Saalim Aabihii

Saalim Aabihii

Sheekadanina waxay ka dhacday Sucuudiga waxaana iska waramaya Saalim aabihii oo ka waramaya sida noloshiisu ahayd markii hore iyo wixii ku dhacay falalkii uu samaynayay darteed, wuxuuna sheekada ku bilaabay:-" Waxaan ahaa nin dhallinyaro ah oo aad u af dheer, dhallinyarada dhiggayga ah iyoo saaxiibadayba way iga baqi jireen, af dheeridayda iyo dacaayadahayga ayuu qof waliba ka baqi jiray, waxaan aad ugu ba'naa sida wax loo dacaayadeeyo iyo sida wax loo canjilo,dadka madaxda ah iyo kuwa filimada matala ayaan codkooda iyo siday u hadlaan canjili jiray, iyadoo qofkii i dhagaystaa uu ii malaynayay qofka aan canjilayay inuu hadlayo.

Noloshaydu waxay ahayd cun oo cab oo seexo oo saaxiibadaa la soo sheekayso oo xan iyo been iyo canjilaad uun ku jir, waqtigaygu muu ii xisaabsanayn, habeen oo dhan waxay noo ahayd soo jeed, maalin oo dhanna hurdo, Masaajid laga eedaamo maan gali jirin, wanaag kale oo aan sameeyana iskaba daa, anigoo sidii ah ayaa reerkayagii ii guuriyay, gabadh wanaagsan oo dhaqan iyo asluub iyo diin ku dhaqanba leh ayaa guursaday, noloshaydiise waxba iskama baddalin, inaan xaas leeyahay iyo in kale layma kala garan jirin. Waxaan noloshaa ku jiraba, xaaskayguna waano iyo wax u sheegis igala daashay, wax kasta oo ay i waydiisana aan si guracan ugu jawaabo, ayay uur ii qaaday, wax noloshaydii iska baddalayna ma jirin, dhibaatada, wallaca iyo tamar darada xaaskayga haysataa iima muuqato, habeenkii halkii markii hore waagu saaxiibaday agtooda iigu baryi jiray umbuu hadana aanu waxba ka duwanayn, waayo saqda dhexe ayaan markaan u horreeyo soo hooyan jiray.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa anigoo saaxibaday la cawaynaya ayaa waxaa na soo ag maray nin curyaan ah oo indha la' oo tuugsanay,ulna ku tukabaya, intaan lugta hor dhigay ayuu af af u dhacay, qosol bay saaxiibaday la dhaceen, markaasaan waliba sidii uu u socday intaan canjilay indhana aan isku qabtay ayaan sidii uu u tuugsanayay u tuugsaday. Goor dambe oo waagiiba dhaw yahay ayaan gurigii ku  soo noqday, mise waa xaaskaygii oo taahaysa oo fooshiiba hayso, intay cod daciif ku tidhi xaggeed ka dhacday fooshiibaa i haysee ayay iga dalbatay inaan dhakhtar geeyo, intaan firko naxay ayaan ka naxay dhibaatada iyo diifta xaaskayga ka muuqatada iyo sida aananba u ogayn, dhakhtar baan ula cararay, qolkii dhalmada ayaa la geeyay, markii aan muddo sugayay ayay gabadh kalkaaliso caafimaad ahi intay ii timid ayay igu tidhi hadda waad u tagi kartaa xaaskaaga iina sheegtay in wiil ii dhashay, oo intay i hor gashay i gaysay qolkii xaaskaygu ay jiiftay, wax yar ka bacdina dhakhtarkii baa ii yeedhay oo ii sheegay in wiilka ii dhashay uu indho laayahay, isla markaana lugihiisu aanay awood lahayn, muddo kabacdina waxaa la ogaaday inuu curyaan fadhiid ah yahay.

Xaaskaygu waa qof Iimaan lehe waxay damacday inay iga dhaadhiciso in qaddarka Eebbe uu noo gartay inuu wiil indho la' oo curyaan ahi noo dhasho, noloshaydii wax iska badalay ma jirin dhalashadii wiilkaas oo Saalim aanu u bixinay kaddib, balse halkaygii baan ka sii miisay, hooyadii ayaa xanaanaysa, iyadoo aaminsan qadarka Eebbe iyo garashadiisuba inay tahay waxaan sinaba kuu seegi karin, had iyo goor waxay igu waanisaa inaan noloshan iyo baadidan aan ku jiro ka toobad keeno, dhagse jalaq uma siiyo, guriga inaan joogo iyo inaan maqanahayba ma kala soocna, wax shaqo ah oo aan la korinta Saalim hooyadii u gaystaa ma jirto. Laba wiil kale ayaa noo dhashay, iyaga ayaan koolkooliyaa, Saalimse inuu jiro iyo inuu joogaba war uma hayo,la wada kor Saalim 10 jir ayuu gaadhay, maalin Jimce ah ayaa anigoo guriga ka baxaya oo intaan cadar iyo cuudba isku shiday, saaxiibadayna u socda ayaa anigoo iridka hore ka sii baxaya ayaa waxaan maqlay Saalim oo aad u ooyaya, cidina aanay ka ag dhawayn, intaan qooraansaday ayaan hareerihiisa eeg eegay bal inay hooyadii ka ag dhaw dahay mise cidiba ma joogto, walaaladiisii ka yaryaraa ayaan haddana jeedaaliyay mise gurigaba cid ka muuqataa ma jirto.

