waasil baa u jawaabay oo ku yidhi:- "Waxaanu nahay duul mushrikiin(2) ah , nabadgalyana doonaya, hadalka Ilaahay inay maqlaanna u socda si ay u bartaan xuduudda Ilaahay", Khawaarijtii ayaa tidhi:-"Waannu idin nabadgalinay, barta Kitaabka Ilaahay iyo axkaamtiisa". Maekaasuu Waasil yidhi:-"Aniga iyo asxaabtayduba waannu aqbalnay", markaasay ku yidhaahdeen:-"Walaalo ayaynnu nahaye, ordoo meeshaad u socoteen taga", markaasuu Waasil yidhi:-"Sidaasi nama qabato, Ilaahay wuxuu yidhi:-

 وان احد من المشركين استجارك فاجره حتى يسمع كلام الله ثم ابلغه مأمنه...»التوبه 6

"Haddii mid ka mid ah Mushrikiintu ku magan galo, magan gali ilaa intuu ka maqlayo Hadalka Ilaahay (Kitaabka Quraanka), markaana gaadhsiiya meel uu aamin ku yahay" Suuradda At-Tawbah Aayadda 6aad qayb ka mid ah.

Markaasay is eegeen oo ay yidhaahdeen waa runtaa, waa inaanu idin raacnaa intaad gaadhaysaan meesha aad u socotaan.

«الكامل في اللغة والادب للمبرد:2/112».


(1) Khawaarij:-Waa koox dhallinyaro u badnayd oo ka baxay daacadnimadii Khaliifkii Islaamka ee 4aad Cali Binu Abii Daalib, markii ay is hayeen Mucaawiye, iyagoo ku eedeeyay inuu Cali raalli ku noqday in dhexdhexaadiyayaal dhexgalaan, iyagoo odhanaya waan aan xukunka Eebbe cid kale l hoos dhigin, iyo iyagoo yidhi waa in dumarka iyo xoolaha laga qabso Mucaawiye iyo kooxdiisa la xalaashado iwm, waana kooxdii markii dambe dishay Siyad Cali Ilaahay ha ka raalli ahaadee.

(2) Mushrikiin:- Waa qof kasta oo Ilaahay nasahnaa oo korreeye cid kale la wadaajiya Cibaadad uu xaqa u leeyahay kalidii, taasoo qofka la yimaadda uu Ilaahay kaga xaaraantinimeeyay Jannada, uguna bishaareeyay inuu Naar ku waarayo.   

 

 
Tafsiirka
Sh.Maxamed Dirir
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Almis Yaxye
Sh. Maxamed Macalin

                       More>>.......
Xadiisyada
S.Bukhaari
S.Muslim
M.Axmed
S.Tirmiidi
S. Abii Daa'uud
S. Annisaa'i
                   
More>>.......
Muxaadarooyinka
Usuusha Iimaanka
Barbaarinta Ubadka
Jacaylka Nabigeenna nnEka
Xuquuqda labada isqaba
                  
 More>>.......  
Duruusta
Axkaamta Qoyska
Axkaamta Soonka
Fiqhul Aakhira
Fiqhul Cibaadaad
Kalmadda Wanaagsan
                              More>>.......
Calaamadaha Qiyaamada
Soo bixitaanka Nabiga
Geeridii Nabiga
Badashada Maalka
Ku dayashada Gaalada
                              More>>.......
Taariikhda
Nabiyada nnEka
Asxaabtii Nabiga
nnEka
Taabiciyiintii
Dawladihii Islaamka
Culimadii Islaamka
Halgamayaasha
Taariikhda Soomaalida
Baro Dal iyo Dad
Qoraalo Taariikhi ah

                      
More>>.......
Kutubta
Tukashada Saxda ah
Fiqhiga Khilaafka
Dambiyada Waawayn
Xalaal iyo Xaaraan
                           More>>.......
Wax ku qaado Waayaha
Maydkii Ninka dilay
Saalim Aabihii
Fatwadii Imaam Maalik
Walaashaa Ilaali
Gaadhigii uu jiidhsiiyay
Xabaddii Tufaaxa
Nabiga(nnEka) aragtidiisa
                           More>>.....
Khaatumada Nolosha
Diiday Xijaabka tuuristiisa
Akhrin Quraan
Hees bay qaadayeen
                        More>>.......
Mucjisooyinka Islaamka
Foodda
Mucjisooyinka Kawnka
Cajaa'ibka Quraanka
                            More>>.......
Suugaanta
Guurow maxaad tahay
Gar xumaatay
Dirir hooray

                          More>>........
Faalooyinka
  • Soomaaliyey waa xaggee waa wareerteene   read more
  • Ciraaq Xaggee ku socotaa waa yaabe    read more
  • Ka daroo dibi dhal saw tan   noqotay    read more
  • Dhafoortaabashadii Vietnam u ekaa- Ropert Fisk- Independent  read more
  • Dumarku inay Salaadda tukiyaan ma bannaana- Sh. Maxamed Sh.C/raxman      read more


Copyright ® 04-2005 hilinkatoosan.com