|
Taariikh kooban oo
Sheekha
Sh. Cabdirashiid Maxamed
wuxuu ku dhashay Soomaaliya waxaanu
waxbarashadiisii Quraanka iyo hooseba ku soo
qaatay halkaas, waxbarasho jaamacadeed ayuu
u tagay waddanka Suxuudiga waxaanu kaga soo
baxay jaamacadda Madiina Al-munawarah isagoo
ka soo qalin jabiyay kulliyadda Quraanka
Kariimka ah, sidoo kale waxaa waddanka
Ingiriiska ka soo qaatay shahaadada
Majesteerka isagoo ku soo takhasusay
Arrimaha bulshada muslinka ee Yurub ku
nool.Sheekhu waxa uu ka mid yahay
dhallinyarada safka hore kaga jira sidii ay
diinta Islaamku u sal dhigan lahayd qaaradda
Yururb, hadda waxa uu ku nool yahay waddanka
Sweden, magaalada Göteborg, waxaanu wax ka
dhigaa Iskuulka Islaamka ee Göteborg, isla
markaana waxa uu Imaam ka yahay Masaajidka
Raabidada Islaamka ee Göteborg.
Sheekhu waa xaasle 5
caruurana wuu leeyahay. |