
|
Wararka |
| Askari Maraykan ah oo Ciraaq lagu dilay
(HTO):-Askari ka tirsan ciidamada mariiniska maraykanka oo asalkiisu u dhashay waddanka Lubnaan magaciisana lagu sheegay Waasif Cali Xasuun ayaa kooxdii haysatay ay sheegaysaa inay qoorta ka goysay , halka uu wali maraykanku shaki galnayo dilkaasi, wararka dilka ninkaas ayaa wali muran ka taagan yahay. Ninkan oo laba toddobaad ka hor la afduubay oo markii horana la la'aa meel uu jaan iyo cidhib dhigay waxaa cajalad loo soo diray TVga Aljaziira isagoo inta indhaha laga xidhay seef la dul hayo, kooxdaas oo ku hanjabtay inay qoorta ka goyn doonaan haddii aanu maraykanu sii daynin maxaabiista uu xabsiyada ku hayo waddanka Ciraaq. Warkan qoor ka goynta oo Internetka laga helay waxaa ay kooxdaasi dhambaal u dirtey madaxwayne Buushka maraykan iyagoo ku odhanaya:- "Wadanka Ciraaq ciidamadaada kala bax aad nabadgalyo heshide.
Xigasho:- kanaalka Aljaziira ee afka carabiga ku hadlo/wakaalado Saddaam Xuseen oo Maxkamad la soo taagay
Dhinaca kale qareeno fara badan oo iskood isku xilqaamay oo sheegay inay daaficayaan Saddaam Xuseen ayaa qaarkood sheegay in loo hanjabay haddii ay Ciraaq galaan in la googoyn doono, dhinaca kala ku tilmaamay in maxkamaddaasi ay tahay waxaan sharciba ahayn. Xigasho:- Kanaalka Aljaziira/wakaaldo Libaax dad ku dilay, laguna dilay degmada X/weyne & Muuqaalkii Libaaxa & raggii dilay
Ilaalada xarunta X/weyne ee shirkadda isgaadhsiinta Nation-Link ayaa rasaas kor ugu riday libaaxa isaga oo markaasi jiidanayey Axmed Max’uud Axmed oo waardiye ka ahaa shirkadda barafka, waxaana uu libaaxu u cararay dhinaca wadada hor marta isbitalka Mertiini, isagoo dib ugu soo laabtay wadada ka timaada xarunta shirkadda Nation-Link oo ah wadada u dhexeysa maxkamadda gobolka & maxkamadda rafcaanka halkaasoo uu ku dilay Libaaxa mid ka mid ah ilaalada shirkadda Nation-Link oo ku furay rasaasta qoriga AK 47. "Waxaa noo yimid nin ordaya xilliga Salaada subax oo leh, Libaax baa halkan nin ku haysta, markiiba aniga keliya ayaa tegay halkii uu ninku ii tilmaamay oo dhowr talaabo ii jirtay, markii aan arkay Libaaxa oo ninka ku dhegan waxaan ka dul riday rasaas, kadib wuu cararay libaaxii, waanan isaga soo laabtay, waxaan u imid ninkii kale ee waardiyaha ila hayey, muddo 10 daqiiqo gudahood ayaan ka war helnay Libaaxii oo naga soo galay xagga laamiga dalcada yar leh ee u dhexeysa maxkamadda gobolka & maxkamadda rafcaanka, waxaana rasaas ku riday ninkii kale ee ilaalada ila hayey, halkaas buuna libaaxu ku dhintay" ayuu yidhi Axmed Cali Jumcaale oo ah mid ka mid ah labadii nin ee libaaxa dishay.