Intaan xaggiisa u soo dhaqaaqay una soo dhawaaday ayaan ku idhi:-"Saalim maxaa kugu dhacay ee aad la ooyaysaa", intuu oohintii yara hakiyay, ayaa markii uu codkayga gartay baabuurkii uu ku jiray dib ula sii siqay, iyadoo aad mooddo inuu iga cararayo,oohintiisiina iska sii watay, intaan u soo dhawaaday oo aan garabka gacanta ka saaray ayaan mar labaad baan ku celiyay, Aabo maxaa kugu dhacay, intuu oohintii hakiyay, ayuu iigu jawaabay:-" Walaalkay baa ii kaxayn lahaa Salaadda Jimcada, markaa saacaddana weli wuu maqan yahay, safkii hore ayaa la iga hor buuxinayaa",intaan halkaygii ku qaboobay, ayaan is waydiiyay goor aan tukadaba, iska Salaad Jimce oo aan taga e, intuu dhidid iga yimid ayaan hareerahayga eeg eegay, waxaan ku idhi:-"Aabbo maanta aniga ayaa Salaadda ku gaynaya", Saalim intuu yaabay ayuu u qaadan waayay, gurigii baan dib ugu noqday, markaasaa intaan soo maydhay, dhar bilic lehna soo qaatay, aniga iyo Saalim isku raacnay si aan ugu soo tukano Salaaddii Jimce Masaajid noo dhawaa.Nasiib wanaag safka hore ayaan Saalim meel bannaan uga helay, la tukay Salaaddii, markii Salaaddii laga baxay ayuu igu yidhi:-"Aabbo Kitaab Quraan ah iisoo qaad", yaab Ilaahay ii keen, damcayna inaan ku idhaahdo oo waxba ma aragtid maxaad ku fali, hase yeeshee waan kula dhici waayay anigoo ka dhawraya inaan niyada ka xumeeyo. Kitaabkii soo qaaday, markaan u  keenay buu igu yidhi:- "Aabbo ii dhagayso Suuradda Al-Kahfi", malaha garan maayo goor iigu dambaysay Quraan aan kala bixiyo, intaan kala bixiyay ayaan u dhagaystay, mise aayadi aayadi kagama khaldamayso.

Gurigii baannu ku soo noqonnay,Saalim hooyadii oo yaabanayd oo is lahayd talow maanta Saalim xagguu ka dhacay illayn walaalkiisii Salaadda gayn jiray waa kan jooga ahe ayaa markay naga aragtay na waydiisay, oo maanta xaggaad isku raacdeen? iyo Masaajidkaanu ka nimid aniga iyo Saalim, yaabtay xaaskaygii, oo waad fiican tihiin haddaa maanta e, ayay tidhi iyadoo qosol iyo farxadi wajigeeda ka muuqato.Maalintaa laga bilaabo waxaan qoomameeyay noloshaydii hore, waxaan Ilaahay ka baryay inuu iga dhaafo wixii gaf iyo xumaan ah ee iga dhacay, waxaan maalintaa laga bilaabo goostay inaan ka go'o saaxiibadii xumaa ee aanu wada dambaabi jirnay, waxaanan la saaxiibay Masaajidka iyo asxaabta ku xidhan, Saalim oo aanan awal ag mari jirin ayaan aad u jeclaaday, Masaajidka anaa geeya isaga walaalihiis, Quraanka ayaanu wada akhrisanaa, xaaskaygii awal murugada iyo walwalku wajigeeda ka muuqan jiray ayaa nolol cusubi u bilaabatay, waxaanu sidii ahaanaba, maalintii dambe ayaan xaaskaygii u sheegay inaan socdaal diineed ugu baxayo gobol kale, anigoo oo is lahaa malaha kaa yeeli mayso, Ilaahay mahaddii weeyaane wayba igu sii boorisay.

Magaaladii kale ayaan muddo ku maqnaa aniga oo sii raacay dhallinyaro dacwada iyo wanaag u sheegista dadka ka shaqaysa,intaa aan maqnaana habeen kasta guriga waan la soo hadli jiray, laba wiig markii ay ka hadhsanayd soo noqodkaygii ayaan habeen la soo hadlay xaaskaygii, si aan xaaladdooda uga waraysto, hasee yeeshee farxaddii aan xaaskayga uga bartay kama helin, caruurtii iiga warran iyo waa la sika wada fiican yahayna way ii dhaafin wayday, markasta oo aan la soo hadlo waxaan waydiin jiray Saalim iyo xaaladdiisa oo runtii aan aad iyo aad u jeclaa, hase yeeshee wuu fiican yahay ayay igu tidhi. Soo noqday markii gurigii imid ayaa waxaa igu soo orday labaydii wiil ee kale midkood, intaan kor u qaaday, dhuunkadayna ayaan hareeraha eegay, waydiiyayna aaway Saalim, kii yaraa ayaa hadal caruurnimo ku yidhi:-"Aabo Saalim Jannada ayuu tagay", intaan naxay ayaan xaaskaygii oo halkan taagay eegay, intay adkaysan kari waydiiyay oo ay oyday ayay ii sheegtay in muddo labo wiig laga joogo uu xanuunsaday , xumad badanna yeeshay, dhakhtarna ula carareen, wiig ka bacdina uu dhintay, ay telefoonka iigu sheegi wayday iyadoo inay iga nixiso diidanayd.  


Hilinkatoosan.com