Tiirarka Soonka

Soonku wuxuu leeyahay laba tiir oo uu ku sugnaanayo marka lala yimaaddo, labadaas tiirna waxay kala yihiin:-

1- Iska dhawrista waxyaalaha jabiya, laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa cadceed(qorrax) dhaca laga gaadhayo, waxaanu caddaynaya hadalkii Eebbe uu ku yidhi:-" Hadda u taga (dumarkiina) kana doona wixii Ilaahay idiinka qoray, cuna oo cabbana ilaa inta uu idiinka caddaanayo dunta cadi dunta madaw oo waaga dillaaciisa ah,markaana dhammaystira Soonka ilaa habeenka" Suuradda Al-Baqara aayadda 187aad. Dunta cad iyo dunta madawna waxaa looga jeedaa caddaanka maalinimo iyo madaw habeenkii.

Waxaa kale oo u markhaati ah Xadiiskii ay Bukhaari iyo Muslim soo wariyeen in Cudayyi Binu Xaatim uu yidhi:- Markii ay soo degtay (hadalkii Ilaahay korree oo nasahnaa ee ahaa) "Ilaa inta uu idiinka caddaanayo dunta cadi dunta madaw" ayaa soo qaatay dabar cad iyo mid madaw, markaasaan barkinta hoos gashaday, anigoo habeenka kolba ku eegaya, iyadoo aanay ii kala caddaan, markaasaan markii waagu baryay aan kula kallahay Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo arrinkii u sheegay, markaasuu yidhi:-" Arrinkuu sidaas maahayne waa madawga habeenkii iyo caddanka maalinimo".

2-Niyada oo ah in qofku uu niyaysto inuu Soomayo. Ilaahay korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-" Lamana amrin inay caabudaan Ilaahay mooyaane, iyagoo u gaar yeelaya isaga Diinta". Iyo hadalkii Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ee ahaa :-"Camal oo dhami waa niyada, qof kastana wuxuu niyaysto ayuu leeyahay". Niyaduna maaha wax lagu hadlo ee waa qalbiga, markaa qofku hadduu Suxuurto isagoo Soon u jeeda wuu niyaystay, qofka goosta inuu iska joojiyo waxa jabiya Soonka isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya wuu niyaystay yaanuba xattaa Suxuuranne.

Culimada badankoodu waxay isku raaceen in Soonka Sunnada (dheeriga) ah waxaa kaaga filan inaad maalinimadaba niyaysato haddii aanu waxba cunin. Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxay tidhi:- Waxaa ii soo galay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye maalin, markaasuu yidhi:-"Wax ma haysaan (cunto guriga ma taallaa) ?". Markaasaan ku idhi:-Maya. Markaasuu yidhi:-"Haddaa waan Soomanahay" Muslim baa wariyay  

 

<<Dib u noqo   Horay u soco>>

 

 


hilinkatoosan.com