Aadaabta Soonka
Soonku maadaama uu yahay Cibaado Ilaahay
loogu dhawaanayo, isla markaana uu addoonku kaga doonayo
abaal marin iyo dambi dhaaf, waxaa fiican inuu addoonku
waxyaalaha Khayrka ah badsado, oo iska ilaaliyo waxyaalaha u
keeni kara Soonkiisa Ajar yaraan iyo nusqaan, waxyaalaha
qaofka looga baahan yahay inuu ku dadaalana waxaa ka mid :-
1-Akhrinta Quraanka oo ay tahay in mar
walba uu addoonku ku dadaalo Quraanka akhrintiisa iyo
barashadiisaba, hase yeeshee ay tahay inuu bisha Soon sii
kordhiyo sidii u Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye yeeli jiray oo kale. Bukhaari waxa uu soo
wariyay in Ina Cabbaas Ilaahay isaga iyo aabihii ha ka
raalli ahaadee inuu yidhi:- Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ka ugu
deeqsisan dadka , waxaanu ugu sii deeqsisanaa bisha Ramadaan
oo uu Jibriil la kulmi jiray, waxaanu la kulmi jiray habeen
kasta oo Ramadaanka ka mid ah , markaasuu bari jiray
Quraanka, markaa Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye wuu uga deeqsi badnaa khayrka
dabaysha dhabata.
2-Tobanka dambe ee bisha Ramadaan oo
Cibaadada lagu dadaalo, iyadoo ka sugnaatay Nabigeenna
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu umaddiisa
ku booriyay inay habenka Laylatul-Qadriga ka baadhaan
tobanka dambe ee bisha Ramadaan. Bukhaari iyo Muslim waxay
soo wariyeen inay Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay
tidhi:- "Nabigu naxariis iyo nabadgalyo eebbe korkiisa
ahaataye marka ay tobanka dambe soo galaan habeenkii ayuu
noolayn jiray, ehelkiisana wuu kicin jiray, guntiga ayuuna
giigsan jiray".
3-Suxuurta oo ah inuu qofka muslinka ahi
uu cuno cunto haba yaraatee. Rasuulkeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"
Suxuurta, Suxuurtu waa Barako e"
Muslim iyo Bukhaari ayaa wariyay. Umadda Muslimiinta ahina
waxay isku raaceen inay arrin wanaagsan tahay, laakiin
qofkii ka taga dambi ma raacayo. Waqtigeeduna waa gelinta
dambe ee habeenkii ilaa waagu ka dillaacayo, iyadoo ay
wanaagsan tahay in dib loo dhigo. Sayd Binu Thaabit ayaa
yidhi:- "Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye ayaanu la Suxuurannay, markaasaanu
Salaaddii isku taagnay (Salaaddii Subax). Markaasaa la
waydiiyay inteebaa u dhaxaysay?, wuxuu yidhi:- Konton
aayadood in la akhriyo".Bukhaari iyo Muslim baa wariyay.
4-Afurka oo la dadajiyo, taasoo ah inu
qofka Soomani uu dadajiyo afurka marka uu hubsado in
cadceeddi dhacday. Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Dadku
khayr bay ku jiraan inta ay afurka dadajinayaan"
Bukhaari iyo Muslim baa wariyay. Waxaana fiican in uu qofku
ku af billaabo timir, haddii uu waayana biyo. Nabigeenu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu
yidhi:-"Haddii midkiin Sooman yahay
ha ku af billaabo timir, haddii u timir waayana biyo ha ku
af billaabo, biyuhu waa daahire" Axmed iyo
Tirmiidi ayaa wariyay. Sida fiicanna waa inuu Salaadda ka
dambaysiiyo afurka. Sidoo kale waxaa fiican inuu qofka
afurayaa ducaysto. Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye waxaa laga soo wariyay inuu yidhi:-"
Saddex Ducadooda lama celiyo
(Eebbe wuu ka aqbalaa):-Ka
Sooman ilaa uu ka afuro,Imaanka caadilka ah iyo dulmanaha"
Tirmiidi baa wariyay.
5-Iska ilaalinta wax Soonkiisa wax u
dhimi kara, taasoo ah inuu qofku iska ilaaliyo wax Soonkiisa
wax u gaysan kara, iyadoo ay tahay in Soonku kaliya uu yahay
in laga Soomo cuntada,cabitaanka iyo waxyaalah reeban ee
kaleba balse uu yahay camal suubanaan Ilaahay loogu
dhawaanayo. Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxa
uu soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Ka aan
ka tagin beentu iyo ku shaqaynteeda, markaa Ilaahay waxba ku
fali maayo inuu iska daayo cuntadiisa iyo cabitaankiisa"
Kooxdaa warisay Muslim mooyaane. Waxaa kale uu Nabigeennu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uidhi:-"Badanaa
qof Sooman oo aan gaajo mooyaane Soonkiisa waxba ku lahayn,
badanaana mid taagan (oo Salaadda habeenkii u
taagan) oo taagnidiisa ku
lahayn soo jeed mooyaane" waxaa wariyay
Annisaa'i,Ibnu Maajah iyo Al-Xaakim.