|
Malakal Mawtku muxuu kugu odhan?
Ina Aadanow marka aad
dhimato ee sariirta lagugu maydhayo lagu saaro muxuu kugu
odhan Malakal Mawtku? Intuu kuu dhawaaqo ayuu kugu
odhan.........
Aaway maqalkaagii maxaa ku dhago
tiray.
Aaway aragaagii maxaa ku indho tiray.
Aaway carrabkaagii maxaa ku
aamusiiyay.
Aaway urtaadii wanaagsanayd maxaa ku
baddalay.
Aaway xoolahaagii maxaa ku caydheeyay.
Marka qabriga lagu
dhigo ayuu haddana Malagu kuu dhawaaqi isagoo ku leh........
Ina Aadanow adduunyo ma ururisay mise
adduunyo iyadaa ku ururisay.
Ina Aadanow adduunyo ma ka tagtay mise
aduunyo iyadaa kaa tagtay.
Ina Aadanow ma u diyaargarawday
dhimasho mise geeri baa kugu kadisay.
Ina Aadanow waxaad ka soo baxday
ciidda waxaadna ku soo noqotay ciiddii.
Waxaad ka soo baxday ciidda adigoo
bilaa dambi ah waxaadna ku soo noqotay ciiddii adigoo
gabigaaguba wada dambi ah.
Marka ay dadkii kaa
soo tagaan ee habeenkiina soo horyeesho , ayna kuu bilaabato
habeenkii koowaad oo subixiisu noqon doono maalinta Qiyaame,
habeen aan subaxeeda Eedaan jirin , aanu mu'adinku
odhanaynin Salaad u kaalayay waayo Salaad iyo Cibaado way
dhammaatay , waxaa subaxaa yeedhi doona Suurtii Israafiil oo
odhanaysa
Lafayohow duugoobay,hilbayohow kala
filqay.
U kaca is hortaagga maxkamaddii
Rabbiga Caalamiinta oo dhan ah.
Ilaahay korree oo
nasahnaaye wuxuu yidhi:-"Suurta
ayaa la afuufaa, markaasaannu ururinnaa ururin",
waxaa kale oo uu Eebbe korreeye
yidhi:"Waannu ururinnay
kamaanaan tegin iyaga midna".
Habeenka kuugu horraysa ee aad
qabrigaaga u hooyato ayuu boqorkii boqoradu, Ilaahay korree
oo nasahnaaye kuu dhawaaqayaa wuxuuna kugu odhanayaa:-
Ina Aadanow way kaa tageen oo ay kaa
noqdeen
Ciidda dhexdeeda ayayna kugu aaseen
Hadday kula joogaan waligoodna waxba
kuumay tareen
Cid aan Aniga ahayn oo kuu hadhayna ma
jiro,
Aniguna noole aan dhiman baan ahay
Ina Aadanow kii Ilaahay qoorta u
raariciya kor buu u qaadaa, kii is wayneeyana hoos buu u
dhigaa
Addoonkayow waad na oggolaatay
waanannu ku soo dhawaynay
Waadna na caasiday oo waannu kuu
kaadinnay
Haddaad noo soo noqoto intaa ka
bacdina waannu kaa aqbalnay
Aniga,Insi iyo Jinniba arrin wayn baa
na dhexyaala
Waan abuuray cid aan Aniga ahayna wuu
Caabudayaa
Waan quudinayaa cid aan Aniga ahaynna
wuu u mahadnaqayaa
Khayrkayga ayaa addoomada u soo
daadaga sharkoodaana ii soo kora
Waxaan isku jeclaysiiyaa
nimcooyinkayga, Anigoo iyaga ka kaaftoon
Waxay isku kay nacsiiyaan
macsiyooyinkooda, iyagoo ah waxa ugu baahi badan agtayda
Ka ii soo noqda iyaga meel dhaw baan
uga yeedhaa
Ka iga fogaada iyagana meel fog baan
uga yeedhaa
Kuwooda xuska badan ayaa Cibaadadayda
guta
Kuwooda ii mahadnaqa ayaa kordhiskayga
hela
Kuwooda i yeela ayaa jacaylkayga hela
Kuwooda i caasiya kama quusiyo
naxariistayda
Hadday ii soo noqdaan Xabiibkooda
ayaan ahay, anigu waan jecelahay kuwooda soo noqda , waanan
jecelahay kuwooda is daahiriya
Haddaanay ii soo noqonna dabiibkooda
ayaan ahay
Waxaan ku ibtileeyaa musiibooyin si
aan uga daahiriyo dambiyada iyo macsiyooyinka
Wanaaggu agtayda waa toban laab waanan
ka sii kordhiyaa
Xumaantuna waa iyadoo kale waanan
dhaafaa
Anigu waan ugu naxariis badanahay
addoomadayda sida hooyo wiilkeed.
|