Guud ahaan magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha fadhi ku dirirada ayey dadku hadal hayeen dhacdada xalay ka dhacday xaafada X/weyne, waxeyna muujiyeen in wax lalal yaabo ay tahay in libaax uu dad ku cuno mid ka mid ah xaafadihii ugu caansanaa magaalada Muqdisho, waxeyna dadku ku eedeynayeen in dhibaatada uu libaaxu geystay uu mas’uuliyadeeda lahaa ninka soo xareystay isaga oo aanan u heli karin wax uu ku quudiyo, waxeyna ninkaasi ku tilmaameen in uu yahay nin qeyru mas’uul ah. ‘Neef geel ah ayuu deg deg ku kala goynayaaye, ma wuxuu u daahayaa qof bini’aadam ah oo aanan iska jirin oo uu ka soo dul degay" ayuu yidhi mid ka mid ah dadka ku dhaqan X/weyne.
Xigasho:-Buulka www.jawhar.com Dhibaatada Daarfuur
Waxa ay dowladda Sudan sheegtey iney tallaabo ka qaadeyso Janjaweedka oo ah Maliishiyada carbeed ee la sheegey iney Daarfuur ku dishey kumannaan dada ayna burburisey guryahoodii.Dowladda Sudan laf ahaanteeda ayaa horey loogu eedeeyey iney hubeyso maliishiyada carbeed si ay u jabiso falaagada dowladda uga kacsan Daarfuur, arinkaas oo ah wax ay dowladda Sudan beeneysey.Laakiin Safiirka Sudan u jooga London, Dr Hassan Abdin ayaa sheegey in masuuliinta Sudan ay durba qorsheysey hub ka digista Janjaweed.Waxa uu uu yidhi Ambassador Abdin, ficilkani waa siyaasad ay dowladda Sudan horey ugu dhawaaqdey intii uusan Xoghayaha Guud ee QM booqan Sudan. Laakiin buu yiri iminka waxa ay dowladda Sudan muujineysaa ballangal kale oo muuqda iyadoo durba dowladda Sudan ay go'aan ku gaadhey iney Daarfuur u dirto asakar gaadheysa ilaa 6,000 iyo saraakiil boolis ah. Waxa Dr Abden uu intaas ku darey, waxa aan u maleenayaa hadda inta hadalkani uu socdo in askartaas la direy.Qofna ma hubo in dowladda Sudan ay oofineyso ballanka ay gashey. Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Sudan, Jan Pronk ayaa sheegey in bulshada caalamka ay la gudboon tahay iney fiira gaar ah u yeelato dowladda Khartum. Waxa uu Mr Pronk intaas ku darey in haddii bulshada caalamku aysan dhinacyda isku haya Sudan oo ay dowladu ku jirto caddaadis xooggan amuurtan lagu saarin, in markaas ay dhici karto in xaaladdu ay ku noqoto halkeedii hore. Waxa uu yiri Mr Pronkwaxa aan u baahanahay in dhinacyada Sudan culeys la saaro, waxa aan u baahannahay taageero dhaqaale, waxa kale ay u baahanaysaa culeys siyaasadeed. Dhinaca kale inkastoo ay haatan xabad joojin ka jirto Daarfuur, haddana waa meel ay qululatooyinku caadi u yihiin, gargaarka dadka loo fidinayana dhakhso uma gaadho Daarfuur.QM waxa ay ka dardaarwarisey in kummanaan dad ah ay gaajo iyo cuduro ugu dhiman karaan Daarfuur. Sidaas ooy taheyna, ilaa iminka ma jiro xal siyaasadeed oo lagu daminayo dhammaan iska horimaadyada markii horaba sababey mashaakilka ka taagan Daarfuur.
