|
Salaaddu waa cibaado(1
)ka
kooban akhrin (Quraan , Alla waynayn,Alla nasahaad,Alla baryid) iyo
falal gaar ah(Rukuucid(2)
, Sujuudid(3)).
Kuna furanta (bilaabanta) waynaynta Eebbe korree oo waynaaye
(Allaahu Akbar/Ilaah baa wayn), kuna dhammaata
(xidhanta) salaama naqsi (Assalaamu Calaykum/Nabadgalyo
korkiinna ha ahaato).
Waa udub dhexaadka diinta ,la'aanteedna diintu dhismayn sida uu
Rasuulkeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye inoo
caddeeyay isagoo yidhi:-(Arrinka
madaxiisu waa Islaamka,udubdhexaadkiisuna waa Salaadda ,baarka
kuruskiisuna(figtiisa korena)
waa u halganka Jidka Ilaahay).
Ilaalinteeda iyo dhawristeeda xilliyeedna (waqtiyada salaaddu) waa
waajib saaran qof kasta oo muslin ah xaalad kasta oo uu ku
jiraba.Eebbe korree oo waynaaye oo inna faraya ilaalnteedana wuxuu
yidhi:- (Ilaaliya Salaadaha iyo Salaadda
dhexe(Casar), una istaaga dar Eebbe
idinkoo yeeli (khushuucsan),haddii aad
cabsataana idinkoo lug ah,ama gaadiid fuushan (tukada), markaad
nabad heshaana xusa Eebbe sida uu idiin baray waxaydaan aqoonin)
[Suuradda Albaqara (Suuraddii Saca) 238--239].
Salaaddu waa xilkii cibaadooyinka ugu horreeyay ee uu Eebbe nasahnaa
oo korreeye saaray addoomadiisa , iyadoo uu xilkaas si toos ah u soo
faray Rasuulkeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye
habeenkii la dheelmiyay ,samooyinka korana la geeyey , ummaddiisana
ugu soo dhiibay xilkaas iyadoon cidi u dhaxayn.
_________________________
1-Cibaadadu waa wax kasta oo fiican oo Ilaahay dartii loo sameeyo
sida :- Salaadda, Soonka, Sakada (Sadaqada), tagista Xajka, u
samafalka dadka tabaalaysan,u halganka jidka Eebbe, faritaanka
wanaagga iyo reebidda xumaanta, barista dadka aqoonta Eebbe ku
baray iwm.Cibaadaduna waa wixii Eebbe adduunkan dartii u abuuray
.Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-(Umaanan abuurin Jinka
iyo Insiga(dadka) inay i caabudaan mooyee).
2.Rukuucdu waa fal Salaadeed ka mid ah falalka ay Salaaddu ku
dhammaystirmayso, waxaana uu qofka muslinka ahi sameeyaa marka uu
akhriyo Suuradda Faataxada iyo Quraankii kale ee u fududaada kaddib,
waana foorarsi qufku uu jilbihiisa ku qabsanayo gacmihiisa
,dhabarkiisana uu simayo, iyadoo labadiisa lugoodna waxogay kala
durugsan yihiin, isagoo odhanaya (Subxaana Rabbiyal Cadiimi
Wabixamdihii=Rabbigayga wayn baa ku nasahan mahadiisa).
3.Sujuuddu waa fal Salaadeed la sameeyo Rukuucda kaddib ,iyadoo uu
qofku saarayo dhulka foodda
wajiga,sa-nka,gacmaha(calaacalaha),jilbaha iyo faraha lugaha, iyadoo
faraha gacmuhu la siman yihiin wajiga,isla markaana waxogay kala
furaya garbaha,isagoo odhanaya (Subxaana Rabbiyal Aclaa Wabi
Xamdihii=Rabbigayga korreeya baa ku nasahan mahaddiisa).
____________________________
Asaxaabigii1
la odhan jiry Anas binu Maalik Ilaahay ha ka raalli ahaadee wuxuu
yidhi:-(Waxaa salaadda lagu farad(waajib) yeelay Nabaiga
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye habeenkii la
dheelmiyay iyadoo konton (Salaadood) ah ,markaasaa la dhimay
ilaa laga yeelay shan(Salaadood), markaasaa loo dhawaaqay
(nabaiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) oo la
yidhi:- "Maxamadow; Hadalka agtayda lama
beddelo, shantaas waxaad ku leedahay (abaalmarinta) konton(Salaadood)).
[Waxaa wariyay Axmad ,Annisaa'i iyo Tirmiidi oo saxay].
