|
بسم الله الرحمن
الرحيم
In Nabigeenu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu
yidhi:-" Saddex Masaajid ayaa loo socdaali karaa ,waa
Masaajidka Xurmaysan (ee Maka ku yaala, ayna Kacbadu ku dhex taalo),
Masjidkaygan (Masjidka Nabiga nnEka ee Madiina ku yaala)
iyo Masjidka Alaqsa (Baytu Quduska Falastiin ku yaalla)".
Haddaba si aynu wax uga baranno aynu Masaajid kasta iyo magaalada uu ku yaallo
taariikh ahaan iyo sida uu u dhismay isla eegno.
1-Masjidka
Xurmaysan(Maka)
Waa gurigii ugu horreeyay ee uu Eebbe nasahnaa oo korreeye uu u dhigay dadka
dhulka si ay isaga ugu cibaadaystaan.Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-
"Gurigii ugu horreeyay ee loo dhigay dadka (si ay ugu cibaadaystaan),
waa ka ku
yaalla Bakka (Maka) Isagoo Barako iyo
Hanuun u ah Caalamiinta" Suuradda Aala-Cimraan Aayadda 96aad.
Haddaba si aynu wax uga ogaanno Masaajidkaas Xurmaysan bal aynu dib u jalleecno
taariikhdiisa iyo taariikhda meesha uu ku Yaallo ee Maka.
sii akhri....

2-Masjidka-Nabiga(nnEka Madiina)
Waa masjidkii uu dhisay Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye,markii uu dhisay dawladdii Islaamka ee salka dhigatay Madiina, waana
Masaajidkii uu Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye iyo
Asxaabtiisii Ilaahay raalli ha ka noqdee ay gacmahooda ku dhiseen.Haddaba si
aynu wax uga ogaanno Masaajidkaas Barakaysnaa bal aynu dib u jalleecno
taariikhdiisa iyo taariikhda meesha uu ku Yaallo ee Madiina.
sii akhri...

3-Masjidul Aqsaa
(Qudus)
Masjidka Al Aqsaa oo ku yaalla Falastiin wuxuu soo maray taariikh dheer.Haddaba
si aynu wax uga ogaanno Masaajidkaas Barakaysan bal aynu dib u jalleecno
taariikhdiisa iyo taariikhda meesha uu ku Yaallo ee Qudus.
sii akhri...
|