Xigashi:-Bogga BBCda ee www.bbcsomali.com Dagaalada Yaman (HTO):-Wararka ka
imanaya dalka Yaman ayaa baa sheegaya in weli uu socdo iska hor
imaadkii u dhaxeeyay ciidamada dawladda Yaman iyo taageerayaasha
wadaadka Shiicada ee la yidhaahdo Xuseen Badruddiin Al-Xuuthi oo
dhufays ka dhigtay buuraha ku yaala waqooyiga galbeed ee dhulwaynaha
Yaman una dhaw xuduudda
Dambiyada wadaadkaas loo haysto
ayaa waxaa ka mid, iyadoo ay dawladdu ku eedaynayso inuu ku kacay
falal
Xisbiyada mucaaradka ayaa aad u dhaliilay sida ay dawladdu ula tacaashay dhacdadan,taasoo keentay inay dawladdu ku hanjabto inay xisbiyo badan xidhi doonto. Xigasho:- Kanaalka Aljaziira/wakaaldo Wadaado Muqdisho lagu afduubay Muqdishu:-Dalladda culumada Soomaaliyeed ayaa fal dambi ah oo gaadhsiisan gaalnimo ku tilmaamay qof kasta oo qof Muslim ah u gacan geliya cadow isagoo dhaqaale ku raadsanaya.Bayaan ay soo saartay dalladda culimada ayaa ka dambeysay kaddib markii todobaadkii hore labo wadaad ay kooxo afduub ahaan uga ka xeysteen gurigooda oo xaafadda SOS ku yaala iyadoo la sheegay in loo gacan geliyay dowlado shisheeye, waxaana la sheegayaa in labada nin mid ka mid ahi uu ahaa meyd.“Ma banaana in qof Muslim ah la waxyeeleeyo naftiisa iyo maalkiisa, dadka Muslimiintun waa walaalo” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay dalladda culumada Soomaaliyeed oo uu ku saxiixnaa ku simaha guddoomiyaha dalladda culumaa’udiinka Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.Culimada ayaa ku sheegay bayaankooda inay tahay dambi gaadhsiisan gaalnimo qof Islaam ah oo loo gacangeliyo cadawogiisa isagoo dhaafsanaya hanti aan qiimo laheyn.Bayaanka ayaa looga hadlay arrimaha keenista ciidamo shisheeye ee dalka iyo qodobo ka mid ah Axdi Qarameedka DKMG ah ee la doonayo in lagu soo dhiso magaalada Nairobi.Bayaanka ayaa si aad ah loogu dhaliilay qodobo ka mid ah Axdi Qarameedka ee dowladda mustaqbalka Soomaaliya loogu soo dhisiyo Mbagathi. Xigasho:-Bogga hornafrik.com Shirka Soomaalida ee Nayroobi
Nairobi:-Maanta, July 5, ayaa haddaba la filayey in
ay qabaa'ilka soo gudbiyaan sida ay u kala qeyb-qeybsadeen
xubnaha baarlamaanka, waxayna u muuqataa in inkastoo
qabaa'ilka qaar la leeyahay wey isu dhow yihiin oo xal bey
ku dhow yihiin in haddana ay weli jiraan qabaa'il u baahan
doona in la kala dhex galo, sababtaas ayeyna ahayd sababtii
loo sameeyey guddiga xallinta khilaafaadka.
Maxaa cusub? Dhinaca kalena, waxaa maanta safaaradda Talyaaniga ee magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay wada jir u lahaayeen waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya, xubnaha dowladaha IGAD ee shirka Soomaalida iyo guddiga loo bixiyey Guddiga Fududeynta Maamulka Shirka Soomaalida oo qabaa'ilka Soomaaliyeed ay u soo dorteen in ay hagaan shirka Soomaalida. Sida ay sheegeen xubno ku dhow-dhow shirkaasi, waxaa halkaasi looga hadlayaa sidii ay Soomaalidu u hagi lahayd shirka Soomaalida marka la soo doorto xubnaha baarlamaanka oo shir-guddoonka iyo xoghayntuba ay isula shaqeyn lahaayeen. Guddigani waxa ay hawshiisu ku ekaan doonaa ilaa shirka uu dhammaanayo oo xildhibaannada la dhaariyo, madaxweynaha la doorto, dabadeedna la soo laabo guud ahaan gogosha shirka Soomaalida. Xigasho:-Bogga BBCda ee www.bbcsomali.com Muranka Puntland
