Waxyaalaha Soonka Jabiya
Waxyaalaha Soonka jabiya waxay u
qaybsamaan laba qaybood oo kala ah:-
1-Wax jabiya oo dib ka gudis waajibiya.
2-Wax jabiya oo dib ka gudis iyo
kafaaragud waajibiya.
Waxa jabiya oo dib ka gudis
waajibiya
1-Cunista iyo cabista loo kaso, taasoo ah
inuu qofku isagoo og inuu Sooman yahay inta uu cunto iyo
cabitaan iska soo qaato uu iska cuno, isagoo og inay ka
jabinayaan, haddiise uu qofku cuno isagoo illawsan ama u
kasin amaba lagu qasbo gadaal ka gudis iyo kafaara gudis
midna dushiisa ma ahaanin. Nabigeenu naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"
Kii illooba-isagoo Sooman- ee markaa cuna ama cabba ,
Soonkiisa ha dhammaystiro, waxaa cunsiiyay Ilaahay oo
waraabiyaye" Kooxdaa warisay. Waxaa kale oo
Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye
uu yidhi:-"Ilaahay wuxuu ka qaaday(aan
dambi loogu qoraynin) umaddayda
waxa aan loo kasin,illawshaha iyo wixii lagu khasbo"
waxaa wariyay Ibnu Maajah,Addabaraani iyo Xaakim.
2-Iska matajinta loo kaso, haddiise uu
mataggu ka yimaado dib ka gudis iyo kafaaro gud midna
dushiisa ma ahaanin. Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Qofka
matagu ka yimaaddo dushiisa dib ka gudis ma saarna, ka
iskaga matajiya si ula kac ah dib ha ka gudo"
Waxaa wariyay Axmed iyo Abuu Daa'uud.
3-Dhiigga Caadada iyo dhalmada oo qofka
dumarka ah ka yimaadda xattaa saacadaha ugu dambeeya
maalinimadiiba ha ahaatee.
4-Biyo(Mani) uu ninku iska keenno si
kastaba ha iskaga keenee sida isagoo xaaskiisa dhuunkaday
ama gacantaba iskaga keenay Soonka ayay ka jabinayaan dib ka
gudis baana ku waajibtay, haddiisa ay si kale uga yimaadaan
sida riyo oo kale ma ka jabayo Soonkiisu, sidoo kale
dhareerka aan biyaha ragga ahayn ee ragga ka yimaaddaa wax
uma dhimaan Soonka.
5-Qofka isagoo Sooman niyaysta inuu
jabiyo Soonkiisa xattaa waxba yaanuba cunine.
6-Haddii uu cuno,cabbo amaba uu u
galmoodo xaaskiisa isagoo moodayay in gabbalkii dhacay oo uu
mar dambe ogaado inaanu gabbalkiiba dhicin sida culimadu u
badan yihiin dib ka gudis baa ku waajibtay.
Waxa jabiya ee dib ka gudis iyo
kafaara gudba waajibiya
Waxa jabiya ee waajibiya dib ka gudis iyo
kafaara gudba waxa ay culimadu isku raacsan yihiin inuu
yahay u galmooshada ninku xaasikiisa u galmooda maalinimada
Soonka. Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga
wariyay inuu yidhi:- Nin baa u yimid Nabiga naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, markaasuu yidha:-
Rasuulkii Ilaahayow waan halaagsamay, markaasuu yidhi(Nabigu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"
Oo maxaa ku halaajiyay",
markaasuu ninkii yidhi:- Xaaskaygii baan u galmooday maalin
Ramadaan. Markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye):-"Ma
haysataa wax aad qoor ku xorayso?". Nninkii wuxuu
yidhi:-Maya. Wuxuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye):-"Ma kari
kartaa inaad Soonto labo bilood oo isku xiga".
Wuxu yidhi ninkii:-Maya. Wuxuu yidhi (Nabigu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"Ma
heli kartaa wax aad cunsiiso lixdan miskiin?".
Wuxuu yidhi ninkii:-Maya. Abuu Hurayra wuxuu yidhi waxyar
markii uu fadhiyay ayaa Nabiga naxariis iyo nabdgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye loo keenay laan timir ku taallo ,
markaasuu ninkii ku yidhi:-"Sadaqayso
tan(timirtan)". Markaasuu ninkii yidhi:-Ma
cid naga faqiirsan baa jirta? Ma qolo ku nool labada daafood
ee Madiina oo nooga baahi badan baa jirta?. Markaasuu Nabigu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu qoslay
ilaa gawsihiisu ay muuqdeen kuna yidhi ninkii:-"Tagoo
cunsii reerkaaga" Kooxdaa warisay.
Sida ay culimadu u badan yihiin labada
qof ee ninka iyo naagtu way ka siman yihiin dib ka gudista
iyo kafaara gudkaba hadday labadooduba u kasaan inay isku
tagaan maalinimada Ramadaan. Haddiise ay isku tagaan iyagoo
illawsan, amaba lagu qasbo wax kaffaara gud ah oo saarani ma
jirto. Haddiise uu ninku naagta ku qasbo, amaba ay duruufo
jira darteed u afurnayd kafaara gudku isaga ayay dushiisa
tahay. Shaaficiyaduse waxay qabtaa inaan kafaaro gud waajib
ku ahayn qofka dumarka ah haddii uu qasbo iyo haddii ay
raalli ku ahaydba.