Dadka Sharcigu u fasaxay inay afuraan

Waxaa jira dad uu sharcigu u fasaxay inay afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, dadkaasoo ilaa saddex waji kala yeelanaya:-

  • Dad sharcigu u banneeyay inay afuraan oo maalin kasta cunto bixinaya iyagoo aan qallayn doonin amaba dib oo ay ka gudaan Soonku aanay waajib ku ahayn.

  • Dad sharcigu u banneeyay inay afuraan oo ay tahay inay dib ka gudaan Soonkii lagu lahaa .

  • Dad sharcigu ku waajibiyay inay afuraan isla markaana ay dib ka gudaan.

Dadka afuri kara aanan dibna ka gudaynin

Dadka sharcigu u banneeyay inay afuraan iyagoon dibna ka gudaynin Soonku waa Dadka gaboobay ee da'da ah,qofka xanuunkiisu aanu bogsasho lahayn, kuwaasoo maalin kasta oo Soon ah quudinaya hal qof, iyadoo la isku khilaafay inta ay quudintaasi tahay iyadoo aysan jirin wax arrintaas ku sahabsan oo Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ka sugnaatay. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-"Kuwo uu dhib ku yahay  (inay Soomaan waxaa saaran) furasho cunto miskiin (uu siinayo)" Qayb ka mid ah Aayadda 184aad ee Suuradda Al-Baqara.

Culimada qaar ayaa qaba inay dadkaasi soo gali karaan qofka dumarka ah ee uurka leh amaba jaqsiinaysa haddii ay nafteeda iyo ilmahaba u qabto,dadka shaqooyinka culus uu dhuunigoodu ka galay iyo waliba maxaabiista xabsi daayinka iyo shaqada adag ee joogtada ah ku xukuman.

Dadka afuri kara dibna ka gudi kara

Waa dadka buka ee xanuunkooda laga rajo qabo inay ka bogsadaan iyo dadka safarka ku jira. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-"Qofkii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa dushiisa ah ayaamo kale (Soonkooda)"Qayb ka mid ah Aayadda 184aad ee Suuradda Al-Baqara.

Qofka xanuunsanayana waa qofka uu xanuunkiisu ku sii kordhayo haddii uu Soomo,qofka safarka ku jiraa haddii uu Soomo way u bannaan tahay haddii uu kari karo.Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaa Asaxaabi la odhan jiray Xamsa Al-Aslami ayaa iyagoo safar ku jira oona Sooman ku yidhi Nabiga:-Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) markaan safarka ku jiro inaan Soomo ayaan awood u leeyahay ma dambi baa ku jira?, markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"Waa fasax xagga Ilaahay ah , markaa kii qaataa way wanaagsan tahay , qofkii jeclaysta inuu Soomana dambi dushiisa maaha"Muslim baa wariyay. Safarka la afuri karaana waa safarka Salaadda la gaabiyo.

Dadka ay waajibka tahay inay afuraan dibna ka gudaan

Culimadu waxay isku raaceen inay waajib ku tahay in dumarka qaba dhiigga Caadada iyo dhiigga dhalmada ay afuraan, ayna xaaraan ka tahay inay Soomaan inta ay dhiigaggaas qabaan , hadday Soomaan Soonkoodu ansax maaha ee naftooda uun bay kadeedeen.Bukhaari iyo Muslim waxay Caa'isha Ilaahay raalli ha ka ahaadee ka soo wariyeen inay tidhi:-"Markaanu Caado helno waagii Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa nala amri jirey Soonka qalayntiisa (Dib ka buuxintiisa), nalamana amri jirin qalaynta( gudista) Salaadda".

<<Dib u noqo   Horay u soco>>

 

 


hilinkatoosan.com