Taariikhda                                                       

Taariikh Nololeedkii Dr. Sh. Cabdicasiis Al-Rantiisi

 

Dr. Sheekh Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid  Alrantiisi wuxuu ku dhashay tuulo yar oo la yidhaahdo Yibna oo u dhaxaysa Casqalaan iyo Yaafa taariikhdu markay ahayd 23/10/1947kii lix bilood markii uu jiray ayay sanadkii 1948kii reerkiisu u qaxeen xerada qaxootiga ee Khaan Yuunis oo ku taala gacanka Qasa, qoyskooduna wuxuu ka koobnaa 6 wiil iyo laba gabdhood.

     Lix sano markii uu jirey ayuu galay dugsi ay gacanta ku haysay Wakaaladda Gargaarka iyo Shaqo siinta Falastiiniyiinta. Sanadkii 1965kii ayuu dhammaystay waxbarashadiisa dugsiga sare.1972kii ayuu ka qalin jabiyay kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Al-Iskanderiya ee dalka Masar,isla jaamacddaas ayuu ka qaaday shahaadada Maajisteerka isagoo ku qaatay caafimaadka qaybta caruurta. Sanadkii 1976kii ayuu shaqo ka bilaabay dhakhtar Naasir la yidhaahdo oo ku yaala xerada Khaan Yuunis.

     Waxaa uu ka soo shaqeeyay Jaamacadda Qasa tan iyo intii la furay sanadkii 1978kii ,sanadkii 1983kii ayaa xabsiga loo taxaabay markii lagu eedeeyay inuu diiday bixinta cashuurta uu siinayo dawladda Israa'iil,  mar kale ayuu sanadkii 1988kii xidhnaa 21 cisho.Sanadkii 1987kii ayuu koox ka mid ah hormoodadii dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah la aasaasay Dhaqaaqa iskacaabinta Islaamiga ah ee Xamaas. 4.2.1988 ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay falal ka dhan ah Israa'iil waxaanu ku jiray muddo laba sano iyo badh ah waxaana la soo daayay 4.9.1990kii.Isla sannadkaas ayaa haddana xabsiga loo taxaabay isagoo ku jiray muddo hal sano ah. Xabsiga ayuu ku dhex xafiday Quraanka Kariimka ah isagoo qol kula xidhnaa Ilaahay ha u naxariistee Sh. Axmed Yaasiin. 17.12.1992 ayaa isaga iyo 400 oo qof oo kale oo ka kala tirsanaa ururada Jihaad iyo Xamaas ayaa loo tarxiilay koonfurta Lubnaan halkaasoo ahayd meeshii uu magaciisu ku soo shaac baxay kaddib markii uu af hayeen u noqday dadka laga saaray waddankoodii.Kaddib markuu dib uga soo noqday xeradii ay koonfurta Lubnaan kaga jireen ayay ciidamada Israa'iiliyiintu haddana xabsiga u taxaabeen, halkaasoo uu ku jiray ilaa badhtamihii sanadkii 1997kii. Kaddib markii uu xabsiga ka soo baxayna waxaa xabsiga haddana dhigay xukuumadda Falastiiniyiinta ee ka jirta Qasa iyo Daanta galbeed halkaasoo dhawr jeer lagu celceliyay iyadoo marka uu ka soo baxaba mar kale lagu celinayay wuxuuna guud ahaan ku jiray celcelis ahaan 27 bilood.Bishii Juun 2003dii ayuu ka badbaaday gantaal ay ku dhufteen diyaaradaha Israa'iil gaadhi uu ku jirey isagoo gacanka Qasa jooga waxaana ka soo gaadhay dhaawac isaga iyo wiilkiisa oo la socday.Kaddib 22kii Maarso 2004ta markii la dilay hoggaamiyihii hore ee Xamaas Sh. Axmad Yaasiin Ilaahay ha u naxariistee ayaa loo doortay hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa markaasoo uu ballan ku qaaday in loo aari doono, hase bil in ka yar dabadeed taariikhdu markay ahayd 17kii Abril 2004ta ayuu ku geeriyooday gantaal ay diyaaradaha Irsii'iil ku dhufteen gaadhi uu la socday waxaa kaloo isla goobtaas ku dhintay labo ruux oo la socday.Ilaahay ha u naxariisto.     

 


Xigasho:-

  • Kanaalka Satalaytka ee Aljaziira