Xigasho:-Bogga Puntlandpost.com Baaq Salaadiinta Soomaaliland ay soo saareen Hargaysa:-Madaxdhaqameedyada Sare ee Beelaha Somaliland ayaa markii u horreysey bayaan wadajir ah ka soo saaray shirka Soomaaliya uga socda Mbaghati iyo saamaynta uu ku leeyahay Somaliland. Bayaankaas oo ay saxeexeen 25 Salaaddiin iyo Boqorro isugu jira, isla markaana xalay saxaafadda soo gaadhey, waxay madax-dhaqameedyadu ku socodsiiyeen Guddiga Farsamada IGAD ee Shirka Kooxaha Somaliya, fadhigooduna yahay Nayroobi, Dowladaha ku bahoobey Ururka IGAD iyo xubnaha beesha Caalamka ee ku hawlan shirkaas. Waxayna ku tilmaameen inay ujeedadu tahay inay Bulshada Somaliland iyo beesha Caalamkaba u caddeeyaan khatarta shirka Nayroobi ka soo fool leh iyo cawaaqibxumada ka iman karta hirgelinta go’aamada shirkaas iyo inay iftiimiyaan majaraha shirka ay ku hagayaan IGAD iyo Beesha Caalamku. Bayaankan oo ay odayaashu baaq dhawr qodob ah ugu soo jeediyeen Shirka iyo cidda maamulaysa, isaga oo dhammaystiran wuxuu u qoran yahay: “HORDHAC: - Sida la wada ogsoon yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu soo maray marxaladaha kala ah: 1. Somaliland Protectorate 1884-1960 Arrintu si kasta ha ahaatee, Jamhuuriyadda Somaliland mudadaasi waxay ku taabo-qaadday markay u qabsoomeen arrimahani: 1. Sugidda Nabadgelyada Dalka Tallaabooyinkaas oo dhan Jamhuuriyadda Somaliland waxay u dhabar adaygtay hirgelintooda si ay u xaqiijiso masiirka ummaddeeda oo ay ku hirgeliso dimoqraadiyad dhab ah, si ay uga hesho beesha caalamka aqoonsi una hanato maadaama ay buuxisey shuruudihii looga baahnaa. Waxase wax lala yaabo ah in beesha caalamka iyo IGAD ay mareen majarayaal khaldan oo ay intoodii badnayd ku fashilmeen sida (Hawlgaladii iyo shirarkii): · UNISOM Kuwaasi oo dhammaantood ku liddi ahaa qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, shirkanina waxba kagama duwana kuwii hore, iyadoo uu dheer yahay shirqoollo badan oo la adeegsanayo. NUXURKA SHIRKA NAYROOBI: 1. DASTUURKA: Dastuurka lagu sameeyey shirka Kenya oo xadgudub ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo lagu cadeeyey xuduudaha dalkii loo yaqaanay (Somali Republic), halka beesha caalamka iyo IGAD ay leeyihiin kuma jirto Jamhuuriyada Somaliland. 2. QAYBINTA IYO U GACANHAADINTA IGAD: Shirka waxa lagu hayaa qayb qaybin iyo u gacan-haadinta bulshada Somaliland sida Salaaddiinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Axsaabta iyo Ururrada Bulshada, taasi oo ay wadaan xubno IGAD ka mid ah ujeedaduna tahay in lagu burburiyo midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland. 3. XUDUUDAHA IYO QABAA’ILKA: Haddii ay dowladaha Safka Hore ee IGAD, shirka ay ka wadaan dhexdhexaadinta Soomaalida ay damacsan yihiin si dadban iyo si cadba inay hadoodilaan iskudar Iwm, iyagoo iska indhatiraya xuduudihii caalamiga ahaa ee Lixdanaadkii, ayna u arkaan inay shirka ku wadaan hab-dahsoon iyagoo adeegsanaya sifo Qabiil, ha ku talogalaan IGAD iyo beesha Caalamku in beelaha shirka loo qaybiyey ay degaan NFD (Kenya), Kililka Shanaad (Itoobiya) iyo Jabuutiba, taasina ay sababi doonto in la tuuro xuduudaha la ictirafsan yahay ee hadda jirta, arrintuna isu bedeli doonto xuduudo isir. Ciddii taasi dani ugu jirto ha caddeeyaan mawqifkooda. 