Guditaanka qofkii Soonku dhaafo

Guditaanka qofkii uu Soonku dhaafo waajib maaha inuu isla marka uu Soonku dhammaadaba horay ka gudo, balse wuxuu gudi karaa marka uu doono, ayaamihii ka tagay iyagoo xidhiidh ah ama iyagoo kala goongooni ahba. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-"Kii buka ama safar ku jira waa tiro ayaamo kale (inuu Soomo)", Aayaddaas oo aynu ka dhadhasan karro in qofkii uu Soonku kaga tagay xanuun amaba safarba inuu Soomo ayaamo u dhigma intii ka tagtay iyagoo isku xidhiidha amaba aan xidhiidh ahaynba. Ina Cumar waxaa laga wariyay inuu yidhi:-Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi isagoo ka hadlaya dib ka gudista Soonka:-" Haddii uu doono wuu qayb qaybinyaa, haddii uu doonana wuu xidhiidhin karaa" Waxaa wariyay Addaarqudni.

Sida hooyadii Mu'miniinta Caa'isha ka sugnaatayna waxay gudi jirtay Soonkii ka tagay bisha Shacbaan ee sannadka dambe, isla marka Soonku dhammaadana horay kamay bilaabi jirin. Haddii isagoon qofku gudin Soonkii ay bishii Ramadaan ee kale u soo gasho kan jooga ayuu Soomayaa wax kafaara gud ahina dushiisa maaha dib u dhiggaasi ha ahaado mid cudur daar leh amaba cudur daar yaanu lahaanine.Haddiise isagoo qofku lagu leeyahay Soon ka tagay uu dhinto sida ay culimada badankoodu qabaan dhaxlihiisa (cidda ugu dhaw ee dhaxashay) ayaa maalin kasta oo ka tagtay ka bixinaya dhuub cunto ah oo ay masaakiinta siinayaan. Hase yeeshee culimo ayaa qabta in uu qofka dhaxlay qofkii dhintay ee Soonka lagu lahaa uu ka Soomi karo iyagoo markhaati u soo qaadanaya Xadiisyo Rasuulka naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye laga soo wariyay oo qeexaya in ay qofka dhintay qaraabadiisu ka Soomi karaan intii maalmood ee ka tagtay, sida Xadiis ay Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay soo warisay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Qofkii dhinta isagoo lagu leeyahay Soon,Dhaxlihiisa(waligiisa) ayaa ka Sooma" Axmed iyo labada Sheekh ayaa wariyay, Bassaarna wuxuu ku daray:-"Haddii uu doono".IYo Xadiiskii kale ee ay Axmed iyo Asxaabta Sunantu ka wariyeen Ina Cabbaas Ilaahay isaga iyo aabihiiba ha ka raalli ahaadee in uu nin u yimid Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uuna ku yidhi:- Rasuulkii Ilaahayow (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) hooyaday ayaa dhimatay iyadoo bil Soon ah lagu lahaa ee ma ka gudi karaa?. Markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"Haddii uu ahaan lahaa hooyadaa dusheeda Dayn, ma ka gudi lahayd?", markaasuu ninkii yidhi:-Haa. Markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"Markaa Daynta Ilaahay ayaa ugu xaq leh in la gudo".

Imaam Nawawi naxariista Ilaahay dushiisa ha ahaatee wuxuu yidhi:-Hadalkaas ayaa saxa oo la doortay , kaasoo aanu aaminsan nahay, ayna saxeen asxaabtayada isku keenay Fiqhiga iyo Xadiisyada, in Xadiisyadaas ay sax yihiin cad yihiin.

  

 

<<Dib u noqo   Horay u soco>>

 

 


hilinkatoosan.com