Ma ogtahay Huunow

-Salaaddii ugu horraysay ee uu Rasuulkeennu nnEka uu tukuday inay ahayd Salaadda Duhur

-Qofka ugu horreeya ee uu dhulka ka jeexmi doono maalinta Qiyaamada inuu yahay Raskeenna nnEka

-Qofka ugu horreeya ee albaabka Jannada garaaci doonaa inuu yahay Rasuulkeenna nnEka

-Ummadda ugu horraysa ee Jannada gali doontaa inay tahay Umadda Nabi Muxamed nnEka.

-Qofkii ugu horreeyay ee 12ka saacadood jaangooyay inuu ahaa Nabi Nuux nnEka si uu waqtiga Salaadda u ogaado.

-Qofkii ugu horreeyay ee faras fuulay inuu ahaa Nabi Ismaaciil nnEka.

-Qofkii ugu horreeyay ee qalin wax ku qoray inuu ahaa Nabi Idriis nnEka.

-Qofkii ugu horreeyay ee Jimcada Jumcah u bixiyay inuu ahaa Kacab Binu Luayyi

-Cid Subxaana Rabbiyal Aclaa tidhaahda inuu ugu horreeyay Israafiil nnEka.

-Quraankii ugu soo hor degay inuu ahaa اقرأ باسم ربك الذي خلق

-Quraankii ugu dambeeyay ee soo daga inuu ahaa واتقوا يوماً ترجعون فيه إلى الله

-Tawraad wixii ugu horreeyay ee soo dega inuu ahaa بسم الله الرحمن الرحيم

-Qofkii ugu horreeyay ee Ilaahay dartii u Jihaadaa inuu ahaa Nabi Idriis nnEka.

-Aayadda Quraanka ugu wayni inaya tahay Aayatul Kursiga.

-Qofka yidhaahda toddaba jeer بسم الله الرحمن الرحيم ولا حول ولآ قوة إلا بالله العلي العظيم  Salaadaha Subaxa iyo Maqribka kaddib kuwa Badhaadha ayaa loo qoraa xattaa hadduu  ka mid ahaa kuwa Hoogay.

-Qofka yidhaahda لآ إله إلآ إنت سبحانك إني كنت من الظالمين isagoo dhib ku jira waa laga faydaa sidii Ilaahay korree oo nasahnaaye uu Nabi Yuunis uga fayday dhibaatada isagoo ku jira uurkii xuutka(kalluunka).

-Qofkii yidhaahda سبحان الله وبحمده boqol jeer gafafkiisa ayaa laga dhaafa xattaa haddii ay xunbada badda oo kale yihiin.

-Qofkii yidhaahda سبحان الله وبحمده geed timir ah ayaa Jannada loogu beeraa.                                                         


hilinkatoosan.com