4. SIYAASADAHA MAQAARSAARKA AH: Waxaa ka mid ah af-gobaadsigii ka soo baxay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan shirka (Soomaaliya), waxaanu u aragnaa sarbeeb ku salaysan shirqool dibloomaasi ah oo loo macnayn karo “MAANTA IDIN DILIMAYNO EE BERRITO AYAANU IDIN DILEYNAA”. Oo biyo-dhiciisu ahaa marka Dowlad Soomaali oo dhan ku magacaabanoo koonfuraysan la dhiso, lana ictiraafo idinkuna (Jamhuuriyada Somaliland) tihiin shacbi ka mid ah oo aan la aqoonsanayn ayaad wadahadal yeelan doontaan: BAAQ: 1. Waa in Dastuurka shirka yaalla laga tirtiraa lagana saaraa
dhammaan wixii Jamhuuriyadda Somaliland khuseeya. Walaalahayaga Koonfureed (Soomaaliya) waxaanu ugu ducaynaynaa in dhibaha colaadeed ee dhexyaalla Illaahay ka dhex qaado nabadna ay ku wada noolaadaan. GEBAGEBO: 1. Waxaannu ummadda Somaliland u soo jeedinaynaa shacbi iyo
xukuumadaba inay si feejignaan leh ula socdaan waxkastoo
turunturro ku keeni kara midnimada Somaliland ama dhantaali kara
qaranimada iyo horumarka. MAGACYADA SALAADDIINTA SAXEEXAY BAYAANKAN: 1. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Cabdirisaaq M.Dubbad, Hargeysa Xigasho:-Bogga Somaliland.org Doodda Xisbiyada Soomaaliland Hargaysa:-Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horreysey xalay isku waajahay dood furan (panel discussion) ku saabsan saamaynta uu shirka Mbegathi ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ku yeelan karo Somaliland. Dooddaas oo ka mid ah barnaamuj taxane ah uu soo qabanqaabiyey Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo madax ka ah xarun cusub oo lagu magacaabo Xarunta Abuurista Xalka (Centre for Creative Solutions), waxa ka qaybgalay, aragtiyahoodana ka dhiibtey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo isagu ka socdey Xukuumadda iyo Cabdillaahi Geeljire oo xisbiga UDUB ah, iyada oo ay dhegeysanayeen dad gaadhaya Boqol qof oo ah aqoonyahanno ka kala socdey Axsaabta, ururrada Bulshada Rayidka ah iyo siyaasiyiin madax bannaan, kuwaas oo iyaguna su’aalo la xidhiidha mawduuca weydiiyey masuuliyiinta axsaabta iyo xukuumadda, isla markaana aragtidooda ku biirinayey doodda. Dooddani waxay ka dambeysey digniin xisbiyada mucaaridka ah, Salaaddiinta iyo siyaasiyiin madax bannaaniba ay ka bixiyeen saamayn xun ama khatar Somaliland kaga iman karta shirka Nayroobi oo hadda ku jira wejigiisii ugu dambeeyey, natiijadiisana la sugayo bishan July. Marka laga reebo labada Xisbi ee Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE, waxa aan dooddaas uga soo qaybgelin sidii loogu talagalay Xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda UDUB oo aan iyagu weli mawqif adag sida ka salaaddiinta iyo Axsaabta iska taagin arrinta shirkaas Golaha Sharcidejinta oo qorshaha dooddaas ku jirey. Iyadoo sida uu ii sheegay Dr. Bulxan, isla markaana hore loogu sii wargeliyey dhinacyada kale ee dooddaas iska soo horfadhiisanayey lagu martiqaaday doodda Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Mr. Maxamed Ismaaciil Bullaale iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe). Hase yeeshee, xubnahaas midna kama soo xaadirin madasha. Waxaana