بسم الله الرحمن
الرحيم
Ilaahay nasahnaa oo korreeye waxaa uu Quraankiisa ku yidhi isagoo innooga
sheekaynaya Nabiyadii uu soo diray iyo umaddihii hore ee uu u soo diray
iyo ujeedada ay tahay inaynu ka qaadanno:-"Annagaa
u waxyoonay xaggaaga sidii aanu ugu waxyoonay xagga (Nabi)
Nuux iyo nabiyadii ka dambeeyay, waxaa kaloon u waxyoonay xagga (Nabi)
Ibraahim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Caruurtiisii iyo Ciise iyo
Ayuub iyo Yuunus iyo Haaruun iyo Sulaymaan, waxaanan siinay Daa'uud Zabuur. Iyo
Rasuullo aannu kaaga sheekaynay horay iyo Rasuullo aanaan kaaga sheekayn adiga,
wuxuuna la hadlay Ilaahay (Nabi)
Muuse hadal. (Waana) Rusul bishaarayn
oona digi si ayan ugu yeelan dadku Ilaahay xujo kaddib Rususha, wuxuuna ahaaday
Ilaahay adkaade falsan" Suuradda An-Nisaa'i aayadda 163--165. |