Waa tiirka labaad ee lammaaneeya qiritaanka addoonku qiro kelinimada
Eebbe iyo xaq u yeelashada cibaadada uu Eebbe darteed Jin iyo dadba
u abuuray ,sida Eebbe nasahnaa oo korreeye uu Quraanka innoogu
sheegay yidhina:- (Umaanan abuurin Jinni iyo dadba inay i
caabudaan mooyee) (Suuradda Addaariyaat 56). Iyo qiritaanka in
Nabi Maxamad naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye
adoonkiisii iyo soo dirihiisii (Rasuulkiisii) uu yahay
.Iyadoo isla markaa Salaaddu u noqonaysa addoonka xayndaabkii uu
xumaanta ka galayay , sida Eebbe nasahnaa oo korreeye uu innoogu
sheegay Quraaanka:- (Akhri (nabiyow) waxa laguu
waxyoon oo kitaabka ah, oog Salaadana, maxaa yeelay Salaaddu waxay
ka reebtaa (dadka)
xumaanta iyo wax la noco , xusidda
Eebbaana wayn , Eebbana waa og yahay waxaad samaynaysaan)
(Suuradda Al-Cankabuut 45).
Isla markaana u ahaanaysa mid(Salaaddu) gafafka ka maydha ,sida uu
yidhi Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye:- (Shanta Salaadood waxay la mid yihiin sida wabi biyo
badan oo qulqulaya afaafka midkiin, kuna maydha(qabaysta)
maalintii shan jeer). [Muslin baa wariyay]. Iyo Xadiiskii kale ee Rasuulkeennu naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-(Shanta
Salaadood , iyo Jimce ilaa Jimce , iyo Ramadaan ilaa
Ramadaan waxay tirtiraan
(gafafka) dhexdooda ah , haddii laga dheeraado(danbiyada) kuwa waawayn)
[Muslin baa wariyay].
________________________
1-Asaxaabi (la socde) waa facii ugu horreeyay ee Umadda Nabigeenna
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye,nasiibna u yeeshay
inay Nabiga Eebbe la soo dhaqmaan , jidna la soo maraan , xilkii ugu
ballaadhna
ee fidinta diintana dhabarka u ritay ,iyagoo arrintaas ku mutay inay
noqdaan faca u khayr badan umaddan ,sida uu nabigeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi :-(
Waxaa idiinku
khayr badan facayga ,markaana kuwa ku sii xiga, markaana kuwa ku sii
xiga).
_________________________
Waa xadhiga xidhiidhiya Ilaahay iyo addoonkiisa ,ahna waqtiga
uu addoonku Eebbihii ugu dhawaansho badan yahay,sida uu
Rasuulkeennu naxariis iyo nabad galyo Eebbe korkiisa ahaataye
yidhi:-(Wuxuu addoonku ugu dhawaansho badan yahay
(Ilaahay) isaga
oo sujuudsan) [Basaar baa soo saaray Ina Mascuud buuna ka soo
xigtay waana xadiis saxiix ah]. Waana fal(camal) addoonku qabto ka
ugu khayr badan , sida uu Rasuulkeennu inoo sheegay naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye isagoo yidhi:-(Toosnaada
koobi maysaane,ogaadana in camalladiina(falalkiinna)
ay Salaaddu ugu khayr badan tahay, waysaysigana ma dhawro qof
mu'min(rumeeye)
ah mooyee) [Maalik ayaa
kitaabkiisa Mooda' la yidhaahdo ku qoray].
Iyadoo isla markaana noqonaysa falkii uu addoonku samayntiisa
Jannada kula dhex taxtaxaashi lahaa Rasuulkeennii naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, sidii uu Muslim ka soo wariyay
Ina Rabiica Maalik oo reer Aslami ahaa (Rabiica Binu Maalik
Al-Aslamiyyi) inuu yidhi:-Rasuulkaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye igu yidhi:-(Waydiiso(wax i waydiiso))
, markaasaan ku idhi:- waxaan ku waydiisanayaa inaan Jannada
dhexdeeda kugula daanshadaanshoodo , markaasuu yidhi(Rasuulku
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Wax kale
miyaadan i waydiisanayn?),markaasaan ku idhi:- Waa intaas,
markaasuu yidhi (Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye):- (Haddaba adna iigu dadaal naftaadu badsiga sujuudda
(Salaadda)).
Waana waxa ugu horreeya Salaaddu ee maalinta Abaal-marinta(Qiyaamada) la
waydiin doono in addoonku si fiican u gutay iyo in kale ,waana
falka(camalka) addoonka u hagi doona hoygii badhaadhaha(Janada)
haddii waxqabadkiisii adduunyo hormoodkiisa oo Salaadda ahi
hagaagsnaato,toosnaato si fiicanna u soo gutay, ama u hagi doona
hoygii baaba'a(Naarta),haddii waxqabadkiisii adduunyo
hormoodkiisa oo Salaadda ahi hallawdo ,si fiicanna u soo gudan
waayay , sida uu nabigeenni naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye innoogu sheegay Xadiiskii uu ku yidhi:-(Waxa ugu
horreeya ee addoonka waxqabadkiisii(camalkiisii) la
warsan(xisaabin) doono maalinta Qiyaame waa
Salaaddiisii, Markaa haddii ay hagaagsanaato wuu gudbay
(aflaxay)
wuuna liibaanay (najaxay),haddiise ay hallowdo wuu
hoogay wuuna khasaaray.Haddii uu wax ka dhinnaado
faradkiisii (Xilkii lagu waajibiyay),Rabbi
waynaa oo sharaf badnaaye wuxuu odhani:-"Eega
(fiiriya) addoonkaygu ma leeyahay dheeri
(Salaad
Sunne1
ah)
oo looga dhammaystiro wixii ka dhinnaaday faradka?" . Markaasuu
waxqabadkiisa kalana sidaa noqonayaa) [Tirmiidi baa wariyay
wuxuuna yidhi waa xadiis fiican].