la sheegay in Edna Aadan ay isla shalay galab u dhooftay Addis Ababa, Itoobiya, Xoghaya Guud ee UDUB iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Qaybe-na ay ka cudurdaarteen inay ka qaybgalaan dooddaas, sida la sheegay sababo caafimaad-darro awgeed. Markii qaddar nusa-saac ka badan la dhaafay waqtigii loogu talagalay in barnaamujku bilaabmo (7:30 fiidnimo), xubnahaasina aanay weli iman ayaa qabanqaabiyaha, Dr. Bulxan waxa uu soo fadhiisiyey miiska doodayaasha Xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB, Cabdillaahi Geeljire oo ka mid ahaa dadka dhegeysanayey doodda, si uu u buuxiyo kaalintii Xoghayaha Guud ee xisbigaas, waxayna dooddu u furantay Saddexda Xisbi qaran, balse goor dambe ayaa waxa soo gaadhey Wasiirka Maaliyadda Somaliland, mudane Cawil Cali Ducaale oo isaguna metelayey Xukuumadda. Mawduuca doodda oo ahaa “saamaynta iyo Cawaaqibka Somaliland kaga iman kara dowlad Soomaaliya loogu soo dhiso shirka Mbegathi ee Nayroobi, Kenya”, isla markaana ah arrin xasaasi ah oo beryahan dambe ku soo kordhay masraxa siyaasadeed ee dalka, isla markaana is-faham la’aan badan dhaliyey, waxay dhammaan dhinacyada ka qaybgalay isku raacsanaayeen in goonni-isu-taagga Somaliland uu yahay go’aan shacbi oo lama taabtaan ah, gorgortanna aan la gelin karin iyo mawqifka guud ee Somaliland ka taagan tahay shirkaas iyo wax ka soo baxa. Hase yeeshee, waxay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin saamaynta dowladda Soomaaliya loogu soo dhiso shirkaasi ku yeelan karto Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal dheer ku furay dooddaas waxa uu sheegay in uu ahmiyed weyn siinayo mawduuca laga doodayo oo uu ku tilmaamay mid qaraweyn oo saamaynaya aayaha iyo qaranimada Somaliland, sidaa darteed, hadalkiisu uu noqonayo mid dhaleecayn iyo cambaarayni ay ka madhan tahay, isla markaana aanu ahayn mid xisbi ama dowlad ku foorora sidii hore u dhici jirtey. Afeeftaas kadibna waxa uu di qota dheer uga hadlay marxaladdihii Somaliland soo martay tan iyo 1991kii markii lagu dhawaaqay goonni-isu-taagga iyo sidoo kale, dedaalkii markasta barbar socdey ee beesha Caalamku ku doonaysey in nabad iyo dowladnimo laga dhaliyo Soomaaliya, kuwaas oo ilaa iyo hadda socda. “Tan iyo markii aynu la soo noqonay madax bannaanideena waxaynu taagneyn mawqif, mawqifkaas oo ah, anagu haddaanu Somaliland nahay qaranimadayadii oo buuxda baanu la soo noqonay. Laba, dalkayaga waanu u soo halganay, dhiig baannu u soo qubnay, waannu maroorsanay xorriyadayada, hawl badana waanu u soo marnay oo dib mar kale si fudud nooga lumi mayso,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. “Ta Saddexaad, Arrimaha ka socda Soomaaliya – iminka iyo markii horeba – arrimo anaga noo yaalla maaha. Dilkooda, burburkooda, is-layntooda, waa dad aanu wada dhalanay, waa dad aanu mandaqad ku wada noolahay oo saamayn way nagu yeelan kartaa dhibaatooyinka ka socdaa. Markaa lama jeclin dhibtaa ee waannu jecelahay inay nabadgelyo ka dhalato, laakiin, shirarkoodu anaga nama khuseeyaan,” ayuu raaciyey. