Waxyaalaha Soonka dhexdiisa la samayn karo

Waxaa jira waxyaalo ay dadka qaarkood iska ilaaliyaan oo ay moodaan inay Soonka ka jabinayso, balse aan wax u dhimayn Soonkiisa, waxyaalahaasna waxaa ka mid ah:-

1-Irbadda dawada ah oo haragga ama xididka la raaciyo, taasoo aan jabinayn Soonka waayo wixii dhiigga gaadha kama galin marinkii caadiga ahaa ee afka. Sidoo kale haddii uu qofku madaxa dhiig ka keeno, istoobo oo dhiig laga keeno amaba dhiig laga qaado Soonka ma jabinayaan inkastoo ay karaahiyo tahay haddii ay daciifinayaan qofka Sooman.

2-Luqluqashada iyo sandaarashada oo ay tahay inaan lagu talax tagin, sida uu caddaynayo Xadiiskii Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-" Haddii aad sandaarato ku talaxtag, illaa inaad tahay qof Sooman mooyaane" Asxaabta Sunanta ayaa warisay.

3-Waxyaalaha aan la iska dhawri karin sida liqista candhuufta, boodhka iyo wax kastoo ay dhib leedhay inaad iska ilaalisid.

4-Biyaha oo uu ku maydho ama uu dhex galo, iyadoo ay fiican tahay inuu iska ilaaliyo inay biyo galaan calooshiisa, haddiise ay galaan isagoon u qasdin Soonkiisu kama jabayo.Labada galin ee maalintiina waa isku mid . Caa'isha oo hooyadii Mu'miniinta Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyay inay tidhi:-" Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu waabariisan jirin isagoo Jibaano qaba oo waliba Sooman, markaasuu maydhan jiray" Bukhaari iyo Muslim baa wariyay. Hadalkaa hooyadeen Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaynu ka qaadan karnaa inuu qofka Soomani isagoo Jinaabaysan waabariisan karo Soonkiisuna uu u jirayo haddii cadceedu ku soo baxdo. Sidoo kale haddii dhiiga Caadada iyo dhiigga dhalmadu uu ka joogsado qofka dumarka habeenkii way bannaan tahay inay waaga dib ugu dhigato Soonkeeduna wuu u jiraa Salaadeedana way isku daahirinaysaa.

5-Qofka Sooman waxaa u bannaan inuu wax cuno,cabbo ama uu u galmoodo xaaskiisa inta waagu ka baryayo, marka uu waagu baryo ayayna waxyaalahaasi ka reeban yihiin, haddii waagu u dillaaco isagoo cunto cunaya, amaba isagoo hawl galmoosho wada labadaba dhaqso ayuu u joojinayaa, haddiise uu cuntadii iska liqo isagoo og waaga dillaaciisa amaba uu shaqadii galmooshaha iska sii wato Soonkiisu wuu ka jaban yahay.

 

 

<<Dib u noqo   Horay u soco>>

 

 


hilinkatoosan.com