Waajib ahaanta Salaadduna waxay ku sugnaatay Kitaabka Quraanka
ah ee sharafta badan , iyo jidayntii (Sunnadii) Nabigeenna
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaata-ye.Haddii aan Quraanka
sharafta leh ku horreyno Eebbe waynaa oo korreeye meelo fara badan
oo Quraanka ah ayuu innoogu caddeeyey heerka ay Salaaddu tahay inay
qof kasta oo muslin ah oo Eebbe iyo rasuulkiisa rumeeyay ka
taagnaato(dhawristeeda,qadarinteeda iyo gudashadeeduba).Eebbe
nasahnaa oo waynaaye wuxuu yidhi:-(Waxaa liibaanay ruuxii Daahir
noqda ,magaca Eebbeana xusa Salaadana tukada) [Suuradda Al Aclaa
14-15].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Salaaddu
waxay ku tahay Mu'miniinta Xukun waqtiyaysan)[Suuradda Annisaa'a
dhammaadka aayadda 103].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Anigu
waxaan ahay Alle Ilaah kalana ma jiro aniga mooyee ee ani i Caabud
, Salaaddana u oog xuskayga) [Suuradda Daaha 14].
Waxaa kale oo
uu Eebbe korreeye yidhi:- (Salaaddana ooga ,
Sakadana bixiya, Waxaad u hormarsataan naftiina oo khayr ah waxaad
ka helaysaan Eebbe agtiisa ,Eebbena waxaad qabanaysaan(Camalfalaysaan) waa
arkaa) [Suuradda Al-Baqarah 110].
Waxaa kale oo uu Eebbe
korreeye yidhi:-(Ilaaliya Salaadaha iyo Salaadda dhexe(Casar)
una istaaga dar Eebbe idinkoo yeeli(Khushuuci) )
[Suuradda Al-Baqarah 238].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye
yidhi:-(U tuko Eebbahaa dartiis,waxna u gawrac) [Suuradda Al-Kawsar 2].
Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-(Waxa liibaanay(dhab
ahaan) Mu'miniinta,ah kuwa Salaadda ku Khushuuca) ilaa
laga gaadho hadalka Eebbe korreeye uu ku yidhi:- (Waana kuwa
Salaadahooda ilaaliya, kuwaasi waa kuwa dhaxli
(wanaagga), oo ah kuwa dhaxli
(Jannada)
Firdawsa kuna waari dhexdeeda) [Suuradda
Al-Mu'minuun 1,2------9,10,11].
Rasuulkeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye,
Jidayntiisii (Sunnadiisii fal iyo hadalba ahaa) ayuu innagu tusay ,
Xadiisyo fara badan oo Salaadda waajibnimadeeda caddaynayana waa
laga soo wariyay ,waxaana ka mid ah Xadiiskii uu Nabigeennu naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku yidhi:- (Waxaa la i
faray (amray) inaan la dagaalamo dadka ilaa ay ka
qirayaan inaan Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, iyo in Muxamadna
Rasuulkii Ilaahay yahay , iyo inay Salaadda oogaan , bixiyaanna
Sakada, hadday sidaas yeelaanna waxaa iga dhawrsoon (reeban)
dhiigooda iyo xoolohooda xaqa Islaamku ku leeyahay mooyee,
xisaabintoodana Ilaahay baa haya) [Bukhaari iyo Muslin baa
wariyay].
Waxaa kale oo uu Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa
ahaataye yidhi:-(Ninka(qofka) iyo gaalnimada waxaa u
dhaxeeya ka tagista Salaadda) [Axmad,Muslim,Abuu
Daa'uud,Tirmiidi iyo Ina Maajah(Ibnu Maajah) baa wariyay]. Adkaynta
uu Salaadda innagu adkaynayo oogisteeduna waxay ahayd
dardaarankiisii ugu danbeeyay markii uu dunidan ka sii socday xagga
Eebbehiina u noqonayay, isagoo odhanaya:-(Salaadda ,Salaadda
(ooga, ooga oo dhawra) iyo ciddii gacantiinnu hantido
(u naxariista oo kaalmeeya) ).
|