Goorta,Cidda uu waajibka ku yahay iyo
cidda aanu ku ahayn
Goorta Soonku Bisha Ramadaan
Sugnaanayo
Waqtiga ay bisha barakaysan ee Ramadaan
bilaabmayso waa marka la arko bisha Ramadaan hal qofba ha
arko e, amabase shacbaan soddon cisho loo tiriyo, sida ku
cad xadiiskii Abii Hurayra laga wariyay in Nabigeennu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Ku
Sooma aragtidiisa (bisha Soon),kuna
afura aragtidiisa, haddii uu idinka daruuroobo idinka
(daruuro idinka qariyaan aragtida bisha)
buuxiya tirada Shacbaan soddon
maalmood" Waxaa soo wariyay Bukhaari iyo Muslim.
Waddamada Islaamka oo badan awgeed waxaa
dhacda in la kala soomo oo qoloba ay mar Soomaan, waxaana
taas keenay iyadoo culimadu fikrado kala duwan ka qabaan,
sida loo badan yahayna iyadoo la raacayo Xadiiskii
Nabigeenna ee ahaa "Ku
Sooma aragtidiisa (bisha Soon),kuna
afura aragtidiisa". Hase yeeshee culimada qaar
baa qaba in waddan walba uu gaarkiisa u soomi karo .
Dadka uu Waajibka ku yahay Soonku
Culimadu waxay isku raaceen in Soonka
bisha barakaysan ee Ramadaan uu waajib ku yahay qof kasta oo
Muslin ah,miyir qaba, qaan gaadh ah, caafimaad qaba safarna
aan ku jirin, halka qofka dumarka ahna looga baahan yahay
inay daahir ka tahay caadada iyo dhiigga dhalmada, sidaasi
darteed Soonku waajib kuma aha gaalka, qofka waalan, ilmaha
yar, qofka buka,qofka safarka ku jira, dumarka caadada iyo
dhiigga dhalmada qaba, ruux da' ah oo gaboobay, qof dumar ah
oo uur leh iyo mid naaska ilmo nuujinaysa.Dadkaas aanu
Soonku waajibka ku ahayn qaarkood si toos ah ayuu uga reeban
yahay sida gaalka iyo qofka waalan, waayo Soonku waa Cibaado
Muslimiinta u gaar ah markaa gaal shuqul kuma laha.
Qofka waalanse maadaama aanu caqli jirin
xil ma saarna,sida ku cad Xadiiskii Cali Ilaahay ha ka
raalli ahaadee uu soo wariyay in Nabigu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Qalinka
saddex baa laga qaaday (oo aan dambi loo
qoraynin):- Qofka waalani inta uu
ka miyirsado, qofka hurdaana inta uu ka tooso, ilmaha yarina
inta uu ka qaangaadho" waxaa wariyay Axmed,Abuu
Daa'uud iyo Tirmiidi. Ilmaha yarse waxaa fiican haddii uu
kari karo inuu waalidikii ay ku booriyaan inuu Soomo haddii
uu kari karayo si uu ugu barbaaro, waayo ilmaha waxa lagu
barbaariyo ayaa u fiican, adkaysi iyo dareensiin diintiisa
ahba sidaasaa fiican.Gabadhii Ina Mucawid oo Rubayyic la
odhan jiray ayaa waxay tidhi:- Waqtiga Soonka caruurtayada
ayaanu Soomin jirnay, markaasaa intaanu Masaajidka gayno
ayaanu suuf ciyaar uga dhigi jirnay, haddii midkood cunto u
ooyana waannu siin jirnay ilaa afurka laga gaadhayo.