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in Somaliland mudadaas wax badan qabsatay, horumar, dowladnimo ilaa doorashooyin xor ahna ay gaadhey. Taasi waxa uu sheegay in qodobadaa hore ee mawqifka Somaliland ay ku soo kordhisey in marka Soomaaliya nabadgelyo ka dhalato, dowladna ay dhistaan iyada oo laba dowladood oo siman ay yihiin Somaliland iyo Somaliya ay ka wadahadlaan wixii ka dhexeeyey iyo sidii ay wax u wada qabsan karaan, taas oo uu sheegay in caalamku ku qancay. Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in Soomaaliya loo qabtay shirar badan, balse dhammaantood aan lagu guuleysan in ay dhexdooda nabadgelyo ka sameeyaan, dowlad tamarisana lagu dhiso. Laakiin, waxa uu sheegay in shirkan hadda ka socda Mbegati uu ka duwan yahay shirarkii hore marka la eego ayuu yidhi dareenka beesha caalamka, dedaalka lagu bixiyey iyo sida wax u socdaan, waxana uu ka warramay in shirarkii hore beesha Caalamka, waddamada gobolka iyo kooxaha laftooduba ay ku kala aragti duwanaayeen, isla markiibana ay fashilmi jireen, tii ugu saamaynta ama taageerada caalamka badnaydna ay ahayd dowladdii Jabuuti lagu dhisay oo loo ogolaaday Kursigii Soomaaliya ee Q.Midoobey, iyadoo aanay dowladda badan oo awood lihi aqoonsanayn. Waxa uu sheegay in shirkan Neyroobi oo socdey muddadii ugu dheerayd ee shir socdo dowladaha caalamku ay u dhan yihiin, isla markaana laga hadhi waayey Soomaalida, iyadoo loo arkay ayuu yidhi Soomaaliya meel halaq galeen ah, laguna khasbayo in dowlad loo dhiso, waxana uu tusaale u soo qaatay in haddii Soomaalida laysu daayo in mar horeba lagu kala yaaci lahaa. Waxa uu sheegay in dhaqaale badani ku baxay shirkaa, dowladda lagu dhisona loola diyaar yahay dhaqaale kale oo badan iyo ciidamo shisheeye. “Marka aad arrimahaa eegto, waxa isweydiintu tahay oo werwer yeelanaysa ma mawqifkii aynu taagnayn ee ahaa arrinta shirka Imbegati annaga nama khusayso ayaa hirgelaya mise meeshaa wax kale ayaa ka soo baxaya?” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Waxana uu intaasi ku daray oo uu sheegay in inkastoo caalamku qiray nabadda iyo horumarka iyo dimoqraadiyadda ka hirgashay Somaliland, isla markaana laga reebay shirka Kenya, haddana, dhinaca kale, dastuurka shirkaas lagu sameeyey oo koobaya xuduudihii Soomaaliyadii hore, dareenka caalamka iyo sida wax u socdaan shaki ay leedahay. “Markaa su’aashii ahayd shirka Nayroobi saamayn ma inagu yeelan karaa, jawaabteedu waa HAA, weliba saamayn weyn oo xun buu inagu yeelan karaa. Waxaynu ka yeelayno iyo waxaynu kaga tashanayno waa meesheeda,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, waxana uu sheegay inay tahay khalad in aynu is-dhigano oo nidhaahno shuqul inaguma laha. Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isagu sheegay in dowladda lagu soo dhiso shirka Kenya iyo go’aamada ka soo baxaa aanay khusayn Somaliland, isla markaana ay ku kooban yihiin Soomaaliya. Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka warramay socdaalkii uu ku soo maray dalalka IGAD iyo arrimihii ay ku wadahadleen madaxda waddamada shirka wada. Waxana uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya loo aqoonsaday laba Maamul (Entity) oo kala duwan, marka xaggaa dowlad laga dhisona ay wadahadli doonaaan Somaliland. “Shirkaa ka socda Imbegati anagu waxa aanu u aragnaa inuu yahay shir ku kooban Koonfurta Soomaaliya oo aan Somaliland khusayn, shuqulna aanu ku lahayn. Somaliland haddaynu nahay inagu hore ayaynu mawqifkeenna u caddaysanay, waxaynu nidhi anagu dowlad ayaanu nahay, Somaliland ayaa nala yidhaahdaa, qabaa’il yooyootamaya ma nihin. Markaa caalamku mawqifkeennii ayuu qaatay, dibadda ayaana laynooga saaray shirkaa,” ayuu yidhi. Faysal Cali Waraabe, waxa uu yidhi; “Inagu yaynaan baqdin isgelinin oo aynu dadka ka deyno shugux-shuguxda aynu u garaacayno,” ayuu yidhi. