|
بسم الله الرحمن
الرحيم
Walaalayaal halkani
waxaad ka baran doontaan tafsiirka Quraanka
Kariimka ah oo ay culimada Soomaaliyeed
halkan idiinka soo jeedin doonaan,
waxaanannu haddii Eebbaha awoodda lihi innoo
oggolaado aannu halkan idiinku soo gudbin
doonnaa kuwa ugu caansan culimada
Soomaaliyeed.
laahay Korreeye wuxuu yidhi:-"Kan
is duuduubayow (Nabiyow),
Istaag habeenka (Tuko oo Cibaadayso)
in yar mooyee,Badhkii (tuko oo Cibaadayso)
ama ka yaree wax yar,ama ka kordhi, una akhri Quraanka si degen
(oo fiican)" Suuradda Al-Musammil Aayadda 1---4aad.
Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye waxaa laga wariyay inuu yidhi:-"Waxaa
lagu yidhaahdaa akhriyaha Quraanka akhri oo kor(Sallaanka
kor u kor) una soo dareeri sidii aad
adduunkii ugu dareerin jirtay, heerkaaga (darajadaaduna)
waa aayadda ugu dambaysa ee aad akhrido(inta aayadood ee
aad akhrido ayuu heerka aad Jannada ka gaadhaysaa noqonayaa)".
Quraankuna waa dastuurkeennii iyo
hagaheennii inta aynu adduunyada joogno, aakhirana darajada la kala
gaadhayaa waa qof waliba sida uu adduunka ugu dhaqmi jiray, una akhrin
jiray uguna dadaali jiray,marka uu addoonku ka dheelmado adduunkana
qofka Quraanka la saaxiibka ah waxaa gacanta qabta Quraanka oo meel
kastana mariya, isagaana u shafeeca qaada addoonkaas.Haddaba walaalkayow
Ilaahay nasahnaa oo korreeye ha ina garansiiyee aynu Quraanka adduunka
wehel uga dhigano si uu wehel innoogu noqdo aakhiro.
|