Main
Quraan
Tafsiir
Xadiis
Baro Diintaada
Taariikh
Barbaarinta Ubadka 

 

 

  

         

        


Islamic Links
Aflax
Attaqwaa
Boqolsoon
Duruus
Hanuuniye
Islamweb
Islamwey
Rabidada Finland
Waano-online

Links
Aftahan
Aljazeera
BBC Somali
Halganews
Hoygasuugaanta
Midnimo
Onkod
Somalilandfuture
Somaliweyn
Wardheer
Widhwidh
                       More>>........

Idaacadaha
BBC Duhurkii
BBC Galabtii
BBC Habeenkii
Radio Hargeysa
Radiofreesomalia
Radiomidnimo

Wargaysyada
Alhayaat
Alkhaliij
Almujtama
AsharqalAwsat
Haatuf
Jamhuuriya
N.Times
Qaranpress
W.Post

W.Wararka
AFP
AP
MINA
PNA
Reuters
Wakaalado
Irin

 Taariikhda ka baro halkan

                 بسم الله الرحمن الرحيم

Qaybtan waxaad kala socon doontaan qoraalo,sawiro, khudbooyin iyo hadalo taariikhi ah oo la xidhiidha taariikhda Soomaalida,hore iyo gadaalba.

Haddaba walaal haddii aad hayso qoraalo, sawiro amaba khudbooyin taariikhi ah fadlan noogu soo hagaaji:- taariikh@hilinkatoosan.com

Qoraalo Taariikhi ah

1-Warqad ku taariikhaysan 1957kii oo uu qoray Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e Xaaji Cumar Askar guddoomiyihii ururkii SNL

Qoraalkan hoose waa qoraal taariikhi ah oo uu qoray sanadkii 1957kii Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyee Xaaji Cumar Askar oo markaa ahaa guddoomiyihii ururkii dhaqdhaqaaqii xornimodoon ee ururkii SNL, waxaanu u qoray caddayn ahaan nin ka mid ah dadkii halgamayaasha ahaa oo uu Xaajigu caddaynayay inuu yahay nin halgamaa ah oo ilaa afar jeer loo xidhay sababo la xidhiidha halgankii ururkii SNL uu la soo galay gumaysigii Ingiriiska oo waagaa gumaysanayay Maxmiyaddii la odhan jiray British Somaliland protectorate. Warqaddan waxaa dhammaadkkeega kaaga muuqanaya saxiixa Xaaji Cumar Askar iyo shaabadda ururkii SNL oo astaantooda ay dhexda kaga qornayd kalmadda waynaynta Eebbe korree oo nasahnaaye "الله اكبر", iyo magacii ururka oo la soo gaabiyay SNL.

 

2-Sawiro ka sheekaynaya dilkii Culimadii Soomaaliyeed ee runta ka sheegay sharcigii dhaxalka ee ay dawladdii milateriga ahayd ee uu madaxwaynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ay ku soo rogtay dalkii Soomaaliya.

Dilkii Culimadan sawiradoodu kor ka muuqdaan iyadoo lagu fulinayo dilkii bahalnimada ahaa ayaa ay go'aamisay maxkamaddii milateriga ahayd ee u samaysnayd tirtiridda sharafta iyo milgaha umaddu lahayd ee ku aroorayay Diinta Islaamka ah ee ay 100% dadka Soomaalida ahi aaminsan yihiin. Maxkamaddaasi waxay dhacday maalin Sabti ah bisha Muxarramna ay ahayd 6 sanadkii 1395kii taariikhda Hijriyada, taasoo ku beegnayd 18kii bishii January sanadkii 1975kii. Culimadaas oo laga qabqabtay Masaajidada magaalada Muqdishu Salaaddii Jimcada ee maalinimadii ka horaysay maalintaa ay maxkamaddu dhacaysay.Xukunkaasina wuxuu u dhignaa sidani:-"Maxkamadda Badbaadada Qaranku waxay ku xukuntay lix ka mid ah culimada ka hor yimid xeerarkii ay xukuumadda kacaanka ahi soo saartay dil toogasho ah, waxa kale oo ay maxkamaddu ku xukuntay saddex ka mid culimada 30 sano oo xadhiga ah, laba kalana waxay ku xukuntay 20 sano oo xadhig ah".

Maalinimadii Axadda ee ay bisha Muxarram ahayd 7da sanadkii 1395kii , taasoo ku beegnayd 19kii January 1975kii waxay maxkamaddii milaterigu soo saartay go'aan kale oo u dhignaa sidan:-"Maxkamaddu waxay ku xukuntay 4 ka mid ah culimada dil toogasho ah,markii ay ka hor yimaadeen xeerarka cusub iyagoo isku qarinaya huga Diinta Islaamka, 3 kalana waxay ku xukuntay 30 sano oo xadhig ah, 15 kalana 20 sano oo xadhig ah".

