Xukunka Soonka Bisha Ramadaan
Soonku waa waajib ku soo arooray Kitaabka
Quraanka Kariimka ah, Sunnada Nabigeenna naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye iyo isku raaca Umadda
Muslimiintu ay isku raaceen. Eebbe korree oo nasah-naaye
wuxuu yidhi:-"Kuwa Iimaanka laga
helayow waxaa lagu farad yeelay dushiinna Soonka sidii loogu
farad yeelay kuwii hortiin ahaa waxaad mudan tihiin inaad
cabsataane ", waxaa kale oo uu Eebbe korreeye
yidhi:-"Bisha Ramadaan ee la soo
dejiyay dhexdiisa Quraanka, hanuun si uu ugu noqdo dadka iyo
caddaymo hanuunkaasa iyo Furqaan, kii arka ee idinka mida
bisha (Soon) ha soomo".
Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"
Islaamka waxaa lagu dhisay shan:-
Qiritaanka in Ilaahay mooyee Ilaah
kale jirin, Muxamadna yahay Rasuulkii Ilaahay
(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye),oogista
Salaadda,bixinta Sakada,Soomista
Ramadaan iyo u Xajinta Guriga (Kacbada)".
Waxaa kale oo jiray Xadiis uu soo wariyay
Dalxa Binu Cubaydullaahi oo uu yidhi:-Nin baa waydiiyay
Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo
yidhi:-Rasuulkii Ilaahayow(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkisa ahaatye) iiga waran Soonka igu waajibka ah?,
markaasuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaatye):-"Bisha Ramadaan".
Markaasuu yidhi (ninkii):-Wax kale oo la igu leeyahay miyaa
jira?. Wuxuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaatye):-"Maya, inaad
dheeri samayso mooyaane".
Ummaduna waxay isku raacday
waajibnimadiisa, inuuna yahay tiir ka mid ah tiirarka
Islaamka , qofkii beeniyana uu noqonayo gaal diinta ka
baxay. Waxaana la farad yeelay maalin Isniin ah oo ay
Shacbaan 2 ahayd sanadkii labaad ee Hijriyada.
Fadliga Soonka Bisha Ramadaan
-Abuu Hurayra waxaa laga wariyay Ilaahay
ha ka raalli ahaadee , in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo
nabdgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"
Ilaahay sharf lahaa oo waynaaye
wuxuu yidhi:-"Camal kasta oo Ina Aadan leeyahay isagaa iska
leh Soonka mooyaane,aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka
abaal marinaya"(*) Soonkuna waa
gaashaan, markaa haddii maalin Soon ay u tahay midkiin yaanu
hadal xun ku hadlin, yaanuna qaylyin,yaanuna caytamin,
haddii mid caayana ama la dagaalamabaha yidhaahdo:- Anigu
waan Soomanahay, laba jeer, Ilaah nafta Muxamad gacantiisa
ku jirtaan ku dhaartee xayaabada afka qofka Sooman ku taala
ayaa kala udgoon Ilaahay agtiisa maalinta Qiyaamo urta
Miskiga, ka Soomanna laba farxadood ayuu farxaa:-Marka uu
Afuro wuu ku farxaa afurkiisa, marka uu la kumo Rabbigiina
wuu ku farxaa Soonkiisa" Waxaa wariyay Axmed,
Muslim iyo Annisaa'i
-Warin kale oo ay Bukhaari iyo Abii
Daa'uud u soo wariyeen ayaa ah in Nabigeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Soonku
waa gaashaan , markaa haddii midkiin sooman yahay yaanu
hadal xun ku hadlin yaanuna caytamin, haddii qof la
dagaalamo ama uu la caytamo ha yidhaahdo:-"Anigu waan
soomanahay laba jeer, Ilaaha nafta Maxamed
(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye)
gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, xayaabada afka soomanaha
ku taala ayaa uga udgoon badan Ilaahay agtiisa carafta
Miskiga,(Ilaahay korree oo nasahnaaye wuxuu
yidhi) wuxuu uga tagay cuntadiisii,
cabitaankiisii iyo hawadiisiiba dartay. Soonka aniga ayaa
iska leh, aniga ayaana ka abaal marinaya isaga, wanaaguna
waa toban laab" .
-Waxaa kale oo laga soo wariyay
Cabdillaahi Ina Camar in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Soonka
iyo Quraanku waxay u shafeeca qaadaan addoonka maalinta
Qiyaame, Soonku wuxuu yidhaahdaa Rabbiyow waxaan u diiday
cunto iyo shahwooyinkii maalinimo e iiga shafeeco
yeel, Quraankuna wuxuu yidhaahdaa:-"Waxaan u diiday hurdadii
habeenimo e iiga shafeeco yeel, markaasay u shafeeco qaadaan
(oo Ilaahay ka aqbalaa shafeeco qaadka ay Ilaahay
u waydiinayaan)" Waxaa ku wariyay Sanad saxiix ah Axmed.
-Waxaa Abii Saciid Al-Khudriyyi Ilaahay
ha ka raalli ahaadee laga wariyay in Nabigu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Uma
soomo addoon maalin Ilaahay jidkii, haddii uu soomana wuxuu
Ilaahay kaga fogeeyaa maalintaas wajigiisa naarta
toddobaayan Dayrood" Kooxdaa warisay Abii Daa'uud
mooyaane.
-Waxaa kale oo Sahal Binu Sacad laga
wariyay, in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye uu yidhi:-"Jannadu waxay
leedahay albaab la yidhaahdo Arrayaan, maalinta Qiyaamana la
yidhaahdo:-" Aaway Soomanayaashii? marka kooda u dambeeya
galo ayaa la xidhaa albaabkaas" Muslim iyo
Bukhaari ayaa wariyay
(*) Inta hore waa Xadiis Qudsi, inta kale
ee ka bilaabata Soonkuna waa gaashaan Nabiga ayaa laga soo
wariyay.