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga tabaabushaysto wadahadalka wixii shirkaa ka soo baxa, taas oo uu sheegay in axsaabtu ku heshiiyeen July 2003 iyo sidii loo dhammayn lahaa waxyaabaha ka qabyada ah Somaliland, sida xuduudaha oo la sugo. Wasiirka Maaliyadda Somaliland, mudane Cawil Cali Ducaale ayaa isaguna sheegay in shirkaasi aanu khusayn Somaliland, haba yaraatee, wax baqdin ah iyo wax saamayn ah oo Somaliland kaga imanaysaana aanay jirin. Waxase uu sheegay in khatartu ay ka iman karto haddii uu xintan iyo ficiltan soo dhexgalo ummadda Somaliland, taas oo uu sheegay inay tahay sababtii ay ku luntay gobanimadii Somaliland 1960kii. Waxa uu sheegay in dedaal ay xukuumaddu samaysay uu keenay in Somaliland laga reebo shirkaas, laguna koobo Koonfur oo keliya. Waxa uu ku celceliyey in shirkaasi aanu wax dhibaato ah inoo lahayn. “Dembi ummadda laga galo oo ka weyn in la baqa geliyaa ma jiro,” ayuu yidhi. Waxa kale oo uu ku tilmaamay qof ku jira ‘Khiyaamo Qaran” oo caddaan ah qofka reer Somaliland ah ee yidhaahda “aynu la hadalo qabqablayaasha dagaal ee Soomaaliya. Ambassador Cawil, isaga oo ka hadlaya wax u dammaanad qaadaya in shirkaasi aanu saamayn ku yeelan Somaliland waxa uu sheegay in 45 waraaqood ay u direen (xukuumad ahaa) dalalka IGAD ee shirkaa gacanta ku haya, kuwaas oo aanu ugu sheegnay ayuu yidhi haddii shirkaas uu inyar oo saamayn ah ku yeesho Somaliland ama dhibaato ka soo gaadho in khasaaruhu wada gaadhi doono gobolka oo dhan, isaga oo ku faanaya halgamayaashii SNM ee ridey taliskii Siyaad Barre. Mr. Cabdillaahi Geeljire oo isaguna u hadlay UDUB ayaa sheegay in ay gar tahay haddii la yidhaahdo aynu ka foojignaano saamaynta shirkaa inagaga iman karta, sidoo kalena aan loo baahnayn in dadka la baqe iyo cabsi geliyo. Aqoonyahanno dhawr ah ayaa iyagu fikradahooda ku muujiyey saamayn lama huraan ah oo Somaliland kaga iman karta shirkaas. Dadkaas oo isugu jirey siyaasiyiin iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, waxay tilmaameen in khatarta ay ka werwerayaan aanay ahayn keliya dowlad loo dhiso Soomaaliya, balse dayaca badan ee Somaliland haysta, is-dhigashada iyo talo la’aanta jirtaa ay wiiqi karto awoodda Somaliland iyo iska caabinta shirkaas. Dr. Bulxan ayaa ugu dambayntii isaguna ku taliyey in loo baahan yahay xaaladdan oo kale in Asxaabta Qaranku ay wada-tashi yeeshaan, talada la ballaadhiyo, dadkana xog la siiyo. Waxa uu sheegay in Barnaamujkan oo loogu magacdaray CAAWA TALO KEEN toddobaadkiiba la qaban doono habeenka Arbacada, iyada oo laga doodayo hadba mawduuca taagan. Dooddan oo aad u dheer iyo fikradihii laga dhiibtey intii suurtagal ah iyaga oo dhammaystiran waxaad ka akhrisan doontaan halkan. Cabdirisaaq M.Dubbad, Hargeysa Xigasho:-Bogga Somaliland.org |