Subaxii Khamiiseed ee ay bisha Muxarram ahayd 11ka sanadkii 1395kii, kuna beegnaa 23kii January 1975kii ayaa Idaacaddii Raadiyow Muqdishu laga sii daayay war argagax iyo cadho ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aanay wax fal ah oo ay kaga hor tagayaan arrintaasi aanay waagaasi qaadin haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u foorarsay.Warkii Radio Muqdishu sii daayay oo aad u koobnaana waxa uu u qorraa sidatan:-"Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka subixii dil toogasho ah lagu fuliyay 10kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyay garoon u dhaw dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, magacyadooduna waxay kala yihiin:-

1-Sheekh Axmed Sh. Maxamed

2-Sheekh Muuse Yuusuf

3-Sheekh Axmed Iimaan

4-Cali Xasan Warsame

5-Xasan Ciise Iley

6-Maxamed Siyaad Xirsi

7-Cali Jaamac Xirsi

8-Aadan Cali Xirsi

9-Saleebaan Jaamac Maxamed

10-Yaasiin Cilmi Cawil

Maxkamadda badbaada qarankuna waxay ku eedaysay dambiilayaashaasi horteedana ay kaga caddaatay in 10kaas eedaysane ay si wadajir ah uga hor yimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka, iyo golaha wasiirada  11kii January sanadkii 1975kii, kaasoo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxa ayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12 qodobkiisa 54aad ee soo baxay 10kii bishii 9aad sanadkii 1970kii".

Ilaahay ha u naxariisto culimadaas Shuhadada ah ajarkoodana Ilaahay innagama xarrimo.  Aamiin.....Aamiin.

                               Xigasho:- Buugga la yidhaahdo Soomaaliya iyo xididada dhibaatada haysata ee uu qoray Dr. Cali Sh. Axmed Abokor.

F.G.Taariikhda Shuhadadii Muqdisho haddii aad hayso na soo gaadhsii mid ka mid ah xaattaa haddaad hayso.  Mahadsanidiin.

 
Khudbado taariikhi ah

3-Khudbaddii Darteed Culimada Soomaaliyeed loo laayay

Akhristayaal halkanna ka dhagayso Khudbaddii uu jeediyay Maxamed Siyaad Barre, taasoo markii ay culimadu ka hor yimaadeen loo dilay 10ka wadaad ee kor sawiradoodu ku yaalaan markii la dilayay, khudbaddaas oo waxyaalo diinta ka hor jeeda oo aanay diintu oggolayn Eebbena aanu raalli ka ahayn ay ku jirto......Halkan ka dhagayso

 

F.G. Fadlan si qoraaladeennu xaqiiqo iyo raadraac u yeeshaan nagula dadaal sidii aad noo soo gaadhsiin lahayd wixii sawiro,qoraalo iyo raadraac kasta oo ka hadlaya dhammaan taariikhdeenna tu hore iyo tu dambaba.Nooguna soo hagaajiya E-mailkayaga

          taariikh@hilinkatoosan.com

 

                              mahadsanidiin

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tafsiirka
Sh.Maxamed Dirir
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Almis Yaxye
Sh. Maxamed Macalin

Sh.Axmed Qudubi

Xadiisyada
S.Bukhaari
S.Muslim
M.Axmed
S.Tirmiidi
S. Abii Daa'uud
S. Annisaa'i

Calaamadaha Qiyaamada
Soo bixitaanka Nabiga
Geeridii Nabiga
Badashada Maalka
Ku dayashada Gaalada

Taariikhda
Nabiyada nnEka
Asxaabtii Nabiga nnEka
Taabiciyiintii
Dawladihii Islaamka
Culimadii Islaamka
Halgamayaasha
Taariikhda Soomaalida
Baro Dal iyo Dad
Qoraalo Taariikhi ah                  

Kutubta
Tukashada Saxda ah
Fiqhiga Khilaafka
Dambiyada Waawayn
Xalaal iyo Xaaraan                      

Wax ku qaado Waayaha
Maydkii Ninka dilay
Saalim Aabihii
Fatwadii Imaam Maalik
Walaashaa Ilaali
Gaadhigii uu jiidhsiiyay
Xabaddii Tufaaxa
Nabiga(nnEka) aragtidiisa                            
 
 Muxaadarooyinka
Usuusha Iimaanka
Barbaarinta Ubadka
Jacaylka Nabigeenna nnEka
Xuquuqda labada isqaba           

Khaatumada Wanaagsan
Diiday Xijaabka tuuristiisa
Akhrin Quraan
Hees bay qaadayeen                      
 
  Duruusta
Axkaamta Qoyska
Axkaamta Soonka
Fiqhul Aakhira
Fiqhul Cibaadaad
Kalmadda Wanaagsan                          

Mucjisooyinka Islaamka
Foodda
Mucjisooyinka Kawnka
Cajaa'ibka Quraanka

                        


Suugaanta
Guurow maxaad tahay
Gar xumaatay
Dirir hooray
                        

Faalooyinka
  • Soomaaliyey waa xaggee waa wareerteene   read more

  • Ciraaq Xaggee ku socotaa waa yaabe    read more

  • Ka daroo dibi dhal saw tan   noqotay    read more

  • Dhafoortaabashadii Vietnam u ekaa- Ropert Fisk- Independent  read more

  • Dumarku inay Salaadda tukiyaan ma bannaana- Sh. Maxamed Sh.C/raxman  read more

 

Copyright ® 2004 hilinkatoosan.com      Home l Yaanu nahay l Ilatali l Korodhso Aqoontaada l wararka l Contact us