Walaashaa maxaad u ilaalin wayday

Walaashaa maxaad u ilaalin wayday

Wiil dhallinyaro ah oo waddamada muslinka ah ee Aasiya ku yaala ku noolaa ayaa u shaqo tagay waddamada Khaliijka oo dadka dadyarta ah ee wadamada dunida saddexaadi ay u shaqo u tagaan marka ay wadamadooda ka waayaan shaqo ay nolol maalmeedkooda kala soo baxaan.Haddaba wiilkaas dhallinyarada ah ayaa markii uu muddo urursanayay kharashkii uu tigidh iyo baasaaboor ku samaysan lahaa ayaa isu diyaariyay inuu u socdaalo xagga waddamada uu u shaqo tagayay.Wiilkaasi Reerkoodu waxa uu ka koobnaa gabadh gashaanti ah oo ay walaalo ahaayeen iyo aabahood oo da' ah xanuunna ugu darsamay oo aan sariirta ka dul kici karaynin,si uu u macasalaameeyo una sagootiyo ayuu aabihii oo sariirta dul yaala intuu ugu yimid madax iyo minjana ka dhuunkaday ku yidhi aabbo waan socdaalayaaye ii ducee. Aabaha wiilka dhalay oo da' iyo cudur iskugu darsamay,sariirtana aan ka dul kici karayn ayaa markuu wiilkiisii u duceeyay ku yidhi intuu gabadhii wlaalaha ay ahaayeen farta ugu fiiqay:-"Aabbo waxaan kugu waaninayaa inaad walaashaa ilaaliso"....Wiilkii baa intuu yaabay ku yidhi:-" Oo aabbo adigayba kula joogtaa kuna daryeelaysaaye sidee baan u ilaaliyaa". Aabihii baa ku celiyay:- "Aabbo adigu haddii aad is ilaaliso walaashaana ilaalisay".

Wiilkii u socdaal dalkii uu u shaqo tagayay, muddana ku maqnaa, haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday in nin biyoole ahaa oo gurigii uu aabihii iyo walaashii kaga tagay biyaha u shubi jiray ayaa maalintaas markii uu biyaha u shubay gabadhii intuu ku soo dhawaaday dhuunkaday, odaygii aabaheed ahaa oo daaqad xagga daaradda ku beegnayd ka arkayay waxa dhacayay waxse aan ka dhihi karaynin falka meesha ka dhacay ayaa aad uga xumaaday waxa dhacay, hasee yeeshee lama soo qaadin gabadhiisii. Muddo markii wiilkii maqnaa ayuu maalin dambe ku soo guryo noqday gurigoodii, markii uu aabihii dhabanada ka dhuunkaday walaashiina salaamay waxogaana lays waraystay, walaashiina ay hawlo guri u baxday ayuu intuu aabihii madaxa la soo yar kacay ku yidhi:-" Aabbo maxaad walaashaa u ilaalin wayday saw anigii ku idhi ilaali maahan", inankii intuu yaabay ayuu yidhi:- Aabbo sidee baan u ilaalin lahaa". Aabihii baa ku yidhi:-"Aabbo waxba ha iga qarin e ii sheeg maalin goor barqo ah waxa aad ka samaysay wadaankaad joogtay"...Inankii madaxa yar adkee hase yeeshee aabihii markii uu ku adkaystay inuu sheego wixii uu sameeyay ayuu wiilkii yidhi:-" Aabbo waxba maanan samayne, laakiin maalin baa anigoo xafiiskii maareeyaha shirkaddii aan u shaqaynayay fadhiya, xafiiskuna uu markaa cidlo ahaa ayaa waxaa soo gashay gabadh uu dhalay maareeyuhu, intay igu dhawaatay iskuna ka looxday ayay i dhuunkatay aniguna intaan is hayn kari waayay ayaan dhuunkaday wax intaa dheerina ma dhicin".

Wiilka aabihii baa intuu wiilkiisii ka codsaday inuu barkimo ku soo tiiriyo, uga warramay wiilkiisa wixii maalintii walaashii iyo biyoolihii dhex maray kuna yidhi:-" Haddii aad intaa wax ku dari lahaydna halkanna wax baa ku darsami lahaa ee waxaan kuu lahaa walaashaa ilaali, waxaad samayso walaashaa uun bay ka go'ayaane ogow".


Hilinkatoosan.com