Xukunka Qofka Soonka cudurdaar la'aan uga taga

Qofka Soonka cudurdaar la'aan uga taga kabtii ma yeela. Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatey aad iyo aad ayuu uga digay in qofka Muslinka ah uu Soonku dheeldheel iyo u kas uga tago. Abuu Hurayra waxaa laga wariyay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Qofka afura maalin Ramadaan ka mid ah, isagoon fasax haysan uu Ilaahay u fasaxay, kama gudo isaga Soonka cimrigiisa oo dhan hadduu Soomo" Waxaa soo wariyay Abuu Daa'uud,Ibnu Maajah iyo Tirmiidi.

Ina Cabbaas Ilaahay ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba e waxaa laga soo wariyay in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:- "Guntimaha Islaamka iyo salka diintu waa saddex, iyaga ayaana lagu aasaasay Islaamka, qofkii ka taga mid ka mid ah iyaga,wuuu ku gaaloobayaa, dhiiggiisuna waa xalaal:-Qiritaanka in Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, Salaadaha Faradka ah iyo Soonka bisha Ramadaan" Waxaa soo wariyay Abuu Yaclaa, Addaylami waxaana saxiix ka dhigay Addahabi.

Addahabi wuxuu yidhi:- Muslimiinta waxaa ka sugnaatay in qofka ka taga Soonka isagoon xanuunsanayn inuu ka shar badan yahay, kana xun yahay Dhillayga iyo khamriyo cabka, iskaba dhaafee waxay shaki galiyaan Islaamnimadiisa, waxayna u badiyaan inuu ka mid yahay 

 

<<Dib u noqo   Horay u soco>>

 

 


hilinkatoosan.com